- Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda
ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka
- Qoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkadd sare oo loo
Akhriyey Baarlamaanka
Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalik Baydhabo.
Email:
fatxumaalik@hotmail.com
Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda
ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka
Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Baarlamaanka oo uu shir
gudoominayo Gudoomiye Sh.Aadan Max’ed Nuur {Sh.Aadan Madobe} oo ay
ku wehliyaan labadiisa ku xigeen, islamarkaana ay soo xaadireen 157
mudane oo lagu dhegeysanayey qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda
Prof. Geedi ee dhinaa, Qoraal ku saabsan qaabka loo xirey
Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garoore Sheegow oo go’aan ay ka
qaateen Xubnaha Golaha Wasiiradda oo loo soo gudbiyey Gudoomiyaha,
islamarkaana si loo waafajiyo sharciga si loogu Akh’riyo xubnaha
Golaha Baarlamaanka, Waqti loo qabtey in miisaaniyadda dowlada ay ku
soo gudbiso xukuumada Prof. Geedi ee waqtigeedu sii dhamaanayo,
sidoo kale waqti loo qabtey Wasiiradda ka dhego adeygay u
yeeritaanka Baarlamaanka iyo laba xubnood oo uga wakiil ah
Baaralamaanadda Carabta oo warbixin laga dhegeysanayey ayaa ka
dhacay hoolka shirarka Baarlamaanka ee Magaalada baydhabo.

Kalfadhiga baarlamaanak DFKMG ee baydhabo
Gudoomiye Sh. Aadan Madoobe oo ugu horey Mudanayaasha u soo jeediyey
in waqti kama dambeys ah loo qabto Wasiirada dhiman ayaa wuxuu
hadalkiisa ku bilaabay “Mudanayaal waxaan soo jeedinayaa in waqti
loo qabto wasiiradda dhiman laga bilaabo 20/09/2007-03/10/2007, in
wixii ka dambeeya xiligaas Wasiirkii ku imaan waaya uu Baarlamaanku
go’aan rasmi ah ka gaaro, Xukuumaduna waa inay iyaduna mudodaas ay
ku soo gudbisaa miisaaniyada Dowlada, waayo bil wax ka badan ayaa la
leeyahay waan soo gudbinaynaa miisaaniyada Dowlada”.

hoos midig: Wasiirka Deegaanka iyo kan Batroolka , iyo xog-haynada
Baarlamaanka, kor Gudoonka
Soo jeedinta gudoomiyaha ayaa qaar ka mid mudanayaasha ka caroodey,
mudanayaasha ka soo horjeestay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan
Avv.Caydiid I-lko Xanaf isagoo ka soio horjeeda soojeedinta
gudoomiyaha ayaa wuxuu yiri “Dunidu Baarlamaano ayey leedahay oo
qaarkood 900 oo Sano jira, hadii Baarlamaanku uu u yeero qaar ka mid
ah Xukuumadda oo imaan waaya waa inay jiraan wax ka dambeeya, in u
yeerista lagu cel celiyo, wax micno oo ay leedahay ma jiro,
Baarlamaanka cidii uu u yeero oo imaan weysa waa in wax laga qabtaa,
Cidii been Baarlamaanka hortiisa ka sheegta waa in iyaduna wax laga
qabtaa, Xeer hoosaadka Baarlamaanka waa in lagu daraa, qofkii ka
dhego adeyga u yeerista Baarlamaanka, in loo aqoonsado qof maxkamad
ku gardaroodey”.

wasiirka Batroolka oo warbixin siinaya Baarlamaanka
Hase ahaatee soo jeedinta gudoomiyaha ayaa meel martey, arintaan soo
jeedinta ah ayaa xubnaha odorosa siyaasada Soomaaliya waxay ku
sheegayaan in ay tahay mid Xukuumadda loogu badinayo culayso fara
badan oo ka haysta xag Sharci, midka siyaasadeed, mid dhaqaalo iyo
mid difaacba, waayo dadka ku xeel dheer arimaha sharciga waxay ku
sheegayaan in Xukuumadu waqtigeedu sii dhamaanayo, islamarkaana uu
ku eg-yahay 12/10/2007, laakiin waxay keloo sheegayaan sharcinimada
xukuumada ka sokow inta aan laysla gaarin in caqabado fara badan ay
jiri doonaan oo qaabka looga gudbo aysan dhib yaraan doonin.

midiga Xayd, Bidix Xaraare
Qoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkadd sare oo loo
Akhriyey Baarlamaanka

