QUURSIGU QIIL MALEH
Qore: Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis,
Minnesota, USA | July 11, 2004
SomaliTalk (Minneapolis, MN): Shirweyne si heer sare ah
loo soo abaabuley oo xalay lagu qabtay Jaamacadda Minnesota ayaa looga hadlay
su'aasha ah: Quursigu qiil ma leeyahay; taas oo jawaab loo raadinayey
takoorka iyo yasidda & quursiga Soomaalida dhexdeeda ah meesha ay salka ku hayso
iyo sidii loo daweyn lahaa?
Shirweynahaas oo ay ka hadleen Aqoonyahanada Cilmiga Islaamka (culimaa'u
diin), aqoonyahanada cilmiga maadiga, aqoonyahanada cilmiga waaya aragnimada, abwaanada suugaanta Soomaalida; iyo
madax Soomaaliya jagooyinka ugu sarreeya ka soo qabtay. Qormadana waxaan ku
soo qaadan doonaa qaybo kooban oo kamid ah hadaladii halkaas laga soo
jeediyey.
Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub)
Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub)
|
"Qalada-qalad ku sixid iyo qabiil-qabiil ku faan ayaa
khasaarahaas dhigay" ayuu tix yar ku xoojiyey abwaan Sangub oo durbadiiba
hadalkiisa ku muujinayey meesha uu salka ku hayo Takoorku. Waxana uu intaas
ku lammaaniyey "Allow yaa qalbiga daawada, waxa quursi yuurura"; taas oo uu
sharraxaad gaaban ku caddeeyey in marka hore aysan arinta takoorku si fudud ku
dhammaanayn ilaa daacad laga nocdo. Wuxuuna cadayn taas uga dhigay tixda ah:
"Taariikhdii qurmuunayd Qarnigani badeli waa".
Abwaan Sangub waxa uu si toos ah ula hadlay culimaa'u
diinka Soomaaliyeed iyo Aqoonyahanka; waxana uu yiri aqoonyahanow mindiyo
ayaa
inoo qarsoone, arinta aan daacad ka noqono (si loo suuliyo); culimadana waxa
uu xasuusiyey in ay dadka u sheegaan in arinta takoorka ama quursigu aysan
boos ku lahayn Islamka. Waxana uu erayadiisii kusoo xiray tix gabay ah
dadkii madasha joogey u riyaaqeen oo xoorinteedu ahayd: Qayladoon ha
dhiirado; Quursiguna ha baaba'o.
Maryan Maxamed
Maryan Maxamed
|
Maryan oo ah hooyo Soomaaliyeed oo lagu soo dhoweeyey in
ay masraxa ka hadasho waxa ay ku bilowday: waxaan ka imid Xudur; wixii ugu
horeeyey ee la igu yiri waxay ahayd "Naagta EELAYDA ah"; taas oo ay ku
tilmaantay in ay quursiga kamid tahay - waxana ay tibaaxday in ay ka
gilgilan kartey. Waxa kale oo ay xustay magacyada kala qaybinta sida "FARADHEERTA
& RAXANWEYN". Waxana ay si weyn uga
hadashay in arimahan quursigu ay tahay in hoos laga soo tirtiro taasna ay
qayb libaax ka qaadan karaan hooyooyinka Soomaaliyeed, oo aas aaska u ah
qoyska, waxana ay tilmaantay
in ilmaha yar uu ku soo ababo wixii guriga looga soo tarbiyadeeyo inta ka
horeysa da'da 12-jirka.
Maryan waxa ay aad u canaanatay ragga Soomaaliyeed oo ay
tiri geedihii golaha shirka lagu dhigan jirey lama geyn jirin hooyooyinka;
taas oo ay ku xoojisey "aabahay hooyaday weligiis ma kaxayn" oo ma geyn
goobihii gogosha lagu dhigan jirey. Taas oo ay ku tilmaantay in ay quursiga
ka mid tahay. Dhanka kale waxa ay Maryan tibaaxday su'aal ay is weydiisey oo
ahayd: Horta Aqoonyahan qofka Jaamacadda gala oo keliya miyaa. Ayada
oo sheegtay in ay jiraan dad badan oo aan weligood jaamacado gelin oo oqoon
leh ama waayo arag ah; taas oo dulucdeedu ahady meesha aad rabtid aqoonta ka
koroso ee baro aqoon kugu filan oo kaa suulineysa in aad ku dhaqantid
TAKOORKA.
