SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHIFO

W.Q. Faarax Axmed Muuse, colow30@hotmail.com
M.Sc CLINICAL AND DIGANOSTIC MIROBIOLOGY
University of Karachi



Cudurka Waraabowga (Syphilis)

Waxa uu yahay, waxa sababa, iyo heerarkiisa kala duwan.

Cudurka waraabowga waxaa uu ka mid yahay cudurada lagu kala qaado galmada , Cudurkan ayaa ka mid ah cudarada ay sida ba’an ugu le’daan dadyowga wadamada Africa ee saboolka ah, tusaale ahaan hadaan usoo qaadano tirakoobkii ugu danbeeyay ee ay sameysay hay’ada caafimaadka aduunka (WHO) ee ku sameysay cudurka waraabowga iyo sida uu uga jiro wadamada Africa ayaa ah mid muujinaaya faraha ba’an ee uu cudurkani ku hayo dadka reer Africa.

Wadamada Africa oo uu cudurkani aadka ugu badan yahay ayaa waxaa ka mid ah, Itoobiya, Kenya, Yugaandha, kamaruun, Musanbiig, burkiinafaasko iyo wadamo badan oo kale, sanadkii 2001 oo keliya dad gaaraya 6103 qof ayuu cudurkani ku dhacay dalka mareykanka waa sida ay Xarunta baarista, ka hortaga iyo xakameynta cudurada ee dowlada mareykanku ku warbixisay.

Dadka soomaalida ayaa ka heysta fikrad qaldan waxaa uu yahay cudurkani oo aaminsan in qofkii ay xoogaa dabeecadiisu ama la dhaqankiisa dadka wax si ka noqdaan in uu qabo isfiilito, dadka qaarkiisa ayaaba u arka faan oo kugu oranaya war ninyahow isfiilito ayaan qabaa oo markii qof ila hadloba gacanta ayaa iga soo horeysa, hadaba arintu sidaa ma ahan cudurkana waa mid khatar ah oo ay tahay in ALLAAH laga magan galaa.

Mar hadii aynu aragnay warbixinahaas ku saabsan cudurka waraabowga, fikrada qaldan ee dadkeenu ka aaminsan yahay, miyaysan nala gudbooneyn in aan wax ka niraahno waxa uu yahay cudurkani, Bagteeriyada keenta, maraaxisha uu maro bukaha qaba cudurkani, qaababka loo baaro iyo siyaabaha loo daaweyo cudurka waraabowga (syphilis).

Cudurka waraabowga (syphilis) waxaa sababa nooc ka mid bagteeriyada ka mid ah oo loom yaqaan Treponema pallidum. Cudurkan waxaa lagu kalan qaadaa 1- Galmada 2- Hooyada cudurka qabtaana waxay u gudbin kartaa ilamaheeda 3- sidoo kale waxaa jermiska cudurkan keena la isugu gudbin karaa qofka oo si kama ama kas ah u taabta nabraha ama boogaha ka soo baxa bukaha qaba cudurkan, si kastaba ha ahaatee 90% cudurkan waxaa lagu qaadaa galmada.

Cudurka waraabowga (syphilis) waxaa u maraa sadex marxaladood oo kala duwan lehna sifooyin iyo calaamooyin kala gaar ah , hadii aan la daaweyn dhibanaha cudurkan qaba waxaa dhacda in uu u nafwaayo cudurkan dartiis, bal aan mid mid u eegno marxaladaha uu maro bukaha cudurkan qabaa iyo calaamadaha u gaarka ah marxalad walba.

MARXALADA KOWAAD EE WARAABOWGA (Primary Syphilis).

Maraxaladan oo ah marka ugu horeysa ee uu dhibanuhu cudurkan qaado ka dib marka uu la galmooday buke cudurka qaba, in ka badan 95% dadka uu cudurkani ku dhaco ayaa waxaa ay muujiyaan Nabar adag oo aan xanuun laheyn oo ka soo baxa xubinta taranka ee raga ama dumarka, nabarka noocan ah ayaa waxaa loo yaqaan 'nabarkii adkaa" (HARD CHANCRE), sidoo kale waxaa suura gal ah in uu nabarkani ka soo baxo oogada sare ee xiniinyaha (scurutum), labada dibnood ee xubinta taranka dumarka (labia), malawadka (rectum), faraha iyo afka. Nabarkan waxa la arkaa mudo u dhexaysa 10 ilaa 90 maalmood laga soo bilaabo maalinta ugu horeysa ee uu bukuhu qaado bagteeriyada sababta cudurkan.


