Dadka soo barakacay ee ku jira xeryaha xaqootiga ee deegaanka sheikh
cali cabdulle iyo galgalato oo ay soo wajaheen dhibaatooyin aad u daran
Dadkaa oo aad u jilicasan wejiyadooduna aad ka dheehan kartid ayaa waxaa ay
ka warbixiyeen dhibaatooyinkaa noloshooda ku cusub waxeyna sheegeen in aysan
weligoog tuugsan isla markaana aqoon durugsan u laheyn habka loo dawarsado.

Waxyna intaasi raaciyeen in ay dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah
ay la soo deristay xili lagu guda jiro bisha barakaysan ee ramadaan qoysaskaan
oo ah kuwa dantu isu keentay kana soo barakacay gudaha iyo daafaha magaalada
muqdisho ayaa waxaa ay ku nool yihiin buushash 3 mitir ah oo ay ku galaan 4 qof
bushkiiba qaarkood mana laha bacaha roobka iyo qaraxda la iskaga celiyo sidoo
kale ma heystaan biyo la cabo iyo macuunta wax lagu karsado waaba hadii la helo
wax la karsadee ,

Dadkaan soo barakacay oo tiradooda lagu sheegay ilaa lixboqol oo qoys ayaa
waxaa qaarkood ku soo dhaweeyey sh:cali cabdulle kaas oo siiyey meel ay ka
dhistan buushashka.

Qaxootigaan oo aan qaarkood kula kulmay deegaanada galgalato iyo gubadley
ayaa waxaa iiga muuqatay tabar daro ,dhiig.la.aan hoy iyo hunguri la.aan
,waxaana ay ka koobnaayeen bulshada qeybaheeda kala duwan sida waayeel caruur
,haween qaarkood indha la. Agoon, dad dawarsada oo ay hada aan awoodin iskana
dhexjiifa buushashka dhexdooda iyada oo aananay jirin cid u maqan iyo cid halkaa
ku og.
Sida ay ii sheegtay haweeney haysata 9 caruur agoon ah oo isuma qado ah
seygeediina mudo sadax bilood ah uu aasan yahay oo lagu magacaabo fadumo
owcali: Ma shaqeysano mana tuugsano oo manaqaan sida loo baryo dadka halkaana
dadka joogo wax laga baryo ma heystaan ayey tiri iyada oo indhaheedu ay ilmo soo
buuxisay.
Sidoo kale xaawo ayaa ii sheegtayu in odaygeeda oo da.ah uu tuugsan jiray
hadana uu awoodi waayey in uu aado magalaada isaga oo jilcal isla markaana rooma
tiisimo waxa ay ku sheegat ku dhacday .

Dadka somaliyeed dhibaatooyinka heysta waxaa ka mid ah biyo la.aan hoyla.aan
.musqul la.aan, maadaama ay ku jiraan buushash qaxootigaan ayaa intaa ku daray
in gudoomiyaha suuqa bakaaraha cali dheere uu mar mar u keeno booyad biyo ah
tasoo aan ku fileyn baahidooda biyood ee maalinlaha ah .

Sidoo kale dadkaan mashaqada ku dhacday waxaa ka mid ah wax barasho la'aan
soo wajahday caruurtooda iyo xaga daawada iyada oo aysan jirin wax daryeel
caafimaad ah oo loo fidiyey tan iyo markii ay halkaasi degeen iyaga oo ku
eedeeyey hay.adaha samafalka iyo dowlada in ay ku guul daraysteen wax u
qabashada dadkaan gudaha ku barkacay .

Dadkaan qaxootiga ah ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen rasaasta habowga
ah iyo hugunka madafiicda la isku weydaarsanayey guryihii ay degenaayeen
waxeyna sheegeen in ay qaar qoysaskooda ah kaga dhinteen goobihii ay
deganaayeen ka hor intii aysan ka soo barakicin.

