SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Baaq: Soo deyn 3da Soomaalida ee Xaqdarada ugu Xiran Thailand...

Soomaalida Deggan Holland oo Baaq u diray Masuuliyiinta Soomaaliyeed

Ku: Madaxweynah Dowlada Fedaraalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliyeed,     Mudane: Cabdulahi Yusuf Axmed
Ku: Ra'iisul wasaaraha  Dowlada Fedaraalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliyeed,    Mudane: Cali Maxamed Geedi
Ku: Wasiirka Arimah Dibada Dowlada Fedaraalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliyeed,   Mudane: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil
Ku: Madaxweynah Dowlad Gobeleedka Punland    Mudane: Maxamud Muuse Xirsi
Ku: Madaxweyene kuxigeenka Puntland   Mudane: Xasan Daahir Maxamuud
Ku: Isimada iyo Cuqaasha Puntland.

Ujeedo: Baaq

Anagoo ah Jaalidaya soomaaliyeed ee kunool wadanka holland  waxaan aad uga xunahay xariga xaqdarada ah ee muwaadiniinta soomaaliyeed (Mr. Yusuf Aden Seed,Mr. Mohamud Abdullahi Jama,Mr. Hussen Abdullahi Aden) lagu xukumay wadanka Thailand. Anaga oo aad uga war hayna sida muwaadiniintaas xuquuqdoodii insaanimo loogu xadgudbay ogna inuu yahay xariga iyo xukunka lagu ridayba mid sharcidaro ah aana qawaaniinta caalamiga ah waafaqsanayn ayaan waxaan halkaan codsi uga gudbinaynaa masuuliyiintaas aan kor kusoo sheegnay inay arintaan wax kaqabtaan ayaga oo gudanaya waajibaadka kasaaran daryeelka muwaadiniintaas kudhibaataysan wadan shisheeye oo kasoo afduubtay wadankoodii ayagoo gudanaya waajibaadkii ay u xilsaartay dawlad gobaleedka soomaaliyeed ee puntland.

Waxaan marlabaad carabka ku adkaynaynaa arintaan hadii aan wax kaqbashadeeda si dag dag ah loogu istaagin  oo aan xoriyadoodii loosocelin ay keeni karto in ay shacbigu ka amaanbaxo  dawladooda ayna abuuri karto nabad galyo xumo iyo daganaansho la'aan  iyo dhibatooyin kale oo badan and kalsooni la.aan waa hadii madaxdoodu kufashilanto inay ilaaliso xuquuqda muwaadin nimo ayadoo aan wada ogsoonahay in askartaas laga soo afduubtay biyaha soomaaliya hadana
lagu xukumay wadan aan xuduud lalahayn soomaaliya. Looguna gaysto jirdil iyo xadgudubyo biniaadamnida kabaxsan. iyo dhibatoonin kale oo aan halkan lagu soo koobi kariin

Waxaa baaqan soo saaray:

1. ing guleed axmed yusuf

2 sareeyo cabdi saytuun

3.maxamed cabdi saytuun

4.faadumo maxamed canood

5. deeqo shire shiikhdoon

6naciimo colugale seraar(naciimoyareey)

7.jamilo shire suudi

8.sahro maxamed samatar(boobalo)

9.jamaalo osman cali

10.dahir siciid cabdalle (antooniyo)

11.c/risaaq xussen ducaale

12.mustafe xassan adan

13.xassan cali faraax

14.luul bare c/laahi

15.Cabdiwali Jaamac yussuf

16.Saadaq xirsi cali

17.Farxaan cawil xassan

18.daa,uud xassan jamac

19.mahad yussuf ismaacil

20.siciid dhidhaco

21.nimco adan gurey

22 shugri osman diirye

Waad mahasantihiin.

waxaa soo diyaariyey naciimo colugale seeraar(naciimoyareey)
Qoraalkan kala xiriir: saharo3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2006

Talo, tusaalayn iyo ka qayb qaadasho sidii loo soo deyn lahaa saddexda wiil ee ku xiran Thailand, kala xiriir
Xasan Cubeed Aadan (Seed)
Nabbadon@hotmail.com
Tel. 45-20456217
Denmark

 

»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland [Dhegeyso]


Warqado is Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand....

Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

THAILAND WAA WADDAN CAYNKEE AH......