Sheikh C/Raxmaan Sheikh Cumar
- "Kaba Tole ma ahan ee waa Abtigaa"
Sheikh C/Raxmaan oo ka hadlan mowduuc cinwaankiisu ahaa: "Diinta
Islaamku maxay ka qabtaa Quursiga" waxa oo uu aad ugu xeel dheeraaday sidii
uu Islaamku asal ahaanba u tirtiray TAKOORKA; waxana uu yiri: "Islaamku wuxuu
abuuray mujtamac ku walaaloobey Islaamka; kuwaas oo ka kala yimid
dabaqadihii ay bulshadu ka koobnayd - taajir, faqiir iyo midabkuu doono-
kuwaas oo distoorkooda ama qaanuunkoodu yahay KITAABKA QUR'AANKA. Waxaana
dhammaan dadka ugu sharaf badan kan ugu taqwada badan - sida ku cad
qur'aanka- taas oo ah in Diinta Islaamku ay qofka ku qiimayso sida uu ALLAH
uga cabsado. Wixii Islaamka ka horeeyeyna waa Jaahil ku dhaqmi jirey quursi
iyo kala faquuq."
Sheikh C/Raxmaan waxa uu tusaale u soo qaatay BILAAL oo
guursadey gabar reer QUREYSH ah oo ah reerkii markaas ugu martabada sareeyey;
taas oo uu ku tilmaamay in aysan jirin wax xilligaas isweydiiyey.
Shiekh C/Raxmaan asagoo si toos ah ula hadlaya culimaa'u
diinka Soomaaliyeed waxa uu yiri: Ugu horayn waa in culimadu ay arintan
daacad ka noqdaan, waxayna daacad kaga noqon karaan in lagu dhaqmo diinta
Islaamka; dadkana u sheegaan in arintan (quursigu) aysan asaas ku lahayn
Islaamka oo uu islaamku suuliyey. Waana in culimadu arintaan ka hadlaan.
Waxa kale oo uu Sheikh C/Raxmaan toos ula hadlay "KAABA QABIILADA" Soomaaliyeed,
waxana uu yiri qabiil kasta inta talada u goysa waa in ay marka hore arintaan
ku qancaan, kaddibna arinta si qabiil ahaan ah uga hadlaan, oo ay markaas
gaaraan go'aan qabiil ahaan ah (oo ay arintaas ku suulinayaan).
Sheikh C/Raxmaan waxa uu xusay kelmed uu sheegay in ay
weli dhegahiisa ka bixi la'aday taas oo ah : "Kaba Tole ma ahan ee waa
Abtigaa"; oraahdaas oo uu sheegay in hooyadiis ku tiri mar ay u
tageen nin kabaha u toli jirey. Hadalkaas xigmada ka dambaysaa waxay ahayd
sida ay hooyadu miisaanka weyn ugu yeelan karto suulinta 'TAKOORKA' iyo
tarbiyada wanaagsan ee ubadka.
Gabaagabii hadalkiisa Sheikh C/Raxmaan waxa uu sheegay in
haddii arinta dadkaas lagu takooray ay ahad "BAKHTI" ayuu cunay odaygii;
waxaan taas dhehi karnaa in uu dadka ka aqoon badnaa; waayo ayuu yiri:
diinta Islaamku waxay qofka u baanaysay in uu cuno bakhtiga haddii uu naf
baxayo taas la'aanteed oo uusan wax kale haysan; haddiise uu qofku ku dhinto sidaas
(asagoo naf baxaya uu helay Bakhti oo uusan cunin si uu naftiisa u
badbaadiyo) markaas waa lagu ciqaabayaa.
Waxana uu si weyn dadka ugaga digey dulmiga iyo quursiga; waxana uu yiri: Dulmigu waa dembi; quursiguna waa dulmi; marka arintani
waa dulimi ee hala suuliyo.
