SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Thailand: Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban Sano oo Xarig ah.....

SomaliTalk.com | Bangkok, Thailand | April 24, 2006

Amnesty International Thailand:
Tel. 66 2 938 7746
Fax: 66 2 938 4756

E-mail: suntharee@amnesty.or.th

Website: www.amnesty.or.th
 

Maanta oo at Taariikhdu tahay Isniin April 24, 2006 ayaa saddexda Soomaali ah oo ka tirsan ciidanka daraawiishta Booliska Puntland oo ahaa ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed waxaa la soo taagey maxkamad ku taal magaalada Bangkok ee dalka Thailand, waxaana maxkamadii ku xakuntay Toban (10) xarig mid kasta.

Saddexda muwaadiniinta Soomaaliyeed magacyadoodu waa:
1) Mr. Yusuf Aden Seed, 37-jir
2) Mr. Mohamud Abdullahi Jama, 23-jir
3) Mr. Hussen Abdullahi Aden, 22-jir

Xukunka muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu oogey waxa uu ahaa mid murugo leh sida uu SomaliTalk.com u sheegay Cabdiweli Caabi oo goob joog ahaa maxkamada markii xukunka la ridayey.

SomaliTalk.com oo khadka telefoonka kula xiriirtay Cabdiweli Caabi, waxa uu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay waayeen dowald Soomaaliyeed oo soo gargaarta, sababtaasina ay keentay in ay xabsiga Thailand ku jireen laga soo bilaabo bishii April ee 2005, taas oo ay ka horeysey in 40 cisho lagu hayey meel u dhow Soomaaliya ka dib markii xeebaha Puntland laga kaxaystay bishii Maarso 2005.

"Waxay waayeen dowlad dhexe oo u soo gurmata, iyo dowlad Goboleed ciirsi u noqota, waxay waayeen wax kaga daba yimaada xabsiga Thailand, sidaas daraadeed markii ay Thailand jeelka ku haysey muddaas dheer oo aan dolwadi ka daba iman ayaa maanta April 24, 2006 lagu xukumay min 10 sano oo xarig ah," ayuu yuri Cabdiwahaab oo SomaliTalk.com u sheegay in uu yahay wakiil ay u xilsaareen waxgaradka qaraabada la ah muwaadiniinta, sababtaas darteedna uu u tegey Bangkok.

Cabdiweli waxa uu eedayn kulul dusha uga tuuray labada shirkadood ee ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u shaqaynayeen, kuwaas oo uu yiri "waxa arrinta xariga wiilashan ka dambeeyey, kuna eedaysan, waa shirkadda ay Soomaalidu leeyihiin ee Somcan iyo shirkada ka kalluumaysata xeebaha Soomaaliya ee laga leeyahay Thailand ee Sirichai Fisheries."

"Muddo qiyaastii ah 40 cisho waxaa wiilashan waxaa hayey Maraykanka, kaddib markii ay wax dembi ah ku waayeen ayey waxay yiraahdeen waxaan u dhiibeynaa Dowlada Soomaaliya ama dowladii uu ka diiwaan gashanaa markabkii ay saaraayeen, laakiin maadaama aysan jirin dowlad lagala xiriir karey ayaa waxaa arrintooda cidda loo dhiibayo wax laga weydiiyey shirkada Somcan, waxana ay yiraahdeen haloo dhiibo Thailand" ayuu yiri Cabdiweli Caabi, oo intaas ku xoojiyey "sidaas ayey shirkadahaasi ugu cambaaraysan yihiin gacan gelinta raggii iyada u shaqaynayey".

Cabdiweli waxa kale oo uu sheegay in "Saddexda Soomaalida ah ee la xiray oo ka tirsan ciidankii Booliska daraawiishta Puntland ee loo xilsaaray ilaalinta ammaanka xeebaha Puntland ay shegeen in ay wax gurmad ah ka waayeen dowladdii u xilsaatay ilaalada dalka, arrintaas oo wiilasha ku ahayd murugo xanuun badan."