SomaliTalk.com | Oct 3, 2007
Eng. Jaamac Xasan Yare (jaamac labo suul) Oo Saaka Lagu Diley Magaalada
Muqdisho - Oct 2, 2007
Mid kamida aqoon yahaniinta soomaaliyeed oo kasoo jeeda gobolka sool ayaa
saaka lagu diley magaalada muqdisho kadib markii ay dabley ku hubaysan
baastoolado ay rasaas madaxa kala beegsadeen xili uu ku sugnaa suuqa bakaaraha
ee magaalada muqdisho .
Marxuum Eng.jaamac xasan yare ayaa oo mudooyinkanba ku sugnaa magaalada
muqdisho ayaan la ogayn sababta ka dambaysa dilka loo gaystay iyo cida disheyba
.
Alle how naxariistee marxumka ayaa ku howlanaa sida ay noo sheegeen dad
ehaladiisa ahi oo saxaafada u waramay inuu daba taagnaa lacago la sheegay inay
kaga xanibnaayeen dalka jarmalka oo uu in mudo ahba ku mashqulsanaa sidii uu u
heli lahaa lacagtaas .
Marxum jaamac xasan yare ayaa sida uu saxaafada u sheegay prof, c/risaaq
raamaale oo ku sugan magalada kismaanyo ka tegey hal xaas iyo afar caruura oo
kala ahaa labo wiil iyo labo gabdhood
Dilalka qorsheysan ee ka dhaca badanaaba magaalada muqdisho ayaan la ogayn
sababta dhabta ah ee ka dambaysa waloow dadka qaarkiis ay ku macneeyaan amaan
darida baahsan ee ka jirta caasimada muqdisho oo mudooyinkii ugu dambeeyey
noqotay meel amaankeedu kasii darayo oo ay ka jiraan xarig jiidad siyaasadeed oo
xoogan .
Baaq Iyo Qaylo Dhaan kasoo Baxday Waxgaradka Ku Dhaqan Jubooyinka Iyo
Muqdisho Oo Kasoo Jeeda SSC.
Waxgaradka kasoo jeeda gobolada sool ,sanaag iyo cayn ee ku dhaqan gobolada
jubooyinka iyo caasimada muqdisho ayaa soo saaray baaq wada jira oo ay kaga
hadlayaan xiisada dagaal ee ka jirta gobolka sool gaar ahaan magaalada xarunta
ah ee laascaanood .
Waxgaradkan ayaa baaqooda ku cambaareeyey siyaasiyiin ku sheega kasoo jeeda
gobolada SSC ee dadkoodii iyo dalkoodii dagaalka u horseeday islamrkaana
qaxinaya maatidooda iyo marasta biri ma geydada ah waa siday hadalka u dhigeene
islamrkaana ku dhaleeceeyey inay ka dayaan dadka iyo dalka dagaalada iyo colaada
ay u horseedaayan iyagoo xusay inay taariikhda geli doonto ninkii manta dalkiisa
iibsada .
Prof.c/risaaq raamaale oo kamida aqoon yahanka baaqan soo saaray ayaa ku nuux
nuxsaday inay waxgaradka ,aqoonyahniinta iyo isimada gobolka ku sugan ka
codsanayaan inay ka feejignaadaan shirqoolka siyaasadeed ee shaarka loosoo
geliyey inay taageeraan ee ay ka dambeeyaan dhinacyada ku dagalamaya gobolka ee
Somali-land iyo punt-land oo ay ka xoroobaan islamrkaana ay aayahooda ka
tashadaan .
Raamaale ayaa isagoo hadalkiisii sii wata intaas ku daray marnaba ma dhicin
in dalka nugaal godan iyo weliba deegaanada kale ee ay degto beeshu ay ku
habsadaan daba dhilifyo ku shaqaynaya waxoogaa shilimaad ah inay soo weeraaraan
dadkii iyo dalkii islamrkaana madaafiic kusoo hogaamiyaan maatadoodii waa siduu
hadalka u dhigaye .
Waxgaradkan ayaa sidoo kale ka codsaday waxgaradka iyo isimada gobolka inay
xaalada dejiyaan islamrkaana nabada taageeraan .
Maaha markii ugu horaysay oo waxgaradka ka soo jeeda gobolada SSC ay baaq
noocan oo kale ah kasoo saaraan xiisada colaadeed ee kasoo cusboonaatay gobolka
sool magaaldiisa laascaanood ,iyadoo ay todsobaadkii horena sidan oo kale ugu
baaqeen waxgaradka iyo weliba maamulada ku hardamaya gobolkaasi ay ka daayaan
dadka shacabka ah dhibaatada iyo dagaalada ay u horseedayaan .
Xubno Kamida Golaha Baarlamaanka Federaalka Oo U Ambabaxaya Magaalada
Asmara
Golahga baarlamaanka federaalka oo dhowaanahanba ay ka dhex jireen qalalaase
siyaasadeed ayaa laga cabsi qabaa in goosan xildhibaano ahi ay ku biiraan
isbaahaysiga dib u xoraynta soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalada asmara ee
wadanka eretariya
Wararka laga helayo magaalada xarunta gobolka baay ee baydhabo ayaa sheegaya
in la filayo inay wafdi xildhibaano ah oo ku kacsan siyaasada dowlada KMG ahi
laga yaabo inay u ambabaxaan magaalada asmara islamrkaana xoojiyaan aqoon
yahanka iyo siyaasiyiinta kala duwan ee soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan
Wafdigan ayaa la sheegay inay horkaci doonto Wasiirka Haweenka iyo Qoyska
Xukumadda Federalka Aamina Maxamed Mursal ,caasho axmed cabdalla iyo weliba
xubno kale oo muhiim ka ah baarlamaanka fedraalka ah .
Arintan ayaa timid kadib markii uu qilaaf siyaasadeed hareeyey raysal
wasaaraha dowalada KMG ah qaar ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo ay sii
