SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muxuu yahay farqiga u dhexeeya Dawladda iyo Maxkamadaha?

Dawladda federaalku waxay ka dhalatay shir loo fadhiyey labo sano iyo bar wadanka Kenya, shirkaas oo ahaa shirkii adduunku ugu dheeraa. Shirkaas waxaa laga bilaabay magaalada Eldoret ee waddanka Kenya ee la isugu keenay hogaamiye kooxeedyadii ama qabqablayaashii dagaalka ee Soomaaliya ka socday muddo ka badan 14 sano waqtigaas uu shirku ka bilowday Eldoret ee keenay la isugu keeno nimankii Soomaaliya meesha ay hadda taallo dhigay waxaana laga saxiixay inay sameeyaan xabad joojin taasoo dhigaysay qofkii markaa ka dib jabiya xabad joojintaas in laga qaadayo tallaabo sharci ah, inkastoo taas aan waxba ka socon oo aysan noqon xabad joojin hirgasha taasoo waqtigaas ka dib ay dhowr dagaal oo ay isaga hor yimaadeen qabqablayaashii dagaalka ee saxiixay xabad joojinta.

Maxkamadaha Islaamku waxay ka dhasheen maxkamado beeloodyo ay sameysteen beelo isla markaana ku ilaashanayey danohooda beeleed ay maxkamad walba ka soo jeeddo beel beeshaas oo iclaamisay inay ku dhaqsamayo shareecada Islaamka isla markaana uu u noqdo ciidankeeda mid markasta u diyaar ah inuu ka hortago wixii danaha beesha ay maxkamadaas ka soo jeeddo ka hor imaanaya,  kadibna waxaa dhacday inay qabqablayaashii Muqdisho iyo hareereheeda dadka baadda kaga qaadi jiray inay ka cabsadaan quwadda maxkamadaha ee sii siyaadaysa ayna la garabsadeen Tigreega iyo Ameerikaanka oo u soo marinayey wixii taakulo ah dhanka Kenya iyo Itoobiya ayey waxay ku dhawaaqeen bishii Feb 2006 isbahaysigii la magac baxay ( Isbahaysiga soo celinta nabadda iyo la dagaalanka argagaxisada) kaasoo Ilaahay ku jabiyey isla meeshii ay uga dhawaaqeen eel ahayd Magalia Muqdisho gaar ahaan xaafadda Dayniile too uu markaas xukumayey Maxamed Qanyare. [1]

Haddaba aan dib ugu noqono inaan ka jawaabno su’aasha qoraalka saldhiga u ah eel ah muxuu yahay farqiga u dhexeeya maxkamadaha iyo dawladda. Haddaan ku horreynno waxa ka imaan kara haddii ay ku adkaadaan dalka qabsashadiisa ayadoo kaashanaysa ciidamo Tigree ah ayaa waxier la filan karaa.

·        Inay la dagaalamaan diinta iyo ahalkeeda

·        Inay fasaxaan fasahaadka iyo mukhaadaraadka

·        Inay faafaan laaluushka, eexda, iyo dulmiga

Markaa haddaan mid mid uga hadallo saddexdaas qodob eel aan kor ku sheegnay kan hore eel ah: Inay la dagaalamaan diinta Islaamka iyo ahalkeeda too ah inay xakameeyaan dadka diinta dadka u sheegaya ayna marmarsiinyo ka dhigtaan waa argagixiso iyo waa haraagii qoladii aan ka adkaanay markaas aysan ogolaan nin dhalinyaro ah too gar leh isla markaana tukanaya ama aan sigaar cabbayn ama qaad cunayn ama aan turub iyo dubnad ciyaarayn isla markaana ah qof dhowrsan too afkiisa iyo adinkiisa alga nabad galayo waayo waxay rabaan qof waxay sameynayaan la sameyeeya.

            Midda kale eel ah inay fasaxaan fasahaadka iyo mukhaadaraadka sida: qaawanaanta dumarka, kalaabyada, inay dumarku guryo sameystaan lagula tunto iyo mukhaadaraadka siiba qamriga, qaadka, qiiqa sunta ah iyo waliba xashiishka, waayo waxaas too dhan waxay dawladaha cilmaaniga ahi xoriyaadka shakhsiga, waxa meesha looga saarayo maxkamadahana wax kale maahan eel waa inay waxaas too dhan ay faafaan ayey rabaan waayo ma doonayaan dad qaaradda afrika ku yaalla too aan Aidska 50% qabin too aan ahayn Somaliya too haddana 100% muslim ah haddana isku mad-hab ah haddana aysan ku oollin kalaabyo lagu caweeyo, baarar qamrida alga gato iyo hoteello lagu tunto toona too haddana kaaga sii darane aanba isticmaalayn wax balwad ah.

