somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

Axmed Khaliif Maxamed, wasiirkii shaqada Kenya oo ku geeriyoodey shil diyaaradeed.
Sawirka:
eastandard 
Wasiirkii shaqada Kenya, Axmed Khaliif Maxamed, oo Shil Diyaaradeed Ku Geeriyoodey.

Bogga Tacsida Marxuumka..... GUJI 

SomaliTalk.com | Kenya | Jan 24, 2003

War naxdinleh oo galabta saameeyey Kenya ayaa shaaca ka qaaday in diyaarad galabtay ku qaraxday  Busia ay ku dhinteen wasiirkii shaqada Kenya, Axmed Khaliif Maxamed iyo  labadii duuliye ee diyaaradda, waxaana ku dhaawacmay wasiiro kale oo diyaarada la saaraa.

Wararka ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in diyaaradaas isku dar ay ku dhinteen lix qof, waxaana diyaarada saaraa 10 rikaab ah iyo labo duuliye. wararkalena waxay sheegayaan in 15 qof saaraayeen. rikaabka  waxaa kale oo kamid ahaa afar wasiir oo kamida wasiirada cusub ee Kenya ee dhowaanta uu magcaabay madaxweynaha cusub ee Kenya. Wasiirada kale ee ku dhaawacmay waxay kala yihiin Raphael Tuju, Joshua Toro, Lina Kilimo iyo Martha Karua.

Warar dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in diyaarada 20 daqiiqo duulimaadkeeda dib loo dhigay markaas oo Axmed Khaliif uu salaad kusoo tukanayey masjid ku dhow garoonkii diyaaradu ka duuleysey, dadkii kale ee rakaabka ahaa intii uu soo tukanayey diyaarada ayey sii dhexfadhiyeen kuna sugayeen asaga, markii uu masjidka kasoo baxayna asagoo faraxsan ayuu u gacan haadiyey dad garoonka dhoobnaa, markii ay diyaaradii kacdayna waa dhacday, halkaas ayuuna ku geeriyoodey Axmed Khaliif.

Wararka ka soo baxaya Kenya ayaa sheegaya in shilkani dhacay Galabtay qiyaastii 5.30 galabnimo  (xiliga Kenya) markaas oo diyaaradu ka kacaysey garoonka Busia ayado usiijedey Nairobi, qof shilka arkayey oo uu wargeyska standard soo xigtey ayaa sheegay in diyaaradu intii aysan ku dul-dhicin guri halkaas u dhowaa ay kusii habsatey fiilo koronto  aad u baaxad weyn leh.  Wararkale ayaa sheegay in shilknai dhacay in yar kadiib 6:00pm.

Magaalada shilkani ka dhacay ee Busia waxa ay 340 km [210 miles] woqooyi galbeed ka xigtaa Nairobi.

Wararka ay werinaytaan hay'adaha wararku waxa uu sheegay in Axmed Khaliif uu ku geeriyoodey cisbitaal kuyaal galbeedka Kenya.

Wararkale oo tibaaxayey sida diyaaradu u dhacday ayaa sheegay in markii ay keceydey ay god ku dhacday (pothole) kaddibna duuliyihii u xakumi kariwaayey, kaddibna ay kudhacday baaalaha korontada, kaddibna ay duqaysay guri. Taasina waxa keentay in korontadii ka damto qayb kamida magaalada Busia.

Axmed Khaliif Maxamed,  Allah ha u naxariistee, waxa uu ahaa wasiirka keliya ee ay Soomaalidu kulahaayeen wasiirada cusub ee kenya. Waxa kale oo uu ahaa  xoghayaha guud ee Ururka Muslimiinta dalka Kenya ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan SUPKEM. Allah ha u naxariistee marxuumka dadka yaqaan waxay ku sifeeyeen in uu ahaa   nin somalinimo iyo islaamnimo ay ku jirto aadna ugu weyntahay.

Warka kale oo naxdinta leh waa in marxuum Axmed Khaliif uu qorsheynayey in uu Sabtida booqdo Wajeer, halkaas oo sida wararku sheegayaan uu qoyskiisu safar usii ahaa  si ay halkaas ugula kulmaan. Booliska Gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa lagu wargeliyey in ay ehelka marxuumka  gaarsiiyaan warka geerida marxuumka. Xukunka Allah ayay qadartaasi ku ahaatay. Allah ha u naxariisto marxuumka.

Bahda SomaliTalk.com ayagoo aad uga murugaysan geerida kutimid marxuum Axmed Khaliif, waxay halkan tacsi ugu gudbinayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii marxuumka, sidoo kale waxaan halkan tacsi ugu direynaa dhamaan dalka Kenya oo uu ka geeriyoodey marxuumku, waxa kale oo u tacsidayneynaa dhamaan umada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey marxuum Axmed Khaliif. Sidoo kale waxaan tacsi u direynaa dhammaan muslimiinta Kenya iyo gaar ahaan Ururka Muslimiinta dalka Kenya oo uu marxuumku u ahaa xoghayaha guud.  Waxaana Allah uga baryeynaa in uu marxuumka janadii Fardowsa ka waraabiyo. Eheladana Samir iyo Iimaan Allah ha siiyo..... Kullu Nasul Daa'iqatul mowt.

Warkaan wixii caawa kusoo biiray halkan ka eeg.... GUJI... [english]

TAARIIKH KOOBAN EE MARXUUM AXMED KHALIIF:


Axmed Khaliif Maxamed
Allah ha u naxariisto
Sawirka: Nation.... 

Marxuum Ahmed Mohamed Khalif da'diisu waxay ahayd 53 jir, waxana uu ka dhashay beesha Soomaaliyeed ee Degodia.

Dugsiga hoose/dhexe waxa uu ka dhigtay Wajeer  "Wajir Primary School" sidoo kale dugsigii sare waxa uu ka dhigtay wajeer "Wajir Secondary School" waxana uu ahaa ardaygii ugu sareeyey fasalkii afraad ee sannadkii 1969 kii.

Waxa kale oo sanadihii 1970 iyo 1971kii uu dhigtay iskuul kuyaal Nairobi, kaddibna waxa uu sannadkii 1972 bilaabay jaamacada Nairobi "University of Nairobi'" gaar ahaan qaybta  Journalism.

Sannadkii 1975, waxa uu marxuum Axmed Khaliif dhigtay jaamacad kutaal Holland oo lagu magcaabo "University of Wagenigen" halkaas oo uu kasoo qaatay shahaadada "Print Media".

Sanadihii  1978 iyo 1979 waxa uu ushaqeeyey British Broadcasting Corporation Monitoring Service.

Markii ugu horeysey waxa uu baarlamaanka Kenya kusoo biiray sannadkii  1979 , waqtigaas oo uu kasoo galay galbeedka wajeer "Wajir West", waa afar sano kaddib markii uu ka qalin jebiyey Jaamacadda " University of Nairobi".

Waxaa lagu tilmaamay intii uu barlamaanka kujery in uu ahaa nin cod kar ah. Sannadkii  1983 kursigiisii baarlamaanka waa xejistey doorashadii degdega ahayd ee loogu magac daray "snap election". 

Sannadkii 1984 waxa uu ahaa xubin baarlamaanka kenya ah (MP) waqtigaas waxaa dhacay xasuuqii Wagalla ee loogu magac daray Wagalla Massacre, taas oo boqolaal qof oo meeshii laga soo doortay ah la laayey ama la xasuuqay, arintaasna Axmed Khaliif uu baarlamaanka ka cadeeyey. [Dadka xasuuqaas lagu laayey waxaa lagu qiyaasay 3000 qof, taas oo boqolaal kamid ah ay ahaayeen qoyskii Axmed Khaliif].

Warbaahinta Kenya waxa ay Axmed Khaliif ku tilmaameen nin diimeed, taas oo ay yiraahdeen waxa uu ku dabakhay siyaasad uu ku mutaystay in uu noqdo xoghayaha guud ee ururka muslimiinta Kenya ee loo yaqaan  (Supkem).

Doorashadii 1988 ayaa Axmed Khaliif lumiyey kursigiisii baarlamaanka, waxana waqtigaas kursiga ku guulaystey  Cabdi Ibraahim Maxamed.

Intaas kuma harine Axmed Khaliif waxa uu halkii kasii waday in uu noqdo afhayeenka ururka  Supkem. 

Waxa uu Axmed ahaa kii sannadkii 1988 sida kulul u cambaareeyey habkii khasabka ay Kenya kaga dhigeysey in dadka Soomaalida si gooni ah loo mariyo baarid, waa wixii ay waagaas ugu yeereen screening. Dawladda Kenya oo Axmed Khaliif u jawaabeysana waxa ay  Axmed markaas ka xayuubisay jagadii  Supkem, waqti dambe ayeyse u suurta gashay in uu jagadaas la soo noqdo, taas oo uu ahaa xoghaya guud ee ururkaas ilaa uu ka geeriyoodey.

Muddo dheer waxa uu Axmed ahaa xisbiga KANU ee waqtigaas talada hayey, taas oo uu si rasmi ah ugu dheganaanjirey xisbigaas.

Axmed Khaliif, Allah ha u naxariistee, waxa uu ahaa gacanyaraha [assistant minister] wasiirka cilmibaarista iyo Teknoolojiga intii u dhexeysey 1993 iyo 1996. 

Doorashadii sannadkii 1997  waxaa loolan kulul dhexmaray Axmed Khaliif oo KANU ahaa iyo  Aadan Keynaan oo ahaa  xisbiga Safina, halkaasna ay keynaan guushu ku raacday. Laakiin sannadkii 2002 ayaa Axmed Khaliif oo kubiiray xisbiga National Rainbow Coalition ka guulaytey Kenyaan. Hadda oo uu geeriyoodeyna waxa uu ahaa wasiirka keliya ee ay Soomaalidu ku leeyihiin dawladda cusub ee madaxweyne Kibaki.

Waxaa aad u cajaa'ib badnaa in diyaaradii marxuumka la dhacday duulimaadkeedii dib loo dhigay muddo 20 (labaatan) daqiiqo ah markaas oo marxuum Axmed Khaliif uu soo tukanayey salaad, diyaarada dadkii kale oo dhami waa dhex fadhiyeen, asaga ayaana la sugayey inta uu soo tukanayey, asagoo aad u faraxsan ayuuna kasoo baxay masjid garoonka u dhowaa oo uu ku leexday si uu ugu soo tukado, wuxuuna u gacan haadiyey dad badan oo garoonka hareer tubnaa markii uu salaada soo dhamaystey. Daqiiqado kaddib markii ay kacday diyaaradii asaga sugeysey waa ay dhacday, halkaas ayuuna marxuum Axmed Khaliif ku geeriyoodey, Janaayo 24, 2003, asagoo 53 jir ah. ALLAH HA U NAXARIISTO... AAMIIN 

Wararkaan waxaan kasoo uruuriney waxyaabihii ay marxuumka ka qoreen warbaahinta Kenya.
Credit: Nation, Standard, Kenya TV.

Bogga Tacsida Marxuumka..... GUJI 

Inaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

<><><>

Janaayo 25, 2003

Ku: Somalitalk
Ka: Abdi Omar Gudoomiyaha Jaliyadda Soomaalida Kenya ee Waqooyiga America.
Ujeedo: Tacsi Murug iyo Naxtin leh.


Anigoo ah Abdi Omar kuna hadlayo magaca Jaaliyada Soomalida Kenya ee Waqooyiga Amerika iyo UK. Waxaan tacsi murugo iyo naxtin leh u dirayaa dhamaan soomalida reer kenya ee jooga dalka iyo dibadaba geeridii ku timid mudane Ahmed Khlif Mohamed oo ahaa Wasiirkii shaqada iyo shaqaalaha. Waxaa kale oon aan si gaar ah ugu tacsiyadeyneynaa ehelladii, qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.

Mudane khaliif oo ahaa nin taariikh dheer kulahaa gobolka Waqooyi Bari Kenya.oo lagu aasaayo maanta oo ah sabti magalada Wajeer Waxaan Eebe ugu baryeynaa in uu jannada fardowsa uu ka waraabiyo intii uu ka tagayna uu sabir iyo Iimaan ka siiyo Aamiin.

Abdi Omar Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Kenya ee Waqooyiga America
abdi_omar@hotmail.com

Bogga Tacsida Marxuumka..... GUJI

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great




HTML CD