somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

Geeri Naxdin Leh oo usoo Gashay Muslimiinta Kenya

"Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun".

Waxaa shalay ku dhinta shil diyaaradeed oo ka dhacay Magaalada Busia oo ku taal meel u dhow xadka Kenya iyo Uganda Marxuum: Axmed Maxamed Khalif oo ahaa Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee Dawladda Cusub ee uu madaxda ka yahay Mwai Kibaki.

Burburkii diyaaradii ay ku dhinteen Axmed Khaliif iyo Abdiqadir Mahad Kuno
Sawirka: nation

Alle ha u naxariistee wuxuu dhintay dhawr daqiiqo ka dib ma rkii ay dayuuraddu Madaxa ku qaadatay Xadhka Korantada iyadoo ka duulaysay Gegida Diyaaradaha ee Busia una soo socotay Magaalada Nairobi, Diyaaraddan oo sida wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan siddey ilaa dhawr iyo toban qof ayaa waxay ku dul burburtay xaafad markii uu ka lumay Pilotkii diyaaradda waday Maamulkii diyaaraddu uu leexin lahaa Diyaaradda.

Waxaa halkaa iyana ku geeriyooday labadii Duuliye ee diyaaradda oo mid ka midihi uu ahaa Somali Waxaana magiciisa la odhan jiray Marxuum. Abdikadir Mahat kuno, oo ay Qaraabo yihiin Wasiirkii hore ee caafimaadka Mr.Maxamed Macallin iyo Taliyahii hore ee ciidamada Qalabka sida ee kenya Gen.Mohamud Mohamed, waxaa sidoo kale meesha ku dhintay siday xaqiijinayaan wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxaya Saddex qof kale.

Waxay diyaaraddani ku abuurtay dad badan oo kenyan ah Naxdin kuwaasoo ay ugu horeeyaan dadka muslimka ahi oo aad uga naxay markii ay maqleen dhimashada Marxuum.Khaliif iyo dhaawaca in badan oo ka mid ah Golaha wasiirada Kenya oo ku dhaawac may shilka waxaana ka mid ah, Wasiirka Biyaha. Ms Martha Karua, Wasiirka Dalxiiska iyo isgaadhsiinta, Mr. Raphael Tuju iyo Wasiirka Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka, Ms Linah Chebii Kilimo, Sidoo kale waxaa ku dhaawac may wasiir ku xigeenka caddaladda Iyo arimaha sharciga, waxaa iyana dhaawac kasoo gaadhay in badan oo ka mid ah Xubnaha Parlament-ka Dalka.

Si kastaba ha ahaatee waxay dadku la wada Naxsanyihiin markii ay maqleen dhimashada Wasiirkii kaliya ee ugu jiray Somalida Dawladdan cusub isagoo waliba madax ka ahaa Golaha Muslimiinta Kenya iyo Dubai Bank, Alle ha u naxariistee waxaan Taariikh Nololeedkii soo galin doonnaa sida ugu dhakhsaha badan. Iyo wixii wara ee kasoo kordha shilkan. [GUJI...]

Cabdixaafid Xaaji Xirsi
Somalitalk, Nairobi.  

xaajixirsi@yahoo.com
  

Jan 25, 2003

<><><>

Somalitalk.com oo ka qayb gashay Janaazadii Saakay ee Marxuum Ahmed Khaliif
Masjidka South C. ee kuyaal Nairobi ayaa saakay salaatul Janaaza loogu tukadey marxuum Axmed Khaliif, waxaana ka qaybgalay... GUJI... 25/1

Cabdulqaadir Mahad Kuno oo Geeriyoodey
Waxa uu ahaa duuliyihii diyaaradii uu ku dhintay Axmed Khaliif. Meydii Axmed khaliifna waxaa loo duuliyey Wajeer... GUJI... 25/1

Wasiirkii Shaqada Kenya, Axmed Khaliif Maxamed, oo kugeeriyoodey Shil Diyaaradeed
Allah ha u naxariistee marxuumka oo ahaa wasiirka keliya ee Soomaalidu kulahaayeen wasiirada dawlada cusub ee Kenya ayaa galabta geeriyoodey kaddib markii... GUJI... 24/1

»»TAARIIKH KOOBAN EE MARXUUM AXMED KHALIIF

 

Wasiirkii Shaqada Kenya, Axmed Khaliif Maxamed, oo kugeeriyoodey Shil Diyaaradeed
Allah ha u naxariistee marxuumka oo ahaa wasiirka keliya ee Soomaalidu kulahaayeen wasiirada dawlada cusub ee Kenya ayaa galabta geeriyoodey kaddib markii... GUJI... 24/1

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great




HTML CD