SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa Aamusiyay?

Mustaf Haji Ali Yanyo
Nairobi kenya
yaanyo114@hotmail.com

Waxaan marka hore mahad iska leh allah wayn ee khalqiga abuuray isagaana kumahadsan fahamsiinta uu alle nakala garan siiyay xaqa iyo baadilka.

Intaa kadib mowduuca kor kuqoran waxaan rabaa inaan kucabiro arimaha kataagan soomaliya wadciga maanta lajoogo iyo qof waliba waxa laga doonayo. Sida aan ka war hayno markii ay dhacday khilaafadii islaamka sanadii 1924tii waxaa aasaasmay xarakaad islaami ah oo ay ugu horeeso xarakada Al-ikhwanul muslimin sanadii 1928dii kaas oo uu aas aasay Al-shahiid Xasanul banna raximahulaah, isaga iyo dhowr kale taas oo kufiday caalamkan aan joogno guud ahaan maanta oo ay kasoo wareegtay 78 sano waxaa marag madoonto ah in waxbadan ay caalamka kabadshay xarakada ikhwanul muslimiinka haday ahaan laheed xag waxbarasho iyo xag siyaasi xag melatari intaba. Xarakadan waxay kamid tahay umu jihaad ama hooyada Jihaadka xarakada kaliya ee ugu jihaadka badneed xarakooyinkii kale ee caalamka kajiray taas oo ay marqaati uyihiin gaal iyo muslimba laga soobilaabo sanadii 1948kii markii uu dhacay dagaalkii yahuuda iyo carabta waxay kaqaadatay door lama iloobaan ah taas oo ay aheed arin layaab leh oo kusoo korortay caalamkan aan joogno taas oo aheed in lahelo majmuuco islaamiyin ah oo udiriraysa diinta islaamka sidoo kale waxay kaqaybqaadatay dagalkii 1954tii ilaa markii danbe ay reer galbeedka ay utashteen sidii loobaabin lahaa Ikhwanul muslimiinta oo ay usoo mareen Jamaal cabdinaasirkii masar xukumayay taas oo markii danbe ay keentay inay Yuhuudu ay kudhiirato inay sifiican uqabsato dhulkii carabta. Fikradii jihaadiga ee xarakadan ay kudhisneed waxaad ka arkaysaa halkudhigyada ay leedahay ee aan kasoo qaadan karno.

(Allahu qaayatunaa, Warasuulu qudwatunaa, Wal qur'aanu dastuurunaa Waljihaadu sabiilunaa Walmuutu fiisabiililaahi Asmaa amaaniinaa. )

(Allaa ah yadadiiladayda, Rasuulku waa hogaamiyaheena, Qur'aanku waa dastuurkeena Jihaadka waa wadadayna Geerida Jidka Eebe waa wadadayna.)

Intaas kuma eko waxyaabaha ay ka aamin sanyihiin xarakada Ikhwanul muslimiinta Jihaadiga waa Qayb kamid ah Arkaantooda in qufku uu kutalagalo inuu mar uun uu jihaado haddii ay ahaan laheed Jihaadu Nafsi iyo Jihaadul Ra'yi Jihaadul Lisaan ama Carabka intaas oo dhan way kaqaybqaadatay xarakada ikhwanul muslimin hadaba meelaha kabaxsan ay xarakadan sifiican ay ugu qaybqaadatay dagaalka waxaa kamid ah Afganistan ee loogu soohorjeeday Ruushkii qabsaday Kabul caasimada Afganistan taas oo ay hormuud ay uhaayeen Mujaahid Cabdala cazam raximahulaah iyo kumaan kun oo ikhwani oo ujeedadooda ay aheed inay jihaadan oo kaliya aakhirkiina keenay in meesha laga saaro Ruushkii isbiday xooga meeshaasna ay kubaaba'do mabadii Shuuciyada ee inkirsanaa waxdaaniyada alle. Aan dib ufiiriyo waxay kasameeyeen Falastiin, Turkey, Aljeriya suudan,yemen, iyo meelkale oo farabadan taas aad dareemaysid xaalka meesha uu gaaray iyo fikirkooda sida uu ubaahay.

Hadaba aan usoo noqdo dhulkeena hooyo iyo soomaliya dacwadan ama fikirkan ikhwanul muslimiin waxay soogashay baa layiraahdaa sanadihii lixdamaadkii waxaana keenay allah unaxariistee Sh.max'ed macalin iyo sheeq kale oo isna hada kunool Kuweyt oo mar soonoqday wasiirkii arimaha diinta ee dowladihii shibilka, kadib waxaa layiraahdaa waxaa lagu aasaasay xarakada Al islaax magaalada Jidda ee dalka boqortooyada sucudia carabia sanadii 1978dii kadib si siri ah bay kusocotay xarakadan ilaa uu wadanka uu kadhacay dagaaladii sokeeye taas oo markaas ugu horeeysay inay maqlaan bulshada soomaaliyeed magaca Al islaax sagaashamaadkii xarakadan Al islaax waxay waxbadan u istaagtay arimaha waxbarashada iyo caafimaadka iyo howlaha looqabto bulshada mana laheen janaax caskari ah ilaa hadana waa sidaas oo malaha janaax caskari ah waxayna mararbadan kacarari jirtay oo ay kafogaan jirtay inay kudhaxmilmato qabaailka dagaaladooda oo waxay wax kasoo saari jireen bayaanaad dagaalada qabaailka, waxay wax ka aasaaseen maxkamadaha hada jira qaybo kamid ah kadib markii uu dhacay dagaalkii kuwa isku magacaabay ashahaado ladirirka meel cad bay ka istaagtay Xarakada all islaax inaysan dagaalka shaqo kuleheen intaas oo dhan waxay kacarareeysay in Fidno ay dhaxdabaalato.

Hadaba maxaa aamusiyay xarakada Al islaax hada oo ay wadanka joogaan Cadowga umada soomaliyeed iyo diintaba Dowlada Ethiopia oo aanu ognahay maxay ilaa iyo hada aysan war cad ugu soo saari la'dahay sidii horeba ay usoo saari jirtay bayaanaadka ay kudiidantahay dagaalka qabaailka anigoo og in shabaabka Al islaax aysan raali ka aheen joogitanka Ethiopianka hadana waxaan kubaraarujin lahaa mas uuliyiinta xarakada all islaax inay mowqif cad ay ka istaagan arimaha hada kajira soomaliya ee soogalitaanka cadowga soomaliyeed si arintu unoqoto mid waadix ah oo mugdi kujirin ayna furaan maraakista lagu towbarto sababtoo ah waligeed madhicin meel ay joogaan Ikhwanul muslimin inay kaharaan jihaadka waxayna ahaan jireen hormuudka bulsho kasta oo haddii arinku uu yahay in lagaga hormaray jihaadka xarakada oo ay sameeyeen walaalo kale waa amaanan yihiin oo kun jeer amaanan aan uduceeno in niyadooda allah u aqbalo anagana naga dhiga kuwo kudaydo sidaa awgeed waxaa leeyahay ikhwanul muslimiin dowrkiisa waa maqan yahay ee hala sooceliyo taas ayay kujirtaa liibanta aduunyo iyo mid aakhiro sidaa awgeed wixii qalad ah ee hore ujiray waa in lasaxaa oo jihaadka laga qayb qaataa si aan saaxada loogu arko markale ikhwanul muslimiin.

wabilaahi towfiiq.

Mustaf Haji Ali Yanyo
Nairobi kenya
yaanyo114@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD