SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Asad Cadaani Ibraahim


e-mail:
assadlaska@yahoo.com

Laascaanood Puntland Somaliya.

July 8, 2004


Waxqabadka Puntland Iyo Waayaha Gobolka Sool.

Tan iyo Markii uu maamulku sida haboon uga hirgalay gobolka Sool, ka dib markii la ga saaray magaalada Laascaanood Riyaale kaahin markii sida gardarada ah u soo galay Gobolka Sool Ee Soomaaliyeed , waxaa ka socday Gobolka Cashuur ururin iyo hanti baaxad leh oo ka soo xerootay, waxaana dadku u hogaansameen awaamirtii iyo hanaankii markaasi loo soo bandhigay ee cashuurta lagu ururinayey.

Waxayna noqotay in lagu xusuusto waayihii ay dalka Soomaaliya ka jirtay dawladii dhexe ee sida fadhiidka ah u shaqayn jirtay, waayo waxdhaamaaba dib looma arag, dadweynaha waxaa galay idiidiilo iyo naruuro aad loogu riyaaqay, waxaana lawada xusuusan yahay sidii qiimaha badnayd ee loo soo dhaweeyey maamulka iyo kala danbaytii.

Waxaa iyana jirtay in ay dadweynuhu isku dayeen in ay dhinacooda waxqabadka ka muujiyaan iyaga oo ugu horaynba ku dadaalayey in ay cashuurta bixiyaan isla markaana wixii dheer ee aanay cashuurtu dabooli karin ay si tabaruca u bixiyaan si loo daboolo baahida jirta.

Xarumaha Dawlada Oo

La banaynayo 10-12-03

 

 Waxaa iyana sii xoojisay maamulkii iyo habsami u socodkii cashuuraha markii uu taliyaha Booliska Puntland C/risaaq Afguduud gobollada ku yimi sidii looga dhaqaajin lahaa hawlaha kala duwan ee dawladu ka taaba gali karto, ayna ugu horeeyeen in uu baneeyey xarumihii dawlada oo ay ku jireen dad shicib ahi, taas oo ku ahayd dhibaato weyn maamulku sidii uu u socon lahaa, isla markaana aysan xafiisyo ay ku hawlgalaan haysan, waxaana xarumaas ka mid ahaa, xarunta Dawlada Hoose, xarunta Gobolka, jeelka dhexe, dhamaan xafiisyada kala duwan ee dawladu ka hawl gali jirtay.Arrintaas oo si fiican loo soo dhaweeyey .

Xarunta wasaarada

Maaliyada, oo ay Maalin kasta

ka baxaan Hanti aad u balaadhan

oo Aan Iyadana wax looga qaban

dadkana aan adeegoodii loogu qaban

 

Waxayna qayb libaaxle ka qaadatay sidii ay hawlaha dawladu u kala socon lahaayeen, waxaana la wada ogsoon yahay in hantidii soo xerootay xilligii maamulku sida habsamida uga hirgalay gobollada Sool iyo Cayn ay aad u baaxad weyn tahay , hantidaas oo ay quudaraynayeen dadweynihii cashuur bixiyayaasha ahaa in loogu horumariyo adeegyada kala duwan ayaa waxa ay la kulmeen hungo, iyo niyad jab aad u balaadhan ka dib markii ay dareemeen in hantidii ay jeebkooda ka bixiyeen si hawlahaasi waxlagaga qabto oo aan khasnadihiina ku jirin , isla markaana hawlihiina waxba lagaga qaban.

Xarunta Dawlada Hoose

Oo Ay Malaayiinku soo

Xeroodaan, Iyadu Ay Ka dayacan tahay

Hantidiina aan Waxqab Muuqda lagu Muujin

 

Waxaadna arkaysaa hadaad Magaalada Laascaanood u sii fiirsatid iyada oo ay maanta askartu mushaar la yihiin ama dhamaan shaqaalaha dawladu maalinkasta cabashooyin ka muujinayan,waxaadna arkaysaa xarumihii dawlada oo wali sidoodii ah oo aan wax dayactira aan lagu samayn, tan iyo xilligii dawladii dhexe ee Soomaaliya Dalka ka bur burtay, oo dhamaan mas'uuliyiinta dawladu fadhiyaan meel gamaahiir ah oo wax agab ah oo yaalaa uusan jirin, oo aad mar marka qaarkood aad ka gaabsanaysid in aad xafiistyadooda gashid.

Taas waxaa dheer iyada oo ay wali buuxaan waxyaalihii dadweynaha loo balan qaaday in wax laga qaban doono sida kudaafadii, ama qashinkii, wadooyinkii oo xidhan,caafimaadkii oo aan isaga dhinaciisaba la eegin, hantida cashuurta ka soo xerootayna ay gaadhayso Balaayiin shilin soomaali ah, oo soo xerooday Lixdii bilood ee ugu horeeyey, ilaa iyo haatan socda, waxaana la rumaysan yahay badankoodu in ay ku baxday waxa loo yaqaano (Fadlan) hebel intaa sii, hadii maanta raadraac lagu sameeyo hantida ka baxday gobolka Soolna la ogaan karo sida loogu takri falay.

Bankiga ay hantidu ku soo dhacdo

oo Fadlan kaga baxda inta badan.

 

Waxaa jira iyaguna Ganacsato daacad u ah in ay gobolka wax u qabtaan hasa yeeshee markasta ay caqabad xooglihi kaga imanayso dhinaca maamulka, oo aad moodid in hogaankiisa gobolku u jajabnayn in ay ka faa'iideysataan fursadahaasi, iyada oo dhaliilo loo soo jeediyo hawlwadeenada ka hawl gala Gobolaka oo la aaminsan yahay in aanay ahayn shaqaale hanan kara hawlaha loo igmaday.

Xarunta Gobolka

Oo Bur Bur ka Muuqdo

 

Arrimaas oo dhami waxay haatan niyad jabweyn u geysteen cashuur bixiyayaashii gobolka oo dareemay in hantidii laga qaaday la marin wadadii loogu talo galay ee ay u baxday si aan haboonayn, isla markaana ay keenatay in caajis iyo cagajiid haatan lagu bixiyo cashuuraha wax haatan hadhay, iyada oo goobo badan laga diiday in habayaraatee la bixiyo cashuurta.

Waxaa iyaduna dhaawac weyn u gaystay Cashuurihii degmada ka soo bixi jirtay khilaafaadka baaxada weyn ee hadheeyey Dawlada Hoose ee Degmada iyada oo aan wali arrintaasi xal loo helin.

Dadweynaha Gobolka Sool ayaa haatan walaac weyn ka muujinaya hadii aan wax laga badelin dhinaca maaraynta cashuurta in ay arrintaasi dhirbaaxo weyn ku noqon karto habsami u socodka cashuur ururinta oo ay ku jirto faa'iido weyn waxayna dadweynuhu aad u quu daraynayaan in cashuuraha marka hore lagu beego dhinaca mushaharka shaqaalaha iyo adeega bulshada oo hadii ay dawlada dhexe faraha uga qaado waxweyn ka badali kara gobolka baahida dhaqaale ee ka taagan, waxaa intaa dheer iyada oo Hogaankii sare ee Puntlanmd maanta uu muran ka dhex aloosan yahay arrintaas oo iyana dhibaato weyn ku haysa sidii hawluhu ugu socon lahaayeen habsami..

Asad Cadaani Ibraahim.
 assadlaska@yahoo.com
Laascaanood Puntland Somaliya.

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003

HORUMARKA SHIRKA IYO HAABASHADA DAWLADNIMO
Faalladii Ibraahim Maxameddeeq ee maanta
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD