SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


  War bixin ka hadlaysa sadex Muwaadin oo lagu Xiray Wadanka Thailand

Baaq ay si wada jir ah u soo saareen beelaha sedexda askari ee ka tirsan ciidanka daraawiishta D.G.P.L EE SOOMAALIYED ee ku xiran xabsi ku yaala wadanka Thailand caasimadiisa bankok shir ay ku yeesheen magaalada gaalkacyo 12/5/06, baaqaan oo ku wajahan dowlada faderaalkaa ee ku meel gaarka ah ee somaliyeed iyo D.G.P.L iyo shaqsiyan cidii ka danbeeysay gacan galintii iyo masaafurintii sida sharci darada ah loo lagu geeyay wadanka Thailand iyoadoo laga kaxeeyay xeebaha D.G..P/L iyagoo gudanaya shaqadoodii oo ahayd ilaalada xeebaha P.L.

Baaqaan oo tixraacaya 15bilood oo aan la  wadnay wada hadalo labada xukuumadood ee ah D.F.K. EE somaliyeed iyo tan D.G.P/L iyo cidii  gacangalisay askartaas oo ay dhammaantood ka baaqsadeen in ay doorkii ay ku lahaayeen ka qaataan.

Baaqu waxuu leeyahay waa in ay ka fiirsadaan xukuumaduhu iyo kuwa gacan galiyayba cawaaqib xumada arintaan keeni karto.

  1. iyado oo aan la aqbali Karin in dadkayaga la jariifo
  2. iyadoo afduub iyo si aan sharci ahayn lagu geeyay askartaas wadanka Thailand laguna xukumay sharci daro iyo markhaatiyaal been abuur ah
  3. iyadoo markii xukuumadaha aan arintaan hordhignay ay ka garaabeen laakiin aysan siin waqti waafi ah oo ku haboon wax u qabashadooda askartaas..
  4. meeshana ay ka saareen xuquuqdii  muwaadinimo oo ay lahaayeen
  5. xukuumaduhuna ayna xushmayn xuquuqdii muwaadiniita,waxaadna moodaa in ayna garan masuulayadii dadka somaaliyeed ka saarnayd iyo midi dalka,labaduba waxaad moodaa in ay meesha maqanyihiin.
  6. arintaani waxay saamayn ku yeelan doontaa amaanka guud ,gudaha iyo dibadaba
  7. gacansiga iyo xiriirka caaalimiga ah iyo ajnabiga
  8. lamana qaadan karo in la isku darsado khayraadkii wadanka iyo dadkii waxaanuna u haynaa dukumiinti cad in la isku darsaday labadiiba cidii u baahana gacanta baan ka galinaynaa
  9. waxaan si gooni gooni ah iyo si guudba ula kulanay madaxwaynaha D.F.K SOMALIA  mudane cabdulaahi yusuf axmed ,guduumiya baarlamanka shariif xasan sheikh aadan iyo ra’iisul wasaaraha pro.cali muxamed geedi iyo madaxwaynaha   D.G.P/L MUDANE maxamuud muuse xirsi (cade)

baaqaanu waxuu leeyahay dadaal badan kadib waxaa cadaatay in aan waxba laga qaban xariga askarta ku dhibaataysan kuna cadaaban laguna jirdilo wadanka Thailand xabsi ku yaal, qaar il ka dhacday. Qaar lug ka jabay, qaar dhabarka iyo surka ka jabay askartaan oo mudo dhan 15 bilood ku xirnaa xabsigaasi. 

Baaqaani 15bilood kadib waxuu soo jeedinayaa isagoo tixgalinaya maslaxada guud iyo mida gaarba in si deg deg ah ay wax uga qabtaan xukuumada D.F.K iyo tan P/L iyo cidii kale oo ay qusayso.

Baaqaan waxaa si wada jir ah u saxiixay odoyaasha,waxgaradka iyo aqoonyahano 

  1. Nabadoon gaani xuseen saciid
  2. Nabadoon cabdiqurux diiriye gooyo
  3. Nabadoon ciiro muxamed cumar
  4. Nabadoon cabdul cumar xayd
  5. Nabadoon axmed ereg
  6. Nabadoon cumar caabi
  7. Nabadoon muxamed xasan dhurwaa
  8. Suldaan muuse geele muxamed
  9. Abdulaahi cali jaamac (shire)
  10.  Caleen nuur cali bare
  11.  Cabdi samad sh axmed jaamac
  12. Axmed garyar faarax dirir
  13. Xuseen aadan seed
  14. Jaqadhaf cali xoosh qooryare ciise bare
  15. Colona maxamuud jabriil bari adag
  16. Maxmuud jibriil bayle
  17. Cabdi naasir cagdheer
  18. Muxamed salad aadan
  19. Axmed nuur wiito
  20. Guray guuleed xanaf
  21. Mursal cabdi raxmaan faarax seeraar
  22. Cumar muxamed jibriil
  23. Cabdi risaaq jaqalood
  24. Muxamed saleebaan diiriye
  25. Cabdiir abdi xirsi

Warbixintan waxaa soo tebiyey:

Qore: Xasan Cubeed Aadan (Seed)
Nabbadon@hotmail.com
Tel. 45-20456217
Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2006

  • LIFAAQ: Waxaa dhowaan baaq magaalada Muqdisho ka soo saaray hay'adaha Dr. Ismaaciil Jimcaale, Peace & Human Rights Network iyo Dulmidiid ay ku muujinayaan sida loogu xad gudbey xuquuqda saddexda Soomaalida ah ee laga qafashay xeebaha Soomaaliya ka dibna xabsi la dhigay, xabsigaas oo ku yaal dalka Thailand.

»Waraysi Ku saabsan Wiilasha Ka Tirsan Ciidamada Puntland [Dhegeyso]


Warqado is Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand....

Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

THAILAND WAA WADDAN CAYNKEE AH......