somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

Sawirkan waa: Axmed Khaliif (sawirka bidix) oo daqiiqado ka hor intii aan diyaardu duulin daqiiqado yar la qaadanaya  Shariff Hussein, wasiir Moody Awori iyo Busia DC. waa wax yar ka hor intii aan shilkii diyaarada ee uu ku dhintay yasan duulin. 

 
Sawirkani waa aaskii marxuum Axmed Khaliif oo Jan 25, 2003 lagu aasay Wajeer, waxaana aaska ka qaybgalay saraakiil kasocotey dawlaadda Kenya oo uu hogaaminayey madaxweyne xigeenka Kenya Kijana Wamalwa iyo qaraabadii marxuumka.

Sawirada: Standard

Daqiiqadihii ugu Dambeeyey Noloshii Adduunkan ee Marxuum Axmed Khaliif

Marxuum Axmed Khaliif, Allah ha u naxariistee, ehelkiisa, Soomaalida iyo Kenyana Allah haka samirsiiyee, oo diyaarad kula dhacday garoonka Busiya, galabnimadii Jimce Janaayo 24, 2003, markii ay ka duuleysey ayaa lagu tilmaamay nin Islaamnimu ku weyntahay, siweyna u gacan qabanjirey Soomaalida. Waxaa lagu soo waramay in diyaarada 20 daqiiqo duulimaadkeeda dib loo dhigay markaas oo Axmed Khaliif uu salaad kusoo tukanayey masjid ku dhow garoonkii diyaaradu ka duuleysey, dadkii kale ee rakaabka ahaa intii uu soo tukanayey diyaarada ayey sii dhexfadhiyeen kuna sugayeen asaga, markii uu masjidka kasoo baxayna asagoo faraxsan ayuu u gacan haadiyey dad garoonka dhoobnaa, markii ay diyaaradii kacdayna waa dhacday, halkaas ayuuna ku geeriyoodey Axmed Khaliif. [GUJI...

Geeridaas waxay Kenya u ahayd mid aad looga naxay, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya [GUJI....

Marxuumku markii uu geeriyoodey, waxaa salaatul Jinaaza loogu tukadey nairbi, Janaazadaas oo lagu tukadey masjidka South C. waxaa ka soo qayb galay dadka Muslimiinta ah ee ku sugan Nairobi [GUJI...

Kaddib marxuumka waxaa loo qaaday Wajeer, halkaas oo lagu aasay galabnimadii Sabti Janayo 25, 2003 markii salaatul Jinaaza lagu tukaey, waxaana aaskaas ka sooqayb qalay kumanaan qof. [GUJI...

Marxuum Axmed khalif  waxa uu ahaa wasiirkii shaqadda iyo shaqaalaha, waa wasiirka keliya ee Soomaalidu ku lahaayeen dawlada cusub ee Kenya, xoghayihii guud ee Supkem iyo agaasimaha guud ee idaacadda IQRA. [GUJI....]

Noloshiisii waxa uu Axmed Khaliif ahaa xubinta keliya ee ku jirtey xisbiga KANU ee markaas talada hayey [Kanu MP] oo diidey in uu qaato teesarihii goonida u ahaa Soomaalida ee loo yaqaan "Screening". Waqtigaas oo ahayd 1988 sida kulul ayuu Axmed Khaliif u cambaareeyey habkii khasabka ay Kenya kaga dhigeysey in dadka Soomaalida si gooni ah loo mariyo baarid, waa wixii ay waagaas ugu yeereen screening. [GUJI...

Waxaa kale oo diyaaradaas ku geeriyoodey labadii duuliye, oo midkood, waa Abdiqaadir Mahad Kuno, 34 jir, waxaana dhalay nin reer Garisa ah oo maal qabeen ah, waxaana adeero u ahaa wasiirkii hore ee xisbiga KANU Mr Huseen Macallin Maxamed iyo taliyihii hore ee ciidamada Kenya Mr Maxamuud Maxamed. [GUJI...]

Su'aasha hadda Soomaalidu is weydiinayaan waxay tahay maxaa la gudboon Soomaalidu in ay qabtaan ama ku dhaqaaqaan si aan halgankii marxuum Axmed Khaliif u noqon mid cidla ku dhaca, iyo si ay u buuxiyaan garabkaas ka bannaanaanday? waa arin sugeysa Soomaalida oo dhan. 

