SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Taariikh Kooban ee Thailand :::

SomaliTalk.com | April 20, 2006

Dalka Thaliand waxaa ku xiran saddex Soomaali ah oo laga xiray xeebta Soomaaliya iyagoo ku guda jira hawshii ay u dawladdu u dirtay, una xilsaartay in ay qaranka ilaaliyan. Waxaa la geeyey Bangkok, halkaas oo ay ugu xiran yihiin si xaq darro ah. Haddaba maadaama muwaadiniin Soomaaliyeed ay dalkaas ku xiran yihiin ayaa waxaa muhiim ah in dalkaas taariikhdiisa la derso si loola xaal tamo. Arrintaas taariikhda Thailand weeye mowduuca ay qormada hoose ku saabsan tahay.

Hordhac::

Marka la eego taariikhda fog ee dalka Thailand, Muslimiintu waxa ay dalkaas si xoog leh u tageen xilligii boqortooyadii la oran jirey Ayutthaya ee halkaaas ka jirtey intii u dhexeysey 1350 – 1767. Xilliyadaas waxaa dalkaas gaarey Muslimiin farabadan oo ahaa ganacsato, waxana ay dalkaas geeyeen badeeco ama alaabooyin kala duwan, waxana ay Muslimiintu ka mid noqdeen ganacsata ugu xoogga weyn ee alaabooyinka geyn jirey halkaas. Waxaa jirijirey xeer ama qaanuun dalka Thailand laga sameeyey qarnigii 15aad, qaanuunkaas oo Ganacsiga dibadaha ka soo gelayey Boqortooyadii markaas ka talineysa Thailand waxaa loo kala qaybiyey laba qaybood oo ay qayb leeyihiin Muslimiintu, qaybta kalena Chinese.

Taariikh Guud::

Boqortooyada Thailand waxaa la asaasay qarnigii 14aad. Waxaana markii hore dalkaas loo aqoon jirey Siam kahor 1939. Thailand waa waddan ku faana in uu yahay kan keliya ee kuyaal Koonfur-bari Aasiya oo aan reer Yurub weligood gacanta ku dhigin.

Kacdoon aan dhiig ku daadan oo Thailand ka dhacay sannadkii 1932 ayaa lagu hir geliyey qaanuunka ama xeerka boqortooyada.

Thailand waxaa xakuma Boqor, aan taariikhdiisa meel dabe oo qoraalkan ah ku arki doono, dowladdana waxaa madax ka ah Ra’iisul wasaare. Xeerka dalka lagu dhaqo waa xeerka Boqortooyada ee aan kor ku xusnay ee la dejiyey 1932.


Guud ahaan tirada dadka Thailand waa 64.6 million. Waxaa tiradaas Muslimiin ka ah boqolkiiba 4.6%, halka Buddhist ay yihiin 94.6%, Masiixiyiintuna 0.7%, dad diimo kale haystana 0.1%. Qowmiyadaha ku dhaqayn Thailand waxay isugu jiraan Thai 75%, Chinese 14%, iyo kuwo kale 11%.

Baaxadda dhul ee dalka Thailand waa 513,115 Km oo laba-jibbaaran, waxaana dhanka koonfureed xad kala leh dalka Muslimka ah ee Malaysia. Dhanka woqooyiga waxaa ka xiga Burma iyo Laos. Dhanka barigana Cambodia. Waxa kale oo qayb kaga xeeran badda loo yaqaan Andaman.

Afarta gobol ee Muslimiintu ay ugu xooga weyn yihiin ee koonfurta Thailand (kuwaas oo ah Narathiwat, Pattani, Songhkla iyo Yala), waxaa deris la ah dalka Malaysia oo ka mid ah dalalka adduunka ugu Muslimka badan.

Muslimiinta ku dhaqan gobolada kuunfeed ee Thailand waxa ay aad uga cawdaan kala faquuq, iyo in aan loo ogolaan fursado, iyo in lagu sameeyo dib u dejin, arrintaas oo keenta rabshado, iyo in Muslimiinta halkaas ku dhaqan ay raadiyaan sidii ay uga go’i lahaayeen dalka Thailand intiisa kale, waxaana la soo weriyey intii u dhexeysey 2004 ilaa 2006 in ay goboladaas ku dhinteen ugu yaraan 800 oo qof oo ku dhintay arrimo lagu xiriiriyey kacdoonka ka dhanka ah dawladda Thailand.

Gobolada koonfureed ee Muslimiintu xoogga ku leeyihiin waa qaybta ugu fakhrisan dalka Thailand, dadkaas oo ah kuwo lagu tilmaamo in ay aad uga duwan yihiin dadka dalkaas ku dhaqan intiisa kale.