Bidix Garsoore Sheegow, midig Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali
Haaruun
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Max’ed Nuur {Sh. Aadan Madoobe} oo
maanlintii shalay shir gudoominayey kulan ay isugu yimaadeen
mudanayaasha Baarlamaanka ayaa u soo jeediyey in waqti u qabto
Baarlamaanka in Xukuumadda Prof. Geedi ay ku soo gudbiso
Miizaaniyadda Dowlada iyo xubnaha Golaha Wasiiradda ee ka dhego
adeygay u yeerista Baarlamaanka, qaar ka mid ah mudanayasha
baarlamaanka oo qaarkood mudo badan ka maqan fadhiyada Baarlamaaka,
iyagoo aan wax fasax ah lagu ogeyn iyo xubno kale oo uu ku sheegey
gudoomiyuhu iyagoon aan fasax qaadan inay iska tagan magaaladda
muqdisho iyo gobolada dalka qaar, wuxuuna carabka ku adkeeyey in
waqti loo qabto kuwa maqan islamarkaana kuwa iska tagana la soo
ogaado, hadii ay ka waan toobi waayaana loo gudbiyo Gudiga Anshaxa.
Gudoomiye Sh.Aadan Madoobe wuxuu keloo xubnaha Baarlamaanka u soo
jeediyey in la dhegeysto Qoraal ka soo baxay Golaha Wasiiradda oo uu
ku sixiixan yahay Ra’iisul wasaare Geedi, Qoraalkan ka soo baxay
Golaha wasiiradda oo ujeedadiisu ahayd mid lagu burinayo Xariga
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow ayaa
markii uu gudoomiyaha amarey in loo Akh-riyo xubnaha Baarlamanka
waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan badan iyo markii la soo
gebagebeeyeyba, heer ay xaaladu ku sigato inmeel xun ay gaarto, in
badan oo ka mid ah mudnayaasha Baarlamaanka ayaa isugu tagay miiska
xog-haynada iyo kan Gudoonka, iyagoo qaarkood intii aan la Akh-rin
qoraalka ku doodey in la joojiyo, Gudoomiyaha oo ka qancinaya
ujeedadda qoraalka Baarlamaanka ayaa wuxuu yiri “Qoraalku waa mid
aniga la ii soo direy, islamarkaana go’aan iskama gaari karo
keligay, hay’adaha dastuurigana waxaa ka dhex jira khilaaweyn,
sidaas darteed marka la dhegeysto waxaa loo gudbinayaa, Gudiga ku
shaqada leh ee waa in la dhegeystaa maadaama qoraalada dowlada ee la
ii soo gudbiyo ay marka hore aniga si toos ah la iigu soo diro,
kadibna aan adinka dib idiinkugu soo gudbiyo”.

Markii uu dhamaadey qoraalkii ayaa waxaa bilowey buuq iyo sawaxan
badan mudanayaasha Baarlamaanka, qaarkood waxay doonayeen in
aragtidooda ay ka dhiibtaan, halka kuwo kale oo ka soo hor jeeda
Akh-rinta qoraalka ay iyaguna markooda furad ay ku buuqaan helay,
Gudoomiyaha oo si adag ula hadlay xubnaha Baarlamaanka ayaa wuxuu
yiri “Mudanayaasha sharafta lahoow hadii aadan ilaalin sharafta
anaguna ilaalin meyno wax sharaf ah, qoraalkan waxaa loo gudbinyaa
gudiga ku shaqada leh, isagaana ka soo baaraan degidoona, marka ay
soo gebagebeeyaan ayaa laga doodi doonaa”.
Qoraalka muhiimadiisa guud hadii aynu soo koobno ayaa wuxuu ahaa
sidan
In xariga Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo
Garsoore Maxmed Nuur Sheegoow uu yahay mid colaad, aar goosi iyo ku
xad gudub Axdiga KMG ee uu xuquuqda iyo xoriyada u leeyahay qofka
muwaadinka, waa in loo soo celiyaa sharaftoodii iyo maamuuskoodii.
Waxaana go’aaka Golaha Wasiiradda lagu xusay in Xilka laga qaado
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Avv. C/llaahi Daahir Barre iyo Ku
xigeenkiisa Cali Maxamed Yuusuf {Cali Yare}, islamarkaana gudi heer
Qaran oo ka kooban, Garyaqaano madax banana, Xubin nabad sugid ah
iyo xubin Booliiska ah oo soo baara kiiskan mudo 60-maalmood, oo
kadib ay u soo gudbiyaan Baarlamaanka.

Bidix Garsoore Sheegow, midig Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali
Haaruun, iyagoo dhex jooga Xaruntii Maxkamada sare ee DFKMG Baydhabo
Go’aanka Golaha Wasiiradda ayaa waxaa lagu xusay tilmaamo badan oo
ay ku burinayaan xariga Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garsoore
Sheegoow, waxyaabaha sida gaarka ah loo xusi karo ayaa waxaa ka mid
ah, in qodobada loo cuskaday xarigooda uu yahay midkii ay ku
dhaqmeysay dawladii hore ee Kacaanka oo 1991-dii la baabi’iyey,
taasoo ka hor imaanaysa Axdiga KMG, uuna isticmaaley Xeer ilaaliyaha
guud awood u gaar ah, xeer ilaaliyuhuna uusan ikh’tiyaar u lahayn
baarista Maaliyada, taasina waxaa u xil saran xafiiska Hanti dhowrka
guud, Xariga Gudoomiyaha iyo garsooraha waxaa ka horeeya talo soo
jeedin Gudiga Adeega garsoorka, lana soo marsiiyo Ray’iisul
Wasaaraha iyo Golaha Wasiiradda, kadibna loo gudbiyo Madaxweynaha,
laakiin waxaa halkaas ka cad in maalin kadib markii la xirey la soo
gaarsiiyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yir
qoraalka loo Akh’riyey Baarlamaanka.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalik Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com