Geeridu waa xaq, inta wanaagsan in wanaaga laga daydo waa arin bulshadeenu ku gaarikaraan horumar. Allah inta dhimatay ha u naxariisto. Samir iyo iimaan Allah ha siiyo laba qoys ee ay ka geeriyoodeen Axmed Khaliif iyo C/Qadir Mahad Kuno.

Saamaynta ay ku yeelatay Dadweynahay soomaaliyeed Geeridii naxdinta lahayd ee marxuum Axmad khaliif maxamad. [GUJI....

SomaliTalk.com | Janaayo 26, 2003

»»Bogga Tacsida Marxuum Axmed Khaliif iyo C/Qadir Mahad Kuno

<><><> 

TAARIIKH KOOBAN EE MARXUUM AXMED KHALIIF:


Axmed Khaliif Maxamed
Allah ha u naxariisto
Sawirka: Nation.... 

Marxuum Ahmed Mohamed Khalif da'diisu waxay ahayd 53 jir, waxana uu ka dhashay beesha Soomaaliyeed ee Degodia.

Dugsiga hoose/dhexe waxa uu ka dhigtay Wajeer  "Wajir Primary School" sidoo kale dugsigii sare waxa uu ka dhigtay wajeer "Wajir Secondary School" waxana uu ahaa ardaygii ugu sareeyey fasalkii afraad ee sannadkii 1969 kii.

Waxa kale oo sanadihii 1970 iyo 1971kii uu dhigtay iskuul kuyaal Nairobi, kaddibna waxa uu sannadkii 1972 bilaabay jaamacada Nairobi "University of Nairobi'" gaar ahaan qaybta  Journalism.

Sannadkii 1975, waxa uu marxuum Axmed Khaliif dhigtay jaamacad kutaal Holland oo lagu magcaabo "University of Wagenigen" halkaas oo uu kasoo qaatay shahaadada "Print Media".

Sanadihii  1978 iyo 1979 waxa uu ushaqeeyey British Broadcasting Corporation Monitoring Service.

Markii ugu horeysey waxa uu baarlamaanka Kenya kusoo biiray sannadkii  1979 , waqtigaas oo uu kasoo galay galbeedka wajeer "Wajir West", waa afar sano kaddib markii uu ka qalin jebiyey Jaamacadda " University of Nairobi".

Waxaa lagu tilmaamay intii uu barlamaanka kujery in uu ahaa nin cod kar ah. Sannadkii  1983 kursigiisii baarlamaanka waa xejistey doorashadii degdega ahayd ee loogu magac daray "snap election". 

Sannadkii 1984 waxa uu ahaa xubin baarlamaanka kenya ah (MP) waqtigaas waxaa dhacay xasuuqii Wagalla ee loogu magac daray Wagalla Massacre, taas oo boqolaal qof oo meeshii laga soo doortay ah la laayey ama la xasuuqay, arintaasna Axmed Khaliif uu baarlamaanka ka cadeeyey. [Dadka xasuuqaas lagu laayey waxaa lagu qiyaasay 3000 qof, taas oo boqolaal kamid ah ay ahaayeen qoyskii Axmed Khaliif].

Warbaahinta Kenya waxa ay Axmed Khaliif ku tilmaameen nin diimeed, taas oo ay yiraahdeen waxa uu ku dabakhay siyaasad uu ku mutaystay in uu noqdo xoghayaha guud ee ururka muslimiinta Kenya ee loo yaqaan  (Supkem).

Doorashadii 1988 ayaa Axmed Khaliif lumiyey kursigiisii baarlamaanka, waxana waqtigaas kursiga ku guulaystey  Cabdi Ibraahim Maxamed.

Intaas kuma harine Axmed Khaliif waxa uu halkii kasii waday in uu noqdo afhayeenka ururka  Supkem. 

Waxa uu Axmed ahaa kii sannadkii 1988 sida kulul u cambaareeyey habkii khasabka ay Kenya kaga dhigeysey in dadka Soomaalida si gooni ah loo mariyo baarid, waa wixii ay waagaas ugu yeereen screening. Dawladda Kenya oo Axmed Khaliif u jawaabeysana waxa ay  Axmed markaas ka xayuubisay jagadii  Supkem, waqti dambe ayeyse u suurta gashay in uu jagadaas la soo noqdo, taas oo uu ahaa xoghaya guud ee ururkaas ilaa uu ka geeriyoodey.

