SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirdoon oo Lagu Fariisiyey Kursigii...

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa April 5, 2013 waxa uu gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka gumeysiga Itoobiya si uu uga qayb galo dhismaha hay'adda loogu magac daray Meles Zenawi oo ahaa Ra'iisal Wasaarihii xasuuqa ba'an  u geystey shacabka Soomaaliyeed.

Sida lagu faafiyey warsaxaafadeed April 5, 2013 ka soo baxay xafiiska Ra'iisul wasaaraha "Ujeedada safarka ayaa ah sidii Ra'iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga qeybgali lahaayeen dhismaha hay'adda loogu magac daray Ra'iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo lagu magacaabo (Melese Foundation), waxaana munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii Meles Zenawi." Waa sida hadalka uu u dhigay warsaxaafadeedku.

Waxqabadkii Zenawi waxaa ka mid ah in ciidamadiisii ay 749 maalmood ku jireen Caasimada Muqdisho oo ay xasuuq, tacadi iyo kufsi ka geysanayeen halkaas intii u dhaxaysay Dec 28, 2006 oo ah Maalintii Ciidamada gumeysiga Itoobiya galeen Muqdisho, Waxayna Muqdisho xoog looga saaray Jan 15, 2009 kaddib markii ay u adkaysan waayeen iska caabinta shacabka Soomaaliyeed.

Shirdoon iyo ra'iisul wasaraha hadda ee Itoobiya Hailamariam Daselegn waxay Addis Ababa ku kulmeen April 8, 2012.

Shiikh Shariif oo Markale Lagu Fariisiyey Kursigii...

Madaxweynaha DFKMG, Shiikh Shariif ayaa booqasho degdeg ah waxa uu galabnimadii Isniin June 25, 2012 ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa si uu halkaas kulan ugula yeesho ra'iisul wasaaraha xukuumadda gumeysiga Itoobiya, Zenawi.

Safarka degdeg ah ee Sheikh Shariif kutegey Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli qaylo-dhaan xoog badani ka soo yeertay dastuurkii lagu soo saxiixay Nairobi June 22, 2012.

Arrintaas dastuurka ayaa si weyn u soo shaac baxday subaxnimadii Isniin June 25, 2012 kaddib markii guddooomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dastuurka uu sheegay in nuqulka lagu soo saxiixay Nairobi uu aad uga duwan yahay kii ay hore ugu gudbiyeen DFKMG.

Qodobka muhiim ah ee wax la bedeley ayaa ah qodobka 7aad oo ku saabsan dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxa lagu daray waxaa ka mid ah sidan "Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafka soohdimaha caalamig ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi…"

Cabdullaahi Xasan Jaamac oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dastuurka oo sharaxayey qodobka lagu soo daray dastuurka, waxa uu yiri in “muran uu ka dhalan karo dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo haddii dawlado kale ay yiraahdaan dhulka Soomaaliya khilaafaad ayaa ka jira, haddii qodobkaas la eego waxaynu ku khasbanaanaynaa in aan wada hadallo nabadeed la furno ayadoo la raacayo sharciyada dalka iyo kuwa caalamiga ah.” (dhulkaagii ayaad sheegtay in muran geli karo, oo kuna qortay dastuurkaaga).

Prof. Gaas oo lagu Fariisiyey Kursigii...

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG,  prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Jimacadii, October 7, 2011, waxa uu Addis Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha xukuumadda gumeysiga Itoobiya, Meles Zenawi.

Sida ay werisey warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Itoobiya ee ENA, intii kulankaasi socdey Zenawi waxa uu sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto taageerada Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya, waxana Zenawi yiri “Ethiopia waxay ka shaqaynaysaa sidii loo xaqiijin lahaa mashruuca nabadgelyada / amniga ee ay bilowgiisa lahayd IGAD.

