Maxaakimta
oo 7 bilood jirsaday
ciimada tigreega+dowlada
federaalkana u qabtay 7
maalmood.!!
Tarjumadii:
Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-kenya
+254721130470
Asalamu calaykum
Marka hore Allaah ayaa mahad idilkeed iska leh, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeeni Muxamed ayey korkiisa ahaatay.
Marka xiga taageero hiil iyo hoo ah oo ay midoga maxaakimta
islaamka ka helaan shacabka somaliyeed gaar ahan kuwa ku
nool koonfurta,ayaa sababay guul maxakimta ay ka gaareen
dagaalkii ay la galeen ururkii ay ku bahoobeen hogaamiyaashi
dagaalka ee la magac baxay ladagaalanka argagixisada iyo soo
celinta nabada ee 18/February ee sanadan looga dhawaaqay
dayniile oo xarun u ahaan jirtay dagaal ooge maxamed qanyare.
Bartamihii sanadan 5.june.06,ayay maxaakimta sheegeen in ay
la wareegeen gacan kui heenta magaalada caasimada ah ee uu
loolan siyasadeed ka socday ku dhawaad 16 sano oo dagaal iyo
iska hor imaadyo oo aan ujeedo ku dhisneen,isla maalintaasi
waxa hadal jeediyay gudomiyaha gudiga fulinta ee midowga
maxaakimta sheekh shariif sheekh axmed waxa uuna yiri “Waxa
aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo deganaanshaha.
Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo qof kasta iyo koox
kasta annagoo u danayneyn dadweynaha." Hadalkaasi waxa uu
ahaa hadal neef ka soo bixiya dad badan oo hamuun u qabay
nabad lagu soo dabaalo guud ahaan magaalada mogdishu gaar
ahaan..ninkii soo joog laga waayo soo jiifo aya laga helaa
wado cad ayay mareen hogaamiya yaashi dagalka ee umada
gumeysiga ku hayay.
Awooda aan la dhalaysan Karin ayaa ka soo iftiinta geeska
Africa gaar ahaan meesha Somalia dhibka ugu badan uu ka
socday ee konfurta Somalia,waxa caalamka oo dhan laga maqlay
magaca midowga maxakmta islaamka somaliyeed,sidoo kale
saafada caalamka ayaa diirada soo saartay is badalka
cusub,dhanka kale waxa soo baxay xiligaasi hadalo ka
imanayay dowlada federaalak ee Somalia mucaarad iyo
mucaafidba hadaladaasi waxay ahaayeen taageero iyo diidmo
intaba.
22.june.06,waxa magaalada khartoom ee wadanaka sudan ka
furmay shir ay isugu yimadeen argo ka kala socotay midowga
maxakimta islaamka iyo dowlada federaalka Somalia,shirkaasna
waxa uu ahaa mid guul laga soo hoyiyay waxaana lakala
sixiiday heshiisyo labada dhinac ah waxaan kamid ah ahaa wax
yaabihii shirkaasi lagu heshiiyay:.
Labada dhinac qodoba ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:
· In labada dhinac ay joojiyaan hujuumka ay isku wadaan ee
xagga militari iyo xagga saxaafadda
· Labada dhinac uu midba midka kale aqoonsado
· in furo maxkamad la soo taagayo dembiilayaashii dagaalka
(War Crime Trial)
· Dhawridda Midnimada Soomaaliya, iyo dhawrida wadajirka
Dhulka Soomaaliya
· In dadka Soomaaliyeed lagu caawiyo dib u dhiska hay'adihii
qaranka, dib u dejin
Mar kale ayay hadana u bilaabatay eedeemihii labada
dhinac,kadib markii September 24, 2006: Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ayaa la wareegey gacan ku haynta magaalada
Kismaayo kaddib markii uu magaalada ka baxay wasiirkii
gaashaandhigga ee DFKMG, ahaana hoggaamiyihii Isbahaysiga
Dooxada Jubba, Col. Barre Hiiraale. Waxana uu magaalada ka
baxay markii ay ciidamada Maxkamaduhu soo gaareen duleedka
Kismaayo, Isbahaysigii dooxada Jubbana uu u kala jabay laba
garab, sidaasna ay maxkamaduhu kusoo galeen Kismaayo ayadoo
aan dagaal ka dhicin,bare iyo yusuf laba ninba waxay ahayen
dadki lagu tiring jiray hogaamiye kooxeedyada hadana waa
laba nin oo kala duwan?maxa is badalkaasi keenay waa wax
adiga iyo aniga aan is waydiinayno jawaabta se waa lagu kala
duwanan karaa.
Dhinaca kale qaramada midoobay aya ansixisay in
cunaqateentii hubka laga dalka Somalia lagu soo rogay
1992,sidoo kalana ay hool galo kasameen doonan ciidamo ka
socda qaarada afrika,qaraarkasi waxa ka horyimid maxaakimta
islaamka dhanka dowladana waxa kasoo fuqaday neef,iyado geed
dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo qaadi lahaa
cunaqabateenta hubka,balse ma is waydiisay aqristoow in
cunaqabateenta hubka ee la qaaday labada dhinacba ay kawada
siman yihiin,maxaa yeelay maxaakimta qudhooda waxay ay
helayaan hub ooga imaada wadamo ay qaramada midoobay liis ay
soo sartay hubno ka ahaa intoda badan ah wadamada carabta.
Wixii la is jiid jiidaba usbuucan horaantiisi ayuu ninka
maxakita u qaabilsan gaashaan dhiga gaashan dhiga yusuf
indha cade ku dhawaaqay in itobiya ay isaga baxdo gudaha
wadanka,hadalkasi oo dowlada ku noqonaya mid layaab
leh,maxaa yeelay dowlada waxa ay taagero ka heshaa xukuumada
tigreege ee wadanka itoobiya ,balse labada dhinacba way ka
hadleen waxayna sheegeen in ay maxaakimta dagaal u soo
diyaar garoowday, hadalka maxakimta,waxaana moodaa in dagaal
bareer ah ay maxaakimta islamiyeen,hadalka maxaakimta waxaka
horeeyay hadal uu ra’isul wasaare zanawi uu ku sheegay in
wadankiisu uu diyar u yahay dagaal uu la galo
maxakita,Somali ayaa horay u tiri nin naagtaada doonaya kuma
kartid gabadhaada maxaakimtu waxay joogan wadanka tigreeyoow
isaga baxa,zanawina wuxuu taagan yahay wadanka dad ila
shaqeeya ayaa jooga oo aan waydiyaysanayaa.
Hadalka maxaakimta kasoo yeeray wuxuu keeni karaa doona
qasaaro naf iyo maal ah oo soo gaara shacaba
somaliyeed,hadalkaasi uma daneeynayo shacabka dhibaatada ay
duleesatay sido kalana ay u dheeryihiin daadad la tagay
hantidoodi iyo beeradoohii,hadi dhanka kale hadalkaasi aan
ka fiiriyo waa hadal muujinaya karti iyo wadaninimo, maxaa
yeelay waxa horay loo yiri dad iga leexo kaaga leexdaane aan
kala leexano ayay kaaga leexdaan.
ugu danbeyntii waxa hadalka soo xiray madaxweyne c/laahi
yusuf oo sheegay in ay albaabada wadhalka xirmen isla
markaana dowladu ay diyaar u tahay dagaal ay la gasho midoga
maxakimta,xasan daairna c/aalhi waxa uu ku edeyay in uu
yahay in dagaal siyaadu hada waa c/lahi yusuf iyo xasan
daahir awees.allow umadaada badbaadi.?!!
Dagaalka ay labada dhinac isu diyaarinayan maxaakimta oo
dhinac iyo dowlada+ciidamada tigeega,muxuu ku dhamaan
doonaa?dagaalka ma labadaasi dhinac ayu ku eekaan doona mise
faragalin shisheeye ayaa soo bixidoonta?dagaalku yuu dan u
yahay?yaa ka faa’iideeysan doona?su’aalaahan waxay ku soo
noqnoqdaan maxkasdayda markii aan maqlo xiisada colaada
labada dhinac u dhaxyasa.!!!
Dagaal horay u dhax maray ciidamadii gumeeysiga ingiriiska
oo taageero siiyay boqortooyadii itoobiya waxaana dhanka
somalida hogaaminayay halyayga sayid Mohamed abdule xasan ..
Sida uu qoray buuga magaciisu uu yahay taariikhda darawiish
ee wasaaradii hidaha iyo dhaqanka ee xukuumadii malatari ee
allaha u naxariistee marxuum Mohamed siyad bare,markii
darawiish ay Nugaal ay ka soo guurtay waxa muuqatay in ay
kasoo fogadeen gumeeysigii ingiriiska iyo dhulkuu kata
linayay,hase yeeshe ingiriisku waxa uu la hadlay boqorkii
habashida ee xiligaasi waxa uuna u ku yiri “Nimankii
falaagada ahaa oo wadaadka waalani watay dalka ogaadeeniya
ayay soo galeen waxaana warka ku helnay in uu soo dagay
Hiridigeed,waa in aad ciidamo u dirtaan oo aad wax ka
qabataan”boqorkii qabashada ayuu harar u soo diray waxayna
ciidankaasi weerareen dagmooyin dad ree miyi ah ay
dagaan,iyadoo lagu tuhmay in ay daraawish xiriir la
leeyihiin,waxayana sidoo kale dhaceen xoolo iyo xasuqna
halkasi ka geesteetay.
Daraawiish abaaul ciidan ayay bilaaben,si cadowgaasi looga
hortago balse 5-tii march -1900 ayuu xabashidii iyo
ciidankii daraawish dagaal dhaxmaray halkasa waxa loogu
awood sheegtay ciidankii xabashida oo ku dhawaad laga dilay
200 oo nin halka darashiina ay ka dhimatay ku dhawaad 150
nin.
Dagaalki markuu dhamaday sayidku wuxuu fariimo u diray dadki
xiligaasi daganaa koonfur bari magaalada Hargaysa,isagoo
ooga digayay dibindaabyada gumeeysiga u dhulkaasi ka
wado,sida in uu hilmaha gaaleyo iyo caruurta in uu u daabulo
wadankiisa waa cadowgee,waxana la mariyay tixdan:.
Ninkii reer u waynaa inuu howsha galo baw eg.
Hal nin raray horsed uma edee soo hirtigin baw eg.
Ninkii aabihii hawsha wday inuu haya baw eg.
Wiilkii halyeeyihii jahaad inuu helaa baw eg.
Gaalada in laga soo haraa magaadlow baw eg.
Wabilaahi toqfiiq
Salaamat minkuli aafaar
Ibraahim da;ud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com
Nairbo-kenya
+254721130470
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 17, 2006


|