SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Zenawi oo Addis Ababa kula Kulmay Col. Riyaale iyo Dr. Faroole

  • SomaliTalk.com | March 14, 2009

Faroole oo la Kulmay Zenawi- March 14, 2009

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Itoobiya, Meles Zenawi ayaa Sabtidii March 14, 2009 waxa uu magaalada Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole oo beryahan Itoobiya booqasho ku joogey.


Faroole iyo Zenawi: March 14, 2009.. ENA

Sida ay sheegtay warbaahinta uu maamusho xukuumadda Itoobiya ee ENA, kulankii Zenawi iyo Faroole waxa uu ahaa mid miro dhal ah oo waxyaabihii ay ka wada hadleen ay ka mid ahaayeen sidii loo wanaajin lahaa xiriirka dadka (labadadhinac), ammaanka, xiriirka ganacsiga, iyo arrimo kale oo ka dhaxeeya labada dhinac Itoobiya iyo Puntland.

Kulankaas kaddib Dr. Faroole waxa uu ENA u sheegay in kulankii labada dhinac uu ahaa mid miro dhal ah oo ay ka wada hadleen horumarinta xiriirka dhinacyo kala duwan, waa sida ay qortay ENA.


Faroole iyo Zenawi: March 14, 2009

Warbaahinta Itoobiya waxay ku celcelisey in kulankaasi uu ahaa mid looga wada hadlay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka u dhaxeeya dadka (labada dhinac) iyo xukuumadaha Itoobiya iyo Puntland. Waxaana Zenawi u ballan qaaday Puntland in uu gacan siinayo, waxa kale oo ay ka wada hadleen arrimaha qaxootiga ee labada dhinac, waa sida ay ENA warka u dhigtay'e.

Dr. Faroole waxa uu Garoowe ka dhoofay March 11, 2009, safarkaas oo uu ugu kicitimay Itoobiya ayaa wararku tibaaxeen in uu casumaad ka helay xukuumadda Itoobiya.

Riyaale oo la Kulmay Zenawi- March 13, 2009

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya waxa kale oo uu March 13, 2009 magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland, Col. Daahir Riyaale Kaahin, sida ay werisey warbaahinta ay maamusho xukuumada Itoobiya ee ENA.


Daahir Riyaale iyo Zenawi: March 13, 2009

Kulankaas kaddib, Zenawi oo la hadlay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in uu kulankii uu la yeeshay Riyaale uu ahaa mid miro dhal ah oo ay ka wada hadleed arrimo la xiriir amaanka gobolka iyo arrimo kale oo kawada dhaxeeya. Waxaana warbaahintaasi sheegeen in Riyaale uu fikirkaas oo kale aaminsan yahay marka laga hadlayo arrimo goboleedka.

Daahir Riyaale ayaa safar kaga soo laabtay Ingriiska, waxana uu kusii hakaday Itoobiya. Lama oga in ay Riyaale iyo Faroole ku kulmeen Itoobiya maadaama ay isku soo gaareen Addis Ababa.


Riyaale oo labada gacmood ku salaamaya Zenawi March 13, 2009


Riyaale oo labada gacmood ku salaamayo Zenawi, June 2007.

Sawirada iyo qaar kamid ah warka: xigasho: ENA.

Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS