SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hay’adda CORD oo Qabatay Siminaar Ku Saabsan Gudniin Fircooniga…

  • Muqdisho | Dec 12, 2006

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Siminaar looga hadlayey Gudniinka Fircooniga ah iyo Cudurka AIDS-ka waxaana soo qaban-qaabiyey Hay’adda Community Organization For Relief And Development (CORD), waxana ka qaybgalay xubno ka socday Hay’adda Maxaliga ah, Culima’udiin, Waxgarad, Haween iyo Saxafiyiin, waxaan siminaarkaasi furay madaxa Mashaariicda CORD Raaliyo Sheekh Amiin oo sheegtay in sababaha ay u qabteen Siminaarkan halka maalin ah ay tahay sidii bulshada loogu wacyigeli lahaa dhibaatooyhinka Gudniinka Fircooniga ah iyo Cudurka AIDS-ka.



Siminaarka intii uu socday waxaa casharo ka bixiyeynayey Mukhtaar Xasan oo isna si aad ah ugu dheeraaday dhibaatooyinka uu Gudniinka Fircooniga ah ku hayo Haweenka Soomaaliyeed iyo halista Cudurka AIDSka, sidoo kale waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow) oo sheegay in Bulshada looga baahan yahay in ay ka feejignaato halista Cudurka AIDS-ka iyo dhibaatada uu keeno.

Siminaarkaan waxaa kaloo ka qaybgalay ku xigeenka madaxa Caafimaadka ee Maxaakiimta Islaamiga ah Max’ed Xaashi Fara-Cadde oo sheegay in bulshada looga baahan yahay inay la yimaadaan qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo gudniinka Fircooniga ah iyo Cudurka AIDS-ka oo ah labo dadka dhibaato weyn ku haya, waxaa sidoo kale ka hadlay Injineer Max’ed Cilmi Guure oo sheegay in Cudurka AIDS-ka uu leeyahay Daawo, balse aan weli la helin, isagoo tilmaamay in wax kasta ay daawo leeyihiin.

Xubnihii ka qaybgalay siminaarkaasi ayaa gebi ahaanba isku raacay in bulshada laga wacyigeliyo halista Cudurka AIDS-ka iyo waliba in bulshada lagu wacyigeliyo sidoo ay isaga dhaafi lahaayeen Gudniinka Fircooniga ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....

.Frazer waxay dalka Mareykanka u sameynaysaa Cadaw | Wali Farax

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD