SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


 Maamulka Puntland oo ka Gaabiyey Waxkaqabashada 3da Daraawiishta Booliska Puntland ee ku xiran Thailand....

3 Mawaadin ee ahaa askar katirsan cidamada darashiita puntland kana howl galijiray shirkada u xilsaran ilaalinta badaha puntland ee layirahdo Somcan ayaa dhiigoodii la iibsaday,kadib markii rahmad loogu dhiibay shirkad lalagalay heeshiis kalluumeysi oo eey oga kalumeysaneeyso badah puntland, kadib markeey shirkada Thailnadeyska ah kusheegatay lacag kagamaqan madaxda shirkada layirahdo Somcan lacagtaas oo aad moodo in lagu badashay 3 askari ee u dhashay Gobolada Punland Taasoo keentay in si qarsoodi ah afduub abaabulan loogu  kaxeesto wadanka Thailnad waxaa dhibaatada nimankaas loogestay dusha u ridanaya madaxda Shirkada ay u Shaqayn Jireen ee Somcom ee kala ah Cabdiwali calitar iyo xiif Calitar iyo Maamul Goboleedka Puntlland, oo iyagu danahoodii ka raacday.oo an habayaraate wax xiriir ah lasameen askartaas naftooda iyo dhiigoodaba u hibeeyaay difac Gobolada Puntland.

Kadib markaan baritaan dheer kusamenay arintaa loo afdubtay 3 mawaadin  qoraalo qeexaya arintoodana aan helnay  lana xiriirnay wadanka Thailnad ayaa waxaa noosoo baxay ineey uxiranyihiin labada nin ee walaalha ah madaxdana ka ah shirkada Somcan kuwaaso kala ah Cabdiwali Calitaar iyo Xiif Calitar ineey gacanta u galiyeen 3 daas askari cidamada marekanka ee jooga badaha Somaliya ayagoo ku edeynaya ineey yihiin askartaas "argagaxiiso" kadib markuu marekanku heystay mudo 30 ciisho ah ayuu ku wargaliyaay ilmo caliyar ineysan ku heysan wax cadeynaya ineey 3-daas mawaadin yihiin argagixiiso kana dalbay ilmo calitar ineey kasoo doontaan nimankaan wadanka Cumaan maadaama eey katirsanaayeen askartaas shirkadooda, kadib marku tagay Cabdiwali Calitar wadanka Cumaan ayuu hadana isku dayay inuu ka dhadhiciyo safarada Thailand ee ku leedahay wadanka Cumaan ineey lawareegaan 3 askari, kuna xiraan wadanka Thailand, Sabaabo u kusheegay Cabdiwali ineey dhibateeyeen shaqale kashaqeeynayay markab lagaleeyahay Thailand, sidaasna eey gacnata ugu galeen wadanka Thailand ilaa iyo hadana eey ugu jiraan xabsi kuyaal wadankas thailnad wax 3 askari loogu geysanaayo dhibatadaas intaas leeg waa sheegasho eey shegteen inlasiiyo mushaarka 7 bilood oo ka maqnaa.

Iskusoowada duubo waxaa markhaati ma doonta ah in ilmo calitar caado utahay ineey markeey kushaqeestaan shaqaalaha udiidaan siinta musharharka eey xaq u leyiihin uguna badaalaan ineey gacanta u galiyaan wadamo shisheey ayagoo kusheegaaya argagixiso, waxaa horey oogu maqnaa gacanta ilmo calitaar mawaadiniin reer puntland ah oo badan ayagoo qaarna sidaas oo kale ugu dhibay gacan shisheeye ilaa iyo hadana aan la ogeen nolaal iyo geeri meel eey cirib iyo jandhigeen.

Waxaa kaloo layaab leh sida Maamulka puntland ooga gaabiyay waxkaqabashada mawaadiniintaas dhiigooda la iibsaday ee sida bareerka ah loogu talagalay ineey kudhintaan xabsiga kuyaal Thailand, mar aan xiriir lasameenay madaxda maamulka Puntland kana dalabnay in maxkamad lasootago madaxda shirkada Samcon si tilaabo loogaqado ayaa waxaa mooda ineey ka war waregayaan danbilashaas danbiga kagalay dalka iyo  dadka reer puntlad,ayagoo hadana garoowsan in eey xaq tahay in lacinqaabo danbilayaasha madaxda ka ah shirkada Samcon, hadaba waxaa lagama maarmaan ah in shacabka isutaago u hiilinta xaqa iyo difaacida xuquuqda mawaadiniintaas aan heysan cid difaacda naftooda iyo xuquuqdoodaba, waxaa la gudboon shacab weynaha reer puntland in ayagoo ilaalinaaya nabadgalyada puntland eey ku ekeeyaan bartilmaamedkooda 2 danbiile kana badbaadiyaan ineey qofkale oo reer puntland ah ugestaan dhibaato tan oo kale ah,  waxaan marnaba loo dulqaadan karin in Ragaasi ay ku sii jiraan Xabsi ku yaal Dalka Thailand, danbilayashaa afduubka ugestay 3 mawaadina eey wali siijoogan  Goobolada Puntlland walina kasii wadaan dhibaaten shacabka puntland ah.

Qore: Xasan Cubeed Aadan (Seed)
Nabbadon@hotmail.com
Tel. 45-20456217
Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2006

»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland [Dhegeyso]


Warqado is Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand....

Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

THAILAND WAA WADDAN CAYNKEE AH......