SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAOLIS

Imamyo iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta Somalida Minnesota oo warqad tacsi ah u direy shacabka & madaxda & qoysaskii ay saamaysay buudadii duntay 1dii August, 2007 

Imaamyada iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ayagoo ku hadlaya magaca bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota waxaa ay gudbiyeen warqado ay ku muujinayaan sida ay bulshada Soomaaliyeed uga xun tahay musiibadan buundada duntay waxayna u rajaynayaan dadka dhaawaca ah inay dhaqso bogsadaan.  

Imaamyada iyo masuuliyiintu waxay u sheegeen madaxda gobolka ayadoo ay ka mid yihiin Soomaali dadka dhibaatadaasi saamaysay, oo hooyo Soomaaliya ah oo 6 bilood uur siday iyo gabadeeda labo sano jirka ahaydba la la yahay ilaa maanta.haddana inay diyaar la yihiin wixii looga baahdo hiil iyo hooba weliba ay jiraan mutadawiciin diyaar ah hadii loo baahdo.  

Warqadan waxaa looka la direy

  • 1)      Congressman Keith Ellison
  • 2)      Senator Norm Coleman
  • 3)      Senator Amy Klobuchar
  • 4)      Minneapolis Mayor R. T. Rybak

Xaaladda buundada duntay ee I 35W ee Minneapolis 

Galabnimadii arbacada saacadu markay ahayd 6:05PM waxaa dumay wadada weyn ee I 35W   oo 8 line ahayd ee dul mary jirtey webiga Mississippi ee magaalada Minneapolis.  Musiibadan ilaa hadda qasaraheeda waxaa la ogyahay 5 ruux oo dhintay 110 ruux oo dhaawac ah iyo dad badan oo la la yahay.  Maanta hawlaha baadigoobka meydadka dadka maqan waxaa ku mashquulsan kuwa biyaha quusa ama badmaaxiinta. Ayadoo dadka kale aaga laga xirey ayaa waxaa hawshaas ku mashquulsan ciidanka gurmadka masiibooyinka ee magaalada Minnespolis, gobolka Minnesota iyo gurmad ka yimid Dawladda dhexe. 

US Congress iyo Siyaasiyiinta. 

Siyaasiyiinta Congresska oo ay ka muuqato inay fahmeen muhimadda ay leedahay  u gurmashada Minneapolis iyo masuuliyadda saaran waxaa ay ku dhaqaaqeen talaaboyin dhaqso leh.  Ugu horeyntii waxaa goobta booqasho ku yimid Congressman Keith Ellison, Senator Coleman, Senator Amy Klobuchar, Xoghayaha transportationka Mary Peters iyo Minneapolis Mayor oo asagu goobta ku sugan si joogto ah.  

 Taa waxaa ku xigtay House iyo Senate-ka iyo white house oo dhamaan ballan qaaday in $250 million la siiyo Minneapolis.  Waxaa ayadana taas bar bar socda ka faaiideysi siyaasadeed iyo is eedeyn iyo far isku fiiq badan. Waxaa kale oo ayana bilaabmay dood ku saabsan buudoonyinka iyo wadooyinka Amerika.  Berito oo sabti ah waxaa Minneapolis ku soo aadan Madaxweyne Bush oo raba inuu indhihiisa ku arko Buundada duntay iyo mashaqada meesha ka dhacday. 

Somalida Minnesota Maxaa gaaray: 

Ilaa hadda inta la ogyahay waxaan la hayn Hooyo Soomali ah oo lix bilood uur ah siday iyo gabadheeda oo labo sano jirtay. Soomaalida Minnesota waxaa ay aad uga tiiraanyoodeen dhibta hooyadaas Soomaaliyeed iyo caruurteeda iyo qoyskeeda waxay ilaahay uga baryayaan naxariis markasta.  Hooyadan oo ahayd arday aad wax u baran jirtay oo ka qalin jebisay Dugsiga sare ee Washburn hadana baran jirtay culuumta la xiriirto caafimaadka dadka ayaa la oran jirey Sacdiyo Sahal. 

Waxaa xusid mudan in arday Soomaaliyeed oo yar yar ay ku jireen iskuul bus oo ka badbaaday buundada duntay iyo nin dhalinyara ah oo asagan ka dhaawacmay lug. 

Soomaalida Minnesota ayaa helay telefoonadii ugu badnaa ee soo waca ayadoo ay Soo waacayaan Soomaalida kale ee ku nool gobolada kale ee Americka,  Soomaaliya, Canada, iyo dhamaan qaaradaha adduunka taasoo calaamad u ah muhimadda Minnesota u leedahay Soomaalida, soomaalida Minnesota dhexdeeda ayaa aad isu wacay oo kelmadaha ugu badan oo la isweydiiyo waxay ahayd “ ma badbaadeen, ma nabad qabtaan, ma dhantihiin”  

Hawlaha Soomaalida ee la xiriira musiibada buundada duntay waxaa lagala xiriiri karaa masaajidka Daarul Hijra halkaas oo ay ku sugan yihiin guddi hawshaas u qumay. 

Beryahan soo socda Imaamyada waxay qorshaynayaan inay booqasho ugu tagaan qoysaska soomaaliyeed iyo kuwa kaleba hadii ay suuroowdo. 

Qofkii damca inuu caawimo ka gaysto musiibada Buundada duntay ee Minneapolis ha ku soo aadiyo bangigan hoos ku qoran 

Associated Bank
1800 Riverside Ave South
Minneapolis, MN   55454

The intersection of Cedar and Riverside near Daarul hijra Masjid 

I 35W Bridge Somali Response Committee
Account # 228-3128466
Routing # 075900575

Maxmuud Nuur Wardheere
Minneapolis, MN
mnwardere@yahoo.com

sacdiyoSacdiya Sahal iyo Gabar 2-jir ah oo ay Dhashay oo Weli lagu La'yahay Burburkii Buundadii Minneapolis

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 4, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com