Nabar hoos u godan oo aan xanuun laheyn oo  ka soo baxay farta buke ku jira marxalada Kowaad ee cudurka waraabowga, inta badan
Nabarkani waxaa uu ka soo baxaa xubnaha Taranka (dakarka iyo farjiga).

Narbarkan ayaa ku baaba’a asbuuc gudihiis hadii uu bukuhu helo daaweynta ku haboon, hadii kalena waxaa uu u qarsoomaa si tartiib tartiib ah oo inta badan qaadata 4 ilaa 12 asbuuc, taas macnaheedu ma ahan in cudurkani intaas ku dhamaaday balse waxaaba dhacda in xaaladu intaas ka sii cakiranto,

waayo bagteeriyada cudurkan keenta ayaa waxa ay raacdaa dhiiga dabadeedna dhibaateysa nudayaal (tissues) kale taas oo u dalacda marxalada labaad ee cudurka waraabowga.

Baaritaanka cudurka waraabowga ee marxalada kowaad ayaa waxaa asal u ah dheecaan (malax) laga soo qaado nabarka oo lagu eego nuur gaar ah oo weyneyaha ka mid ah loona yaqaan Darka "field Microscopy", sidoo kale dhiiga (serum) ayaa loo adeegsan karaa baarista cudurka waraabowga in kastoo 25% jawaabta baaristu noqoto mid "negative" ah marka la joogo marxalada koowaad.

MARXALADA LABAAD EE WARAABOWGA (Secondary Syphilis):-

Marxlaada labaad ayaa timaada ka dib marka ay bagteeriyada cudurkan keentaa raacdo dhiiga saameyna ku yeelato xubna badan oo jirka ka mid ah (systemic infection), waana ka dib marka ay doorsadaan nabaradii ka soo baxay xubnaha taranka marka la joogay marxalada kowaad (after healing of chancre lesions), waxaana dhacda in ay nabaradani sii muuqdaan marka la joogo marxaladan waase arin naadir ah.

In uusan bukuhu gelin marxalada labaad ee waraabowga ayaa waxa ay ku xiran tahay:

  • Hadba sida loo daaweyo marxalada kowaad.
  • Awooda ama itaalka difaaceed ee jirka bukaha.

Sidaas darteed uma badna in uu bukuhu galo marxalada labaad haddii labadaas qodob la helo.


Furuuruc iyo Nabaro yar yar oo ka soo yaacay Oogada buke ku jira marxalada labaad ee Cudurka waraabowga.

Calaamadaha marxalada labaad ayaa ah kuwa la arko 6 asbuuc ama dhowr bilood ka dib laga soo bilaabo xiligii uu bukuhu cudurkan qaaday. calaamadaha marxalada labaad ayaa waxaa ka mid ah furuuruc iyo nabaro yaryar oo ka soo yaaca oogada sare ee maqaarka gaarka ahaan Adimada, sakaarka, calaacalaha, cagaha hoostooda iyo wajiga, furuuracan ayaa waxaa dhacda in ay mararka qaarkood dilaacaan oo isu bedelaan nabar weyn (ulcer).

Hadii ay madaxa ka soo baxaana sababa qofka in ay timuhu ka daataan si ku meel gaar ah (temporary alopecia), sidoo kale furuuracan iyo nabaradan ayaa waxa y ka soo yaacaan xuubka gudaha kaga dahaaran marinka saxarada (Anus) iyo dibnaha xubinta taranka dumarka (labia) iyo waliba afka iyo carabka.

