SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  BOGGA WARDHEERE

July 26, 2004


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. 

Qore: Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA


Mengistu Haile

Madaxweynaha hadafkiisa gaaray oo aan rabo in aan ka hadlo waa Mengistu Haile Mariam.  Khudbadiisa xusuusta reebtay oo loo baahan yahay in dadkii waagaa noolaa oo maqlay ay xasuustaan kuwa yar yarna iskuulada loogu dhigaa waa shirkiisii jaraa’id ee Addis Ababa sandkii 1978 ka dib markii la soo celiyay ciidankii soomaaliya iyo jabhaddii Soomali galbeed WSLF.  Khudbadaas waxaa uu madaxweynuhu ku yiri “Maanta dagaalkii Western Somali Liberation Front ku soo qaaday Ethiopia ayagoo taageero ka helaya ciidamada militariga ee Soomaaliya waa dhamaaday.  Ethiopia ayaa guulaysatay waxaana mahadda leh Soviet Union iyo Cuba iyo saaxiibada kale oo wax walba u huray inay Ethiopia  badbaadiyaan la aantoodna guushan lama gaareen, laakiin dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya”. 

Dad Soomaaliyeed oo waagaas falanqeeyay ujeedada ama dulucda ereyadaas waxay filyeen ciidamo Ethiopian ah in ay gudaha dalka soo geli doonaan waayo waxay filayeen in dadka Soomaaliyeed ay yihiin wadaniyiin caqli badan oo aan la adeegsan karin hase yeeshee nasiib daro ciidamadii soo galay gudaha waxay noqdeen dad soomaalia ah oo la adeegsaday kuwaasoo sheeganayay magacyo jabhado kala duduwan ilaa ay fuliyeen ujeedadii Mengistu oo ahayd in ay qar fog ka tuuraan qaranimadii Soomaaliya, halaag, bara kac, iyo bur burna ka dhaco Soomaaliya si aan mardanbe Somali weyn loo maqal.  


Maxamed Siyaad

Inkastoo mar mar ciidamo Ethiopian ah soo galeen Soomaaliya haddana waxa qarankii soomaaliyeed iilka dhigay waxay ahaayeen dad soomaali ah. Inkastoo dawladdii Madaxweyne Maxamed Siyad Barre dhib gaysatay loona baahnaa in la bedelo haddana xukuumadaha la iska ridaa (regime change) ayadoo aan laga fiirsan cawaaqibka ka iman karaa iyo rag iska dhicinta aan Alla ka cabsiga ku dhisnayn waa la eedaa.  Soomaaliya ururo bulsho oo xididaystay ma jirin  dood wadaag xor ah oo xoog lehna oo dadka wacyigooda sare u qaadaa ma jirin. Dadkii waxay dhexda u galeen keligii taliye iyo jabhado aan meel dheer wax ka fiirin karin oo maan gaaban.  Caradii loo qabay  keligii taliyaha ayaa dadkii sii indho tirtay waxaana la garan waayey si fiican oo loo ridi karo keligii taliyahii dalka maamulayay.  

 Dad badan waxay aaminsan yihiin in markii uu Maxamed Siyad Barre shilka galay horaantii 1986dii wixii ka danbeeyay uusan marna taam ahayn ee la waayay shicib hadla oo meesha ka tuura.  Haddii uu kursiga isaga degi lahaa 1978 iyo wixii ka horeeyay asagoo qoray af-soomaaliga, iskaa wax u qabso ku dhisay dugsiyo iyo dhismayaal dawladeed, abaarahii dadkii tabaaloobay dejiyay, ololahii qoris aqrinta miyiga qaaday, ka qayb qaatay xoraynta Jabuuti isku deyay inuu xoreeyo Somali galbeed, Somaliya ku daray Ururka carabta, madaxna u noqday Ururka Midowga Africa, kana qayb qaatay xoreyntii Muzambiik iyo Angola maanta waxaa uu noqon lahaa nin umadda Soomaaliyeed oo dhan jeceshahay laguna faano.  

 Markii godka biyaha oogu soo galeen oo kacdoonkii xamar ka kacay Siyad Barre waxaa uu yiri “Mar uun xabadda joojiya waan ka degayaaye” (waxaa laga yaabaa in ay markaas ka dhab ahayd laakiin aan la fahmin). 