xoojisay kadib markii khilaaf kale oo xoogani kasoo if baxay madaxweyne yusuf
iyo weliba raysal wasaarihiisa geedi oo dhowaanahanba ka dhex taagnaa dowlada
TFG-da islamrkaana timid inay xubnahan baarlamaanka federaalka ahi la sheegay
inay xoojin doonaan isbaahaysiga la baxay dib u xoraynta soomaaliyeed .
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay sii xoogaysanayso khilaafka siyaasadeed
ee u dhexeeya labada masuul ee yusuf iyo geedi ay islamrkaana ay weheliso
amaanka caasimada muqdisho oo ay u taag la yihiin inay faraha ku qabtaan dowlada
KMG ahi oo iminka noqday mid aan laysku halayn Karin oo faraha kasii baxaya .
Howl-galo Xoogan Oo Ciidamada Ethiopia Iyo Kuwa Dowladu ay Ka Bilaabi
Doonaan Muqdisho.
Baaritaano hubeed oo xoogan ayaa la sheegay inay maalmahan fooda inagu soo
haya ka bilaaban doonaan magaalada caasimada muqdishoi kuwaasoo la sheegay inay
in xasilin doono caasimada islamrkaana ay qayb qaadan doonaan ciidamada isku
dhafka ah ee Ethiopia ,kuwa booliska iyo weliba ciidamada gaarka ah ee gobolka
banaadir.
Howlgalkan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay xasilinta magaalada muqdisho
oo noqotay meel amaankeedu faraha kasii baxayo islamrkaana ay ka jiraan
xasilooni daro baahsan .
Sida uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Muxyadiin Cali
howlgalkan ayaa lagu go’aansaday kulan saacacdo badan ay albaabadu u xirnaaayeen
oo magaaladan Muqdisho ay ku yeesheen saraakiisha ciidamada Booliska DF, kuwa
Itoobiya iyo maamulka gobolka Banaadir “Waxaa kulanka la soo hor dhigay maabka
magaalada Muqdisho, iyadoo la kala calaamadeeyey meelaha xasilooni daradu ay ka
jirto iyo meelaha kale , waxaana la go’aansaday in saacadaha socda laga bilaabo
guud ahaan magaalada Howlgal aad u balaaran oo nabad lagu sugayo” ayuu yiri
afhayeenka gobalka Banaadir .
Sidoo kale afhayeenka ayaa intaa ku daray in howlgalkan uu ka duwanaan doono
kuwii horey u dhici jiray islamrkaana ay ku xasilin doonaan caasimada muqdisho
waa sidu hadalka u dhigaye .
Si kastaba ha ahatee ciidamada dowlada KMG ah oo ay weheliyaan kuwa Ethiopia
ayaa tiro ka dhowr jeer si xoogan howlgalo baaxad weyn uga sameeyey magaalada
muqdisho islamrkaana ku gul daraystay inay soo afjaraan qaraxyada iyo dagaalada
ka fool kafoolka ah ka soconaya magalada muqdisho.
Ma Dhabaa in Cadde Muuse Iyo Riyaale Looga Yeeray Magaalada Adiis-ababa ee
Xarunta Ethiopia.
Ilo wareedyo lagu kasloon yahay oo laga helayo xarumaha maamulada garoowe iyo
hargaysa ayaa sheegaya in masuliyiinta labada maamul looga yeeray magaalada
adiis ababa ee xarunta wadanka Ethiopia .
Yeeritaanka labadan masul ee kala haysta maamulada som-land iyo punt-land
ayaa yimid kadib markii ay dhowaanahanba ka jireen gobolka sool ee ay kala
sheeganayaan labadaas maamul xiisado colaadeed oo keenay dagaal dad badani ku
dhionteen islamrkaana ay qaar kale ku dhaawacmeen uu ka dhacay duleedka
magaalada laascaanood ee degaanka abeesaaley .
Sidoo kale labada maamul ee punt-land iyo somali-land ayaa xiriir siyaasaded
iyo mid ganacsiba la leh xukumada ethiopia islamrkaana xafiisyada sirdoonka
Ethiopia ay ku ugaarsadaan waxgaradka iyo culimo-udiinka soomaaliyeed ay ku
leeyihiin magaalooyinka xarumaha u ah ee hargaysa iyo garoowe .
Dhinaca kale Marxaladan colaadeed ee siyaasada salka ku haysa ee soo
wajahday gobolada SSC oo ay degto beel keliya ayaysan jirin cid ka hadashay ilaa
iminka oo ka tirsan dowlada KMG ah islamrkaana u muuqata inay taageeraan inay
dadka dega goboladaasi inay aayahooda ka tashadaan .
Lama oga inay wax ka bedeli doonto xaalada colaadeed yeetitaanka labadan
masul ee cade muse iyo daahir riyaale ay ku hardamayaan gobolada SSC ee ay
yeertay xukumada adiis ababa ee ethiopia .
yaasiin maxamed cali (faytin)
C/llaahi
Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay
doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2
Qoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo
Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda
ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct
1
Midowga Ganacsatada
G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka
waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca..
Akhri Oct 1
Khilaafka
C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo
qaaday sucuudiga
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|