CAWAYS OO WADDADII
CAYDIID CAGTA SAARAY!!
SOO-RUGAAL-CELINTA TAARIIKHDA.!
Dr. M. X. Said. Al-Jabarti.
al_jabarti@hotmail.com
Bismi-llaahi.
Maqaalkan
waxaan rabay in soo qoro bishii juun ee la soo dhaafay
markay ay maxkamadaha Muqdisho qabsadeen Xamar iyo
hareeraheeda. Haddana waxaan isku qancaiyay in aanan ka
hor-tegin dhacdooyinka oo aan baxnaaniyo waxa ay la
yimaadaan laba sababood awgood :
1-In aan hubsado bal in ay
Maxkamaduhu yihiin kuwii aan horay u iqiinay ee u kiraysnan
jiray ganacsatada iyo in wax iska beddelaan mar hadday
Muqdisho gacanta ku dhigeen oo ay noqdeen milkiilayaal
halkii ay ka ahaayeen shaqaalaha ganacsatada.
2-In Ummaddu wada aragto
xaqiiqada Maxkamadaha marka uu soo if-baxo sawirkooda ranta
ah . Kaas oo aan si dhab ah loo arki karin ilaa uu wax awood
siyaasadeed ah gacanta dhigo .
Haddaba mar hadday ii
caddaatay in Maxkamadaha iyo raggeedo yihiin kuwii aan horay
u iqiinay dadka Somaliyeedna wada arkay xaqiiqdooda lixdaa
bilood ee Xamar haysteen waxaan filayaa in ay munasaab tahay
in aan aan soo idiin gudbiyo qoralkan.
SHALAY
IYO MAANTA ISU EKAA!!
Dadka Somaaliyeed qaybo
door ah ayaa u arkayay qabsashadii Maxkamadaha ee muqdisho –Juuntii
hore-in ay tahay marxaladd cusub oo u horseedaysa Dalka,
Dadka iyo Diinta hab cusub oo ka samata bixin kara waddanka
SAWAALKA iyo ka tirtiridda Somalia khariidadda Caalamka,
Taas oo ah marxaladda ku soo xigta burburka ay ku sugnayd 16
kii sana ee la soo dhaafay Arigtidaas kuwii qabay way ku
hoggoobeen. Oo Saraab (
Dhaan-dabagaalle- widh-widh ) ayay biyo moodeen.
Waxaa jirta Maah-maah caalami
ah oo afafka waawayn ku wada jirta oo dhahaysa : TAARIKHDO
WAY SOO ROGAAL-CELISA”
Marka aad is-garaab-dhigto
xaaladda Somalida ee 1991-94 kii iyo xaaladda maanta ee 16
sano kaddibb waxaa kuu muuqanaysa in ay aad isu-shabbaaan
Waxaa Muqdisho ka soo laba
kacleeyay sansaan culaadeed oo la mid ah kii sagaashannadii
ee lagu burburiyay Qarankii Somalia la oran jiray.
Coladdan cusubb waxaa u
olalaynaya beelihii USCda ee ka riday Somalia Dagaalka
ahliga ah ee weli dabkiisii holcayo.. Beelahaasi waaxay
maantana wadaan abaabul ballaaran oo dagaal ahli ah oo
cusubb.oo ay hoggaamiynayso USCda 2 aad.( Maxkamadaha ).
Waxaa muuqata in Taliyaha uscda labaad Mudane Col. Daahir
Caways uu ku socodo waddadii Taliyihii USCdii kawaad Gen. M.
Caydiid
Maqaalkaan Waxaan ku soo
qaadaya is-garabdhigg labada shakhsi ee kala hoggaminya
Colaaddii USCda ee hore iyo colaadda Maxkamadaha-uscda ee
Maanta . Waana tan iyoda oo kooban:
CAYDIID IYO CAWAYS.
