SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WAAMO
March 29, 125
Daabaco Boggan | Print
:::MURTIDA MAANTA:::
MURTIDA MAANTA::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
 
mad dog
DAAWO: Video: Meles Zenawi oo Afkiisa ka Qirtay in uu Weeraray Qaranka Soomaaliya
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Garaad Jaamac oo Safarkiisii gobolada  America kusoo gabagabaynaya Atlanta

 Dhawaanahanba waxaa magaalada Atlanta ka socday diyaar garow baaxad wayn oo loogu jiro soo dhawayanta Garaad Jaamac Garaad Cali oo lagu wado inuu Atlanta soo gaadho January 5th 2007. Garaadku wuxuu in mudo ah ku guda jiray booqashooyin uu ku marayay wadamada Maraykanka iyo Canada halkaasoo garaadku kulamo isugu jiray is-barasho,xog-waran,wacyi gelin, dar-daaran iyo sidii loo adkayn lahaa xidhiidhka jaaliyadaha dibada iyo kuwa gudaha dalka la yeeshay dhamaanba Soomaalida ku dhaqan waqooyiga ameerika gaar ahaana beesha Sool,Sanaag iyo Cayn.

Booqashada Atlanta ee Garaad Jaamac ayaa la saadaalinayaa inay noqonayso gabagabadii safarkiisa ee waqooyiga ameerika iyadoo ay warar aanu ka helay gudiga qabanqaabada iyo habmaamuusku sheegayaan in ay ku hawlanyihiin sidii ay u diyaarinlahaayeen xaflado iyo kulamo ay ku sheegeen inay noqon doonaan kuwa lagu maamuuso gunaanadka iyo gudoonka booqashooyinkii Garaad Jaamac ee waqooyiga ameerika.

Jaaliyada SSC ee Atlanta oo lagu tilmaamo inay tahay hormuudka  jaaliyadaha SSC ee NA ayaa laga filayaa inay wacdaro ka muujin doonaan fagaarayaasha shirarka ee la sugayo todobaadka fooda inagu soo haya. Taasoo marag cad ay u tahay hab socodka diyaar garwogooda oo la odhan karo waa mid ka heer sareeya kuwii horeeyey. Mar aanu waydiinay  hawl wadeen ka mida gudiga Qabanqaabada meesha ay noqnayso deegaanka garaadku inta uu ku suganyahay Atlanta ayuu ku jawaabay in ay diyaariyeen hotelka caanka   Hyatt Regency Hotel  oo ka mid ah hotelada safka hore kaga jira marti soorka dunida oo dhan looguna yeedho  (five star Hotels).

Si kastaba ha ahaatee dhacdadan taariikhiga ah ee reer Atlanta nasiibka u yeesheen ayaa u muuqata mid ay  dareenkeeda qabaan  iyadoo ay ka muuqanayso dadka wejiyadooda farxad  xamaasadi ku dheehantahay, waxayna dhamaantood si xilkasnimo leh u garab taaganyihiin  gudiyadii loo igmaday inay xilkaa miisaanka badan  gutaan.

Garaad Jaamac Garaad Cali  Garaadka guud ee beelaha ku dhaqan Sool, Sanaag iyo cayn ayaa lagu caana shubay 22 bishii may 2006 magaalo madaxda gobolka Sool ee laascaanood caleema saarkaas oo ay ka soo qaybgaleen madaxdhaqameed kakala timid Somaliland, puntland ,Somali galbeed , Jabuuti, gobolada dhexe ee Somalia , Mogadishu , Bay, bakool, Gedo, iyo waliba gobolada jubooyinka .. sidoo kale waxaaa goob joog ahaa caleema saarkaas madax ka socotay dowlada federaalka ee somalia

Gudiga Soo Dhaweynta & Hab Maamuuska

1- Maxamed Xasan Xaaji Axmed  (Gudoomiyaha Gudiyada)
2- Maxamed Ismail C/kariin
3- Xuseen Sugulle
4- Sekeriye Cabdiqadir Xaashi
5- Xuseen Saleebaan X. Axmed Debey
6- Mukhtaar  Garaad Cali Buraale
7- Cabdisayid Jaamac Saleebaan
8- Abdirashiid  Xasan Maxamed
9- Cabdinaasir  Cismaan Dhalac
10- Caasha Geelle
11- Seynab Geeldoon

Gudiga Qabanqaabada & Wacyigelinta 

1- Xuseen Jaamac  Jibriil
2- Xasan Jama Cilmi
3- Siciid C/Qaadir  Jama
4- Cabdi Ismaaciil
5- C/Qafaar khalif Baadiye
6- Cali maxamud warsame

C/qaadir gaabuush
Kampala UGANDA
gaabuush6hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.