"Saddexda Soomaalida ah waxaa lagu soo eedeeyey in ay dhibaato u geysan lahaayeen markabka ay saarnaayeen, laakiin waxay ahayeen kuwo lix bilood u shaqaynayey labadaas shirkadood ee markabka leh ama uu diiwaan gashanaa," ayuu yiri Cabdiweli, waxana uu intaas ku daray "Saddexda Soomaalida ah waxa ay sheegeen in arrinta lagu soo eedeeyey ay tahay been-abuur lagu been-abuurtay, falkaas lagu eedeeyeyna aysan shaqo ku lahayn."

SomaliTalk.com oo Cabdiweli weydiisey in ay maxkamada wiilashu ka hadleen waxa uu ku jawaabey "Maya, wax maxkamada ka hadlay ma jirin, sidii horay iyaga loogu sheegay waxay maanta ahayd xukumid, qaadiga ayaa akhriyey dembiga lagu soo eedeeyey wiilasha, kaddibna waxaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah."

"Waxa keliya oo hadda rajo ugu dhow waa in maxkamadaas laga qaato rafcaan ama "appeal"," ayuu yiri Cabdiweli oo markii saddexaad arrinta wiilasha xiran darteed u tegey magaalada Bangkok, markii koowaad ee uu tegey halkaas waxay ahayd bishii June ee 2005, markii xigeynay waxay ahayd maxkamadii hore ee wiilasha la saarayey oo ku beegnayd bishii September 2005, iyo hadda oo ah April 2006.

Maxaa arrintan kala gudboon shacabka Soomaaliyeed, maxaase la gudboon DFKMG, iyo DGPL oo ay ahaayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta ay ayadu u xilsaartay ammaanka dalka, balse sida ay qireen la kaxaysay iyagoo aan lagu soo wargelin?.

Taageero maka geysaneysaa arrinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaqdarada 10ka sano loogu xakumay, fadlan toos ula xiriir:
Xasan Cubeed Aadan (Seed)
Nabbadon@hotmail.com
Tel. 45-20456217
Denmark

Sidoo kale haka caajisin in aad la xiriirtid madaxda iyo safaaradaha Thailand... Akhri: Gurmad Degdeg ah: Ka Qayb qaadasho sidii loo soo deyn lahaa 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand...

150 Baht (Lacagta Thailand)

Intii aan 10ka sano lagu xakumin ayaa jeelka lagu booqday saddexda Soomaalida ah, waana kan hadalkii mid kamid ah uu markaas yiri:

 "Walaal halkaan waxaan xabsigan ku jirnay muddo ka badan hal sano, maalin walbaana waxaan islaheyn xaqdarada laydinku haysto Dowlada Somaliyeed iyo Dowlad goboleedka Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyin oo wax idiin qaban ee iska yara samra maanta iyo baritaa laydiin imaane, laakiin saan arko hadda waxaan sugnaba waa xukun iyo xabsi badan sidaa daraadeed aniga shaqsi ahaan waxaaan goostay haddii lay xukumo inaana dhibaatadaan u sii adkeysan oo aan isdilo, saas waxaa yiri Mohamud Abdulahi Aden oo ah  wiilka aan filaayo inay dadiisu ka yartahay 20 sano.

Mar aan sii weydiiyey waxa ku kalifay inuu isdilo waxuu yiri isaga oo ooynaya: miisaaankayga waad u jeedaa, maalin walbaana waxaan shaqeeyaa sideed saacadood oo aan god qado waxaana laysiiyaa Xabad rooti ah. Xoogaaga lacagtaa ee dhowrkii biloodba ehelkeey iyo ummad Soomaaliyeed noosoo diraana baad baa nalooka qaataa oo subax walba waxaan bixiyaa 150 Baht ($4 doolar), haddii aanan lacagtas bixina waxaa laygu sameynayaa waxaana halkaan kaaga sheegeyn, marka walaal cadaabtii aduunka ayaan ku jirnaa, sidaas ayaan go'aanka ku gaaray, markuu halkaas marayo ayaa waxaa la hadlay Yusuf Aden Seed, oo xabsiga kula jira, oo ku yiri walaal cadaabta adduunka waxaa ka daran tan aakhiro, ninkii isdilaana waa ehelu naar ee fadlan ha isku darsan labada cadaabood ee tan aduunka u samir, markaasay sadexdoodii isku ooyeen aniguna aan naxdin awgeed banaanka isaaga soo baxay. {warbixintaas ka akhri halkan...}

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2006 | Updated: Apr 24, 2006

THAILAND WAA WADDAN CAYNKEE AH......