SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Daabaco Boggan | Print

Shirkii 2004 - Minneapolis:
QUURSIGU QIIL MALEH



Shirka Hayb Sooca oo Lagu soo Gabagabeeyey Minneapolis

Axdii Dec 24, 2006:  waxaa magaalada Minneapolis lagu soo gabagabeeyey shirkii habsooca oo socdey labada maalmoos.. Wixii shirkaas ka soo baxay kala soco SomaliTalk.com, insha Allah.


Ogeysiis: Shirka Hayb Sooca oo Maanta ka Furmaya Minneapolis

Waxaa dadweynaha la ogeysiinayaa in shirka Haybsooca oo maanta oo Sabti ah Dec 23, 2006 ka furmaya Minneapolis ay si toos ah ugala socon karaan soomaali Radio. Waxaana shirkaasi furmi doonaa 10ka subaxnimo ee Sabtida, maanta.

Shir-weynahaas oo Jaamacadda Minnesota (carlson school) kasocon doona December 23-24 waxaa ka qayb geli doona 40 qof oo casumaad ku imanaya oo ah Jaaliyadaha Soomaalida iyo Iimaamyada Masaajida Minnesota iyo aqoonyahanno/waxgarad ka kala imanaya meelo kala duwan oo caalamka ah. Waxaana toos looga dhegeysan karaa Radiyaha, wixii ka soo baxana waxaa lagu soo tebin doonaa warbaahinta.


Shir ay Minneapolis ku yeesheen Guddiga La Dagaalanka Hayb Sooca

  • Warbixintii: SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | Dec 10, 2006

Kulan Sabtidii (Dec 9, 2006) lagu qabtay magaalada Minneapolis ayaa waxaa lagu gorfeeyey waxyaabihii ay ilaa hadda soo qabteen ama u qabsoomay Guddiga la dagaalanka Hayb-sooca, guddigaas oo dhawrkii sano ee ugu dambeeyey kusoo dhex jirey sidii loo wajahi lahaa, talona looga bixin lahaa sidii mujtamaca Soomaaliyeed looga suulin lahaa quursiga, takoorka iyo hayb-sooca.

Guddigu waxa ay sheegeen in dhawrkii sano ee ugu dambeeyey:

  • La qabtay ilaa 15 shir oo looga arrinsanayey suulinta quursiga/takoorka/hayb-sooca
  • La soo jeediyey muxaadarooyin iyo wacdi badan
  • La qabtay dood-cilmiyeedyo looga hadlayay takoorka iyo quursiga
  • Laga qoray qoraallo iyo buugaag badan, lagana tiriyey gabayo/maanso, iyo
  • Laga sameeyey filimo iyo barnaamijyo, iwm

Barnaamijyadaas iyo shirarkaa oo dhammaan lagu wacyi gelinayey bulshada Soomaaliyeed sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen suulinta hayb sooca.

Kulankii Sabtidii waxa uu ahaa kulankii 5aad ee loogu gogol dhigayey, laguna gorfaynayey shir-weyne ay yeelan doonaan Guddiga Lafa-Gurka Hayb Sooca, shir-weynahaas oo Minneapolis ka dhici doona December 23-24 waxaa ka qayb geli doona 40 qof oo casumaad ku imanaya oo ah Jaaliyadaha Soomaalida iyo Iimaamyada Masaajida Minnesota iyo aqoonyahanno/waxgarad ka kala imanaya meelo kala duwan oo caalamka ah. Waxaana shirkaasi lagu lafa-guri doonaa sidii loo midayn lagaa aragtida ku jihaysan la dagaalanka hayb-sooca. 40-kaas qof ee ka soo qaybgelaya shir-weynaha ee ah aqoonyahanka Soomaaliyeed go'aanada ay soo saaraan warbaahinta ayaa dadweynaha loogu soo tebin doonaa. Waxaana la qorshaynayaa in marka uu shirkaasi socdo si toos ah looga dhegeysan karo radiyaha ama Internetka.

Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan guddiga la dagaalanka Hab Sooco waxaa lagala xiriiri karaa:

  • Siciid Saalax (612-290-1521)
  • Cusmaan Daahair (612-227-8830) - Email: Tayasir7198@yahoo.com
  • Mubaarak Cali Xirsi (612-275-0518)
  • Maxamed Aadan (303-523-5510)


Ka qayb galayaashii kulankii Sabtidii ee looga wada hadlay la dagaalanka Hayb sooca.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD