Somaliya iyo EU da oo iska kaashanaya dhinaca amaanka badda
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha DFS oo ku saabsan iskaashi
dhinaca ammmaanka badda oo dhexmaray DFS iyo Midowga Yurub ayaa u qornaa sidan:
Warsaxaafadeed:
4 tii bishan September 2013, meel ka baxsan biyaha xeebta magaalada muqdisho,
markab ay leedahay ciidanka bada ee midowga yurub ( EU NAVFOR) Atlanta, ayaa
lagu maritiqaaday madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamud. Martiqaadkani
wuxuu ka dhacay markab ay leedahay dowlada Nederland oo hada ah fadhiisinka
ciidanka bada ee midowga yurub ee EU NAVFOR. Markabkan waxa lagu magacaabaa
HNLMS Johan de Witt. Fadhigan waxa ka qayb galay Madaxweynaha, wasiiradiisa iyo
taliyayaasha dhinaca amaanka iyo ergayga gaarka ah ee isbahaysiga yurub EU u
fadhiya Somaliya, Michele Cervone d’Urso, iyo taliyaha sare ee ciidanka bada ee
midowga yurub, Rear Admiral Bob Tarrant, madaxa hawlgalka dhismaha iyo tayaynta
midowga yurub (EUCAP) Nestor, Etienne de Poncins. Waxa laga wada hadlay sida
noocyada kala duwan een farsamo/qalab ee ay leeyihiin wadamada ku bahoobay
midowga yurub taageero uga geysan lahaayeen horumarinta qaab qorshe buuxa oo
dhinaca bada oo ay yeelato Somaaliya.

Arintani oo lagu asaasay fadhigii u horeeyay oo la qabtay 24 juun, fadhigaas oo
ka dhacay markab fadhiisin u ahaa ciidanka bada ee midowga yurub EU NAVAL FORCE.
Ujeedada shirkan laga lahaa waxay ahayd abuurista xidhiidh wax wada qabsi oo
dhexmara Somaliya iyo midowga yurub, waxa kale oo fadhigani gacan buuxda
siinayay shirka caalamiga ah ee soo socda kuna saabsan ka hortaga budhcad
badeeda oo lagu qabanayo Dubay inta u dhaxaysa 11-12 sebtember sanadkan 2013 iyo
waliba shirka loogu magac daray “Heshiiska cusub ee Somaliya” oo ka dhici doona
Burusel. Waxanu bilaabanayaa 16 Sebtember 2013.. Shirkan waxa uu meelmarinayaa
heshiis dhexmara Somaliya iyo beesha caalamka kaasoo qeexaya siyaasada hogaanka,
habka mudnaanshaha la siinayo ee la xidhiidha amniga iyo habka dhaqan dhaqaale.
Ee sanadaha soo socda.

Madaxweyne Xsan Sheekh Maxamuud
“Somaliya aad bay usoo dhawaynaysaa wax wada qabsi dhex mara isbahaysiga yurub
EU, si loo hagaajiyo amniga badaha taas oo qayb ka ah hawlgalka balaadhan ee
isbahaysiga yurub ka wado Somaliya. Wax wada qabsi dhinaca amaanka baduhu wax uu
saamayn muhiim ah ku yeelanayaa horumarinta degaanada xeebaha ee dalkayga. Waxa
iga go’an inaan soo bandhigo hoostana ka xariiqo qaab qorshe oo dhamaystiran oo
dhinaca badaha ah inta uu socdo shirka ka dhacaya Burusel.
Ergayga isbahaysiga yurub u fadhiya Somaliya Michele Cervone d’Urso waxa u yidhi
“Arintani waxay mar labaad cadayn u tahay sida ay uga go’an tahay midowga yurub
inay garab istaagaan Somaliya sidii ay u gaari lahayd degenaansho iyo nabadgelyo.
Inta uu socdo shirka loo balansan yahay ee “Heshiiska cusub ee Somaliya” ee
magaalada Burusel. Taageerida hayadaha amaanka ee Somaliya oo amaanka baduhu ku
jiraan waxay xaga sare ka galaysaa ajendaha shirka”
Si loo taageero madaxda Soomaaliyeed sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen awoodooda
la xidhiidha la dagaalanka burcad badeeda iyo dhaqdhaqaayada kale ee sharci
darada ah ee inta ka baxsan biyaha xeebahooda. Sidoo kale markabkan laga
leeyahay Nederland ee fadhiisinka u ah EUNAVFOR ciidanka midowga yurub wuxuu
marti galiyay Siminarka ay bixinaysay EUCAP Nestor oo ah falal dambiyeedka
dhinaca badaha, waxa kale oo qayb ka ahaa dhoola tus ay goob joog ka ahaayeen
wafdiga Soomaalida ahi. Wafdigani wuxuu ka koobnaa garyaaqanada dawlada, xaakimo,
saraakiil ka tirsan ciidanka bada. Waxayna halkaas ku daawadeen dhoolatus la
xidhidha habka doomaha loo adeegsado burcad badeednimada looga hortago, qaabka
ciidamadu u fuulaan doonta looga shakiyay inay wataan burcad badeed iyo habka
burcada loo xiro, qaabka cadaymaha loola wareego iyo baarista la xirrirta
dambigaas.
Isaga oo ka hadlaya seminaarkaa Etienne de Poncins, madaxa wafdiga EUCAP nestor,
waxa u yiri ”Dhacadan ay ku jirto dhoolatuska lagu soo bandhigay markabkan laga
leeyahay Nederland ee fadhiisinka u ah ciidanka midowga yurub ee bada waxay
muhiim u tahay macno weyna ugu fadhidaa sidii nidaamka maxkamadaha ee dalka
Somaliya iyo booliskuba uga hortagi lahaayeen si wax ku ool ah budhcad
badeednimada iyo qaababka kale ee sharcidaradaha si loo hormariyo amniga badaha
ee gobolkan geeska afrika”
05/09/2013
- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President,
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com +252
615 479911 or +252 699 998854
###
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2013
Dawladda Federaalka oo Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas
Exploration ltd oo fadhigeedu yahay dalka UK
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalak Soomaaliya
ay "heshiis la gashay sharikadda lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration
ltd, www.somaoilandgas.com oo fadhigeedu yahay dalka Britain."
Sida ku cad diiwaanka companieshouse.gov.uk, Shirkaddan
waxaa UK laga diiwaan geliyey 15 cisho ka hor, taariikhdu markay ahayd
22/07/2013 (July 22, 2013). TixraacHalkan
http://wck2.companieshouse.gov.uk/, si aad u eegtid xilliga la diiwaan
geliyey website-kaas ku qor magaca shirkadda cusub oo ah: Soma Oil and Gas
Exploration ltd. (Date of Incorporation in UK: 22/07/2013). Sidoo kale website
shirkadda waxaa la diiwaan geliyey March 26, 2013. Tixraac: http://who.is/whois/www.somaoilandgas.com .
Warsaxaafadeedkii ka soo
baxay DFS AKHRI
Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir
(Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee
Arrimaha Dibadda
|