SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIMISHIQ

Dr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq.

Muxaadaro Cinwaan keedu ahaa Istiraatiijiyadda Itoobiye ee ku wajahan Soomaaliya ayaa waxa habeenimadii bisha ogosto ahayd 2 ka jeediyey xarunta Naadiga Al-nasar ee ku taala magaalada Dimshiq Dr. Cumar Raabi oo isagu ah aqoon yahay Soomaaliyeed oo muddooyinkanba Booqasho hawleed ku joogay dalka Suuriya.

Muxaadaradan ayaa waxa uu Dr.Raabi  ku soo bandhigay barnaamij uu kaga waramayo isbadeladii kala duwanaa ee uu soo maray loolanka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya isaga oo adeegsanaya qaab casriya oo uu ku soo bandhigay khariirado iyo Maps uu kaga waramayo sida ay isu badashay Itoobiya dhul ahaan iyo dad ahaanba  sanadihii u dhaxeeyey 1867-2007.

Dr. Raabi waxa uu  si guud u dulmaray halka ay ka soo bilaabmatay Boqortooyadii Abasiiniya, isaga oo tilmaamay in markii hore ay Amxaarada iyo tegreegu ku jeedeen dhinaca Suudaan iyo afrikada dhexe hasa yeeshee mar qudha uu Boqorkii mililik la odhan jiray dib ugu soo jiheeyey dhinaca xeebaha shucuubta Islaam ka ahi degenaayeen,waxa ayna u soo fideen si talaabo talaabo ah iyaga oo marka hore soo qabsaday dhulkii oromada,Herer,Somalida iyo shucuubtii kale ee deganayd dhulkaasi.

Waxa kale oo ku soo qaatay muxaadaradan sida ay markasta u fulinayeen Istiraatiijiyadii dhulbalaadhsiga hogaamiyayaashii Absiiniya laga soo bilaabo, mililik,Hayla-salaase Mingiste hayl-maryaam iyo Maanta oo uu yidhi Dr. Raabi waxaad moodaa in riyadii Xeebaha ee ahayd mar uu in ay gaadhaan Itoobiyaanku in uu fuliyey milis Zinawe ,oo ay maanta xeebaha badweynta Hindiya Ciidamadii Tigraygu gacanta ku hayaan, waxaa taas cadaynaysa ayuu yidhi DR.Raabi in ay marqudha ku taamayeen in ay gacanta ku dhigaan xeebaha Soomaaliya warqadii uu mililik u diray dawladaha reer yurub ee markaas u shirayey sidii ay u qaybsan lahaayeen qaarada afrika,1884kii isaga oo ka codsaday in gacanta loo soo galiyo Soomaalida iyo Eretariya, isaga oo sheegtay in xeebaha geeska afrika iyagu hore u lahaayeenm, Hasa yeeshee Dad  muslim ahi ka qabsadeen.


 
Taas oo markii danbe dhalisay ayuu yidhi DR. Raabi in Itoobiya gacanta loo galiyo Soomaali galbeed iyo Eretariya, waxa kale oo uu sheegay in ay Itoobiya maanta dhulka soomaalida ciidamo u soo dirto ay fursadaas siiyeen shacabka soomaaliyeed oo qabyaalad iyo jahli kala qo-qobay, iyaguna ay cadowga isu jabiyeen waa sida uu hadalka u dhigay Dr. Raabiye.
 
Wuxuuna intaas ku daray in aanay Amxaaro iyo tegray kala jeclayn Soomaalida ee ay iyaga hore hubka isugu dhiibtay markii ay heshay kuwo  wadankooda cadow ku soo hagaamiyaha ,iyaguna is gumaada
 
Muxaadaradan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray bulshada Reer Dimishiq, iyo qurba joog badan oo ka soo xagaa baxay dalalka Yurub iyo ameeriga una badan qurba joogta ka soo kicitintay Sweden iyo Norwey ayaa waxa ka mid ahaa Xasan Cabdi C/laahi, Maxmed Oos iyo C/laahi Shiikh Maxmuud.
 
Muxaadarada Ka dib ayaa waxa su’aalo laga weydiiyey Dr.Raabi  sida dalka soomaaliya qarannimadiisii loogu soo celin lahaa, waxa uu sheegay in manta Soomaali meel ay joogtaba iskaashadaan oo ay wadankoodii sidii ay dib qarannimadiisa ugu soo celin lahaayeen gacanta isu qabsadaan, isaga oo hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey in aanay Somali isdhiibin, meel ay itoobiya gasho sida ay uga baxdaa adagtahay..


 
Dr. Raabi waxa uu dhashay sanadkii 1946kii , waxa uu waxbarshadiisa ku soo qaatay dalalka faransiiska iyo jabuuti ,waxa uuna ka soo qayb qaatay jabhadii xoraynta xeebta Somaalida, waxaana dhawr jeer lagu xidhay dalalka jabuuti,Faransiiska iyo Somaliya, buugiisii ugu horeeyey waxa uu qoray sanadkii 1983kii, buugiisa ugu caansan waxa la yidhaahdaa Soomaalaay halkee baad Ku socotaan, kaas oo uu qoray sanadkii 1989kii ,waxa una buugaas ku soo bandhigay ama uu ahaa daraasad ka warbixinaysa halka ay soomaali u iilan doonto haddaan ladaba qaban, kaas oo uu sawiro badan oo leh khariirado ku soo bandhigay,sanadihii ugu danbeeyey DR. waxa uu ku nolaa dalka Canada.


 
Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya
asadlaska@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 3, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com