Axmed Faarax Cali "Idaajaa"
- "Kani waa addoon, kani waa ugaas, waa inaan ilownaa"
Axmed Faarax Cali "Idaajaa"
|
Idaajaa oo safar kaga yimid dalka Ingiriiska oo ka hadlay
"Dhaqanka Soomaalida iyo quursiga" ayaa hadalkiisii ku bilaabay: Waxaan galabta markii aan shirkan u
soo socdey arkay nin oday ah, oo da' ah, oo dhowaan qaxootinimo ku yimid;
markaan u sheegay meesha aan ku socdo in ay tahay shirkan 'TAKOORKA' looga
hadlayo; waxa uu igu yiri 'war-naga-daa'. Halkaas waxaad ka garan kartaa
ayuu yiri: " (ninkaasi) ma rabo in uu wax qabto, in wax laqabtona ma rabo".
Waxana uu 'Idaajaa' durbadiiba uga sii gudbey dhawrkan qodob oo uu sheegay in ay hadda
Soomaaliya ka jiraan:
- Hadda waxaa qofku isu yaqaan qabiil ee dawlad isuma yaqaan
- Jabhadaha Soomaaliya waa baadi sooc, oo ma jiro
jabhad qabiil kale ku jiro; waa hal reer oo soocan jabhad kasta
- Dad Soomaaliyeed oo inta la qabto cadow gacanta loo
galiyo
- Soomaali dabin ayaa u qollan waxayna gacanta u gashay
dad aan Allaahna ka cabsanayn; cidna u naxariisanayn
Axmed Faarax 'Idaajaa' waxa uu sheegay qiyaas uu sameeyey
laba sano ka hor mar uu tegey Soomaaliya; taas oo ahayd su'aalo uu weydiiyey
dhallinyaro aysan da'doodu ka weyneyn 25-jir; su'aalahaas oo ahaa: Sheeg
qiimaha ay Soomaalida u leeyihiin:: 1da Luulyo, 26ka Juun, iyo SYL; goormaan
xornimada qaadanay. Sheeg wax u dhexeeya magaalooyinka: Luuq, Dhagaxbuur,
Jabuuti, Hargeysa iyo Gaarissa. Waxana uu sheegay in su'aalahaas ay
dhallinyaradii khaldeen 96% (Boqolkiiba sagaashan iyo lix khalad). Waa
kuwaas kuwa dalka sugaya; ayuu yiri.
Idaajaa waxa uu sheegay sida uu hoos uga dhacay damiirka
Somaalida; taas asagoo xusayana waxa uu sheegay in qabqablayaashii dagaalka
ee Soomaalida dhibayey 14ka sano aysan jirin cid la hadli karta. Arinta
TAKOORKA waxa uu tusaale u soo qaatay laba nin oo maro isku haysta oo nin
kale arkay yirina: labadan marada isku haysta hooyadood waa sida gacantaas.
Taas oo uu ku sharxay in maanta ay Soomaalidu waxba haysan oo madaxdooda ay
u soo magacawdu Xabashidu.
Waxa uu "Idaajaa" ku xeel dheeraaday suugaanta Soomaalida
iyo takoorka; waxana uu xusay kelmedaha kala duwan ee loo adeegsado
quursiga iyo sida dadka loo kala qaybiyey; kelmedihii uu xusayna waxaa kamid
ahaa: Sab & Soomaali; Bilis & Bidood; Aji & Midgo; Tumaal & Talaamiid. Waxana
uu mid mid u xusay magacyadaas: Waxana uu u dhigay sidan:
Idaajaa |
Midgaan:
- Waxay degaan meel kasta oo Soomaaliya ah
- Waxay yaqaanaan farsamooyin aysan Ajiga u sheegin
sida:
- Habka loo ugaarsado iyo xeeladaha
dabinka iyo sida loo dago ugaarta
- Samaynta 'mariidka' oo laga sameeyo geedo;
kaddibna la mariyo fallaaraha lagu ugaarsado
- Heeso iyo hadalo u gaar ah oo dhammaan guubaabo
ah; oo loo yaqaan hawl midgood.
- Ma ahan dad shaqo isku leh; waxayna la reer yihiin
hadba meesha ay degaan (isku meel kuma abtirsadaan ama hal oday isuguma
yimaadaan).
