SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho

  • Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Sheekh Cali Dheere: "Kaalamadan qiimaha leh ee ay MUSLIM AID – UK maanta guddoonsiisay Jaamacadda Muqdisho waa mid aan aad iyo aad uga mahadcelinayno..."

Xarunta weyn ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad Jaamacaddu ay ku guddoontay qalab waxbarasho oo kala duwan, kuwaasoo kala ahaa; 50-Computer oo casri ah, 5-Printer oo waaweyn iyo yaryar isugu jiray, 4-Kaamirooyin oo isugu jiray Digital iyo Camera Video, 2-Photocopy iyo 3-Qaboojiyeyaal.

Jaamacadda ayaa waxaa qalabkaan waxbarasho ugu deeqday Hay’adda MUSLIM AID – UK, oo gacan weyn siisay dhowr jeer oo hore Jaamacadda Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno kala duwan oo ka socday Maamulka Jaamacadda Muqdisho, Ardayda Jaamacadda, macallimiinta, xubno ka socday Hay’adda MUSLIM AID – UK, kuwo ka socday Hay’adda African Relief Fund iyo kuwo ka socday Maxkamadaha; gaar ahaan Qaybta waxbarashada iyo dhallinyarada.

 

Waxaa lagu furay xafladda Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah, waxaana hadallo kala duwan ka jeediyay xafladda xubno kala duwan, kuwaasoo ka hadlay ahmiyadda qalabkaan la guddoonsiiyay Jaamacadda Muqdisho iyo sida loogu baahan yahay in laga faa’iideysto.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo hadal halkaas ka jeediyay ayaa si weyn ugu nuuxnuuxsaday howlaha waxbarashada ee Jaamacadda Muqdisho iyo sida ay u daneynayeen inay helaan qalab noocan oo kale oo ah oo ka kaabaya Jaamacadda dhanka waxbarasshada.

"Waxaa hubaal ah in Hay’adda MUSLIM AID – UK ay tahay hay’ad si weyn u kaalmeysa bulshada Soomaaliyeed, isla markaana Wax weyn ka qabatgay howlaha waxbarashada ee dalka, mana ahan markii ugu horreysay oo ay Hay’addu qalab guddoonsiiso Jaamacadda Muqdisho" ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo intaas ku daray:

"Kaalamadan qiimaha leh ee ay MUSLIM AID – UK maanta guddoonsiisay Jaamacadda Muqdisho waa mid aan aad iyo aad uga mahadcelinayno Hay’addan, isla markaana aan u caddeynayno inaan qalabkaan u adeegsan doonno sida sax ah, wixii ka soo baxana waxaan horgeyn doonnaa Madaxda MUSLIM AID – UK, si aan u tusno qalabkii ay noo keeneen inaan wax soo saar ku sameynay".

Dr. Cali Sheekh Axmed Abuukabar ayaa wuxuu ka hadlay waxbarashada Jaamacadda Muqdisho wuxuuna sheegay in jaamacaddu ay tahay mid u taagan mar walba inay horumariso waxbarashada dalka, waxaana uu sheegay in qalabkaan ay ku heshay jaamacaddu markii ay dibadda soo dhigtay waxqabadkeeda iyo sida ay wax u barto dhallinta Soomaaliyeed ee xilligaan u helay fursadda inay wax-bartaan.

"MUSLIM AID – UK, ma ahan markii ugu horreysay oo ay qalab noocan oo kale ah guddoonsiiso Jaamacadda Muqdisho, balse waxay horay u guddoonsiisay jaamacadda Computerro iyo qalab kale, kuwaasoo ay wax ku barteen dhallinyarada xilligaan ka qalin jabinaysa jaamacadda gaar ahaan kulliyadda Computer Science, oo halkaan aad ku arkaysaan intooda badan" ayuu yiri Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar.

Sidoo kale, waxaa xafladda hadal ka jeediyay Madaxa Hay’adda MUSLIM AID – UK ee Somalia Axmed Cabdi Maxamed, wuxuuna si weyn uga hadlay kaalmada ay MUSLIM AID – UK guddoonsiinayso Jaamacadda Muqdisho, wuxuuna sheegay in qalabkaan ay ku tabaruceen Jaamacadda uu ahaa midkii ugu badnaa ee ay bixiyeen.

Waxaa kaloo xafladda hadlay ka jeediyay ku xigeenka Madaxa Qaybta waxbarashada ee Maxkamadaha Maxamed Cabdi Ibraahim wuxuuna yiri: "Jaamacadda Muqdisho waa jaamacadda ugu soo wax-soo-saarka badan dhanka waxbaridda Ardayda Soomaaliyeed, waxaana caddeynayaa in ardaydii ay soo saartay Jaamacadda Muqdisho ay yihiin kuwo haatan jooga dalka kana shaqeeya, waxayna isugu jiraan Bachelor, Master iyo PHD Holder".

Xubnihii kale halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Xasan Maxamed, Agaasimaha Sanduuqa Gargaarka Afrika Al-ustaad Maxamed Axmed Beerreey, Madaxa mashaariicda Jaamacadda Muqdisho Al-ustaad Abuubakar Sheekh Bashiir iyo Farxiyo Cabdi Xasan oo ahayd gabar sannadkaan ka qalinjabinaysa kulliyadda Computer Science ee Jaamacadda Muqdisho, waxayna dhammaantood qireen inay Jaamacadda Muqdisho ay tahay il ay ka waraabayaan Ardayda Soomaaliyeed ee baahida weyn u qaba waxbarashada qaybaheeda kala duwan.

Dhanka kale; waxaa la dhagax dhigay maanta qayb cusub oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho, qaybtaas oo noqon doonta qaybta Human Resources-ka ee Jaamacadda, dhismahaas oo ka koobnaan doona 2-dabaq oo is dul-saaran.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

 002521-5580916

Dugsi
Ardayda Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad, Muqdisho Guji

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD