Wararkii: Oct 2, 2007
-
Ciidamada Itoobiya oo xulanaya ciidamada
kala qayb qaadanaya nabad sugida magaalada Muqdisho
-
Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn
C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi waxaa noo wanaagsan in aan Gabre
luuqadda uu yaqaan ee dagaalka ah la wadaagno”
-
C/llaahi Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex
sano guuradii ka soo wareegatay doorashadiisii
-
Weriye C/Xakiim Cumar Jimcaale oo
xaaladdiisa caafimaad si weyn looga daryinayo
-
Iska hor imaadyo dhex maray maamulada
Somaliland iyo Puntland..
-
Ayaan Xirsi oo ku soo noqotay Nederland
Ciidamada Itoobiya oo xulanaya ciidamada kala
qayb qaadanaya nabad sugida magaalada Muqdisho
Kulan ay isugu yimaadeen Hay’adanaha nabad
sugida, maamulka Gobalka Banaadir, saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku
sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shalay ka dhacay xarunta gobalka
Banaadir, waxaana kulankaasi looga arrisaday arrimo fara badan oo la xiriira
sidii nabad loogu soo dabaali gobalka Banaadir. Dood dheer iyo falanqeyn
kadib ayaa waxaa la isku raacay in ciidam isku dhafan oo isugu jira Soomaali
iyo Itoobiyaan ay si wadajir ah uga qayb qaataan ammaanka gobalka Banaadir.
Ciidamada isku dhafka ah ayaa waxay ka hawlgali
doonaan saldhigyada, wadooyinka gobalka Banaadir. Saraakiisha ciidamada
Itoobiya ayaa waxay sheegeen in iyagu a y xulan doonaan ciidamada la shaqeyn
doona, hase yeeshee qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada oo aan wareysanay
ayaa waxay noo sheegeen in ay adkaan doonto in ay si wadajir ah u shaqeeyaan
ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay ayaa
xaalada Magaalada Muqdisho waxaa ka jiray nabadgelyo xumo baahsan kadib
markii ay ka dhaceen dagaalo xoogan iyo dilal joogto ah, iyadoo ay socdaan
hawlgalada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka sameynayaan.
Dowladda Federaalka markii ay soo gaartay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay
dhowr dagaal oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya
iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxayna dagaaladaasi sababeen khasaarooyin naf
iyo maalmba leh, waxaana meelaha qaarkood ka muuqda diiftii iyo darxumadii
dagaalada laga dhaxlay.
Hawlgalada ay sida wadajirka ah u sameynayaan
ciidamada Dowladda iyo Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in uu bilaaban doono
saacadaha soo socda, waxa uuna ku soo beegmay xili ay ciidamada Dowladda
gebi ahaanba ka soo baxay dhowr fariisimo oo ay ku lahaayeen isgoysyada
Muqdisho, waxaana arrintaasi si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha iyo waliba
ganacsatada, waxaana shalay la arkayay iyadoo dib loo furayo meheradihii
ganacsiga, waxaana sidoo kale dib u furmay isku socodkii gaadiidka iyo
waliba dadka.
Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn
C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi waxaa noo wanaagsan in aan Gabre
luuqadda uu yaqaan ee dagaalka ah la wadaagno”
Xasan C/llaahi Xirsi (Xasan Turki) oo u
waramayay Taleefishinka Al-jaziira barnaamijkiia Liqaa’ul Yawm, ayaa waxa uu
sheegay in uu sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya ee
ku soo duulay gudaha dalka Soomaaliya iyo ciidamada Dowladda Federaalka.
“Ilaa iyo 700 oo ciidan ah ayaa noogu diyaar ah
Koonfurta Soomaaliya, waxayna ciidamadaasi dhowr jeer ka dagaalameen
Magaalada Muqdisho xiligii Maxaakiimta kadib markii ay naga codsadeen
Mas’uuliyiinta Maxaakiimta” ayuu yiri Xasan Turki oo intaa raaciyey “Bashiir
Raage waxa uu ahaa nin Islaamka ka soo horjeeda, haddii aanan ka hortagi
laheyn aniga ayuu iigu imaan lahaa halka aan joogo”. Xasan Tukri waxa uu
sheegay in ay qayb ka yihiin ururweynaha Al-Qaacida, isagoo sheegay in
ururkaasi uu yahay mid Islaam ah oo u dagaalamaya sidii Islaamku uga bixi
lahaa dulmiga iyo duliga.
“Waxay wacdeen xoogga mareykan, maxaa noo
diidaya in aan wacano walaalaheena islaamka, waa iyaga ku tilmaamaya
shisheeye, miyeysan ogeyn in muslimku dhamaantii yahay walaao” ayuu yiri
Xasan Tukri oo mar la weydiiyey bal in ay la xajoonayaan Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Geedi, waxa uu ku jawaabay “Intaan la xaajooneyn
laheyn C/llaahi iyo Geedi waxaa haboon in aan la xaajoono General Gabre,
waayo Gabre luuqadda uu yaqaano waa dagaal”.
Ugu dambeyn Xasan Turki waxa uu sheegay in
ciidamadiisu ay ka badbaadeen weerarkii ay Diyaaradaha Mareykanku ku soo
qaadeen markii Maxaakiimta laga saarayey koonfurta Soomaaliya, isla markaana
ay haatan diyaar u yihiin inay dagaal dalka looga xoreyn la galayaan wax uu
yeeray caddowda Ummadda Soomaaliyeed.
C/llaahi Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex
sano guuradii ka soo wareegatay doorashadiisii
Mudadii sano ahayd ee uu xilka hayey C/llaahi
Yuusuf ayaa waxaa la dhihi karaa ma aysan qaban Dowladdu wax la taaban
karo, waxayna u qaybsaneed mar ay Dowladdu ku sugneyd Nayroobi, mar ay ku
sugneed Jowhar iyo Baydhabo, balse kadib dagaal ay la gashay maxaakiimtii
Islaamiga ayay Muqdisho ku qabsaday oo ay weli rabsho iyo dagaal lugta kula
jirto.
Mudadaa saddexda sano ah ee C/llaahi xilka hayey
waxa ay ku soo idlaatay jahwareer, hase yeeshee C/llaahi Yuusuf iyo Cali
Max’ed Geedi, marka la weydiiyo waxqabadka Dowladda waxay sheegayaan in
Dowladdu ay qabatay arrimo fara badan, balse shacabka ayaa qaba in Dowladdu
ay xaalka uga sii dartay, iyadoo la og yahay in shacabka Soomaaliyeed ay
haatan ku jiraan dhibaatooyinkii ugu ba’naa ee xagga noloshada, waxaana
Magaalada Muqdisho ka barakacay kumanaan kun.
Weriye C/Xakiim Cumar Jimcaale oo xaaladdiisa
caafimaad si weyn looga daryinayo
Weriye C/xakiim Cumar Jimcaale oo ka hawgali
doono Idaacadda Dowladda ee Magaalada Baydhabo ayaa dhaawac loo gaystay
11-kii Agoosto ee sanadkaan xiligaas oo la dilay agaasimayaashii Idaacadaha
Horn Afrik Cali Iimaan Sharmaake iyo Capital Mahad Axmed Cilmi ayaa haatan
xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayaa.
C/xakiim oo haatan ku jira Isbitaalka Keydsaney
ayaa waxay dhakhaatiiru sheegeen in xaaladdiisa aad u liidato, isla markaana
waxay sheegeen in aan dalka gudihiisa wax looga qaban Karin.
C/xakiim oo qaar ka mid ah xubnihiisa ay
burbureen, isla markaana dhanka neerfaha wax ka gaareen, ayaa waxa uu ka
codsanayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed in ay kala tacaalaan dhibaatadaasi.
C/xakiim oo shalay u waramayey saxaafadda ayaa
waxa uu mudo labo bilood ah ku jiraa isbitaalka Keydsanay, iyadoo lagu
sameeyey saddex qaliin oo ay dhakhaatiirtu sheegeenin ay ka badin waayeen
gurmad oo keliya.
Iska hor imaadyo dhex maray maamulada
Somaliland iyo Puntland..
Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa
shalay isaga hor yimid duleedka Magaalada Laascaanood, waxayna labada ciidan
is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, ilaa iyo haddana lama oga
khasaaraha kala gaaray labada dhinac, hase yeeshee warar ayaa waxay
sheegayaan in ciidamada Somaliland ay soo galeen gudaha Magaalada
Laascaanood inkastoo aysan jirin wax xaqiijinaya wararkaasi.
Dhawaanahan ayay labada maamul isku hor
fadhiyaan deegaanada gobalada Sanaag iyo Laascaanood, waxaana soo gaarayey
baaqyo ka imaanay caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobey oo soo jeedisay in
wada hadal lagu xaliyo khilaafka.
Binti Jaylaani iyo Aabbaheed oo la filayo in ay Mareykanka ka degto
Waxaa magaalada Minneapolis ee dalka
Mareykanka ka socda diyaargarow loogu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa
Binti Jaylaani Max’ed iyo Aabbaheed.
Soomaali fara badan oo ku nool halkaasi ayaa
waxa ay haatan si aad ah u sugayaan Binti iyo Aabbaheed oo lagu wado in
ay 6-da October gaaraan dalka Mareykanka.
Binti ayaa haatan ku sugan Magaalada
Nayroobi waxayna magaalada ka ambabixi doono 4-ta Bisha iyadoo 6-dana
gaari doonta Magaalada Washigton, kadibna waxay u gudbi doontaa
Magaalada Minneapolis.
Binti ayaa ah gabar Soomaaliyeed oo mudo la
xasuusan buro ka soo baxday afka, taas oo wax looga qaban wayay dalka
gudihiisa, hase yeeshee ay is xilqaameen in ay dalka dibaddiisa wax
looga qabto dad soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka.
Binti markay ka baxeysay Magaalada Muqdisho
waxaa horey u sii raacay Cayni Abuukar Gacal oo ka mid ah saraakiisha
sare ee dalladda Haweenka ee COGWO, waxayna fududey-neysay sidii Binti
iyo Aabbaheed u gaari lahaayeen dalka Mareykanka.
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool da lka Mareykanka ayaa iyagu gacan ka
gaystay sidii ay Binti u soo gaari lahayd dalka Mareykanka, waxayna
mahadcelin gaar ah u jeedinayaan Amiin Yuusuf Khasaaro oo ahaa Weriyihii
ugu horeeyey ee Web-Site-ka Somalitalk ku soo bandhiga dhibaatada ay ku
sugneyd gabadhaasi, sidoo kale waxaa loo mahadcelinayaa dalladda
Haweenka ee COGWO, Ururka SWACRO, Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ee
Minneapolis, Shirkadda Tabuuk Shipping, Isbitaalka Banaadir gaar ahaan
Dr. C/risaaq Cali Xasan iyo waliba in badan oo diiday in magacyadooda la
soo bandhigo, balse gacan weyn ka gaystay tabarucaadda gabadhaasi.
Binti waxa ay marka ay tagto Mareykanka geli
doontaa qaliin mudo socon doona, waana gabadhii labaad ee sanadkaan
caafimaad ahaan loo geeyo dalka Mareykanka, iyadoo bishii Feebaraayo ee
sanadkaan dalka Marykanka ay gaareen Muraayo Nuur Cali iyo Aabbaheed oo
ah gabar 11-sano jir ah oo iyadoo lix sano la kufsaday.
Ayaan Xirsi oo ku soo noqotay Nederland
DENHAAG: Ayaan Xirsi Cali ayaa dib ugu soo laabaay waddanka Nederland
maalintii isniinta kadib markii dowladda Mareykunku ay diidday iney
damaanadqaaddo nabadgelyadeeda. Arrinkaan ayaa waxaa xaqiijiyay ilo lagu
kalsoonaan karo oo xog siiyay wargeyska
NRC Handelsblad.
Sida uu ku warramay qofka sirta bixiyay,dowladda Nederland ayaa iska
diidday kharashka ku baxaya ilaalinta nabadgelyada Ayaan ee Mareykanka
gudihiisa. Sidoo kale Mareykanka ayaa iyaguna diiday iney mas’uuliyadda
nabagelyadeeda qaadaan.
Ayaan Xirsi ayaa horay sanadkii hore u aadday magaalada Washington,
ka dib markii hadaladdeedii ku saabsanaa diinta Islaanka ay hanjabaadi
ka soo gaartay. Ayaan, intii aysan shaqada ka helin machadka
American Enterprise Institute (AEI) ee Mareykanka, waxay aheyd xubin
ka tirsan baarlamaanka Nedrland, iyadoo ka tirsaneyd xisbiga VVD.
Sida laga soo xigtay wargeyska NRC, Ayaan, waxay dhaqdhaqaaqyadeedii
ka sii wadan doontaa waddanka Nederland maaddaama ay haysato ballanqaad
nabadgelyadeeda ku saabsan.
Markii ay Nedrland ka tagtay Ayaan, ayuu wasiirka caddaaladdu
Ernst Hirsch Ballin u sheegay dowladda Mareykanka in ay sugaan
nabadgelyada Ayaan Xirsi, ayadoo waliba billowgii dowladda Nedrland
arrinkaas gacan ka geysaneysay.
Arrimo la xiriira dhanka nabadgelyada dartood, wasiirku ma sharraxin
qaabka ay u ilaalinayaan, wuxuuse si cad u dheegay in ay sugayaan
nabadgelyada Ayaan Xirsi ee Nedrland gudeheeda.
Isha warka: MSN +
NRC Handelsblad.
SomaliTalk.com | Oct 2, 2007
Labo
Xildhibaan oo C/llaahi Yuusuf uga digtay in uu xil ka qaadis ku sameeyo Cali
Geedi…
.Dagaalo aad u kharaar oo xalay ka dhacay Muqdisho...
.Markab Dagaal oo Faransiis ah oo loo soo dirayo Xeebaha..
.Ciidamadii Booliiska ee ku sugnaa Qabuuraha Barakaat oo..
.DFKMG waxba kama oga Barakaca Muqdisho ka socda...
.ONLF oo sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalo..
.Prof. Guure oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Ururka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sep 29
Binti Jaylaani oo Minneapolis, Minnesota USA Ku soo beegan October 6,
2007
Go’aamadii 191 Odey dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ay ku sixiixeen Xamar
oo dhameystiran.
Taariikh-da ma duugoowdo ee akhri Go’aamadii
ay gaareen
Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo
duurjoogta Cali Xareed
Waxaa
ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la
gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”...
Akhri Jawaabaha
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|