Ogow bukuha cudurkan qabaa waxaa uu cudarka si aad ah u gudbin karaa marka uu ku jiro marxalada kowaad iyo labaad. Cudurkan ayaa waxaa la arkaa in uu ku ekaado marka nabarada iyo furuuruca marxalada labaad doorsadaan bagteeriyada cudurkan keentaana dhimato, waxaase dhacda mararka qaarkood in qaar ka mid ah jeermiska cudurkan keena ku haraan jirka oo halkaas ku noolaadaan mudo ka badan labo sano hadhowna sababaan in ay mar labaad nabaradii iyo furuuricii soo ragaal celiyaan

MARXALADA SEDEXAAD EE CUDURKA WARAABOWGA (Tertiary or late Syphilis) :-

Marxalada sadexaad ayaa ah mid soo daahirta sanado badan ka dib waana marxalada ugu khatarsan ee cudurka waraabowga waayo waxaa ay saameyn xun ku yeelataa xubnaha maamula shaqada jirka sida habdhiska dareenwadka (Neurosyphilis), habdhiska dheeg wareega (Cardiovascular). Lafaha iyo xubna kale oo nabaro waaweyni ka soo baxaan nabaradaas oo loo yaqaan GUMMAS.


Nabaro waaweyn oo ka soo baxay lugta buke ku jira marxada Sadexaad ee cudurka waraabowga, nabaradan ayaa la arkaa  Mudo sanado ah ka dib, inta badana ka yimaada xasaasiyad Ay keento bagteeriyada cudurkan sababta, nabaradan waxaa loo Yaqaan GUMMAS.

Marxaladan ayaa inta badan ku timaada xasaasiyad (hypersensitivity) ay keento duxda oogada sare kaaga dahaaran bagteeriyda Treponema pallidum, taas oo macnaheedu tahay in aan jeermis nool laga helin nabarada iyo boogaha ka soo baxa bukaha xiligan.

BAARISTA CUDURKA WARAABOWGA (Diagnosis of Syphilis).

Baarista cudurkan ayaa waxaa loo kala qaadaa sadex qeybood oo kala ah

In si toos ah weyneeye loogu bagteeriyada cudurkan keenta, iyadoo la adeegsanayo dheecaan laga soo qaaday nabarada iyo furuuraca marxalada kowaad iyo labaad.

In la abuuro oo la koriyo bagteeriyada cudurkan keenta.

In borotiinada ama walxaha kiimikaad (Antigens) ee ay ka sameysan tahay bagteeriyadan laga baaro dhiiga (serum)

Marka aan ka hadleyno qodobka kowaad bagteeriyada Treponema pallidum oo ah mid aad u dhuuban oo u egg tin isku maroorsan aysan suuragal aheyn in lagu eego weynayayaasha caadiga ah (compound microscopy) sidaa darted waxaa lamu huraan noqotay in loo isticmaalo weyneeye gaar ah oo loo yaqaan Dark field microscopy.

Hadaan u soo gudubno qodobka labaad abuurista (culture)

Abuurista Bagteeriyada cudurkan keenta ayaan ka suuro geli Karin sheybaarada caadiga ah sababtuna waxa ay tahay bagteeriyadan ayaan ku korin nafaqooyinka (media) ay noocyada kale ee bagteeriyada ku koraan sidaa darteed waxa ay u baahan tahay qalab iyo xanaaneyn gaar, taas ayaa keentay in aan inta badan abuur bagteeriyadan ah lagu sameyn sheybaarada caadiga ah.


Muqaalka bagteeriyada Keenta cudurka waraabowga Oo weyneeye lagu eegay ka Dib markii la midabeyay(stain
 

Qeybta sadexaad ee baarista cudurka waraabowga ayaa ah mid muhiim ah gaar ahaan marka la joogo marxalada labaad iyo mida sadexaad. Baarista noocan ah waxaa loo yaqaan serology waxa la raadinaaya ama la baarayaa ma ahan bagteeriyadii oo nool balse waxaan dhiiga (serum) bukaha laga baarayaa walxo ka mid isku jirada ay bagteeriyadan ka sameysan tahay ama ay soo deyso loona yaqaan antijiin (Antigens), inta badana waxaa la isticmaalaa walxo kiimakaad oo la fagalgala antijiinka bagteeriyadan dabadeedna sameya fagal kiimikaad oo isha lagu arki karo.