Dhankiisa Prof. Gaas waxa uu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen siyaabaha loo sii hagaajin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Ethiopia waa dal qarnigan 21aad gumaysi ay ugu hoos jiraan dad iyo dal Soomaaliyeed oo gumaystayaashii reer Yurub gacanta u geliyeen, ummaddaas oo halgan ugu jira sidii ay uga xoroobi lahaayeen gumeysiga.

Warbixinta ENA laguma xusin in Prof. Gaas iyo Zenawi ay ka wada hadleen qadiyadda mujtaaca Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumaysiga Itoobiya.

Farmaajo oo lagu Fariisiyey Kursigii...

Ra'iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah (DFKMG), Maxamed Maxamed ayaa December 14, 2010 waxa uu magaalada Addis Ababa kula kulmay ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.

Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Farmaajo, ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin waxa uu ku tegey (Isniin Dec 13, 2010) magaalada Addis Ababa, taas oo ka dhigeysa safarkiisii ugu horeeyey tan iyo markii ra’iisul wasaaraha loo doortay in uu ku tago magaalada Addis Ababa ee lka Itoobiya.

Sida ay shaacisay warbaahinta Addis Ababa, ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu ka qayb gelayaa shir loogu magac daray “kulankii 5aad ee shirk federaalism-ka “5th International Conference on Federalism (ICF). Zenawi waxa uu kulankaas shanaad ku tilmaamay mid taariikhi ah, sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho xukuumadda Itoobiya, ENA.

Xubnaha DFKMG ayaa marka la doorto waxaa dabeecad u noqotay in ay durbadiiba booqasho ku tagaan magalaada Addis Ababa si ay ula kulmaan Meles Zenawi.

Zenawi ayaa dabeecad ka dhigtay in uu madaxda Soomaalida ku fariisiyo kursi isku mid ah, ayagoo badanaa u fariista qaab isku mid ah. Halka marka uu qaabilayo madaxda kale ee Afrika uu ku qaabilo qaab taas ka duwan, sida ka muuqata sawirka dhanka bidix oo ah Zenawi oo Dcember 14, 2010 magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweyna Dalka Suudaan Cumar Al Bashiir iyo madaxweyna Rwanda Paul Kagame oo labaduba ka qayb gelayey shirka uu ka qayb galay Farmaajo.

Itoobiya waa dal deris la ah Soomaaliya, islamarkaasna ay gumaystayaashii reer Yurub ku wareejiyeen qayb baaxad weyn oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

Akhri: Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya


Madaxweynaha maamulka Somaliland oo la kulmay Zenawi

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Itoobiya ayaa November 18, 2010 waxa uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaas oo ku tegey booqasho saddex maalmood ah, kaddibna uu uga sii gudbey dalka Ingriiska.

Sida ay werisey warbaahinta xukuumadda Itoobiya ee ENA, Meles waxa uu kala hadlay xiriirka wadashaqayneed in la sii xoojiyo, waxana uu sheegay in uu Somaliland kala shaqaynayo xagga ammaanka, nabada, ganacsiga iyo isgaarsiinta.

ENA waxay intaas ku dartay in maadaxweynaha Somaliland dhankiisa uu sheegay in uu xoog saari doono sii wanaajinta xiriirka Itoobiya iyo Somaliland.

"...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya"  sidaas waxay ku caddahay barnaamijka u deggan Wasaradda Arrimaha dibadda Itoobiya oo ay December 2006 sida rasmiga ah u faafisay.

Guddoomiyaha UWSLF Sheikh Ibraahim oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Gumaysiga Itoobiya

Kulan ay Khamiis August 12, 2010 yeesheen Meles Zenawi iyo Guddoomiyaha Ururka UWSLF Sheikh Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa Meles Zenawi waxa uu si jees-jees ah ku yiri "Dawladda Federaalka Itoobiya waxaa ka go'an in ay horumariso nolosha SHACABKA Soomaaliyeed," maalin ka horna (Aug 11, 2010) waxaa Zenawi sheegay in uu ciidamadiisa markale u dirayo Muqdisho "haddii laga fursan waayo."

Idaacadda Boqortooyada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation (BBC) oo waraysi ku saabsan kulanka Zenawi la yeelatay Sheikh Ibraahim ayaa yiri "Kulanku waxa uu socdey muddo hal saac ah waxana uu tibaaxay dhinacyo badan, oo ay kamid tahay geeddi socodkii nabadda ee aan soo gabagabaynay iyo sida ay labada dhinac isku aragtida uga ahaayeen oo aan iskula qiimaynay mid aad iyo aad u najaxay ee saameeyey oo aan ahayn keliya gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo dhan laga dareemay heshiiskaas iyo faa'iidada uu keenay. Waxa kale oo aan isla soo qaadnay gobolka Soomaalida oo 18-kii sano ee tagtay ay dagaalo kadib rideen gobolada kale ee Itoobiya inuu u baahan yahay horumarin iyo dardar gelin shanta sano (5) ee soo socota, oo dhan walba oo kaabayaasha kala duwan ee nolosha ah ee burburay, hadday tahay caafimaad, waxbarasho, waddooyin iyo electic, taas oo labada dhinacba aan isla qaadanay in ay tahay ajandaha (qorshaha) noo yaal 5-ta sano ee soo socota."

"Geeddi socokii nabadda ee aan soo bilownay 2-dii Febraayo 2010 ilaa hadda oo ah 12-kii Agoosto 2010 waxay ahayd muddo aan wax ku daraasayn karno oo aan ku qiimayn karo dhinaca Itoobiya isbedelka ka jiro "Runtii waxaa noo soo baxay Itoobiya gobolka siyaasadihii hadda ka hor ku wajahnaan jirey iyo kuwa maanta 18sano kaddib in ay kala duwan yihiin. Tusaale ahaan ilaa 7-jeer oo hore ayaan wada hadalay, wadahadaladaas waxaa kow ka ahaanjirey qoriga soo dhiib, sidaan yeel, waan ka raayey, waan diley, waan xiray, waan qabtay, laakiin maanta runtii arrimo taas ka duwanayaa nooga muuqda, oo ku salaysan horumar, dhaqaale, Interest ayaa nooga dhex muuqda, ilaa maanta oo aan heshiiskii kala saxiixanay oo aan nala weydiin hubkii jabhadda, taas waxay ku tusaysaa in Itoobiya ay ka go'an tahay in ay dadka la heshiiso."

"Intii aan la fadhinay ra'iisul wasaaraha waxaan ka dareenay wax la yiraaho ITOOBIYADA CUSUB oo uu aad ugu soo celceliyey oo uu xusay Itoobiyadii hore iyo siyaabaha ay ahayd, dhinacna waxaad moodaa in uu jiro dareen ah ah waxaa la joogaa waqtigii la is fahmi lahaa oo wax la dhisi lahaa, oo aan wax la burburiyeen."

Sheikh Ibraahim isagoo ku sugnaa Addis Ababa oo ka jawaabay su'aal la wydiiyey ayaa yiri "Annagu wadankayagii ayaan ku soo noqonay, dad wadanka u dhashay ayaan nahay, haddii aan siyaasad geleyno iyo haddii aan ganacsi geleyno iyo haddii aan waxbarsho geleyno waa noo furantahay, ma jiro wax qaanuun ah oo naga mancinayaa ama noo diidaya in aan dhan kasta ka qayb qaadano, aadna waa naloola jecel yahay in aan ka qayb qaadano, waana uga mahad celinaynaa ismaamulka Soomaalida sida ay diyaarka ugu yihiin in aan wax walba uga qayb qaadano." Sii Akhri....

Sh. Shariif oo la kulmay hoggaamiyaha xukuumadda Itoobiya ee Cadaawadda Soojireerka ah kala dhexeyso Soomaaliya...

Zenawi oo la kulmay madaxweynaha DFKMG xilli IGAD ay UN-ka weydiisatey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo ciidan ah oo ay ku jiraan dalalka Safka hore...


Shariifka iyo Zenawi, July 6, 2010

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa markale magaalada Addis Ababa ku qaabilay Madaxweynaha Dawladda Federaalka kumeelgaarka Sheikh Shariif.

Zenawi waxa uu kulankaas ka sheegay in uu fulinayo go'aankii ka soo baxay IGAD, "marka laga reebo in ciidamo uu u diro Dalka (Soomaaliya)", ayuu yiri Zenawi oo hore ciidamo ugu diray Soomaaliya, oo uu hore u qiray in ay dagaaladdii Soomaaliya kaga dhinteen dhawr boqol oo askari (waa sida uu qirsanyahay'e).

C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynahii hore DKMG, oo (July 6, 2010) u waramayey Idaacadda wararka  ufaafisa Maraykanka ee Codka Marayanka (Voice of America) ayaa yiri "Ma qabo (in Soomaaliya la keeno) ciidamo ka socda gobolkaas aan deriska nahay oo cadaawadda soojireenka ahi naga dhaxayso sida Dawladda Itoobiya maanta maamusha ee Tigreega iyo kuwa la midka ahba ciidamo ay hoggaaminayaan in hadana ummadda Soomaaliyeed markale lagu baabi'iyo."

Wasiirka dhowaanta loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFKMG ayaa (July 5, 2010) isagoo ku sugan Addis Ababa waxa uu sheegay in ciidamadaasi ka imanayaan "dalalka aan mushkilad xuduudeed iyo mushkilad kale aan la lahayn dadka Soomaaliyeed".

Dr. Raabeh oo SomaliTalk u warameyey , kana hadlayey sida madaxda Soomaaliyeed aysan uga war hayn taariikhda dalalka Geeska Afrika ayaa yiri: "Nimanka madaxda ka noqonaya Soomaaliya warba kama hayaan waxa ka dhacaya Geeska, marka lagu daro Sheikh Shariif, wax Alla iyo wax dhulkan ka dhacaya taariikhiyan ee weli socoda oo xabashi daba socoto warba kama hayaan."


Shariifka iyo Zenawi, July 6, 2010

Sawirka sare waa Sheikh Shariif oo la fariisiyey kursiga Zenawi, July 6, 2010 xilli ay dhul Soomaaliyeed ku jiraan gacanta Gumeysiga Itoobiya, taasoo ay dheertahay in ciidamadii Zenawi u soo diray Soomaaliya kaddib markii ay Sheikh Shariif kooxdii uu hoggaamiyaha u ahaa ka saareen Muqdisho ay halkaas ka geysteen xasuuq ba'an dagaal socdey 749 maalmood markii dambena ay shacabka Soomaaliyeed xoog dalka uga saareen ciidankii gumeysiga Itoobiya.

Qarammada Midoobay oo Markale la weydiistey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo ciidan ah

Shirkii ururka la baxay IGAD ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa (July 5, 2010) laga soo saaray war-murtiyeed lagu xusay go’aamadii shirkaasi ka soo baxay, ayada oo IGAD ay golaha Ammaanka ee qarammada midoobay ka dalbanayaan in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo tiradoodu tahay 20,000 oo askari.

Qodobkaas waxaa ku xusan in shirku “go’aansaday in lala shaqeeyo dhammaan qaybaha oo ay ku jiraan AMISOM iyo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay si ciidamo gaaraya 20,000 oo askari loogu duro guud ahaan dalka (Soomaaliya) oo dhan.” Waxaa warsaxaafadeedku intaas ku daray “in (dalka Soomaaliya) loo diro ciidamo soo farageliya oo ay ku jiri karaan dalalka deriska ah.”