Goboladaasi waxa ay ka tirsanaan jireen Boqortooyadii Pattani (Kingdom of Pattani) taas oo jiri jirtey gobolada Malay, (waxana ay gaarsiisney gobolada Pattni, Yala, Narathiwat.) Boqortooyadaasi waxa ay diinta Islaamka qaadatay qarnigii 11aad, waxana ay ku jirtey nooc xorriyad ah ilaa laga soo gaarey qarnigii 20aad.

Thailand waxa ay dhulkaas dalkeeda ku darsatay ama la wareegtey sannadkii 1902, waxaana arrintaas fuliyey boqorradii Siam, laakiin dadka aaggaas ku dhaqan waxay isku mid ahayeen, ilaa haddana isku hayb iyo diin iyo dhaqan wadaagaan dalka koonfurta ka xiga ee Maleysiya. Waxa ay ku hadlaan luqadda loo yaqaan Yawi, oo ah lahjad ka mid ah Malay (oo ah af lagaga hadlo sagaal gobol oo ka tirsan Maleysia). Waana dad Muslim ah, kuwaas oo xushmeeya shareecada Islaamka, kana fogaada wixii ay diintu xaaraan-tinimaysay.

Gobolada Muslimiinta ee hadda mid ah dalka Thailand waxa ay leeyihiin xeer xaddidan oo u ogolaanaya in ay xeerka Islaamka ku dhaqaan arrimaha la xiriira qoyska, guurka iyo furriinka.

Kacdoonka ay Muslimiintu kaga soo horjeedaan Bangkok, waxa uu bilowday sannadihii toddobaataneeyadii (1970-naadkii). Waxaase arrintaasi ay yarehe qabowdey sannadihii sagaashanadkii (1990-naadkii), xilligaas oo dawlada Thailand ay ballan qaaday in ay lacag u qoobdayneyso Muslimiinta halkaas ku dhaqan, ayna u ogolaaneyso siyaasiyiin Muslimiinta metelaya.

Weerarkii 2004 ee lagu qaaday goob ciidan ayaa waxa uu bidhaamiyey in kacdoonkii soo laabteen. Xilligaas waxaa la diley afar askari, waxaana goobtii laga qaatay 400 oo qori oo u badan nooca loo yaqaan M-16, arrintaas oo ka dhacday gobolka Narathiwat. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey kacdoon ayaa ka jirey goboladaas koonfureed ee Muslimiintu u badan yihiin.

Caafimaadka::

Dalka Thailand waxa uu ka mid yahay dalalka uu faraha ba’an ku hayo cudurka HIV/AIDS. Sannadkii 2003 waxaa lagu qiyaasay in ay cudurkaas qabeen dad tiradoodu dhan tahay 570,000. Waxaana tirakoobkii la sameeyey sannadkaas (2003) uu muujiyey in ay AIDS dalka Thailand ugu dhinteen dad tiradoodu dhan tahay 58,000. (Haddii taas Soomaalida la barbar dhigo waxaa sannadkii 2001 la qiyaasay in dadka Soomaalida ah ee qaba cudurka HIV/AIDS ay tiradoodu dhamayd 43,000.)

Akhriska/Qorista::

Xagga wax akhriska iyo qorista, dadka reer Thailand waa dad aad ugu horeeya akhriska/qorista, boqolkiiba 92.6% dadka reer Thailand waa kuwo wax akhrin kara, waxna qori kara. (Haddii taas la barbar dhigo Soomaalida, waxaa la qiyaasay in dadka Soomaalida ee wax akhriya, waxna qora ay tiro ahaan tahay boqolkiiba 37.8%.)

Internetka::

Xagga adeegsiga aaladda Internetka waxaa lagu qiyaasay in dadka adeegsada ay sannadkii 2005 tiradoodu ahayd 8.42 million. (Haddii taas la barbar dhigo Soomaalida, qiyaas la sameeyey sannadkii 2002 waxa ay sheegtay in Soomaalida Internetka isticmaasha ay ahayd 89,000.)

Boqorka Thailand::

Boqorka hadda xakuma Thailand magaciisu waa King Bhumibol Adulyadej. Markey taariikhdu ahayd 5tii December 1927 ayuu ku dhashay magaalada Cambridge ee gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka, waxana uu ahaa wiilka saddexaad ee ugu yar saddexda wiil ee uu dhalay ina boqor (Mahidol).

Dhimashadii Mahidol ka dib, markii uu dugsi hoose in yar ka dhigtay magaalada Bangkok ayaa Bhumibol Adulyadej oo markaas lix-jir ahaa iyo qoyskiisu waxa ay u guureen dalka Switzerland halkaas oo uu ka sii watay waxbarashada Dugsiga Sare. Kaddib waxa uu galay Jaamacadda Lausanne University si uu uga barto cilmiga Sayniska. Laakiin waxaa arrintaasi bedelantey kaddib markii walaalkiis oo ka weynaa ahaana Boqorka oo magaciisa la oran jirey King Ananda Mahidol uu magaalada Bangkok ku dhintay 9kii June 1946. Markaas ayaa loo sii caleemo saaray taajka boqotooyada. Waxana uu markaas ku laabtay dalka Switzerland, waxana uun ka bilaabay in uu barto cilmiga siyaasadda iyo sharciga si uu isugu diyaariyo arrimaha dowladda. Waxana uu dalka Thailand kusoo laabtay sannadkii 1950, markaas oo loo sameeyey xaflad ballaaran oo markale lagu caleema saarayo.

Waxa uu markale ku laabtay Switzerland si uu waxbarashadiisa u sii wato, laakiin si degdeg ah ayaa loogu yeeray in uu yimaado dalkiisa Thailand, dadkiisa ayaana dib ugu soo celiyey Thailand sannadkii 1951, si uu halkaas u joogo.

Website xabsiga ugu weyn magaalada Bangkok waxaa ku qoran in haddii dadka maxaabiista ah ee ku jira xabsiga loo dirayo waraaqo ama emailo ay tahay in aan marnaba la dhaliilin ama wax laga sheegin boqorka [Eeg halkan].

Taariikhdaas kooban ee Thailand waxaa ka bidhaamaya ama laga qaadan karaa sidii loola xali lahaa dalkaas, maadaama ay hadda gacanta ku hayaan rag Soomaliyeed, raggaas oo si caddaalad darro ah ugu xiran xabsiga Bangkok ee dalka Thailand.

Xuseen Adan Seed oo aan wax ka weydiinay xaalada saddexda Soomaalida ee Thailand ku xiran ayaa yiri sidan: Warbixin kooban haddii kaa siiyo waxay wiilashaasu ku afduuban yihiin oo si sharci daro ah loogu haytaa waddanka Thailand, waxaana laga afduubay biyaha Soomaliya, waana wax aan waafaq sanayn qaynuunka caalamiga ah, waxaana la isku darsaday khayraadkii badda iyo dadkiiba, waayo yaa noosheegi kara waxa iyo sharciga lagu geeyay Thailand, yaase noo sheegi kara kuwa saxiixay in lageeyo Bangkok baratakool ay ku saxiixeen.

Raggaas waxaa gacan geliyey Soomaali, ah kuwii heshiiska la galay shirkaddaas, waxana ay arrintaasi saamayn ku yeelan doontaa Dowladda Federaalka iyo tan Puntland, iyo dhamaan xiriirka caalamiga ah iyo ganacsiga.

Wiilashu waxay hadda xiran yihiin 14 (toban iyo afar bilood) waana kabaaq sadeen cidii xidhay iyo dawlad gobaleedka Puntland iyo xukuumada ku meelgaar ka ah in ay wax kaqabtaan. Waxaan la xiriirnay madaxwenaha Puntland iyo madaxwenaha dawladda kumeel gaarka ah iyo raysal wasaaraha iyo gudoomiyaha barlamaanka, sidii ay noosheegeena waa aqbaleen ama ansixiyeen in wax laga qabto arrinta wiilasha xiran, laakiin majiraan wax laga qabtay haba yaraatee, waana kabaaq sadeen in ay wax kaqabtaan, ayuu yiri Xuseen.

Dawladda FKMG iyo DGPL, labaduba waxa ay waraaqo ay u direen Thailand ku muujiyeen in saddexda Soomaalida la xiray iyagoo ku guda jira hawshii qaranku u xil saaray ee ahayd ilaalada badda Soomaaliya.

Haddaba, waxaa qof kasta oo Soomaali ah la gudboon in uu ka qayb qaato sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed looga soo deyn lahaa xabsiga Thailand.

Talo, tusaalayn iyo wax qabad noocuu doono ah ahaadee oo ku wajahan arrinta saddexdaas Soomaalida ah sidii xabsiga looga soo deyn lahaa, waxaa toos loogu hagaajin karaa:
Xasan Cubeed Aadan (Seed)
Nabbadon@hotmail.com
Tel. 45-20456217
Denmark

Meelaha lagala xiriiri karo DFKMG, DGPL, THAILAND:

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2006

Isha: Melah aaan soo xiganey:
http://en.wikipedia.org/wiki/History_of_Thailand
http://en.wikipedia.org/wiki/Politics_of_Thailand
http://www.cia.gov/cia/publications/factbook/geos/th.html
http://kanchanapisek.or.th/biography/hmk.en.html
http://en.wikipedia.org/wiki/Bhumibol_Adulyadej
http://en.wikipedia.org/wiki/Pattani_kingdom