SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

SIDEE DOWLADA FADARAALKA KMG  SOMALIYEED LOOGU SOO DHAWEEYEY DEEGAALANADA AFGOOYE IYO MUQDISHO

 

Raiisalwasaaraha DFKMG prof. Cali Maxamed Geedi , ku xigeenkiisa injiner xusen maxamed farax caydiid , mowliid macaaane maxamuud , cisman cilmi boqore iyo mas.uuliyiin kale ayaa laba  diyaaradood  helikopter ah uga degay xerada tababarka ee carbiska degmada af-gooye oo 30 km u jirta magaalada muqdisho.

 

Dhinaca dhulka ayaa iyagana waxaa soo maray wafdi uu hogaaminayo maxamed cumar xabeeb (maxamed dheere) oo ka soo galay xalay dhanka jowhar isaga oo ay wejigiisa farxadi ka muuqato wuxuuna la dhexmaray dadkii halkaa isagu soo baxay marxabayn ,kaftan, iyo qoor isdhaafsi isaga oo dadka qaarna dhabanada ka dhunkanayey.

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha DFKS Xuseen Maxamed Caydiid oo ka mid ahaa wafuuda uu hogaaminayaan raiisalwasaare Dowlada fadaraalka KMG ah ayaa waxaa uu la hadlay uguhoreyntii dadka deegaanka iyo marti sharaftii ka soo qeyb gashay soo dhaweynta wafdiga dowlaha wuxuuna u soo gudbiyey salaan uu ka siday madaxweynaha jamhuuriyada fadaraalka KMG wuxuuna sheegay in maanata wixii ka bilowda ay dowladu gfaaridoonto meel walbo oo dalka ka mid ah

 

Oday-dhaqameedyo, aqoonyahano, Ururada Bulshada Rayidka ah, iyo wax-garad Soomaaliyeed oo  kasoo jeeda magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa dadkii ku sii  qul-qulayay Beerta Sheekh Saaid binu suldaan ala  nahyaan , halkaas oo ay xalay  lagu qabtey  shir balaaran oo looga arrinsanayo sida ugu haboon oo ay dowlada Federaalka Soomaaliya ay uga howlgali lahayd magaalada Muqdisho.

 

Raiisal wasaaraha dowlada fadaraalka KMG ag ee somaliya ayaa halkaa ka sheegay in ay dowladii soo degtey muqdisho kana howgelidoonto meel walbo wuxuuna sidoo kale shaaca ka qaaday gobo cayiman oo dowladu dooneyso in hubka ku jira gacmaha dadweynaha la isuugu geeyo ,

 

Intii aan wadada ku sii jirnay ayaan waxaan halkaa ku aragnay Ciidamo aad u tiro badan oo katirsan kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa malateriga Ethiopia Dowlada Kaalmeynaya ayaa ahaa kuwo si rahanrahan ah u tuban hareeraha wadada Carbiska , halkaas oo ay fariisin ka dhiganayaan ilaa iyo inta amar ka helayaan madaxda Sar-sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya si ay u sugaan amaanka Magaalada Muqdisho. 

 

Dhanka kale Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa  soo gaaray bartamaha magaalada Muqdisho waxeyna fadhiisimo ka samaysteen dekeda caalamiga ah iyo irporka waxaana ciidamadan oo si isdaba joog ah ugu soo qulqulaya magaalada Muqdisho la sheegay inay tegi doonaan goobo baro kontroolo ah oo ay leedahay Dowladdii hore ee Soomaaliya.

   

 

Dadweyne iskood isugu soo baxay oo ku dhaqan hareeraha magaalada Muqdisho, kuwaasoo xamaasadeysan isla markaana caleemo qoyan ku soo dhoweynaya imaatinka ciidamadaasi ayaa ku teedsan hareeraha waddooyinka u dhaxeeya Afgooye iyo Muqdisho, dhinaca kalena safkii ugu dheeraa ka galay hareeraha wadada u dhaxeysa Suuqa Dermoole iyo magaalada Muqdisho oo xigta dhinaca Degmada Balcad.

 

Ciidamadan sida degdeg leh ugu soo qulqulaya magaalada Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib markii Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu daqiiqado kahor qalabka Warbaahinta ka sheegay inay si degdeg ah u galaan ciidamada Dowladda gudaha magaalada Muqdisho si ay uga hor tagaan inuu faraha ka baxo amnigii magaalada Muqdisho. 

 

Madaxda la socotey wafdiga raiisalwasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa raiisal wasaare ku xigeenka kowaad ahna wasiirka arimaha gudaha injineer xuseen maxamed faarax ceydiid , Raiisalwasaare ku xigeenka labaad cismaan cilmi boqore , wasiirka isportiga mudane mowliid mcaane maxamud ,taliyaha ciidanka boliska somaliyeed janaraal cali madoobe iyo xubno kale oo uu ka mid ahaa maxamed cumar xabeeb maxamed dheere oo isagu baabuur kaga soo galay dhanka jowhar maqribnimadii.
 

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2006

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH