somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

Marxuum Axmed Khaliif Maxamed
Saamaynta ay ku yeelatay Dadweynahay soomaaliyeed Geeridii naxdinta lahayd ee marxuum Axmad khaliif maxamad.

wq. canab maxamud clle.
kenya nairobi.
canabmumtaz@hotmail.com 

Guud ahaan dadka muslimiinta ah ee ku nool dalka kenya gaar ahaan soomaalida ayay u ahayd maalin naxdin ay la soo daristay, waayo waxaa ifka ka tagay Axmad khaliif maxamad Allaha u naxriiste oo ka mid ahaa halgamayaashii soomaaliyeeed ee w/bari kenya,isla markaana waxa uu ahaa wasiirka kaliya ee ka soo gala dhinaca somalida dowlada cusub ee kenya.waxa uuna ka mid ahaa mudanayaasha ugu cad cad ee ka damqanayay dhibaatada loo gaysto dadka soomaaliyeed ee ku nool W/bari kenya.

Geeridu waa xaq laakiin dadka intooda badan waxaa wajiyadooda ka muuqda murugo iyo naxdin aan la qiyaasi karin,waxayna ugu ducaynayeen marxuumka inuu ALLE janadii ka waraabiyo.

Dad badan oo aan kula kulmay suuqa ganacsiga somalida ee gaarisa ayaa ii sheegay inay aad uga naxeen geeridan wasiirka ku timid, qofkuu alle jeclaado addoomadiisa ayuu jeclaysiiyaa waayo waxaa tusaale kuu ah sida ay dadkoo dhan uga naxeen geerida una hadal hayaan waxqabadkiisi iyo dadaalki uu ugu jiray horumarinta somalida iyo muslimiinta kenya waxaa sidas yiri mid ka mid ahaa dadkii murugadu ka muuqatay wajiyadooda.

Axmad khaliif maxamad oo 24/01/03,ku geeriyooday shil diyaaraded oo ka dhacay magaalada busiya ee galbeedka kenya xiligaas oo wasiirku ka yimid xaflad uu dhigayay wasiirka arimaha gudaha ee kenya Mr.Mudi Awori.

Sidoo kale waxaa shilkaas isna ku geeriyooday c/qaadir mahad kuno oo ka mid ahaa labadii duuliye ee dayuuradas.

Axmad khaliif oo ahaa wasiirka shaqada iyo shaqaalaha,xoghaya guud ee supkem,ahaana agaasimaha guud ee idaacada iqra.

Waxa uu ahaa qofkii sida weyn uga hadlay xasuuqii waggala ee loo gaystay somalida 1984.

Waxa ayna somali badan ku haminayeen in uu wax weyn ka qaban doono dhibatada dadka soomaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta kenya waayo isagaa horseed u haa horumarkooda,sidoo kale waxa uu ka hadli jiray dhibaatada dadka soomaliyeed ee mudada dheer ku jiray dowlad la,aanta iyo burburka inuu ku dadaali doono siduu ugu qayb qadan lahaa inuu dalkooda nabad ugu soo dabaalo waxa uu qorshaynayay marxuumku inuu booqdo shirka dib u heshiisiinta soomalida ee ka soconaya eldoret si uu ugu cadaadiyo hogaamiyayaasha soomaaliyeed in nabada dalkooda iyo dadkooda ku dadaalaan wax walbana ka hormariyaan danta dalkooda.

Guud ahaana geeridan naxdinta leh waa miday ka hadlayaan dadka soomalida iyo muslimiintaba meel walba ay joogaanba.

Waxaan ILLAAHAY uga baryanayaynaa inuu naxariisti janno ka warabiyo dhaman eheladiisa,asaxabta iyo muslimiintaba samir iyo iimaan ka siiyo aamiin. [GUJI.]

canab maxamud clle.
kenya nairobi.
canabmumtaz@hotmail.com 

SomaliTalk | Nairobi

TACSI:

Anigoo ah canab maxamud clle waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhaman ummada muslimiint,gaar ahaan somalida oo aan uga tacsiyaynayo geeridii nacxdinta lahayd ee ku timid ALLAHA naxaeistee AXMAD KHALIIF MAXMAD inuu samir iyo iimaan kasiiyo dhamaatood asagana uu ALLE jannadii fardowso ka waraabiyo aamiin.

Jan 26, 2003

Bogga Tacsida Marxuumka..... GUJI

Daqiiqadihii u Dambeeyey Noloshii Axmed Khaliif
Marxuumka Axmed Khaliif geeridiisa ka dib maxaa la gudboon Soomaalida Kenya... GUJI... 26/1

kumanaan ka qaybgalay aaskii  Axmed Khalif
WAJEER: Allah ha unaxariistee waxaa galabta lagu aasay magaaladda wajeer kadib markii lagu tukaday salaadii janaazadda Mr. Axmed khalif maxamed oo ahaa wasiir, xoghaye iyo agaasime.. GUJI... 25/1

Xuseen Caydiid oo Tacsi u Diray Kenya
Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo la soo xiriiray Somalitalk.com ayaa tacsi u diraya eheladii marxuum Axmed Khaliif.. GUJI... 25/1

Geeri Naxdin Leh oo usoo Gashay Muslimiinta Kenya
Marxuum Axmed Khaliif wuxuu ahaa nin qiime kuleh Muslimiinta Kenya dhexdooda, isla markaana laga qadarinjirey dalkaas, hadaba akhri warbixintii Cabdixaafid Xaaji Xirsi... GUJI... 25/1

Somalitalk.com oo ka qayb gashay Janaazadii Saakay ee Marxuum Ahmed Khaliif
Masjidka South C. ee kuyaal Nairobi ayaa saakay salaatul Janaaza loogu tukadey marxuum Axmed Khaliif, waxaana ka qaybgalay... GUJI... 25/1

Cabdulqaadir Mahad Kuno oo Geeriyoodey
Waxa uu ahaa duuliyihii diyaaradii uu ku dhintay Axmed Khaliif. Meydii Axmed khaliifna waxaa loo duuliyey Wajeer... GUJI... 25/1

Wasiirkii Shaqada Kenya, Axmed Khaliif Maxamed, oo kugeeriyoodey Shil Diyaaradeed
Allah ha u naxariistee marxuumka oo ahaa wasiirka keliya ee Soomaalidu kulahaayeen wasiirada dawlada cusub ee Kenya ayaa galabta geeriyoodey kaddib markii... GUJI... 24/1


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great




HTML CD