Labo sababoodba darteed ma suurtoobi karin in xabadda la joojiyo:

  • a)      kacdoonka qof joojin karay ma jirin waayo markii horeba ma lahayn hogaamin toosan iyo kala danbayn iyo qorshe siyaasadeed.

  • b)       Haddii uu jiri lahaana dad joojin karay kacdoonkii xamar dadkii maamulayay ma aamini karin Siyad Barre hadalkiisii ahaa haddii aad xabadda joojisaan waan wada hadlaynaa oo waan ka degayaa waxaa dad badani qabeen in Siyad Barre xabad xukunka ku qabsaday xabadna looga qaadi doono.  Fursadahii la seegay in maamulka la bedelo dalkana la badbaadiyo maxaa ka duwan sidii la sameeyay oo la samayn kari lahaa?  Maxaa waxgaradkii Soomaaliyeed ku dhacay ilaa hadda oo ay xal u keeni la’yihiin? Maxaa dadkii indho tiray oo ay jabhado qoolka hogaanka ama cayga ugu dhiibteen oo markaa qar looga tuuray? Arrimahan waa su’aalo ay dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isweydiiyaan.

Hadda ayaa la ogaaday Agoontii, dadkii cudurada qabay ee dawladda meel ku xanaanayn jirtay, beelahii aan hubaysnayn ama laga xoog roonaa oo madaxa dawladda ku daaqi jiray dantii guud, wadooyinkii, iskuuladii, jaamacadihii, sharaftii, ammankii iwm.  Waxaa kale oo la bartay in wax la dumiyo sida ay u fududahay iyo in wax la dhiso sida ay u adag tahay, waxaa la arkay ubadkii soomaaliyeed oo badaha waaweyn ku gurmaya qaarna u dhamaadeen gaajo, dekadihii iyo garoonadii caalamiga oo xiran  iyo magacii soomaaliya oo saaxadda caalamiga ka maqan. 

 Mengistu waa nin caynkee ah? 

Mengistu Mengistu
Mengistu H.Selassie

Lt. Col. Mengistu Haile Mariam, waxaa uu ku dhashay bariga Ethiopia 1937.  kuliyad xarbi ayuu ka baxay ciidamadana waxa uu ka gaaray darajo sare.  Dadka yaqaan Mengistu waxay yiraahdaan waa nin ku dheereeya kooxaysiga ama xulufaysiga.  Waa nin jecel awoodda ilaa uu helona awood meel qarsoon ku suga ama gadaal ka shaqeeya. Waa nin jecel inuu iska hormariyo rag kale laakiin awooda gacantiisa ku jirto.  Waa nin cabsi badan oo wixii uu qatar u arko jecel inuu tir tiro ( 57 saraakiil ah oo ragiisa ah ayuu hal habeen laayay, waxaa kale oo lagu yaqaan Red Terror iyo xasuuqyadii uu u gaystay dad badan oo ay Soomaalida ka mid tahay) waa ay adkayd in la dago.  Mengistu waxaa uu ka mid ahaa kuna meel gaaray gudigii militariga (Derg) kuwaas oo  Boqor Hail Salase riday markii danbena lagu tuhunsan yahay inay dileenba inkastoo ayagu yiraahdeen cuntada ayuu ka soomay oo gaajo ayuu u dhintay.  Boqor Haile Salase Muqdisho ayuu yimid 1974 si uu uga qaybgalo shirkii OAU  oo sanadkaas Xamar lagu qabtay hase yeeshee Haile Salase isla markiiba waa ka laabtay shirka oo socdo ayuu duulay 2 bil ka dibna waaba la afgenbiyay. 

