somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
Xuseen Caydiid oo Taci udiray Qoyskii Axmed Khaliif

Gudoomiyaha xilligan ee golaha S.R.R.C. ahna Gudoomiyaha U.S.C./ S.N.A. Ing Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo la soo xiriiray Somalitalk.com ayaa tacsi u diraya Dowlada Kenya isaga oo uga tacsiyeynaya Geeridii ku timid Alaha u naxariistee Wasiirkii Shaqada iyo Shaqaalaha Marxuum Axmed Khaliif Maxahamed, waxa uuna yiri Mudane Caydiid: "Dowlada Kenya, Shacabka Kenya, Soomalida ku dhaqan Kenya, iyo dhamaan Eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuumka, waxana leeyahay Samir iimaan Allaha ka siiyo isagana Ilaahay Janadisii ha geeyo. Axmed Khaliif waxa uu ahaa nin ay tabi doonaan shacabka Kenya iyo shacabka Soomaliya, waxaana leeyahay samir iyo iimaan Alaha naga siiyo."

Ing.Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.
Gudoomiya xiligan ee S.R.R.C., ahna Gudoomiya Ururka U.S.C./S.N.A.

Jan 25, 2003

-dhamaad-

Warkii ugu dambeeyeye ee Kenya.. GUJI... [english]

<><><>

TACSI: MARXUUM AXMED MAXAMED KHALIIF WASIIRKII SHAQADA EE DAWLADDA KENYA.

INA LILAHU WA INA ILAYHI RAJUCUUN

Aniga oo ah Maxamed Cabdi Xasan oo ah arday Somalilander ah oo wax ka barta jaamacadaha waddanka Pakistan ahna qoraa badana wax ku qora Somalitalk.com, waxaan aniga oo aad iyo aad iyo aad uga tiiranyeysan Tacsi u diraya dhamaan shacabka soomaliyeed ee Kenya, qaraabadii, Asxaabtii, caruurtii, iyo dhamaan dadkii uu ka tegay Marxuum Axmed Maxamed Khaliif oo ahaa wasiirkii shaqada ee Dawladda Kenya waxaan leeyahay ilaahay Naxariistii Janno fardawsa ka waraabiyo dhamaan dadkii uu ka tegayna samir iyo Iiman saadiq ah ha ka siiyo insha allah Aaamiin Aamiin Aamiin..............

mohamed abdi hassan diridhaba2001@hotmail.com 

<><><>

Geeri Naxdin Leh oo usoo gashay Muslimiinta Kenya 
Warbixintii Cabdixaafid Xaaji Xirsi {somalitalk Nairobi]... Guji

Somalitalk.com oo ka qayb gashay Janaazadii Saakay ee Marxuum Ahmed Khaliif
Masjidka South C. ee kuyaal Nairobi ayaa saakay salaatul Janaaza loogu tukadey marxuum Axmed Khaliif, waxaana ka qaybgalay... GUJI... 25/1

Cabdulqaadir Mahad Kuno oo Geeriyoodey
Waxa uu ahaa duuliyihii diyaaradii uu ku dhintay Axmed Khaliif. Meydii Axmed khaliifna waxaa loo duuliyey Wajeer... GUJI... 25/1

Wasiirkii Shaqada Kenya, Axmed Khaliif Maxamed, oo kugeeriyoodey Shil Diyaaradeed
Allah ha u naxariistee marxuumka oo ahaa wasiirka keliya ee Soomaalidu kulahaayeen wasiirada dawlada cusub ee Kenya ayaa galabta geeriyoodey kaddib markii... GUJI... 24/1

»»TAARIIKH KOOBAN EE MARXUUM AXMED KHALIIF

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great




HTML CD