Muddo dheer waxa uu Axmed ahaa xisbiga KANU ee waqtigaas talada hayey, taas oo uu si rasmi ah ugu dheganaanjirey xisbigaas.

Axmed Khaliif, Allah ha u naxariistee, waxa uu ahaa gacanyaraha [assistant minister] wasiirka cilmibaarista iyo Teknoolojiga intii u dhexeysey 1993 iyo 1996. 

Doorashadii sannadkii 1997  waxaa loolan kulul dhexmaray Axmed Khaliif oo KANU ahaa iyo  Aadan Keynaan oo ahaa  xisbiga Safina, halkaasna ay keynaan guushu ku raacday. Laakiin sannadkii 2002 ayaa Axmed Khaliif oo kubiiray xisbiga National Rainbow Coalition ka guulaytey Kenyaan. Hadda oo uu geeriyoodeyna waxa uu ahaa wasiirka keliya ee ay Soomaalidu ku leeyihiin dawladda cusub ee madaxweyne Kibaki.

Waxaa aad u cajaa'ib badnaa in diyaaradii marxuumka la dhacday duulimaadkeedii dib loo dhigay muddo 20 (labaatan) daqiiqo ah markaas oo marxuum Axmed Khaliif uu soo tukanayey salaad, diyaarada dadkii kale oo dhami waa dhex fadhiyeen, asaga ayaana la sugayey inta uu soo tukanayey, asagoo aad u faraxsan ayuuna kasoo baxay masjid garoonka u dhowaa oo uu ku leexday si uu ugu soo tukado, wuxuuna u gacan haadiyey dad badan oo garoonka hareer tubnaa markii uu salaada soo dhamaystey. Daqiiqado kaddib markii ay kacday diyaaradii asaga sugeysey waa ay dhacday, halkaas ayuuna marxuum Axmed Khaliif ku geeriyoodey, Janaayo 24, 2003, asagoo 53 jir ah. ALLAH HA U NAXARIISTO... AAMIIN 

Wararkaan waxaan kasoo uruuriney waxyaabihii ay marxuumka ka qoreen warbaahinta Kenya.
Credit: Nation, Standard, Kenya TV.

<><><><>

kumanaan ka qaybgalay aaskii  Axmed Khalif
WAJEER: Allah ha unaxariistee waxaa galabta lagu aasay magaaladda wajeer kadib markii lagu tukaday salaadii janaazadda Mr. Axmed khalif maxamed oo ahaa wasiir, xoghaye iyo agaasime.. GUJI... 25/1

Xuseen Caydiid oo Tacsi u Diray Kenya
Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo la soo xiriiray Somalitalk.com ayaa tacsi u diraya eheladii marxuum Axmed Khaliif.. GUJI... 25/1

Geeri Naxdin Leh oo usoo Gashay Muslimiinta Kenya
Marxuum Axmed Khaliif wuxuu ahaa nin qiime kuleh Muslimiinta Kenya dhexdooda, isla markaana laga qadarinjirey dalkaas, hadaba akhri warbixintii Cabdixaafid Xaaji Xirsi... GUJI... 25/1

Somalitalk.com oo ka qayb gashay Janaazadii Saakay ee Marxuum Ahmed Khaliif
Masjidka South C. ee kuyaal Nairobi ayaa saakay salaatul Janaaza loogu tukadey marxuum Axmed Khaliif, waxaana ka qaybgalay... GUJI... 25/1

Cabdulqaadir Mahad Kuno oo Geeriyoodey
Waxa uu ahaa duuliyihii diyaaradii uu ku dhintay Axmed Khaliif. Meydii Axmed khaliifna waxaa loo duuliyey Wajeer... GUJI... 25/1

Wasiirkii Shaqada Kenya, Axmed Khaliif Maxamed, oo kugeeriyoodey Shil Diyaaradeed
Allah ha u naxariistee marxuumka oo ahaa wasiirka keliya ee Soomaalidu kulahaayeen wasiirada dawlada cusub ee Kenya ayaa galabta geeriyoodey kaddib markii... GUJI... 24/1

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great




HTML CD