Idaajaa waxa uu yiri: lama oga waxa dadkaas lagu takooray;
takoorka lagu hayona waa kala badan yahay; waxana uu xusay in meesha ugu
daran ee lagu takooro ay tahay Woqooyiga Soomaaliya; sida Hargeysa, Berbera
& Burco oo xaafado gooni ah degaan; halka ay dhulka kale ee Soomaalida
qabiilooyinka kala dhex degaan ama aysan lahayn xaafado gooni ah. Waxa kale
oo uu xusay dadkii caanka ahaa ee magacaas ka dhashay sida: Xasan Maxamed
Dhunkaal, Geedi Yaryare; cali Xirsi; iyo rag badan oo kale.
Tumaal:
C/Raxmaan Eelay oo samaysanaya kabahiisa: Waa meel
yar uu dhiganta qaabka kabaha loo tolo; waxaan akorka sare kaga
qornaa Tumaal/Midgaan. |
Tiradoodu uma badna sida midgaha ayuu yiri 'Idaajaa';
waana farsama yaqaanno tuma mindiyaha; godinta; iyo dhamman qalabka anfaca u
leh Soomaalida. Waxana uu yiri: marka dagaal dhaco waxaa caadada Soomaalida
ahayd in aan dagaalka loo kaxayn Tumaalada; balse loo kaxayn jirey Midgaha;
waxana uu sheegay in la oran jirey haddii Tumaalku dagaalka kuu raaco waa
nasiib xumo oo colka ayaa soo jabi doona ama laga guulaysan doonaa. Laakiin
halkaas waxa uu ku tilmaamay in ay laba sirood ku jirtey oo ah: Midgaha oo
ku fiican shiishka oo dagaalka loo kaxaysanayo iyo Tumaalada oo la rabey in
ay birta lagu dagaalamayo tumaan oo joogaan guryaha si aan dagaalka loogu
layn. Waxana uu xusay in aysan ahayn in la isku caayo Tumaal-nimo; asagoo
madasha xasuusiyey in Nebi Daa'uud uu ahaa farsamo yaqaan Tumaal ah. Dadkii
magaca weyn ku lahaana waxa uu ka xusay "Ina Bir Cayreeye" iyo rag kale.
Yibro:
Waa tiro yaryihiin ayuu yiri 'Idaajaa'; waxana uu sheegay
in sheeko lagu sheego in ay qayb Soomaaliya ka xukumi jireen; markii uu
yimid Aw-Kowneen in la yiri tartan ayaan geleynaa ee BUCUR BACAYR buurtaas
haka duso; dhawr jeer markii uu dusey ayaa Aw-kowneen wax ku akhriyey
markaas ayuu ku duugmey buurtii; markaas ayaa la yiri ama qaata mag hadda
ama qaata mag weligiin idiin socota; waxayna doorteen magta weligeed u
socota; waana halkaas meesha ay ka socoto samaanyaha laga qaato wiil kasta
oo ka dhasha ajiga. Waana tan laga yiraahdo wiilkii aan samaanyaha laga
bixin 'Yibir ayaa qaaday'; waxan auu taas ku tilmaamay in aan xaqiiqdeeda la
hayn (ee ay tahay uun malo awaal). Ragii magaca lahaana waxa uuka xusay
Xuseen Cali Jiis iyo Ayax Maxamed , iyo rag kale.
Addoon/Bidood:
'Idaajaa' waxa uu xusay in suuqii ugu dambeeyey ee ahaa
sayladii dadka lagu kala gadan jirey ee Banaadir in la xiray sannadkii 1937.
Magacaas hadda waxaa lagu bedeley Jareer Weyn. Waxana uu xusay sida uu
xuquuqdood u ilaal jirey Seyid Maxamed Cabduule Xasan.
Maxaa ka dhexeeya:
'Idaajaa' waxa uu sheegay dhammaan kooxahaas kor ku xusan
waxa ka dhexeeyaa uu yahay: Quursiga lagu hayo iyo in waxa lagu takooray ay
tahay farsamada ay yaqaanaan.
