Banaanbax Lagu Taageerayo Dowlada Soomaaliya oo ka
dhacay Minnesota
Waxa ka
dhacay Minnesota gaar ahaan labada magaalo ee mataanaha
ah banaanbax weyn oo lagu taageerayo Dowlada ku
meelgaarka ah, oo iyadu hada hanatay nabada Soomaaliya.
Banaabaxaas ayaa dadkii isugu yimid ay ku muujiyeen
taageerada weyn ee ay u hayaan dowlada ku meelgaarka ah.

Dadweynihii halakaas isugu yimid ayaa waxa ay wateen
boodhadh iyo baabuur ay ku dhajiyeen sawirada
Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dowlada. Waxa halkaas
laga akhriyey qaar ka mid ah qudbadihii uu geedi ka
akhriyey magaalada muqdisho. Ra'iisal Wasaare Geedi
waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka soo dhaweysay
Hoggaamiye kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho
ka ceyrsadeen, balse taasi aysan ahayn in ay raali ka
ahayn wixii ay sameyn jireen.
"Ma dhici doonto in ay u dhaqmaan sidii hore oo ay hub
sameystaan, isla markaana ay shacabka u awood
sheegtaan"ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Geedi oo carrabka
ku adkeeyay in talada ay haatan ku soo wareegtay
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo diyaar u ah in ay
soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii. Ra'iisal
Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa ka hadlay oo kale
arrimaha hub ka dhigista , wuxuuna caddeeyay in ay
dowladda meel gebo gebo ah marsiineyso qorshihii dadka
Hubka looga dhigi lahaa, kaasi oo soo dhameystirkiisa
qaadan doona labada maalmood ee soo socda”.
Banaanbaxaas oo ka hadleen dadbadan oo isugu jira culimo,
ardey, hooyooyin, madax sare, macalimiin iyo idaacadaha
Soomaalidu leedahay.
Reported by Somali Media, Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com
Soomaalida Maraykanka Sidey u Arkeen Dagaalka
Soomaaliya