SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Warqado is Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand....

Waxaan halkaan shacabwaynaha Soomaaliyeed ugo soo gudbinayaa laba warqadood oo cadaynaya sida waxashinada leh oo bini'aadanimada ka fog oo loo gatay saddexda wiil ee Soomaaliyeed oo sida sharcidarada ah looga afduubay wadankoodi ayagoo si wadaniyad ku jirto u gudanaya shaqadii ay u hayeen dadkooda iyo dalkooda.


Warqadii Maarso 23, 2005... (PDF version)


Warqaddii Maarso 3, 2006... (PDF version)

Laba warqadood mida hore oo aan kusoo helay baaritaan dheer oo aan sameeyay iyo dadaal dheer waxay kahadlaysa sidii saddexda askari afduubkoodu kudhacay taariikhdu markay ahayd 17/ 03/2005.

Haddii aan wax yar idiinka taabto waxa warqada (fax-ka lagu diray uu muujinayo Maarso 23, 2005) kuqoran: waxaa kucad in ninka layiraaho Abdi Ali Egal yiri waxaan amray in sadex kamida ciidamada nabadgalyada Puntland oo kutilaabsaday arin burcad nima ah oo ka dhan ah markabka lagu magacaabo "SICHAI NAVA 12" taariikhdu markay ahayd 17/03/2005 in lagu xirro ama lagu hayo markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Maraykanka ee lagu magacaabo USCG ilaa amar danbe. Waxaa saxiixay Abdi Ali Egal Puntland "Coast Guard Forces Official" iyo nin lagu magacaabo "SOMRAT BUREERAT" oo u saxiixay Company lagu magacaabo "Sirichai Marine Fisharies Co Ltd" laganaleeyahay wadanka Thailand ahna maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumaysata badaha Soomaaliyeed oo ay heshiiska lagaleen shirkad lagu magacaabo Somcan oo uu madax u yahay ninka lagu magacaabo Abdi Ali Egal ahna ninka kusaxiixan warqadaan.

Sida kucad war qadaan waxaa kuwareejiyey sadexda wiil ciidamada American ka ah ee ladagaalama waxa loogu yeero argagixisada ee ka hawlgala badaha soomaaliyeed ninka lagu magacaabo Abdi Ali Egal asaga oo u sheegay americanka inay wiilashu yahiin waxa loogu yeero burcad badeed ama argagaxiso.

Waxaa wax laga naxa ah oo qofkasta oo Soomaalinimo iyo caqli saafi ah kujiro uu katiiraanyoodo in qof masuul sheeganaya oo leh wadan baan matalayaa inuu ciidankii uu madaxda u ahaa uu ka gato quwado ajaanib ah asaga oo eexsanaya shilimaad ay siiyaan dadka dhaca iyo boobka kuhaya khayraadkii ummadda Soomaaliyeed.

Akhristoow sida warqadan kucad waxa wiilasha dhiibay waa labada nin ee midna uu matalayey shirkadii wax boobaysay kadib markii wiillashu yiraahdeen war joojiya gurashada kalluumaysata soomaaliyeed shabaagihii ay dhigteen aad maalin walba guranaysaan iyo kuxadgudubka heshiiskii laydinla galay oo dhigayey inaydaan soodhaafin 20 mile, markii ay kadiideena kii ay ciirsiga bideen oo shaqada u xilsaartay waxuu sabab u noqday in uu cadaw u gacan galiyo oo yiraahdo bariiskaygii baad ciriiri galinaysaan miyaa hadaanan kiina ciriiri galin ninba maahi.

Waxaa layaab ah oo aan fahmi lanahay waxuu warqada kucadeeyey in ay wiilashu ahaayeen askar reer puntland ah joogana wadankoodii lana jooga taliyihii shaqda udiray ee markabka saaray marka maxaa kukalifay in uu maraykan iyo Thailand u dhiibo miyaysan kuu cadaanayn in la gatay ayaga oo sabab looga dhigayo waxay ka horyimaadeen danahayagii khaaska ahaa!. Waxaa taas kayaab badan in hadana dawladii ay kartirsanaayeen aysan kahadlin afduubkaas loo gaystay ciidankoodii!.

