SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


  • Soomaalida Deggan New Zealand oo Baaq u diray Masuuliyiinta Soomaaliyeed - sidoo xariga looga soo deyn lahaa 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand

Ku: Madaxweynah Dowlada Fedaraalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliyeed,
     Mudane: Cabdulahi Yusuf Axmed
Ku: Ra'iisul wasaaraha  Dowlada Fedaraalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliyeed,
     Mudane: Cali Maxamed Geedi
Ku: Wasiirka Arimah Dibada Dowlada Fedaraalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliyeed, 
     Mudane: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil
Ku: Madaxweynah Dowlad Gobeleedka Punland
    
Mudane: Maxamud Muuse Xirsi
Ku: Madaxweyene kuxigeenka Puntland
    
Mudane: Xasan Daahir Maxamuud
Ku: Isimada iyo Cuqaasha Puntland.

Ujeedo: Baaq  

Anagoo ah Jaalidaya soomaaliyeed ee kunool wadanka New Zealand waxaan aad uga xunahay xariga xaqdarada ah ee muwaadiniinta soomaaliyeed (Mr. Yusuf Aden Seed,  Mr. Mohamud Abdullahi Jama, & Mr. Hussen Abdullahi Aden) lagu xukumay wadanka Thailand. Anaga oo aad uga war hayna sida muwaadiniintaas xuquuqdoodii insaanimo loogu xadgudbay ogna inuu yahay xariga iyo xukunka lagu ridayba mid sharcidaro ah aana qawaaniinta caalamiga ah waafaqsanayn ayaan waxaan halkaan codsi uga gudbinaynaa masuuliyiintaas aan kor kusoo sheegnay inay arintaan wax kaqabtaan ayaga oo gudanaya waajibaadka kasaaran daryeelka muwaadiniintaas kudhibaataysan wadan shisheeye oo kasoo afduubtay wadankoodii ayagoo gudanaya waajibaadkii ay u xilsaartay dawlad gobaleedka soomaaliyeed ee puntland.  

Waxaan marlabaad carabka ku adkaynaynaa arintaan hadii aan wax kaqbashadeeda si dag dag ah loogu istaagin  oo aan xoriyadoodii loosocelin ay keeni karto in ay shacbigu ka aaminbaxaan dawladooda ayna abuuri karto nabad galyo xumo iyo daganaansho la'aan waa hadii madaxdoodu kufashilanto inay ilaaliso xuquuqda muwaadin nimo ayadoo aan wada ogsoonahay in askartaas laga soo afduubtay biyaha soomaaliya hadana lagu xukumay wadan aan xuduud lalahayn soomaaliya. Looguna gaysto jirdil iyo xadgudubyo biniaadamnida kabaxsan. 

Waxaa baaqan soo saaray:

  • 1.Nabadoon Cabdiraxman sh.axmed Jamac (Bidaar)

  • 2.Nabadoon Maxamed Xirsi (cirro)

  • 3.Cabdiwali Cabdullaahi Caabi

  • 4.Cabdisamad Cabdullaahi Xussen

  • 5.Cumar Cabdisamad Yussuf dhuux

  • 6.Maxamud Maxamed Xirsi (magad)

  • 7.Abdidhuguf Cabdulaahi khaliif

  • 8.Cali Abdullaahi Caabi

  • 9.Burhan Cabdullaahi xussen

  • 10.Cabdiladiif Cabdiraxmaan Jamac

  • 11.Axmed Tahaliil Xussen

  • 12.Cabdirashiid yussuf Cali  (kosarad)

  • 13.Axmed-iid Maxamed-nasar xussen

  • 14.Xussen Maxamed Xirsi

  • 15.Cabdiwali Jaamac Adeer (waliyow)

  • 16.Saadaq cumarxayd xussen

  • 17.Farxaan jaamac kilimbe

  • 18.Cabdishakur Cubeed Aden-seed

  • 19.Mahdi Maxamed Xandule

  • 20.Barkhadle Cumarxayd Xussen

  • 21.Cabdikhadar Axmed cabdullaahi (gardan)

 Waad mahasantihiin.

Waxaa qormada soo tebiyey:
Cabdishakur Cubeed Aden-seed

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2006

  • Ma ka qayb qaadaneysaa Sidii loo soodeyn lahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Thailand, toos ula xiriir:
    Xasan Cubeed Aadan (Seed)
    Nabbadon@hotmail.com

    Tel. 45-20456217
    Denmark

Warqado is Khilaafsan oo uu Cabdi Cali Cigaal ka Qoray 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand....

Saddexdii Soomaalida ahaa oo lagu Xakumay min Toban (10) Sano ..

THAILAND WAA WADDAN CAYNKEE AH......