Idaacada wararka u faafisa boqortooyada Ingriiska ee British Broadcasting Corporation oo arrinta ciidankaas 20,000 wax ka weydiisey wasiirka dhowaanta loo magacaabay wasaaraadda Arrimaha Dibadda DFKMG, oo durbadiiba safar ku tegey Addis Ababa, ayaa sheegay in ciidamadaas aysan ka mid noqon doonin ciidamo Itoobiyaan ah. Yuusuf Dheeg oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Ciidamada Ethiopia hore ayey u yimaadeen (Soomaaliya), haddana waa ka bexeen, marka ciidamo Itoobiya ah oo imanay majirto, laakiin ciidamada kale ee East Afrika iyo West Afrikca ee hadda aan mushkilad xuduudeed iyo mushkilad kale aan la lahayn dadka Soomaaliyeed ayey ka imanayaan.”

Shacabka Soomaaliyeed waxay xasuustaan in hore sidaas oo kale la sheegay in ciidamo 20,000 ah loo weydiinayo Qarammada Midoobay, oo la sheegay in aysan ku jiri doonin dalalka deriska ah, laakiin ay Itoobiya ciidankeeda gelisey gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalanto Maxaakiimtii uu hoggaankeeda ka mid ah Sheikh Shariif, taas oo xasuuqday shacab Soomaaliyeed, xilligaas oo ay magaalada Muqdisho ka baxeen hoggaankii Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ka mid ahaa Sheikh Shariif oo hadda noqday madaxweynaha ku sugan Addis Ababa, oo ah meesha hadda (July 5, 2010) laga soo saaray wareegtada cusub ee lagu dalbanayo 20,000 oo ciidamo markale loo diro Soomaaliya.

Ciidamadii Itoobiya ee galay Muqdisho shacabkii Soomaaliyeed ayaa xoog kaga saaray, waxaana soo gaaray khasaaro weyn. Zenawi waxa uu waraysi uu siiyey Aljazeera ku qiray in dhawr-boqol oo askari laga diley (Waa inta uu qirsan yahay in ay yihiin dhawr boqol oo askari in lagaga diley dagaalkii Soomaaliya). Dagaalkaas oo Muqdisho ka socdey 749 maalmood (waa intii u dhexeysey Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009).

AKHRI: Wareegtadii ka soo baxday IGAD July 5, 2010.


Taariikhda Geeska Afrika:

Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)

Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in “markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin”. Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: “five-year military occupation of Ethiopia by fascists”. Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: “Ethiopia proudly claims to be ‘the only African country that has never been colonized’”. Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) – ama (Italy colonized Ethiopia for five years).

Waxaa wax aad loogu qoslo ah in buug ka mid ah kuwa taariikhda uu qoray sidan: “Brief History: The Ethiopian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a five-year occupation by fascist Italy in the middle of the twentieth century)” – “Taas oo marka la tarjumo nuxur ahaan ah: “Itoobiya waa dal aysan gumaysan quwadihii reer galbeedku, marka laga reebo shan sano oo ay haysteen  faashiistihii Talyaaniga bartamihii qarnigii labaatanaad”. Sow taasi wax lagu qoslo maaha in la yiraahdo waa dal aan reer galbeedku qabsan, Marka laga reebo shan sano oo faashiiste haystey – laakiin akhristow xusuusnow faashiistuhu waxa uu ahaa reer galbeed – laakiin haddii taariikhda laguu wanaajinayo cudurdaar laguu waayi maayo.

Itoobiya iyo gumaystayaashii kale weligood kuma guulaysan in ay Soomaalida si rasmi ah u gumaystaan, balse waxaa Soomaalida gumaystay qabyaalada indhaha ka tuurtay oo kala qoqobtay, taas oo ilaa hadda loo adeegsado.

Gabagabadii, Waxa ka jira geeska afrika waa arrin ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan ka hor inta aan laga masaxin khariidadda.

Let us rewrite Somalia history: “Brief HistoryThe Somalian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a one-century occupation by Qabaliyah)” .

Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

Faafin: SomaliTalk.com / July 6, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com