            Midda ugu dambaysa waa inay faraha ka baxaan ama faafaan laaluushka, eexda iyo dulmiga la dulminayo qofka taagta daran ama aan ka dhalan qabiil hubaysan ama aan lahayn hogaamiye kooxeed dawladda u matala inuusan waxa uu xaq u leeyahay ama laga qaado wax aan xaq loogu lahayn

Dawladdu waxay ku dhisan tahay qabiil ah 4.5 kaas oo ah afar oo waaweyn iyo qabiilooyin yar yar ama “Others” ama Minority ama dadka laga tirada badan yahay kaas oo ah awood qaybsiga dawladda oo ah in loo kala badsado sida loo kala awood iyo dad badan yahay waxaana sidaas ku salaysan waax kasta oo ka mid waaxa dawladda in lagu kala qaybsadaa 4.5 taas oo aan ahayn wax xal ah siday aniga ila tahay waayo weli waxaa ka muuqda meesha in la isugu awood sheegto qabiil badnaan iyo anigaa kaa “laandheeraysan” taas oo aan waqtigaan xaadirka ah shaqeynayn, maxaa yeelay waxaa dhici karta inay qabiilooyinka waaweyn waligood xukunka iyo awooddu ka bixin aysanna arkin dadka laga tirada badan yahay.

            Maxkamadaha Islaamku waxay ka dhasheen dad is xilqaamay qabiilkasta  goonidiisa ayey intiisa wax garadka ahayd hadday ahaan lahaayeen ganacsatadii, madaxdhaqameedyadii iyo culimadiisii ay isu abaabuleen inay sameystaan ciidan ka ilaaliya beelaha kale una ilaaliya danahooda ayey sameysteen isla markaana ay fuliyaan xuduudda shareecada Islaamka waxaana u horreysay maxkamaddii Sheekh Cali Dheere[2] ka furi jiray dhanka waqooyi ama Degmada Kaaraan ee ay u badan yihiin dagaankeeda qabiilka Abgaal waxaana ka marag kacay wanaagga ay sameysay maxkamaddaasi qaybta ay ka talinaysay dadweynihii reer muqdisho iyo hay’adaha caalamiga ee UN hoos yimaada.

            Tusaale waxaa dhacday sida la weriyo in suuqa magaalada la dhigay kiish bur ah iyadoo la eegaayo bal inay jirto cid u bareerta oo qaadato laakiin lagu dhici kari waayey ayadoo qofkastaa ka cabsaday in gacanta la gooyo hadduu xado sidaana uu kiishkii burka ahaa ku yaallay halkaas shan cisho markii dambana ay ciidamadii maxkamadda ay ka qaadeen.

            Maxkamaduhu waxay shacabka soomaaliyeed u horseedeen nabadgelyo. Caddaalad iyo kala dambayn dhammaan goobihii ay tageen inay kala dambeyn ka jirtay waxaa ka marag kacay cadowgii iska daa sokeeyee,dadkuna waxay dareemeen wanaagga ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo siday u ilaalinayso nafta, maalka, caqliga, taranka iyo sharafta. Waxyaalihii ay maxkamaduhu qabteen waxaa ka mid ahaa:

·        Inay ka saareen koofurta soomaaliya qabqablayaashii dhiigmiiratada ahaa ee shacabka muqdisho ama koofurta soomaaliya dhibka ugu badan ku hayey.

·        Waxay xireen Shaneemooyinkii lagu daawan jiray filimaanta jinsiga ah iyo shaneemo oo dhan iyagoo sabab uga dhigay

1)      Inay faafiyaan anshax xumada

2)      Inay qayb ka yihiin waxyaalaha ay ka dhashaan ciyaal Faay Caliga

3)      Inay dadka ka dhigaan ma shaqaystayaal aan waxba qabsan Karin.

Walaal la soco qaybta dambe insha’aallah.

Waxaa qoray Xuseen Cabdi  hussein_abdi@hotmail.com

__________________________________
[1] Maxamad Qanyare waa hogaamiya kooxeedka ugu caansanaa muqdisho marka laga reebo Xuseen Caydiid iyo Aabihiis, wuxuuna ka taliyaa Aagga dayniile.
[2]Sheekh Cali Dheere wuxuu ahaa wadaad deganaa  Waqooyiga Muqdisho ahaana nin diinta Islaamka aad u yaqaanay

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Maqaalada kale ee maanta:: AKHRI

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH