somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
kumanaan ka qaybgalay aaska Marxuum Axmed Khalif.
25/1/2003.


Allah ha unaxariistee waxaa galabta lagu aasay magaaladda wajeer kadib markii lagu tukaday salaadii janaazadda Mr. Axmed khalif maxamed oo ahaa wasiirkii shaqadda iyo shaqaalaha, xoghayihii guud ee Supkem iyo agaasimaha guud ee idaacadda IQRA.

Aaska marxuumka oo ay kasoo qayb galeen kumanaan kun oo qof waxaa ka muuqatay murugo aad u wayn dadkiisa iyo guud ahaan muslimiintii aaska ka qaybgashay oo uu kamid ahaa gudoomiyaha Supkem Cabdil qafuur Al busaydi.

Waxaa ka qaybgalay dhinaca kale madaxwayne ku xigeenka kenya Wamalwa Kijana ,Raila Odinga, Najiib Balala iyo mudanayaal Baarlamaanka ka tirsan oo mucaarad iyo muxaafidba leh.

Khaliif waxaa uu aad uga hadli jiray xasuuqii wagalla ee 1984 iyo kaararkii lagu xujayn jiray soomaalida marka ay sharci doonayaan ee loo yaqaano screening Cards.

Najib sheekha Axmed oo ku xeel dheer arimaha duulimaadyadda , saaxiib waynna la ahaa marxuumka waxaa uu iisheegay in ay maalimo ka hor uu la kulmay isagoo ay ka muuqatay in uu wax u qabto dadka muslimiinta ee kenya iyo soomaalida.

Shariif xuseen oo katirsan Supkem oo kamid ahaa dadka ku dhaawacmay dayuuradda ayaan kusoo booqday isbitaalka Nairobi Hospital, waxaana uu iisheegay in uu caafimaad qabo, shariif oo ay saaxiib ahaanyeen khaliif waxaa kaloo uu iisheeegay in wasiirku uu ag fadhiyay duuliayayaasha isla markaana u dhow meesha laga wado dayuuradda ee loo yaqaano Cockpit.

Allah ha unaxariisto Axmed khaliif Maxamed oo shalay ku geeriyooday shil dayuuradeed oo ka dhacay magaalada Busiya ee galbeedka Kenya isagoo ka qayb galayay xaflad uu u dhigay wasiirka arimaha gudaha Mr Mudi Awori.

Ridwaan Xaaji C/weli
Nairobi,Kenya 
ridwanhaji14@hotmail.com
  

Jan 25, 2003

»»Saxiix Bogga Tacsida Marxuum Axmed Khaliif. 

<><><>

Xuseen Caydiid oo Tacsi u Diray Kenya
Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo la soo xiriiray Somalitalk.com ayaa tacsi u diraya eheladii marxuum Axmed Khaliif.. GUJI... 25/1

Geeri Naxdin Leh oo usoo Gashay Muslimiinta Kenya
Marxuum Axmed Khaliif wuxuu ahaa nin qiime kuleh Muslimiinta Kenya dhexdooda, isla markaana laga qadarinjirey dalkaas, hadaba akhri warbixintii Cabdixaafid Xaaji Xirsi... GUJI... 25/1

Somalitalk.com oo ka qayb gashay Janaazadii Saakay ee Marxuum Ahmed Khaliif
Masjidka South C. ee kuyaal Nairobi ayaa saakay salaatul Janaaza loogu tukadey marxuum Axmed Khaliif, waxaana ka qaybgalay... GUJI... 25/1

Cabdulqaadir Mahad Kuno oo Geeriyoodey
Waxa uu ahaa duuliyihii diyaaradii uu ku dhintay Axmed Khaliif. Meydii Axmed khaliifna waxaa loo duuliyey Wajeer... GUJI... 25/1

Wasiirkii Shaqada Kenya, Axmed Khaliif Maxamed, oo kugeeriyoodey Shil Diyaaradeed
Allah ha u naxariistee marxuumka oo ahaa wasiirka keliya ee Soomaalidu kulahaayeen wasiirada dawlada cusub ee Kenya ayaa galabta geeriyoodey kaddib markii... GUJI... 24/1

»»TAARIIKH KOOBAN EE MARXUUM AXMED KHALIIF

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great




HTML CD