Gabood Falka Suugaanta:
Idaajaa |
Waxa uu 'Idaajaa' xusay gabood falka ka buuxa suugaanta
Soomaaliyeed taas oo si weyn loogu xad gudbey dadka la TAKOORO.
Tusaalayaasha uu soo qaatay waxa kamid ahaa:
- Nin ayaa naagtiisa ku yiri: Saryankaan dili doono;
Sabeentaan siin doono; Sumakay dhali doonto; baridiisa Subageeda; kabo;
maya adigu kabo ayey xaaskii tiri; sidaasna uu ku diley naagtiisii -
waxa uu taas ku tilmaamay wax la mala awaaley oo quursi ah.
- Sheeko xarriirta oraneysa: Gabar ayaa waxay tiri
saddex nin ayaa arkay oo waxa ahaayeen nin Ugaas ah, Nin Ciil qaba iyo
Midgaan; markii la weydiiyey sid aay ku garatay waxay tiri: Ugaasku si
fiican ayuu ii fiirinayey oo iila hadlayey; kan ciilka qabana usha ayuu
dhulka ku mudmudayey; midgaankuna Ugaaska hooskiisuu harsanayey.
Xaqiraad weeye taasu.
Wanaaga Xuska Mudan:
"Idaajaa' waxa uu xusay waxyaabihii wanaaga ahaa ee
Soomaalidu ay kula dagaalameyeen quursiga waxana uu xusay:
- In Seyid Maxamed Cabdulle Xasan uu yiri yaan la oran
midgaan ee 'YALAXLE' ha la yiraahdo
- Ka dhiidhintii Ayax maxamed Dhawre uu sanadihii
1930-naadkii ka dhiidhiyey quursiga iyo gabaygiisi 'Qaraabow i maqal'.
- SYL: oo soo saartay hal ku dheggii ahaa: "Kani waa
addoon, kani waa ugaas, waa inaan ilownaa".
- Dawladii Soomaaliya oo la dagaalantay qabiil ku kala
saraynta; taas oo isku day ahayd.
Mar uu xusayey xilligii dawladii Soomaaliya waxa uu yiri
waxa maalin dhacday in laba nin ay is qabteen; markaasaa mid labadii nin ka
mid ah uu kii kale ku yiri: war nimanyohow wadaadkaa farsamo yaqaanka ah yaa
iga celiya; ilaa kuma dhacin in uu yiraado tumaal (ama midgaan).
Gabagabadii hadalkiisa 'Idaajaa' oo dhaafay waqtigii loo
qoondeeyey in uu hadalka kusoo koobo wuxuu yiri: Qolo kasta qolada ay la
degto ayey ku qolo tahay' xalkuna waa aqoon iyo in aan la munaafaqayn.
Waxana uu dadkii madasha isugu yimid xusuusiyey in uu jiro nin la siyaarto,
Sheikh Cali Samatar' oo hadana aan gabadhiisa la guursanayn!.
Ismaaciil Gama'diid
Ismaaciil Gama'diid
|
Gama'diid oo safar kaga yimid dalka NewZealand waxa uu ka
hadlay 'Quursiga iyo adduunka' waxana uu sheegay in waxyaabaha la isku
Takooro ay ka mid yihiin midabka iwm. Waxana uu xusay sida dalka Newzealand
loo quursaday dadkii caddaanka ahaa ee dalkaas tegey; waxana quursigaas
sameeyey dadkii dhulkaas loogu tegey oo la yiraahdo
Maori. Waxana uu sheegay in ay dadkaas Maori-gu ay caddaankii u
adeegsadeen kelmed quursi ah oo ah Bakija. Muddo ka dib si kelmedaas looga
baabiyo magac xumada ayaa lagu daray dastuurka - ogowna kelmeddaasi waxa ay
muujinesaa asal ahaan waa midabka dadka caddanka ah; laakiin qaabka loo
adeegsadey ayaa noqday quursi - taas ayaana la suuliyey.
Gama'diid su'aal ayuu dadkii weydiiyey uu yiri waxaa i
weydiisey gabadhayda; taas oo ah: maxaa lagu garan karaa qofka Soomaaliga ee
halkaas soo socda Qabiilka uu yahay. Ilaa iyo hadda jawaab uma helin ayuu
yiri; ee qofkii jawaab u helow igu caawi ayuu ku lifaaqay. Gabagabadii
hadalkiisana waxa uu xusay qodobada uu arko xalka lagu suulin karo Takoorka;
kuwaas oo ah:
- Culimada oo hadda arinta ka jiifa in ay tilmaamaan
xaqa
- Aqoonyahanka oo qayb ka qaata suulinta takoorka
- dadka ay arintani saamaysay oo door ka qaata wacyi
gelinta
- in la helo distoor xaaraamaynaya takoorka
- Qofkii magaca bedelanaya in uu magaciisa ka dhigto 'Midgaanoow',
tumaaloow' iwm.
- Dadka Xadgudubka geystey oo raali gelin bixiya
Halkaas markii la marayey ayaa xiriiriyihii shirku madasha
xusuusiyey in ay jiraan Aji badan oo hadda ameerika ku jooga Midgaan.
Abwaan Cismaan Daahir
|
Abwaan Cismaan Daahir
Ugu horayn Abwaan Cismaan waxa uu u mahad naqay qaar kamid
ah warbaahinta, ganacsadata iyo dadkii ka qayb qaatay la dagaalanka TAKOORKA.
Waxana uu tiriyey maanso ama gabay dheer oo dulucdiisu ahayd in dadkaan la
takooray ay yihiin farsama yaqaano iyo in haddii aan arintaan wax laga qaban
lagu mutaysan karo ciqaab Allah. Waxana uu dadweynaah ku booriyey in ay
xumaanta ka gadoodaan.
[GABAY
HORE EE UU CUSMAAN U TIRIYEY XORIYADA]
Cali As-har
Cali Ashar |
As-Har oo ku hadlayey magaca dadka magacooda madasha
lagu xusay waxa uu goobta ka akhriyey khudbad dheer oo qoran; inkasta oo
aysan ii suurta gelin in aan nuqul ka helo qoraalkaas waxaa dulucdiisu ahayd:
dadkaan la takooray waa kuwa Soomaalida u noqon kara dhexdhexaad heshiisiiya;
ayaga ayaana dhexdhexaadka ka ahaa sabataas ayaana loogu dhiibey goobo
muhiim ah sida Gaashaandhiga iyo caaddaalada dawladii hore ee Soomaaliya;
waana in hadda loo doorto madaxweynaha Soomaaliya ilaa ayaga ayaan darood,
hawiye iyo Isaaq kala xigsanayn'e; ayuu yiri.
As-har waxa uu aad ugu dheeraaday sida aan dadka la
takooro mag u lahayn; oo xoolohooda loo dhaco; waxana uu yiri 'weligiin ma
aragteen midgaan xoolo leh'. Waxa kale oo uu xusay sida guurka looga
takooray. Waxana uu ku adkeeyey in aan weli xalka la weydiin dadka ay dhibku
ku dhacday; asagoo ku xoojiyey 'horta anigu yaan ahay'.
CabdiRisaaq Xaaji Xuseen
- Qabiil aan la diririno si aan arintaas wax uga qabano
Ra'iisul wasaarihii hore ee Qarankii Soomaaliya, C/Risaaq
Xaaji Xuseen, ayaa madasha ka hadlay gabagabadeedii; waxana uu xusay in
arintani ay tahay mid duug ah; oo caado iska hir gashay ah; oo aan sal
lahayn; oo aan meel haysan. Waxa arintaas hirgeliyeyna waxa uu ku
tilmaamayin ay tahay qaillka.
CabdiRisaaq Xaaji Xuseen
oo khudbaynaya iyo Idajaa & gama'diid oo fadhiya kuraasta martida. |
C/Risaaq waxa uu xusay sharci uu Baarlamaanka geeyey
sannadkii 1960-kii kaas oo ahaa baaritaan lagu sameeyo magacyada quursiga;
waxaana la soo helay 12-magac; waxaana sharcigaasi mamnuucay in aan 12-kaas
magac iyo kuwii la midka ah qofka lagu quursan karin ama lagu xumayn karin
oo ay taasi dembi tahay. Taas oo jirta ayaa waxaa dhacday ayuu yiri:
dhammaadkii 1960-kii ama bilowgii 1961 in magaalada Beledweyne ee Gobolka
Hiiraan in wiil iyo gar ay isku guursadeen. Gabadha aabeheed ayaa Qaali u
tegey una sheegay in aan ninkaas (dadka la yaso ah) uusan geyin gabadhiisa;
qaaligii wuxuu yiri 'Ninkaasi gabadha KUF uma aha' sabatoo ah gabadha
aabeheed waa wadaad, ninkuna wadaad ma ahan. Ninkii sidii kuma harin ee
maxkamada ayuu tegey, waxana maxkamadii weydiisey gabadha ma is rabtaan,
labadodiina waxay yiraahdeen haa, markaas ayuu xaakimkii maxkamdu
yiri:xaaskaaga kaxaysi, sidaas ayuuna ninkii ku guulaystey, ilaa sharcigii
ayaa dhignaaye.
C/Risaaq Xaaji waxa uu yiri arintani shirkaan oo keliya ku
baabi'i meyso ee ficil ayey u baahan tahay; ficilada aan qabaneyno haddii
dawladi timaado (sidaas ayaan rajayneynaanye) waa in ay dadkaas u samayso
barnaamij gaar ah (sida kan maraykanka ee loo yaqaan Affirmative Action);
barnaamijkaas oo dadkaas saami loo qoon dayanayo oo wax lagu barayo. dadkaas
(la quursado) waxaa la gudboon in ay ayaaga dadaalaan, raadsanaada xaqooda.
Qofkii xoolo leh iyo cilmi leh la isma weydiiyo (cida uu yahay) ayuu yiri.
C/Risaaq Xaaji Xuseen oo waqtigii biririfta shirka
akhrinaya Buuga Xasuus Qor oo kamid ahaa buugaag ay
Markataba
Risaala ku gadeysey goobta. |
C/Risaaq Xaaji Xuseen waxa uu yiri: Qabiil inta uu jiro
arintaan wey jireysaa ee aan la dagaalano qabiilka si arintaas ay si dadban
ugu tirtiranto. Yeynaan arintaas dheeldheel u qaadan.
Qore: Maxamed Cali
SomaliTalk.com | Minneapolis, MN
Talo iyo Tusale ku soo hagaajiya:
somalitalk@msn.com
Afeef: Shirka waxan soo gaarey salaaddii makhrib ka
dib; qayb ayaana iga hor dhacday; waan ku dadaalayaa in aan helo qaybta hore;
balse hadda waxaan soqoray meeshii an shirka kasoo gaaray ilaa dhammaadkii.
Aqoonyahanada intii aanan shirka imana ka hadlay waxaa kamid ahaa Saciid
Saalax oo ah aqoonyahan iyo Abwaan Soomaaliyeed oo had iyo jeer Reer
Minnesota aku guubaabiya sidii ay wanaaga uga shaqayn lahaayeen iyo sidii ay
wax u qabsan lahaayeen.
LIFAAQ 1:
Madasha
shirku ka dhacayey waxaa lagu qaybiyey buug cusub oo sida Joornaal ahaan u
qoran lagu magcaabo 'DULMAN' oo ay soo saaraan ururka 'SIMA'.
Guddoomiyaha cusub ee ururka 'SIMA', Maxamed Keynaan, waxa
uu SomaliTalk u sheegay in ururka la asaasay bishii Agoosto ee sannadkii
2001, loona asaasay xuquuqda in uu u raadiyo dadka laga tirada badan yahay
ee aan xaqooqda loola simin dadka kale. waan aururu aan dagaal wax ku
raadineyn; una furan Soomaalida wanaaga jecel in ay kusoo biiraan. Xafiiska
Ururukaasina waxa uu ku yaal magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.
Ururka waxaa lagala xiriiri karaa: Tel: 612-359-1248, Fax:
612-341-3433, Cell: 612-558-3265 ama email:
sima@midgaan.com
LIFAAQ 2:
OLOLAHA LADAGAALANKA GUUR IYO HAYB SOOCA:
Waa qoraalo taxane ah oo uu qoray Xasan Dhooye...
Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com