Mengistu Arrimahan ayuu ku guulaystay: 

  • 1)      September 12, 1974 in Dergigu xiraan Boqor Haile Salaase isla sanadkaas daba yaaqadiisa la tir tiro jagooyinkii, daryeelkii gaar ahaaneed iyo nidaamkii boqortooyada Ethiopia hantidoodiina la qarameeyo. Waxaa kale oo uu xilka ka qaaday gudoomiyahii diinta masiixiga Ethiopia ee qaranka

  • 2)      Inuu ka taqalusay  madaxii Dergiga Amman Andom  dhamaadkii 1974 ninkaas oo ahaa nin aad loo jeclaa dagaalkii uu la galay Somalia bilawgii lixdamaadkii awgeed waana nin cadeeyay inuu jeclaa in arrinta Eritria nabad lagu xaliyo taasoo lagu necbaystay

  • 3)      Inuu ka taqalusay Tafari Banta oo ahaa gudoomiyahii Dergiga ee ku xigay Amman Andom February 1977.  Sidaas ayuu ku dhamaaday loolankii Degiga waxaana ku guulaystay Mengistu iyo ku xigeenkiisa oo uu asagana ka taqalusay isla sanadkaas.

  • 4)      Inuu USSR ka helay taageero saanad hub oo gaaraysa $1billion iyo qubaro military oo la taliyaan.  Sidoo kale 20,000-50,000 Ciidami Cuban ah oo u dagaalama iyo Libya iyo Yemen iyo Germanka Bari oo ka mid ahaa tolweynaha hantiwadaagga oo deeq siiyay.  Gurmadkaas ayuu ku helay inuu haysto Somali galbeed iyo qowmiyado kale.  In Ethiopia loo soo gurmaday muran kama taagna oo xataa dawladda Ethiopia ayaa qiratay in haddii aan loo soo hiilin Maxamed Siad Barre ka guulaysan lahaa waayo tababarada iyo qalabka ay hasteen ciidamada soomaaliya oo ahaa kuwa aan la iska caabin karin iyo dhulka lagu dagaalamayay oo ay deganaayeen dad soomaali ah iyo Siad Barre oo la beegsaday weerarka waqti Ethiopia kala daadsan tahay oo kala guur ahayd.

  • 5)      Inuu helo meel uu u cararo oo uu ku magan galo markii xukuumadiisii la riday (Zimbabwe) maanta waxaa uu ku nool yahay qasri weyn magaalada Harare asagoo aad loo ilaaliyo.

  • 6)      Inuu arkay jabhadihii yar yaraa ee uu unkan oo barbaariyay ee Soomaalida oo bur burinaya qarankii Soomaaliya la oran jiray iyo Soomaali baryeysa dalalka deriska ah inay dawlad u dhisaan iyo hankii Soomaali weyn oo iftiinkiisa sii demayo.

Dagaalkii qaboobaa (Cold War) iyo Soomaaliya iyo Ethiopia. 

Hadba quwadaha adduunka u waaweyn adduunka waxbay ka bedeli jireen waxaa tusaale cad ah gumaystayaashii sida ay  xuduudaha maanta la yaqaan oo badankooda qaladka ahaa u sameeyeen weliba u sharciyeeyeen. Waxaan shaki ku jirin xilligii Cold War-kana  inuu ahaa xilli yaab leh oo ay quwadihii waaweynaa ee xulafooyinkii NATO ama WARSOW oo ay kala hogaaminayeen USA iyo Soviet Union ku mashquulsanyaayeen sida ay goobo istaraatiiji ah iyo saaxiibo ama xulufo u kala badsan lahaayeen  Angola iyo Soomaaliya iyo Ethiopiana waxay noqdeen meel lagu hardamo (Somalia waxa ay tusaale u tahay dalalka u darsaday dagaalkii qaboobaa oo waayey ahmiyadoodii iyo qiimahoodii. 

Ethiopia:  

menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism". GUJI....

Xilligii boqor Haile Salase Ethiopia waxaa taageeri jiray Reer galbeedka ayadoo weliba loo tixgeliyo  dal masiixi ah oo ku dhex jiro xaydaab muslim iyo ayadoo loo tixgelin jiray inay dagaalkii labaad ee adduunka la safatay xulafadii guulaysatay loona arkay in la abaal mariyo (Ethiopia waxay la dagaashay Italy).  Waxaa intaas sii dheer Ethiopia oo saaxiibo qoto dheer iyo xiriir taariikhi ah la lahayd galbeedka tusaale ahaan xiriirkii Ethiopia iyo USA waxaa uu bilawday 1904.