Hadaba walxaha kiimikaad ee loo isticmaalo baarista cudurkan ee la falgala antijiinka bagteeriyad cudurkan keenta ayaa loo kala saaraa laba qeybood oo kala ah.

kuwa aan gaar u aheyn antijiinka bagteeriyadan (non specific treponemal test) waana kuwa ugu badan ee loo isticmaalo baarista guud ee cudurka (screening purposes) inta badana waxaa lagu taliyaa in aan jawaabtooda oo kaliya lagu egaan (waa hadii ay Posative jawaab ah tusaan) ee la isticmaalo kuwa aan numberka soo socdo ku sheegi doono. Kiimikada noocan ah ee ugu caansan ayaa waxaa ka mid ah

  • ¨ VDRL ( vinereal disease reseach laboratory)
  • ¨ RPR (rapid plasma regain)
  • ¨ TRUST (toluidine red unhealed serum test)

kuwa u gaar ah oo si toos ah ula falgala antijiinka bagteeriyada Treponema pallidum (specific Treponema tests) inta badan waxaa loo adeegsadaa in lagu hubiyo bukaha tusiya jawaab posative ah marla la adeegsado kiimikaalka aan gaarka aheyn ee aan ku kusoo xusnay. Kiimikada noocan ayaa waxaa ka mid

  • ¨ TPHA ( Treponema pallidum heamagglumation assay)
  • ¨ TPPA (Treponema pallidum particle agglutination assay )
  • ¨ IC (Immunochromatographic)
  • ¨ FTA-ABS (fluoresecent Treponemal antibody absorption test).

DAAWEYNTA CUDUDARKA WARAABOWGA:-

Daawada ugu badan ee loo isticmaalo daaweynta cudurkan dhamaan maraxaladihiisa waa Penicillin qaabka, xadiga iyo waqtiga la isticmaalayo waxaa qeexaya dhakhtarka.

GABAGABO:-

Cudurada galmada lagu kala qaado ayaa ah kuwa ku socda xawaare sare sababtuna waa gogal dhaafka iyo sinadii oo noqotay arin caadi ah heleyna dacaayad iyo suuq balaaran.

Nebiga (SCW ) ayaa Axadiith badan noogu tilmaamay in marka qiyaamuhu soo dhowaado ay sinada iyo fasahaadku noqon doonaan kuwa xad dhaaf ah, bal aan milicsano macnaha Axaadiith-dan soo socota ka dibna aan nu bandhigno xaalada dunida aan ku nool nahay.

Nebigu SCW waxaa uu yidhi (UMMADEYDA AAKHIRKEEDA WAXAA IMAN DOONA QOOMAM XALAALEYSTA DHILEYSIGA, MUUSIKADA IYO  XARIIRTA)

Nebigu SCW waxaa kale oo uu ku yidhi xadith macnihuusa yahay (AAKHIRO SAMAANKA WAXAA IMAN DOONA DAD ISU FUULA SIDA XOOLAHA ) oo aan bar xishood ah lagu ogeyn.

Xadith kale waxaa uu Nebigu SCW ku yidhi (KUMA FAAFTO FAAXISHADU (sinadu) UMAD DHEXDEED HADII AY KU FAAFTONA RABI WAXA UU KU SALIDAA CUDURO AYSAN AABAYAASHOOD AQOON JIRIN).

Hadaba Diinta islaamku waxa ay si caajaa’ib badan noogu tilmaantay sidii aan uga hortegi laheyn cudarada galmada lagu kala qaado ee gaalada iyo reer galbeedku la yaaban yihiin sidii ay u xakameyn lahaayeen iyaga oo waliba heer sare ka gaaray cilmiga caafimaadka iyo waliba tignoolojiga casriga.

Hadaba qofkastoo muslimow ahow mid ka fogaada gogoldhaafka si aad aduunka uga badbaado cudurada helista ah Aakhirona u ahaato mid liibaana oo abaal u hela Gabadhaha xuurul ceynta ah ee aynan quruxdooda sifeynkareyn.

W.Q. Faarax Axmed Muuse, colow30@hotmail.com
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi

Faafin: SomaliTalk.com : May 30, 2004 | Updated.

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CAAFIMAADKA:

 



HTML CD