Marka aan si dhab ah u
dhuuxay una darsay laba hoggaamiye beeleedd ee CAWAYS iyo
Caydiid ayaan aad ula-yaabaa sida ay labada oday
isu-daboolayaan. Marka aan u dhabba-galo Ula-jeeddada,
Talllaabooyinka iyo tabaha Col. Caways waxaan is-iraahaa :
MAXAA LOO LA HAA CAYDIID WUU GERIYOODAY?. Waxaan halkaan
idiin kusoo gudbinaya MUQAARANO labada Taliye iyo labada USC
ee shalay iyo maanta. Waana tan :
1- ASKARI KELIGI TALIYE
AH:
Caways iyo caydiid waa laba
nin oo saraakiil ka ahaa ciidammadii Somalia. Ragga askarta
ku soo barbaara waxaa dabiiciyan lagu yaqaanaa in ay
keli-taliyenimadu ay tahay midda qaalibka u ah fikirkooda
iyo hab-maamulkoodaba.
Markii USCda lagu asaasay
magaalada Rooma 1990 kii waxaa loo dhisay Guddi-dhexe iyo
madax kala saraysa. J. Caydii oo aan guddiga dhexe iyo
madaxdiisa midna jirin ayaa intuu iska garabb-maray Madaxdii
ururka wuxuu isku-magacaabay in yahay keligiis haggaanka
uscda. Taasuuna ku shaqeeyay. Intaas kaliya ma aha ee wuxuu
Ethiopia ku xiray Guddoomiyihii Sharciga ahaa ee ururka (
Cali Xusseen) oo wada-hadal ugu yimidd Jananka.
.
Kornayl Caways dhinaca
diktaatooriyadda isagaa kas sii shisheeya Jananka. Oo
mabda’a talo wadaaga la yiraaho maba Aaminsana. Maxaakimtana
wuxuu u haystaa MILKIYADD gaar ah oo shakhsi ah oo isaga
Alle siiyay. Wuxuuna u hadla sidii u yahay Nabigii (SCS).
..
Guddiyada uu kornayku ku kala
magacaabay Shuurada iyo Fulinta oo lgu daro Sh. Shariif iyo
ku-xigeennada kore iyo kuwa hoose isku-darkooda ma
dhaafsana warqddii uu kornaylku ku qoray magacyadoo isag
jooga tuuladdiisa Guri-ceel. Raggaasi waa kuwa aan la soo
dooranin mana jirto cidd ay wakiil ka yihiin.
Kornaylku isga ayaa is-magacaabay,
kaddibna wuxuu magacaabay Guddiyadaas, kaddibna isaga ayay
magacaabeen. Taas ayaa keentay in aysan awoodda waxba ku
lahayn. Waxaa dhabb ah in aan xataa loo sheegin qorshaha
lagu socdo iyo meesha loo hayaamayo. Taas waxaa kaaga filin
Sh-shariif oo afartii eray uu ku bilaabay aan weli midd
shanaad ku darin.
Nimaankaas hawshoodu waxay
tahay in muuqaalkooda iyo magacyadooda lagu qurxiyo
waajahadda ururka Maxkamadaha. iyo in ay ku celceliyaan
ereyo mac-macaan oo ku wajahan ra’yi caamka gudaha iyo
dibadda si aan looga didin kornaylka iyo
Maxkamadiihiisa..Erayadaas oo ah qaar macaankooda uusan u
baranin una quurin kornayku afkiisa..
2 – MAXKAMADUHU WAA
URUR-BEELEED:
Maxkamadaha Muqdisho waa urur
u gaar beel ka midd ah beelaha Somaliyeed. Beeshaas oo ah
kuwii USCdii hore iska la haa.. Waxaa kugu daliil ah in
Guddiyada qurxinta waajahadda Maxakadaha aanu kornayku ku
soo darin wax aan beelaha uscda ka soo jeedin.
Waxaa ku sugan Dalka gudihiisa
iyo dibaddiisaba kuwo badan oo ka mid ah Jaallayaashii
kornaylka, ardadiisii iyo qaar macallimiintiisii ah oo reer
Puntland iyo Somalnd ah oo Al-itixaad ay isla ahaayeen wuuna
u quuri-waayay in uu qaarkood ku soo daro guddiyada
wiji-qurxinta.
Waxaan iyana cidna ka
qarsoonayn in beelaha uscda qudhoodo aysan wadaagin awoodda
mxkamadaha. Kornalku isaga ayaa isku-keli-yeelay awoodda
oo dhan. Hadday wax ka soo haraana ma dhaafto jilibkiisa oo
Indha-Cadde ayaa gacantiisa-middig ah. Taasi waa sababta uu
uga war-wareegayo dhisme-maamul.oo awooddu mesha ay taallaa
ka muuqan-kara.