Hadaan warqaas halkaas kaga gudbo warqada labaad ee kutaariikhaysan 03/03/2006 waxaa qoray isla ninkii saddexda askari gatay ee lagu magacaabo Abdi Ali Egal kadib markii ay cadaadis saareen qaraabadii askarta ayuu asaga oo ku marin habaabinaya kuna maaweelinaya in uu arinta wax kaqbanayo buu warqadaan waxuu kuyiri waxaan udiray dawlada Thialand, waxaase cadaatay inuusan haba yaraatee wax isku day ah ka galin siidaynta askartaas uu iibsaday. Waxuu qaraabada ku maaweelinjiray hawsha anaa kujira aniga iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya baa iska kaashanayna waana soodaynaynaa wiilasha.

Abwaan Maxamud Cabdullaahi Sangub baa waxuu murti ku yiri asagoo hogaamiye kooxeedyada shirarka dibuheshiisinta Soomaaliyeed  qabta ka hadlaya "ninkii dilay baa u doodayee nabadba yaa u doonay" taas waxay kadhigantahay sheegashada uu Abdi Alitaar kuleeyahay anaa soo daynaya wiilasha.

Haddaan usoo noqdo warqada labaad waxaa kuqoran in uu is burinayo oo leeyahay askartaan waxaa si aan sharciga caalamiga ah waafaqsanay looga qafaashay biyaha Soomaaliyeed ayada oo aan amar laga haysan dawladii iyo madaxdii ay u shaqaynayeen asagoo cadeeyey in is afgarad la’aan xaga luuqada ah uu dexmaray wiilasha iyo shaqaalihii Markabaka sarnaa. Marka waxaa layaab ah ma waxuu saxsanaa markuu lahaa waa burcad oo Maraykanka u dhiibay mise hada oo uu leeyahay waa la afduubay!? Hadiise askarta Puntland uu shaqsi iibsanayo waa arin wax iska waydiin u baahan.

  • Waxaa in la is xusuusiyo u baahan in Madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Maxamuud, uu caddeeyey in Dowladdu ay baadi goobeysey meesh ay ku dambeeyeen 3da ka tirsanaa ciidanka daraawiisha Puntland, taas oo uu ku caddeeyey warqad uu Thailand u qoray 07 Agoosto 2005, waxaana warqadda Madaxweyne ku xigeenka ku qornaa: "Ilaa bartamihii bishii Maarso ee sannadkii 2005, ciidanka Booliska ee dawladdu waxa ay baadi goobayeen saddex Soomaali ah oo hawlwadeeno ahaa: 1. Yuusuf Aadan Seed. 2. Maxamuud Cabdullaahi Jaamac. 3. Xuseen Cabdullaahi Aadan. Hawlwadeenadaasi waxa ay ka tirsanayeen ciidanka Booliska Daraawiishta Puntland, waxana la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigeen iyagoo gudanayey hawshoodii waxana ay saarnaayeen markab uu suran yahay calanka Thailand. Laba bilood oo keliya ka hor ayey ahayd markii aan ka war hellay in saraakiishaasi ay ku xiran yihiin Bangkok, Thailand. Waxaa la yaab nagu noqotay in aan naloo soo sheegin meesha ay ku sugnaayeen, sidoo kale nalooma soo sheegin waxa loo xiray iyo dacwada loo haysto."
  • Su'aasha hadda tagan waxa ay tahay: waxaa hadda la gudboon DGPL?.

Waxaan hadalkayga kuusoo xirayaa ummada Soomaaliyeed waxaa looga baahanyahay inay la xisaab tamaan dadka noocaan oo kale ah oo inta dalkii oo dhan shilimaad dhaafsaday hadana kudaray inay dadkii iibsadaan.

Mahadsanidiin

Xasan Cubeed Aadan (Seed)
Nabbadon@hotmail.com

Tel. 45-20456217
Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2006

Soomaalida Deggan New Zealand oo Baaq u diray Masuuliyiinta Soomaaliyeed

Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

THAILAND WAA WADDAN CAYNKEE AH......