Markii Boqor Haile Salase la riday Dergigii waxay la xirteen USSR.  Laakiin xiriirka Ethiopia iyo galbeedka weligiis aad uma xumaanin oo reer galbedku waa ogaayeen in Ethiopia xulafadooda ku soo noqon doonto oo aanay fursad kale lahayn. Israa’iilna hub ayay ka iibisy ayadoo oranaysa “shaqo kuma lihi NATO iyo WARSAW ee Ethiopia Baabul Mandab ayay kutaalaa oo waan u baahanahay”. 

Soomaaliya: 


Nicolai Podgorny

Markii xornimadii la qaatay 1960 inkastoo Somaliya aysan ahayn hantiwadaag haddana cilaaqaad fiican ayay la lahayd USSR wuxuuse xoogaystay markii uu Maxamed Siyad Barre yimid weliba madaxweynihii USSR Nicolai Podgorny ayaaba yimid Muqdisho 1974 oo wax ka saxiixay heshiiskii saaxiibtinimo ee Somalia iyo USSR.  Sovietka waxaa uu ku faraxsanaa isticmaalka dekadaha iyo staratiijiyada Somalia.  Somaliyana madaama ay Ethiopia uga horeysay reer galbeedka boos ugama banaanayn oo meesha keliya oo ay ka heli kartay gar gaar military waxay noqotay USSR.   


Siad barre

Laga soo bilaabo 1960  madaxda Soomaalida waxay ku taami jireen inay mar uun mideeyaan Soomaalida gumaysiga kala qaybiyay.  Dawladahaas Soomaaliyeed waxay mudo isku dayeen inay arrinta Ethiopia iyo Soomaaliya nabad ku dhameeyaan hase yeeshee Ethiopia ayaa diiday.  1977 oo ay Ethiopia kala daadsanayd ciidamada soomaaliyana aad u heer sareeyeen ayaa waxaa uu u muuqday in xilligii fursadda laga faa’iidaysan lahaa la soo gaaray (Fikirkii jiray waagaas sidaas ayuu ahaa Soomaalida badankeed  waa qabtay haddase waa ka duwan tahay).  Western Somali Liberation Front jabhad la yiraahdo ayaa bilaabay weerar oo taageero ka haysta xooga dalka Soomaaliyeed iyo dadweynaha soomaaliyeed markii danbena waxaaba si toos ugu biiray cutubyo ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed.  Faarax Maxamed oo ah oday soomaaliyeed oo xornimadiina u soo halgamay ayaa yiri “ Hadda in qofka wax iska eedeeyo waa sahlan tahay  laakiin caqligii jiray 1976 iyo sida shacbiga Soomaaliyeed u fikirayeen dagaalkaas Maxamed Siyad Barre keligiis ma wadan ee shacabka oo dhan baa raalli ka ahaa”.   


Fidel Castro

Inkastoo ay guulo waaweyn soo hoyiyeen haddana waxaa soo celiyay ciidamo Cuban ah iyo qalab casri ah oo ay USSR ugu deeqeen Ethiopia iyo weliba qubaro ka socotay USSR oo dagaalka dejisa.  November 1977 Dawladdii Soomaaliya waxay wax kama jiraan ka dhigtay xiriirkii Somalia iyo Sovietka iyo kii Cuba.  Lix kun oo qubaro Soviet ah ayaa loo qabtay inay waddanka kaga baxaan 7 casho.  Qubaro Cuban ahaydna waxaa loo qabtay 48 saacadood.  Ilaa hadda ma cadda waxa uu Sovietka u doortay Ethiopia una nacay Somaliya laakiin waxaa la hubaa in USSR go’aansatahy inay dayacdo Soomaaliya oo ay saaxiibo ahaayeen.  March 1978 Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed dib u gurasho ayay uga soo baxeen dhulkii ay xoreeyeen. 


Jimmy Carter

Madaxweyne Carterka Maraykanka oo ah wadaad masiixi ah ayaa siiyay taageero Soomaalia taasoo ahayd qawda maqashii waxna ha u qaban (lip service) waayo Wadaadku Ethiopia ayuu aad u jeclaa inkastoo ay hantiwadaag ahayd.  Siyad Barre iyo Maraykanka weligood isma jeclaan ismana aaminin waxaa keliya oo isu geeyay waa dan.  Somaliya garab kale oo hub ka iibiya ama tageera si ay Ethiopia iyo WARSAW isaga caabiso taas ayaa waday. Maraykankana dan ayaa waday oo waxaa uu u baahnaa inuu isticmaalo dekedaha  iyo dhulka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya.  Waxaa uu cabsi ka qabay Iran oo gadaal danbe islamic Republic ka noqotay iyo Sovietka oo gacanta ku dhigay Afganistaan iyo Ethiopia iyo dhamaanba marinada badda ee gacanka iyo saldhigyada badda ee Sovietka oo markaa aaga ku badnaa.   

Siyad Barre iyo Maraykanka inkastoo aanay is jeclayn haddana waxaa ay isugu yeeri jireen isbahaysato (allies).  Siyad Barre mar uu tagay maraykanka 1982 si weyn ayaa aqalka cad loogu soo dhoweeyay oo waxaa loogu yeeray saaxiib waxaana lagu qasbay inuu raaco IMF taladeeda oo ah habka lacagta ee caalamiga.  Maraykankana xoogaa dhoolo tus ah ayay la sameeyeen ciidamada soomaaliya ayagoo isticmaalay Berbera iyo Muqdisho iyo meelo kale.  Taageero laga filyay in USA siiso Soomaaliya sanad walba $25 million markii la soo gaaray 1987 waxaa laga soo reebay $5 million oo keliya.  Sidaad arkayso Xiriirka Siyaad Barre iyo dawladda USA weligii ma qaan gaarin mana wanaagsanayn.   

Yaa badbaadiyay Ethiopia 1991 Mengistuna u soo qalqaaliyay Zibabwe iyo magangelyo 

Senator Rudy Boschwitz oo laga soo dooran jiray Minnesota 1978-1990 ayaa Madaxweyne Bushkii hore u diray Ethiopia inuu marka koowaad soo dhameeyo in Mengistu ogolaado in Falaasha(Ethiopian Jew) laga soo qaado halkaas taasana waa uu ku guulaystay.  Waxaa ku xigay marka labaad 1991 markii Ethiopia sigatay oo jabhaddii Mela senawi ku soo dhowaatay Addis Ababa galay hawsha Rudy asagoo u kala dabqaaday Mengistu iyo Melas isla markaana la xiriiray Zimbabwe oo ka soo dhameeyay in Mengstu si musaafuris ah ugu noolaado Harare.  Rudy hawshaasna waa ku guulaystay oo waakaas Mengistu maanta ku nool yahay qasri aad loo ilaaliyo oo ku yaal Zimbabwe.  Ethiopia maanta reer galbeedkeedka ayay weli ku tiirsan tahay.   

Dadweynuhau waxyaabihii ay ka Yiraahdeen Itoobita: Janaayo 2001
Aragtida bogga: 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90

Qarni weliba ehelkiis qoraxiba dharaarteed taariikhweliba waayaheed.  Soomaalida oo dadka adduunka isugu dhow ayaa heshiin la, oo isdilay kaba darane dawlad dhisan la, mudo 15 sano ah.  Ethiopia oo ah qowmiyado kala duduwan oo aan shaqo isku lahayn ayaa weli is haysta.  Ethiopia waxaa sii kordhaya ku tumashad xuquuqda insaanka iyo is faham la,aanta qowmiyadaha. Eritrea Waa go’day.  Oromada oo ah qabiilka ugu badan iskana leh caasimadda Addis Ababa ayaa hadda soo baraarugay.  Suaasha meesha ku jirtaa waxay tahay si kastoo loo taageero Ethiopia ma sii jiri karaysaa? Intee in la eg ayuu dal sabool ah oo aan dhaqaale lahayn oo aan maamul cadaalad ah  ka jirin sii jiri karaa?  Geeska Africase ma u diyaar garoobay bur burka wayn ee la filayo inuu Ethiopia ku yimaado mise ayagoon ogeyn ayuu daadku qaadi doonaa?

Saaxiibkii Itoobiya, cadowgii Somalia, Fidel Castro oo xukunka ku wareejiyey walaalkiis..

Maxamuud Nuur Wardheere


 
mnwardere@yahoo.com


 Minneapolis, MN, USA
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2004
Afeef
: Aragtida qoraaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Sawirada
: Google search.

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD