SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

WARARKII: Aug 14, 2007

  • Ciidamada Daraawiishta, Sirdoonka iyo Badda ee DGPL oo lagu wareejinayo DFKMG

  • 11 Qof oo ku dhimatay rasaas ay fureen ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMG..

  • Wiil uu dhalay Ra’isul Wasaare Geedi oo aroos qarash badan ku baxay uga socodo Nayroobi ..

  • Odoyaasha Beelaha Hawiye oo sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda Muqdisho

  • Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ambabaxay wadanka Burundi…

  • Tuugo u dhacday Web-Site-ka Qaramada Midoobey


Heshiis ay dhaqaalaha ku qayb-sanayaan oo ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedka Puntland..

Waxaa maalintii shalay ahayd heshiis wada saxiixday Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedka Puntland kaas oo ku saabsan sidii ay u qaybsan lahaayeen canshuuraha ka soo xarooda gobaladaasi, waxaan heshiiskaasi labad dhinac u kala saxiixay Wasiirka War-faafinta Dowladda Federaalka Madoobe Nuunow Max’ed iyo Wasiirka War-faafinta C/raxmaan Max’ed (Bankax).

Heshiiskaan ayaa waxa uu dhigayaa in dhaqaalaha soo gala maamul gobaleedkaasi ay qaybsadaan Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Madoobe Nuunow oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in maamul gobaleedka Puntland ka go’an tahay in ay mar kasta taageeraan Dowladda Federaalka, sidoo kale C/raxmaan Bankax oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in loo baahan yahay in gobalada kale ay ku daydaan taageerada ay siinayaan Dowladda Federaalka.

Heshiiskaani waxa uu ku soo beegmay xili dadweynaha ku nool gobalad Puntland uu saameeyey sicir barar, sidoo kalana ay jiraan dad fara badan oo duruufo dhaqaale ay aad u hayso, iyadoo la og yahay in maamulka Puntland uusan weli waxba ka qaban sicir bararkaasi, waxa uuna sicirbararkaasi ka dhashay markii uu maamulku keensaday makiinado lagu daabaco lacago, kuwaas oo dadka qaar sheegeen in ay lagu uruursaday hantidoodii - Warbixin dheeraad ah heshiiska hoos ka akhri.

Ciidamada Daraawiishta, Sirdoonka iyo Badda ee DGPL oo lagu wareejinayo DFKMG

Dawlad Goboleedka Puntland iyo DFKMG aya Isniintii (Aug 13, 2007) waxay magaalada Muqdishu ku kala saxiixdeen heshiis ka kooban dhawr qodob.

Heshiiskaas waxaa DGPL u saxiixay madaxweyne Cadde Muuse, dhanka DFKMG ahna waxaa u saxiixay ra'iisul wasaare xigeeneka DFKMG Saalim Caliyow Ibroow. Waxaana goobta heshiisku ka dhacay joog-googe ka ahaa madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf.

Heshiiskaasi waxa uu dhigayaa:

1. In Dowlad Gobleedka Puntland ay ciidamadeeda Daraawiishta, ciidamada sirdoonka, iyo Ciidamada Badda ee Puntland ay ku wareejiso DFKMG, sidaasna ay DFKMG kula wareegto.

2. In Lacagta cashuuraha dadban ay dhaqaale ahaan Dawladda Federaalka KMG qaybteedu tahay boqolkiiba 40%.

3. In Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland uu qaybtiisa ka helo khayraadka dalka iyo dhaqaalaha soo gala DFKMG.

4. In DGPL ay sii maamusho ciidamada Booliiska intalaga dhisayo Booliis Federaal ah.

11 Qof oo ku dhimatay rasaas ay fureen ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMG..

Maalintii shalay ahayd ayaa Isgoyska SOS ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay xasuuq kii ugu xumaa tan iyo markii ay imaadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, kadib markii rasaas lala beegsady Gaari Koostar ah oo ku sii jeeday gobalada dhexe, waxayna dadka qaar noo sheegeen in ay ku dhinteen gaarigaasi ilaa iyo 11 qofood oo isugu jiray carruur, haween iyo dhallinyaro.

Gaariga ayaa rasaasta lagu furay kadib markii meel aan sidaasi uga fogeyn uu qarax ka dhacay, waxaan dhacday in gaarigaasi oo sii cararay rasaas lagu furo, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in qaraxu uu ahaa qore Baasuuke ah oo ka fakaday Ciidamada Dowladda.

Dhanka kale Gaari Caasi ah oo maryey wadada ka timaada Kiilomitir Foor, ayaa waxa uu la kulmay qarax miino oo lala damacsanaa Gaari ay saarnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka, waxaan ku geeriyooday saddex qofood oo ahaa dadkii saarnaa gaarigaasi oo uu ku jiray Kirishboygii gaariga, sidoo kale ay Ciidamada Dowladda Federaalka saarnaayeen oo marayey Isgoyska Ex-Koontarool Balcad oo ay miino la kacday ayaa waxaa ku geeriyoodeeb saddex askari.

Wiil uu dhalay Ra’isul Wasaare Geedi oo aroos qarash badan ku baxay uga socodo Nayroobi ..

Magaalad Nayroobi ayaa Hoteelka ugu qaalisan Magaaladaasi waxaa lagu qabtay xaflad aroos ah oo ay ka soo qaybgaleen Ra’isul Wasaare Cali Max’ed, mas’uuliyiin ka socotay Hay’adaha Qarmada Midoobey, Safaaradaha Shisheeyaha ay ku leeyihiin Magaalada Nayroobi, Marti sharaf ka kala tagay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxa ayna xafladdaasi ku saabsaneyd arooska wiil uu dhalay Cali Max’ed Geedi.

Wargeysyada TV-yada Iyo Idacaadaha Dalka Kenya oo Si Aad ah Uhadal Haya   Aroos Maalintiisi Labaad Kasoconaaya  Hotelada Caasimada Nairobi Uqaalisan Arooskaas oo ay ku Baxday  Lacag Gaaraysa $1,900,000  Dollar [$1.9 million]. Akhri faalladii Maryan Saciid Amiin

Arooskaan oo mudooyin-kaan laga shaqeynayey ayaa dadkii ka qaybgalay oo aan khadka isgaarsiinta kula xiriirnay noo sheegeen in uu ahaa arooskii ugu kharashka badnaa, waayo waxaa dalka ka ambabaxay ilaa iyo 300 oo qof oo isugu jirtay fanaaniin iyo martisharaf kale oo lagu maritqaaday arooskaasi, sidoo kale waxaa dalka dibaddiisa laga keenay fanaaniitii Soomaaliyeed.

Arooskaan oo socon doona mudo todobaad ah ayaa waxaa halkaasi ka dhacay xaflado aad u sareeyey, inkastoo aan la qiimeyn qarashka ku baxay arooskaasi, haddana dadku waxay leeyihiin qarashku waxa uu ahaa mid aad u sareeya, iyadoo dadka qaarkii ay sheegeen in loo baahnaa in arooskaasi lagu qabto dalka gudihiisa, gaar ahaan gobalada nabdoon, sida Magaalada Baydhabo oo kale, ma aheyn in lagu qabto dalka shisheeye laguna bixiyo intaas o qarash ah.

Odoyaasha Beelaha Hawiye oo sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda Muqdisho

Kulan ay isugu yimaadeen Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa waxa ay si aad ah uga xumaadeen dhibaatooyinka marba marka ka dambeysa sii kordhaya ee ka jira Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dilalka, dhaca, qaraxyada, kuwaas oo ay sheegeen in aysan marnaba dan u aheyn dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Odoyaashu waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in si weyn loogu naxariisto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, isla markaana laga shaqeeyo sidii la isugu soo dhawaan lahaa.

Arrintaan ayaa ku soo beegan tahay xili shalay Magaalada Muqdisho ku dhinteen ilaa iyo 20 qofood oo u badnaa dad rayid ah, kadib markii qaar ka mid ah dadkaasi ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, halka kuwo kalana ay qarax miino ku dhinteen.

Mareykanka oo xiray Qunsuliyaddii uu ku lahaa dalka Ereteriya

Maalintii shalay ahayd ayaa Dowladda Mareykanka waxay ku dhawaaqday in ay albaabada isugu dhifatay qunsuliyaddii ay ku lahayd dalka Ereteriya, kadib markii Dowladda Mareykanka ay dalka Ereteriya ku eedeeysay in ay gacan siiso waxa ay ugu yeertay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maalmahan dambe waxaa sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya Dowladda Ereteriya iyo Mareykanka, kadib markii Dowladda Ereteriya sheegtay in Mareykanku u xaglinayo dhanka Itoobiya oo uu kala dhexeeyo xafiiltan dhanka xuduudda ah.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Ereteriya ayaa waxa uu sheegay in Qunsuliyadda Mareykanku xirtay ay tahay mid lagu qancinayo Dowladda Itoobiyaoo uu sheegay in ay dhibaatooyin ka wado geeska Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Ereteriya aysan marnab u dhutin doonin xeritaanka Qunsuliyaddaasi, waxa ayna u soo jeediyeen Dowladda Mareykanka in ay ka fiirsato arrintaasi. 

Xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ambabaxay wadanka Burundi…

            Waxaa maalintii shalay ahayd xaflad sagootin ah loo sameeyaya xulka qaranka Soomaaliya oo dadooda ka hoosayso 17-jir waxayna ka qaybgalyaan tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa oo dhawaan ka furmaya dalka Burundiya waxaana xafladdaa sagootinka ah u sameeyay xiriirka Cubadda Cagta ee Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan xiriirka Soomaaliya ee Cubadda Cagta, Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Dhalinyarada Isboortiga iyo Madaxda Naadiyada Cubadda Cagta.

            Xafladdaasi sagootinta ah waxaa ugu horayntii ka hadlay xoghaya xiriirka Kubadda Cagta oo sheegay in xulka Tababar siinayay Muddo 45-cisho ah xulkuna yahay dadooda ka hoosayso 17-sano kuwaasoo uu sheegay in ay ka qaybgalayaan tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo 18-da bishaan ka furmi doona dalka Burundiya.

 

Waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Siciid Mugaanbe oo u mahad celiyay intii isku howshay diyaarinta Xulka sidoo kale wuxuu kula dardaarmay Xulka qaranka inay la yimaadaan asluub iyo ciyaar wanaag waxaa kaloo ka hadlay Agaasimaha wasaradda Dhalinyarada ISboortiga Maxamed Xasan Gacal oo asaga sheegay in ay wasaaradda aad ugu faraxsan tahay inay ka qaybgasho xafladda lagu sagootinaya xulka qaranka wuxuuna u soo jeediyay inay guul soo hoyaan qaranka Soomaalyia .

Xulka qaranka waxaa hoyaaminaya Guddoomiye ku xigeenka xiirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Salaad Maxamed Salaad Gaab iyo Cabdi Rashiid  Xuseen Cadow, waxaana tababareyaal u ah Maxamed Cabdulle “Farayare” iyo sheeq Saalax

Tuugo u dhacday Web-Site-ka Qaramada Midoobey

Web-Site-ka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ku leedahay Shabakada Internet-ka ayaa la kulmay tuugeysi kadib markii jiho aan la garaneynin ay dhex dhigtay Iimeyl gaaban oo ay ku cambaareynayaan siyaasadda Israa’iil iyo Mareykanka ee Bariga dhexe. Iimeylkas oo la dheg dhigay qaybta u gaarka ah Warbixinada Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Bak-Kiin-Moon ayaa lagu yiri.  “Ku: Mareykanka iyo Israa’iil, ha dilina carruurta iyo dadka kale, dagaal iyo nabad midna heli meysaan intaad adduunka ku nooshihiin”. Iimeylkaan oo hoos uga qornaa magaca Cream-125 ayaan la garaneyn halka uu ka yimid sida uu caddeeyey Farqaan Al-Xaq oo ka tirsan Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey mar uu la hadlayey Wargeyska Al-Sharqal Awsat. “Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Web-Site-ka Qaramada Midoobey la kulmo tuugeysigaan oo kale” ayuu yiri Farqan oo xusay in ay jiraan qoraalo kale oo la soo dhex dhigay Web-Site-ka Qaramada Midoobey oo qaarkood watay magaca Cream, qaarna magacyo kale. Farqaan waxa uu xusay in dhacda noocaan ah todobaadyadii la soo dhaafay lala beegsaday isla Web-Site-kaan gaar ahaan qaybta u gaarka ah wakiilada qaramada Midoobey ee dalka Ciraaq, taasna waxaa xigay dhowr qoraal oo iyana la soo dhigay todobaadyadii hore. Ugu dambeyn waxa uu u xusay in Qaramada Midoobey u istaageyso sii ay Web-Site-keeda u horumarin lahayd uguna hor istaagi lahayd tuugada caadeysatay in ay gacmeystaan Web-Site-keeda.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2007 

Labo caruur ah oo lagu gooracay duleedka Hargeysa.
iyo Weeraro ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com