Kornayl Caways marka uu
Beelaha Daarood is-yiri yaad ka adeegsataa?? Wuxuu ka
doortay sidii Caydiid Beesha Ogaadeen oo uu ka qaatay
kornyal Xassan-Turki oo uu ku buuxiyay jagadii Kornayl A.
Cumar Jees iyada oo magacii- hafardana -ku-xigayn- laga
reebay. Meelahaasna Wuxuu Col Caways ka hadalsiiyay Maxamed
Amiin iyo Af-dhuubb oo aan ju’dooda la maqlin sidii Cawdiid
u baxay.
3- XOOG KU QABSIGA DALKA:
Hadafka labada Tale wuxuu ka
midaynsanyahay in ay xukunka dalka lagu gaaro xoog iyada la
adeegana qori-caaraddi. Waxaa la dumay ciidamo hab-beeleed
loo aoo abaabulay.
Ciiddamaas waxaa lagau
hanuuniyay laguna hawl-geliyay waqtigii Caydiid in ay iska
xoraynhayaan Beelo soo-galayti ah oo aam waddanka asal u
lahayn. Oo cadaadis (marana gumaysi baa afka lagu dufan
jiray ) ku hayay muddo dheer dadka. Warbaahintana wxaxaa
lagu magacaabi jiray beelahaas_ HARAAGII SIYAAD BARE.
Maantana maliisiyaadka
Maxkamadaha oo ah isla Mooryaantii uscda, waxaa lagu
abaabulaa laguna xamaasadd geliyaa in ay la dagaallamayaan
Beelo Diinta diiddan oo gaalana dabada ku wata.. Mooryaanta
maanta ee Maxkamadaha ayaa sidii kuwii uscdii shalay waxaa
loogu yeeray laguna akhriyaa in ay yihiin MUJAAHIDIIN oo
koodii dagaalka ku dintaa uu yahay SHAHIID Jannada toos u
gelaya,
4- WIIQIDDA BEELAHA
CADAWGA AH:
Run ahaantii ma jirto
cadaawadd ka dhexaysa guud ahaan beelaha Somaliyeed.
Haddayse jirto waxay ku ekayd baadiyaha. Iyaduna waxay la
xiriirtay Beelaha isku degaanka ah oo marar isku.-qabsada
baadka iyo biyaha xoolaha.
Si loo xaqiijio
ulajeedada-siyaasadeed oo ah in ay beelaha uscdu keligood
hantiyaan xukunka dalka waxaa la abuuray
cadaawadd-siyaasadeed oo ku salaysan in la wiiqaa, la
daciifiyaa oo xoog lagu muquuniya beelaha uscda ku la
tartama xukunka Dalka. Kuwaas oo ay ugu horrayso beelaha
Daarood.
Waa in la burburya awoodooda
militeri iyo Dhaqaali. Wana in la tirtiraa qabkooda iyo
sharaftooda ( Xassuuq- kufsi ).Magaaloyinkooda waa in la
qsadaa lana burburiyaa si aysan u abuurin dhaqaale cusub oo
ay noqdaan CAYR maxaysato ah oo sacabbada hoorsata. Mabda’an
labada Taliye way ka midaysanyihiin
5– QAABKA DUULLIMAADKA :
Waxaa cadd in uusan kornayl
Caways iskuba hawllin habka loo fulinayaa qabsashada
Gobollada beelaha ka baxsan USCda. Wuxuu soo min-guuriray
qorshihii Jananka Wuxuuna ku dhaqaaqay fuluntiisa isagu oo u
qirsan Jananka sarraynta Darajada iyo xeeladaha dagaalka.
Qorshahaasi waa midd ku dhisan
Saddex marxaladood oo is-dabayaal oo kala ah :
A- Qabsashada Gaalkacyo oo
fure u ah qabsashada gobollada Waqooyi-Bari ama Puntland.
Haddii laga soo waabiyo Gaalkacyo waxaa lagu dhaqaaqayaa_
B- Qabsahada Jubooyinka oo
marka hore laga billabayo Kismaayo kaddibna Gedo.
C- Waaxaa lagu
rogaal-celinayaa Gaalkacyo iyo waqooyi-bari. Iyada oo
laadeegsanayo dhaqaalaha iyo tamarta lga helayo gacan
kJubbooyink Gedo.
6- DAWLADD-DIID:
Si loo xaqiijiyo xoogg ku
qabsashadda Goballada dalka oo dhan waan in aan sinaba loo
ogolaanin dhismaha Dawladd Somliyedd nooc kastaba ha noqoto
eh. Iyada oo loo arkayay in Dawladd ama Xumadd kasta oo
dhisantaa ay caqabadd ku noqonayso ula-jeeddooyin
USCda-Caydiid
.
Fikirkaan ayaa ka danbeeyay
diidmadii, la dagaallankii iyo fashalintii Dawladihiim
BAYAANKA ee Cali iyo Cumar Carte ee 1991kii iyo Dawladdii
Shirkii Jabuuti ee 1992kii. Dawladd la’aantaas waxay uscda u
siinaysa fursadd in la sii wada Dagaalka ahliga inta laga
xaqiijinnayo ahdaaftooda.
Cawysna Cashirkaan si buuxda
ayuu uga dhaxlay Jananka. Wuxuuna ku sii-daray fikrado
SOMALI-DIID ah. Taas ah sidii Somalia looga dhigi lahaa
Imaaradd Islaam ah oo ka dhaxaysa dadka muslimiinta ah oo
dhan.. Isaga oon haynin hal dal uu ogol in Somalidu la
wadaagto dalkooda. Somali-diidnimadaan ayaa ka danbaysay
ihaanadii loo gaystay Calanka Somalia eeka dhacday Kismaayo
markii uu Col. Caways qabsaday.
Mabda’ana Dawladd-diidka ah
wuxuu ka mid yahay udubb-dhexaadyada Siyaasadda Beelaha
uscda ama Jabhadd ha ahaato, ama War-lord ahaado ama
maxkamadd ha sheegto eh.
Col. Caways wadahallada
khartuum ee dawladda iyo Maxkamadaha waxay ugu jirta
maaweellinta ra’i-caamka inta uu xoog ku muquuninayo
gobollada dalka. Waxayna ka ka midd tahay waxyaalaha
qurxinta waajahadda maxkamadaha ee waqtiga diyaar-garawgga.
Mana jirto wax qiima ah oo ay isaga iyo Maxkamadihiisa ugu
fadhidaa.Wadahaddalladaas Haddii la qabto iyo haddaan la
qabanin, haddii la heshiiyo iyo haddaan la heshiinin
Kornalka waxba isuma dooriso.oo ushiiso meel bay uga go’an
tahay
7- DIIDMADA CIIDAMADA
AJNABIGA :
Diidmada Ciidamada Ajnabi ah
oo gacan ka gaysta soo celinta nabadda iyo sharciga, waxay
la xirirtaa Diidmada Dawladd-qaran. Sidii Jananku dagaal ugu
qaaday Ciidamadii Caalamku ugu dheeqay Somalia. Halkaana ugu
fashaliyay Gurmamaddkii Caalamiga ahaa ee ku wajahnaa
Dib-u-soo-celinta RAJADII Qaran, Nabadd iyo Middnimo
Soomsliyeed..
Col. Cawysna qonbihii
Jananka ayuun buu LIG-LIGGA haystaa una diidayaa Ciidamo
dibadda ka yimaadda oo Somalida gacan ka siiya soo celinta
Nabadda, qaranka iyo midnimada ay iska lumisay!! Ciidan ku
caawiyana waxaa kuu huraya oo keliya nin kaa naxaya.
Kaasina Carabb ku-ma-ba jiro Afrikaanna wuu ku yaryahay
8- KAALMO-AJNABI:
Janaku inkasta uu diidanaa
Ciidamo si sharci ah ku yimaadda Dalka, haddna wuxuu
xoog-saaray in Dagaalkiisa Ahliga uu u helo taageero
dibadeed. Wuxuuna ku Guulaystay in helo Taageero fara baddan
oo isugu jirta HUB; MAALIYADD iyo DIPLOMAASIYADD. Taas uu ka
helay Ethiopia, Talyaaniga. Sudaan iyo Maraykanka ( inta
aysan-is-khilaafin 93-94 ).
Col.. Caways wuxuu ku sii
kor-dhiyay in uu keen ciidamo ajnabi ah oo aan sharciyadd
meelna ka haysan oo markii ugu horraysay ka qayb-qaata
dagaallada ahiga ee Somalia. Isaga diiddan kuwa sharciyadda
ka haysta Ururda Caalamiga iyo urur Goboleedyada Somalia
xubnaha ka ahaan-jirtay oo aan dagaallada ku lug-la-hayn.
9 – NIMAN DANBI LOO HAYSTO:
Waxaan ognahay in
maamulkii UNISOM uu J.Caydiid u gooyay WARAN amar qabasho.
Cawasyna sidaas oo kale waxuu jiraa dadka ay maraynka iyo
xulafadiiso raadinayaan in la soo qabto. Danbiyada loo
haysto nimaankaan innago ma xaqiijin karo manaa beenin karro
waxaanse aragnaa in ay wadaagaan Waarankaas Caalamiga ah ee
caddaaladdu ku goobayso qabashadooda .
Waxaan filayaa in ay intaasi
innoogu filantahay tusaale ahaan isu ekaanshaha labada
taliye ee uscda ee shalay iyo maanta. Beeluhu waa kuwii,
ulajeeddadu waa tii. Jidka loo marayaa waa kii. Mooryaantu
waa tii. Muhu waa mihii oo waa Muqdisho !
Waa arin sida qorraxda u cadd.
DAGAALKA
AHLIGA-CUSUBB.
Maanta Somalia waxay cagta
saartay xarbi-ahli ah oo cusub oo hanbadii Caydiid ka soo
hartay aan dad iyo xoolo waxba ka reebayn.
Waddadaan cusubi waxay u horseedi karta
zawaal iyo tirtirridd laga tirtiro khariidada caalmka dal
ahaan. Waxaana soo dhowaatay bislaanshihii mashruuca
ah in Dalkii Somalia la oran jiray loo qaybiyo dalalka
dariska la ah ( jabuuti waa laga reebay ) marka lagu wada
qanco in Dadka Somaliyeed aysan ahal u ahayn qaadina karin
Mas’uuliyadd qaranimo.
Ummadda wax qiima ah ugu ma
fadhido haddii Barneeddadii ( koofyadd ) uu Caydiid labisnaa
ay Ethiopianku soo siiyeen, hadduu Caways ku beddelo
Cimaamadd Carabi soo siisay ama mooryaantii raamaha lahayd
lagu beddelo mooryaan cimaamadu sidata..
Waxaan kale oo aan iyana wax
qiimo ah ku fadhiyin haddii gabaygii Caydiid lagu beddelo
Ireyo Diini ah oo macnahoodii runta ahaa laga leexiyay oo uu
Caways ku celcelo Isaga oo mar kasta uga dhigaya dadka Diin
cusubb.
Waxay Ummaddu ku Xukumaysa
qofka ma aha dharkiisa iyo Qawlkiisa ee waa ficilkiisa la
xirira ka qayb-qaadashada Xallinta dhibaatooyinka Umadda ku
habsaday ee Qaran-jabku hooyada u yahay.
TABAHA
CUSUBB RR USCDA CUSUBB.
1-
Marin-habaabin: Waxaa la wada ogsoonyay in dhibaatada
Somalidu tahay DAWLADD-LA’AANTA : Dawladd la’aantaas ayaa
dhashay dhammaan masaa’ibka ku habsaday dadka, dalka iyo
diinta muddada 16 ah.. Sida dagaallada ahliga, burburka,
bara-kaca, qaran-jabka, Fawdada…. iwm. Xaqiiqdani waa mid
muran ma-gasho ah. Isla markaana maragg ma-doonto ah Gaal
iyo muslin gudaha iyo dibadda waa laga wada
dheragsanyahay.
Kornayl Caways iyo
Maxkamadihiiso inta ay dhibaatada Somalida qayb-ka-qaadan la
haayeen xallinteeda ayay xaqiiqdadii garabb-mareen oo ku
fureen Somalida dhibaato cusub oo ah DIIN la’aan. Si aan
Dawladd la’aanta loogaba hadlin.
2-
Cadaawaadda Dariska : Dalalka Xuduudda la wadaaga Somalia
ee saddexda ahi si aan hagari ku jirin ayay dadka Somaliyeed
u kaalmeeyeen Markii dalkoodii burburay. Iyaga oo boqolaal
kun ku soo dhoweeyay dalalkooda.
