Tan
iyo markii uu xukunka gacanta ku qabtay Madaxweynaha
Somaliland Mr. Daahir Riyaale kaahin sannadkii 2002
ka dib geeridii Madaxweynahii hore Somaliland
ilaahay naxariistii janno ha siiyo Maxamed Ibraahim
Cigaal, waxaa durtaba muuqda galdaloolooyin waaweyn
oo aan abadan soo marin qaranka yar ee aan weli
beesha caalamku aqoonsanin ee ku yaalla cidhifka
beri ee qaaradda afrika, baahiyo badan oo qaranka
Somaliland qabay ayaan run ahaantii u muuqan qaar la
jaleecay, laba sanno ku dhawaad oo Daahir Riyaale
hananaayey mansabka ugu sareeya dalka Somaliland
waxaa laga dareemi kara xukuumadiisa Musuq maasuq
baahay, Maamul xumo, cadaalad darro, iyo gaabis
siyaasadeed oo ka muuqda siyaasadahiisa arrimaha
gudaha iyo dibadda ee Somaliland.
Badiba seddex Madaxweyne oo soo marray
taariikhda Somaliland, may dhicin hoos u dhac
siyaasadeed oo ku yimid dedaalka balaadhan ee
qarankan yari ku doonayo inuu beesha caalamka ku
hanto, april sannadkii 2003 ayey ahayd markii
dooroshooyin lagu sheegay inay xoryahiin ka dhaceen
gobolada iyo degmooyinka Somaliland, maalmo yar ka
dib dooroshadaasi oo u muuqatay in axsaabta
mucaaridku ka heleen aqlabiyad aad u balaadhan oo ay
ku hanan karaan xukunka Somaliland ayaa Maamulka
Riyaale wuxuu sameeyey ku shubasho balaadhan oo aan
qarsoodi lahayn, boobka siyaasadeed oo ka dhashay
hanka weyn ee Riyaale iyo raga ku xeerani u qabeen
inay fara maroorsadaan kursiga ay sida yar u
dhaxleen ayaanay badiba axsaabta siyaasaddu ku
qancin sheegashada guusha Mr. Riyaale iyo
masuuliyiintiisa ku xeernayd.
Hadaba
akhristow qormadaydan ayaan jecelahay inaan ku daah
furo galdaloolooyin aan qarsoodi lahayn oo Maamulka
Riyaale ku wiiqay siyaasaddii hanaanka lahayd ee
Somaliland, qodobo badan ayaan jecelahay inaan ku
gorfeeyo qoraalkayagani kuwaasi oo diiradda saari
doona hoosu dhaca ku yimid, siyaasadda arrimaha
gudaha, dibadda, dhaqaalaha, waxbarashada, adeegyada
bulshada, xuquuqda aadamaha, caafimaadka, nabad
gelyada, foolxumida qaab dhismeed ee golayaasha
qaranka siiba golaha wasiirada,
Aan
ku bilaabo Nabad gelyada oo aalaba maamulka Riyaale
ku hadaaqo inuu horumar ka gaadhay.
LABADII
SANNO EE UGU DANBEEYEY IYO NABAD GELYADA
SOMALILAND
Inyar
uun ka dib doorashadii lagu sheegay inay xorta ahayd
ee ka dhacday Somaliland iyo boobkii ka dhashay
waxaa mansabka ugu sareeya dalka loo xalaaleeyey
Daahir Riyaale Kaahin, xaflad yar oo ka dhacday
guriga looga arrimiyo dalka Somaliland waxaa dhaar
loogu agaasimay Mr. Riyaale iyo ku xigeenkiisa Axmed
Yuusuf Yaasiin, muddo ka dib waxay u baqooleen inay
hantaan masuuliyadda ugu saraysa qarran aan beesha
caalamku aqoonsanayn, runtii khibrad yari
siyaasadeed iyo aqoon la’aan ay labada nin u qabeen
hadaanta nabad gelyo iyo aqoon la’aan keliftay
maamul xumo iyo hagid la’aan ayaa habeen ka mid ah
habeenadii sannadkii 2002 waxaa magaalada Hargeysa
oo ah xarunta Jamhuuriyadda Somaliland dil toogasha
loogu gaystay Muwaadin u dhashay dalka Swizerland,
oo waddanka u joogay hawlo ganacsi iyo maal gelin uu
waddanka ku samaynaayey, fara ka nax iyo naxdin ayey
ku noqotay shacabka xalaasha ah ee reer Somaliland,
balse ninka gacanta midig u ah maamulka Daahir
Riyaale oo la weydiiyey
Sababta
ay ugu guul daraysteen inay cadaaladda mariyaan
raggii ka danbeeyey dilkaasi ayaa wuxuu ku jawaabay
“dadka ajanabiga ahi iyaga khaladka leh, waxaanu
u sheegnay in ay goobo amaan ah tegaan oo naftooda
ku sugan” Ismaciil yare isaga oo ay wajigiisa ku
ladhantahay is yeel yeelid farabadan iyo isla weyni
ayaa wuxuu waxba yahay ka soo qaaday nabad sugidda
iyo amaanka ay shacabka Somaliland ku faanayeen
12-ka sanno ee ay xornimadooda hadhsanayeen, isla
muddo yar oo kooban ka dib ayaa waxaa dil toogasho
ah loo gaystay haweenay qaali ku ahayd shacabka
Somaliland dhexdeeda iyada oo nafteeda iyo dhiigeeda
u hurtay inay caawiso boqolaal bukaan jiif ku ahaa
cisbitaalka indho la’aanta iyo dhego la’aanta ee
magaalada Boorama, balse Ismaciil yare wuxuu ku
sifeeyey dilkaasi inuu gaystay nin aan maskaxda ka
fayoobayn taasi oo runtii markaan ka daba tegay ilo
lagu kalsoonyahay aan ogaaday in dilkii loo gaystay
Annelina Tonneli oo dhalashadeedu ahayd waddanka
talyaaniga ay ka danbeeyen rag budhcad ah oo
calooshooda u shaqaystayaal ah balse aan la garanayn
meel ay jaan iyo cidhib ku leeyahiin. Muddo kooban
ka dib ayaa waxaa si arxan darro ah loogu toogtay
dugsiga sare ee magaalada sheikh gurigiisa martida
maamulahii dugsiga sheikh oo dhalashadiisu ahayd
waddanka Britain iyo haweenaydiisi iyaga oo aan si
aan qarsoodi ahayn loo dillay, Maamulka Riyaale iyo
ninka ugu magacaaban hawlaha amaanka iyo arrimaha
gudahu waxay taasina saareen dabool cad oo aan
qarsoonayn, Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa
wuxuu Xukuumadda Riyaale ka dalbaday inay dadka u
caddayso cidda danbiga ka gashay qaranka balse
hadalkaasi waxba lagama soo qaadin, muddo yar oo
kooban ka dib ayaa waxaa maalin cad meel aan sidaasi
uga durugsanayn madaxtooyada Somaliland iyo weliba
guriga arrimaha gudaha ee Somaliland lagu toogtay
laba nin oo u dhashay Jamhuuriyadda Jibouti isaga oo
mid ka mid ah ragaasi uu isla markiiba naftu kaga
baxday goobtaasi, isaga oo kii kalana ku waayey
laxaadkiisi, Maamulka Riyaale wuxuu ka soo qaaday
dhacdadaasi hal bacaad lagu lisay, muddo kooban ka
dib ayaa waxaa loo wada joogay dhacdadii ugu arxan
darrada badnayd taasi oo ilaahay subxanahu
watacalaye u cadeeyey shacabka Somaliland dhagar
qabayaashii danbiga ka gallay qarankooga, waxay
ahayd waddada u dhexeeysa magaalooyinka Hargeysa iyo
Berbera markii si badheedh ah rag dablay ahi ugu
istaageen gaadhi ay lahayd haayadda gargaarka
jarmalka ah ee GTZ,
Halkaasi
oo ay ku dileen haweenay u dhallatay waddanka
Kenya, kuna
dhaawaceen muwaadin u dhashay waddanka Jarmalka isla
markaana ku dhaawaceen muwaadin u dhashay waddanka
Somaliland. Tuulada dhoqoshay iyo
shacabka geesiyiinta ah ee ku nool ayaa cadeeyey in
ay shacabka Somaliland aanay ahayn dad si dhib yar
loo khiyaamayn karo, taasi waxay ceeb ku noqotay
hanaanka nabad gelyo ee xukuumadda Riyaale kaga
darane waxaa isweydiin leh waxaa umadda weli looga
qarrinaayo cidda ay yahiin iyo sababta ay ragii
dilalkaasi gaystay u samaynayeen dhacdooyinka nabad
gelyo darro, wasiirka u qaabilsan maamulka Riyaale
arrimaha gudaha Ismaciil yare ayaa wuxuu ku tiraabay
wax uu af nin weyni ka xishoodo isaga oo ku hadlay
hadalo Is burinaaya, “waxaa ka danbeeyey
cabdiqaasim salaad Xasan iyo Cabdilaahi Yuusuf Axmed”
ayuu wasiirku u sheegay seddex milyan iyo badh oo
Reer Somaliland ah, weli wax cadaalad ah oo ragaasi
la soo hor keenay ma jirto, mana jiraan wax lagu
qanco oo xitaa lagu aqoonsan karo raggan la qabtay
cidda ay yahiin, taasi akhristow miyaan lagu macnayn
Karin “Timir laf ayaa ku jirtay” balse war jiraaba
cakaara waa iman insha allah.
MAAMULKA
RIYAALE ISBEDEL INTEE LE’EG AYUU KU SAMEEYEY
DHAQAALAHA
SOMALILAND HANTI BOOBKUSE INTEE AYUU LE’EGYAHAY
BIYO LA’AANTA
HARGEYSA
Hargeysa
waa xarunta Somaliland waa caasimadda bulsho ku dhaw
3 milyan iyo badh, waa magaalada ugu bulshada badan
iyada oo tirikoob ay haayadda UNICEF dhawaan
samaysay ku qiyaastay dadka ku nool magaaalada
hargeya 600,000 oo qof (lix boqol oo kun oo qof),
magaaladu ugu yaraan waxay ka koobantahay lix degmo
oo waaweyn iyo tiro badan oo xaafado ah, hadaba
magaalada Hargeysa akhristow yaanay yaab kugu
noqonin eh waxaa galla laba dhuumood (two water
pipes) oo ka yimaadda magaalada yar ee duleedka
magaalada ku taal ee la yidhaahdo Geed Deeble,
Biyaha magaalada Hargeysa waxay cabir ahaan
gaadhsiisan yahiin dhawr xafadood uu dhaw dhaw
meelaha ay labada dhuumood magaalada ka soo galaan,
taa macnaheedu waxay tahay in dhamaanba xaafadaha
galbeedka magaalada ku beegani aanay helin wax biyo
ah, goobaha ayaan darradu ku dhacday ee aanay biyahu
gaadhsiisnayn waxaa ka mid ah madaarka caalamiga ah
ee caasimadda Somaliland iyo xaafadaha Dunbuluq,
Total, iyo wixii ka galbeedeya ilaa waqooyi galbeed
ilaa waqooyi beri, goobaha nasiibka u hellay inay
biyahaasi gaadhan waxaa ka mid ah Xaafadaha Shacabka,
Goljano, Xero awr, xaafadaha buurta beriga magaalada
Saaran.
Xaafadda
shacabka oo uu degenyahay Mr. Riyaale Kaahin iyo
wasiiradiisa ku dhaw dhaw waxaa la sheegay in aanay
biyahu 24 saacadood ka kala go’in, balse xaafadaha
kale waxaa la sheega inay 5 saacadood helaan 24
saacodood maalintii iyo habeenkii.
Haddii
aan usoo noqdo wershadda biyaha ka soo tuurta
ceelasha Geed deeble waxaa lagu qiyaasa tobaneeyo
mishiin, waxaa ka shaqeeya boqolaal shaqaale oo
isugu jira farsamo yaqaano, engineero iskugu jira
“Design engineers” iyo kuwo ku takhasusay qarxinta
ama soo saaritaanka biyaha dhulka hoostiisa ku jira,
mar aan daraasad ku sameeyey wakaaladda biyaha ee
magaalada Hargeysa waa meelaha ugu dakhliga badan
haayadaha Xukuumadda Somaliland iyada oo lagu
qiyaaso inay sannadkii soo saarto lacag gaadhaysa 2
milyan oo dollar lacag ku dhaw dhaw, waxaa ayaan
darro ah in caasimad sida u dad badan ay soo galaan
laba pipe ama dhuumood, waxaa ayaan darro ah in
dakhli ka badan sannadkii 2 milyan oo dollar oo laga
qaado shacabka Somaliland ama aan idhaahde reer
Hargeysa ay ku dhacdo jeeb gaar ah, lama odhan karo
biyaha hargeysa cilmi la,aan ayaa jirta lama odhan
karo aqoon darro ayaa jirta, lama odhan karo
ceelasha ayaa gudhay, balse waxaa jirta musuq maasuq
baahay oo ka jirta wakaaladda Biyaha ee hargeysa.
DHAQAALAHA GUUD EE
SOMALILAND IYO LABADII SANNO EE UGU DANBEEYEY
Akhristow
waxaa hubaal ah in aan dalkan yar ee Somaliland aanu
wax aqoonsi caalami ah ka helin beesha caalamka 13
sanno ee ugu danbeey, wax taakulo caalami ahna ka
helin aan ka ahayn gar gaar kooban oo qaramada
midoobay ku soo ururiso mashaariic yar yar.
Xoolaha
nool (Life Stocks) ayaa la wada ogyahay in ay
ahaayeen laf dhabarta dhaqaale ee reer wal oo reer
Somaliland ahi ku tiirsanayeen, ku dhoofiya oo ka
ganacsada, ku xamaala oo nolol maal meedkiisu ku
tiirsana, ku miyiga ka keena oo u iib geeya tujaarta,
kuna bedesha sonkor iyo bariis uu reerkii miyiga
macuun uga dhigo, iyo dawladda oo dakhli
cashuureedka ugu badan ka soo xarrayn jirtay, muddo
shan sanno ah waxaynu ognahay in boqortooyada
Sacuudi arabiya ay u xidhay xoolahii uga imanaayey
dhulka Soomalida arrimo markaan u duur gallay salka
ku haya hanaan siyaasadeed, miisaaniyadda ugu badan
ee soo gasha dakhli ahaan dawladda dhexe ayaa la
sheega inay ka timaado dekedda caalamiga ah ee
magaalada Berbera, madaaradda caalamiga ah,
cashuuraha laga qaado shariikadaha dalka ka jira
sida shariikadaha diyaaradaha, xawaaladaha lacagta,
gaadiidka dhulka, qaadka ka yimaad dalka Ethiopia,
shariikadaha isgaadhsiinta, goobaha ganacsiga ee yar
yar, kastamada, taasi oo la cabiri karo inay tahay
ama la odhan karo waa ilo dhaqaale oo dakhligoogu
marka bulshada lagu celiyo uu anfacoogu muuqan karo,
balse akhriste ma isweydiisa halka miisaniyadda
xukuumaddu martay, sidaynu ka wada dheragsanahay
waxaa dhawaan ka aragti duwanaaday golaha wasiirada
ina Riyaale,Engineer Maxamed Xaashi Cilmi oo aan
sida aan berri inaan dhimanaayo u hubo inuu yahay
nin shaqada uu qabto wax wal oo ay tahay ka daacad
ah, uu muusuq maasuqu ka yahay xaaran, ahaana
masuulkii keliya ahaa ee xukuumadda Riyaale ku jiray
ee la odhan karaayey waa shakhsiga lagu hallayn
karaayey mansabkiisa. Mudane xaashi oo aan qoraal
aan soo saaray markii loo magacaabay jagada
wasaaradda dhaqaalaha ku qeexay in uu noqon karo
halyey hadduu uu helo la shaqayn iyo iskaashi ayaa
dhawaan wuxuu xaqiijiyey in maamulka Riyaale oo uu
ugu horeeyo ninka ugu magacaaban wasaaradda
maaliyadda Mr. Cawil ay lunsadeen lacag gaadhaysa
20,000,000 oo dollar (labaatan milyan oo dollar),
lacagtaasi oo badankeed laga soo xareeyey dekedda
magaalada Saylac iyo weliba Israkaab badan oo
waddanka dibadiisa loo saaray loona iib geeyey, sida
illo lagu kalsoonyahay ay xaqiijiyeen waxaa jira
bangi ku yaalla waddanka ingiriiska in seddex nin oo
uu ka mid yahay Daahir Riyaale kaahin ay ka furteen
xisaabaad lagu qoray magacyo been abuur ah loona
sameeyey sharciyo rag ku sugan wadanka Britain,
xisaabaadkaasi oo soo shaac baxay markii wassiirka
dib u dejinta u qaabilsan maamulka Riyaale uu
sannadkii 2003 ku tegay safar waddanka ingiriiska.
N.B:
Qormooyinka soo socda waxaan soo bandhigi doona
todobadyada soo socda, waxaan ku bildhaamin doona
musuq maasuqa iyo meelaha ugu weyn ee uu sameeyey,
maamul xumida xukuumadda Riyaale ee arrimaha
caafimadka, waxbarashada, xuquuqul insaanka,
arrimaha bulshada, arrimaha dibadda, arrimaha gudaha,
iyo qodoba badan, qoraaladani oo aan ugu tallo
gallay inay la socdaan shacabka Somaliland waa qaar
aan ku sameeyey daraasado badan weraysiyo badanna
aan ka qaaday dadyow badan oo ka gaabsaday in
magacyadooda la sheego balse lagu kalsoonyahay.
Halkan ka akhri
Qaybii 2aad.....
Warbixintii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
E-mail2:
mabdihassan@yahoo.com