Jabuuti ayaa ugu wax-tar
yareed. Kenya wax-wayn ayay qabatay inkasta oo ay jireen
dhibaatooyin Somaali baddan loo gaystay ( kofsi-raaf ).
Ethiopia wanaaggeedii wax la qiyaasi karo maba aha markii
ay sharciyaysay in dadka Somalia ka soo qaxay ay XAQ u
leeyihiin dhammaan xuquuqda muwaaddinka Ethiopianka ah.
Dalalka deriska ah caawinaaddooda haba kala waynaato eh
haddana ma aha midd laga abaal-dari karo
.
Waxaa iyana aan qofna ka
qarsoonayn in Somalia oo dhulka jiifta maanta ay addunka oo
idil uga baahantahay saaxiibnimo iyo taageero. Somalidu u
ma baahna in darisgeeda loogu abuuro cadaawadd cusub oo la
yiraaho Jihaad baan ku qaadayna. Jihaagkana sida Islaamku
qabo waxaa iclaamin karo oo kaliya Madaxa Dawladda.
3-
Bambooyinka-ismiidaaminnta oo lagu maqali jiray wararka
Bariga-dhexe ayuu kornayl Caways ku soo biiriyay noocyada
dagaalka ee Somalia.Waa jiil ama da’ cusubb oo dagaal.
Waxaan shaki lahayn in noocaan-
dagaal uu ku faafi doona qaybo badan oo dalka ah mustaqbalka.
Caways iyo cidd kale toonana aysan xakamayn kari doonin.
Waxaad arki doontaan berri iyada oo meelaha dadku ku badan
yahayn sida masaajidyada iyo suuqyada oo ay dadka
masaakiinta ahi ay boqolaal ugu gumaadmaan.
AAYATIINKA MAXKAMAHA!!
Waxaan ku soo gaba-gabayna
qoraalkan su’aasha dadku is-waydiinayo oo ah Alloow muxuu
ku danbayn-doonaa Dagaalkan ahliga ee uscda maxkamaduhu ay
ka aloostay geyiga Somalia iyo halka uu ku staagi doono
Faraska-colaadda uu caynanka u qabtay Kornayl Caways??
Jawaabta su’aashaan waxaa
dhabb ahaan u og Alle-wayne oo qur ah. Haddanse ka
saadaaliyo waayo-aragnimada taariikheed ee dunida oo ah
midd Somalida reer-guuraaga ah maankooda iyo maskaxdoodaba
ka maqan- waxay ayaamaha Eebbe inna barayaan in dagaalka
gar-darradu uu daa’iman iyo abadan ku dhamaadu Jabb iyo
qoomame!!
.
Markii aynnu Ethiopia ku qaadnay Dagaalkii
1977kii. Ayaa
annaga oo ku faraxsan guulihii aan gaarnay billawgii
dagaalka ayay kukhubaradii Ruushka ahaa intii aan laga eryin
dalka waxay nagu yiraaheen “ Somali dagaal ma taqanno.
Waxaanno idin sheegaynaa: DAGAAL MEESHA UU KA BILAABMO YAUU
KU DHAMAADAA!”. Dagaalku xuduuddiina ayuu ka bilaabmay iyada
ayuuna ku dhammaan doonaa. Waxay intaas noogu dareen Laba
dagaal-wayne ee Adduunku Barlin ayay ka bilaabmeen. Iyada
ayayna ku dhammaaeen
.
Haddan u soo laabto
dagaallada ahliga ee Uscdii Caydiid ka Oogtay Dalka Muqdisho
ayuu ka billawday. Waxuuna Caydiid weerar ku ekeeyay min
Gaalkacyo ilaa Balad-Xaawo wuxuuna ku dhamaaday Muqdisho.
Dagaalkan ahliga ee uscda Maxkamadunhu Waxaan filayaa in
uusan ka baxsanayn qawaaniintaas guud ee looga bartay
ayaamaha Ilaaheen. Oo isaguna Muqdishada uu Col Caways ka bilaabay weerarka
ayuu ku dhamaaan.
Faraska Colaadduna muqdishada
laga haynseeyay ayuu dhigayaa heensaha marka uu halkaa ku
TIRFACO SIDII UU UGU TIRFACAY FARASKII CAYDIID haddii Alle
yiri.
Waa : Dr. M. X. Said.
Al-Jabarti.
al_jabarti@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 17, 2006


|