Jawaab:
Waxaan Akhriyey HAL KA HALEEL?
Guddoomiyaha Ururka
Aftahan
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
aftahanc@hotmail.com
Waxaan jeclaystay inaan
qoraal kooban ku naqdiyo maqaal dheer oo
uu qoray Ibraahim Yuusuf Axmed, oo ku
saabsanaa buugga Maxamed Baashe ka qoray
Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraaawi” ee
HAL KA HALEEL oo ka hadlaya
taariikhda abwaanka iyo suugaantiisa.
Maqaalka oo ciwaankiisu ahaa “Waxaan Soo
Akhriyey HAL KA HALEEL” ayuu Ibraahim
kaga hadlay waxyaabo badan oo qaarkood
ay i qanciyeen kuwana aan doorbiday
inaan wax ka idhaahdo oo aanan ka
aamusin. Maqaalka oo aad u dheer ma
doonayo inaan gebi ahaantiiba wada
naqdiyo balse waxaan doonayaa inaan qayb
ka mid ah oo aan filaayo inay tahay
nuxurka maqaalka inaan is dul taago oo
aan wax ka idhaahdo.
Ugu horreyn, maqaalku
sidaan hore u soo sheegayba wuu dheer
yahay, qaybta ugu horreysaana waa ammaan
iyo araar ku aadan buugga iyo qorihiisa.
Intaas marka la soo dhaafo waxa loo gudo
gelayaa qaybaha ugu muhiimsan qoraalkaas,
xooggaa aan idinka xasuusiyo ciwaan
hoosaadka qaybaha, ta ugu horreysa waxa
weeye “Xulka
murtida maansooyinka buugga”,
“Dhaliilo
aan jirin”,
“Dhaliila
jira”,
“Maagid”,
“dheelli
maanso”
iyo ciwaanka ugu danbeeya oo uu
Ibraahim u bixiyey
“af
soomaaliga”.
Haddaba qaybaha aan doonayo inaan wax ka
idhaahdo waxa ka mid ah ”Dhaliilo aan
jirin, Dhaliilo jira iyo Maagid”
Waxa aan aamminsanahay
sida uu Ibraahimba qiray inay innagu
cusub tahay dhaqanka, in wax
dhaliishiisa la soo tebiyo ha ahaato,
mid buug, mid maqaal, siyaasi iyo mid
abwaanba. Gebi ahaanna haddii aynu
soomaali nahay waxaynu jecel nahay
ammaanta iyo in qofka wax wanaagsan laga
sheego, ”Ceebteena maahee waa
caadadeena”, haddii qofka inyar oo
xumaan ah laga sheego, wanaagiisii ciddi
isla soo qaadi mayso ee waxa loogu
quudh-goynayaa intiisii yarayd ee
dhaliisha ahayd, sideedabana
bini’aadamku dhaliil kama madhna. Markaa
in uu Ibraahim buugga Hal Ka Haleel
dhaliilo wax shido ah oo aan ka soo
qaadayaa ma jirto, hase ahaatee waxa is
weydiin leh dhaliisha lafteedu ma
tahay mid la sii dhaliili karo, mase
mudan tahay in dhaliisha lafteeda la
isla garto inay dhaliil tahay iyo in
kale. Waxa Ibraahim ina soo hordhigay
mawduuc xasaasi ah oo uu isagu ka eegay
dhiniciisa, hase ahaatee aniguna
saddexdaas ciwaan-hoosaad ee aan kor ku
soo xusay ayaan ka faalloon doonaa siday
ila tahay haddii Alle idmo.
[1] Dhaliil aan jirin:
Ibraahim isku aragti kama
nihin kumana raacsani inuu yidhaahdo
Maxamed Baashe wuxuu dhaliil aan jirin u
yeelayaa qaar ka mid ah suugaanta
Hadraawi, waxaanu soo qaadanayaa toddoba
qodob oo uu leeyahay wax dhaliil ah ma
leh, balse qoraaga ayaa cidla durduriyey
oo dhaliil aan jirin dusha ka saaray.
Qodobadaasina waxay ka mid yihiin kuwa
badan oo uu qoraagu dhaliilay. Waxaanu
Ibraahim arrintaas ku adkeeyey haddii
lagu raaco Maxamed Baashe (qoraaga
buugga) dhaliilahaas, oo ay hirgalaan
inay tahay dhabarjab weyn oo loo geystey
suugaanta soomaalida. Sideedaba marka
aynu suugaan dhaliilayno labo siyood
ayeynu midkood dhaliisha raacinaa, midka
koowaad waa in dhaliilaashi ku
tiirsanaataa dhinaca diinta, mid ka
kalena waa inay gef iyo meel ka dhac ku
tahay anshaxa iyo asluubta dhaqan iyo
suugaaneed ee Soomaalida. Haddaba, aan
soo qaado toddobada qodob ee uu Ibraahim
dhaliisha u diiday:
1)
Heesta “Toddobaatan
midabley”:
Heestani waa hees
isweydiinteedu in badan soo taxnayd,
waxaan daawaday cajalad lagaga duubay
Hadraawi horraantii 1990gii waddanka
Norway, waxa lagu weydiiyey heestaa ”Toddobaatan
Midabley” iyo wakhtigii ay soo
baxday, sababihii ku kalliftey inuu
tiriyo iyo gabadha uu u tiriyey inay
ahayd gabadh uu dhalay Maxamed Siyaad
Barre iyo inkale. Waxaanu Hadraawi ku
jawaabay ”heestaa anniga ayaa tiriyey,
mana jecli inaan sheego ciddii aan u
tiriyey, inaan soo hadal qaadana aad
baan u necebahay”, waana markii ugu
horreysey ee aan ogaado in heestaasi
dhaliil ba’an leedahay. Haddaba Ibraahim
hadduu aamminsan yahay in ay dabiici
tahay in wixii xun la dhaliilo wixii
wanaagsanna la ammaano, miyaanay
habboonayn in ceebta dadka la asturo,
isla markaana miyaanay anshaxa
halabuurka meel kaga dhac ku ahayn inuu
qof dumar ah suugaan ku aflagaadeeyo
isagoon sarbeeb, sogordi, afgobaadsi iyo
maldahaad midna isticmaalin. Waana
halkaa meesha dhaliishu uma soo hoyatey
heesta.
2) Heesta “Guducur aan
caddaba jirin”:
badhi lay cabsiiyiyo
cashar muxuu i tarayaa
Labada beyd ee uu soo
qaatay Maxamed Baashe waxaan ku
raacsanahay inay ka mid yihiin meelaha
khaladaadku kaga jiro suugaanta
Hadraawi, beydka dambe waxa uu
muujinayaa ku kalsooni la’aan ah, in
casharku aanu waxba ka tarin jacaylka,
taas oo halabuurku ku talax tegayo meel
fog uga soo maydhax-diirka jacaylka.
Casharkuna waa dawo ka mid ah kuwa ugu
muhiimsan ee la isku daweeyo, waxaana
daliil u ah in Nebigu (Calayhi salaatu
wa salaam) qofka xanuunsanaya marka uu
booqdo uu qu’aan ku akhrin jirey,
meeshii kastaa ha xanuunaysee.
Casharkuna sidiisaba maaha ka aynu isla
wada garanayno ee ah (biyo qur’aan lagu
akhriyey) oo keliya balse, waxa kale oo
cashar ah qu’aanka laftiisa. Halabuurka
in jacaylku kaga weynaado casharka waxay
noqonaysaa gef iyo meel ka dhac
suugaaneed oo ku tiirsan dhinaca
rumaynta iimaanka.
3) Heesta “Xamareey
ma nabad baa”:
Waxaan aamminsanahay in
dhool-dhoolinta jacaylka khalad badan oo
dhinaca suugaanta ahi ka yimaado,
beydka ku jira heesta ”Xamareey Ma
Nabadbaa” ee odhanaya ”Xajkii
Geeska bariyeey” waxaan ku tilmaami
karaa mid aan dhaliil toosa ahayn balse
ku xidhan hadba sida loo fasisho, waayo
haddii qofku u fasisho in Xamar
ammaanteedii lagu talax tegey oo Xajkii
Soomaaliya lagu tilmaamay waa arrin
macquul ah, waxayna noqonaysaa khalad
diiniyan ah, balse haddii loo fahmo inay
ammaan keliya tahay oo tusaale ahaan
loogu sheegay Xamar inay tahay Xajkii oo
kale balse aanay arrin xaqiiqa ahayn wax
dhaliil ah oo ay yeelan kartaa ma jirto,
waxaana dhaliil uga dhaw beydadka*
caanka ah ee yidhaahda,
-
Ninkii Xamar tegay,
-
Xaj uma baahnee,
-
Aniguba Xalwooy,
-
Xaajibaan ahay
(* Beydadkan Hadraawi ma
laha, ciddii lahaydna ma hubo)
4) Heesta “Cajabeey”:
-
haddaan lay cadaabayn
-
Rabbi ii cadhoonayn
-
dadku inuu ku
caabudo
-
madowgiyu caddaankuba
-
ku caleemosaaraan
-
sow kuma canaanteen!
Waxa jira xadiis uu
Rasuulku (SCW) ku leeyahay ”haddii
ciddi cid kale caabudi lahayd, gabadha
ayaa ninkeeda caabudi lahayd”
Waxa uu isticmaalay kelmedda afeefta ah
ee ”Haddii” oo micnaheedu yahay ”ma
noqnaysee” waxaan dhici karin. Isagoo
markaa Rasuulku (SCW) sii adkaynayey
inaan Ilaahay mooyee cid kale la
caabudin, haddana inoo muujinayey
ahmiyadda xaqa uu ninku gabadhiisa ku
leeyahay. Markaa hal-abuurku laba jeer
ayuu afeeftay, marka hore wuxuu yidhi
”Haddaan” lay cadaabay oo wuxuu
caddeeyey in haddii uu sidaa sameeyo
lagu cadaabi doono, marka labaadna wuxuu
yidhi ”Rabbi ii cadhoonayn” oo wuxuu
tilmaamay haddii uu sidaas sameeyo in
Rabbi cadaabta oo keliya aanu kaga
tegeyne uu sidoo kale cadho u raacinayo,
”Ilaahay
haddii uu kuu cadhoodo naxariistiisa
ayuu kaa dheereeyaa”.
Inkastoo ay ereyadaasi karaahiyo yihiin
haddana wax dhib ah xaggayga kama laha.
Waxaase heestan dhaliisha u soo jiiday
iyadoo ay ka mid ahayd heesihii laga
badbadiyey ammaan ahaan, waxayna shaki
weyn gelinaysaa ciddii aan aragti dheer
u lahayn macnaha kelmedaha isku tiirsan
siday u bedeli karaan nuxurka hadalka
ama heesta.
5)
Arraweelo:
-
sow ma tihid
ilayskii
-
iidaanka noloshiyo
-
iimaanka
lahashada
-
sideen kaaga oolaa!
Waxaan odhan karaa
Ibraahim iyo Maxamed Baasheba waxay
ilduufeen beyd aan odhan karo wuxuu
xambaarsan yahay dhaliisha heesta,”Saw
ma tihid ilayskii”. Beydkaas haddii lagu
ladho beydka kale ee ah ”iimaanka
lahashada” waxa ka soo dhex baxaya
dhaliil aad u weyn. Bal isku qabo
labadaa beyd macnaha ay samaynayaan:
-
Saw ma tihid
ilayskiyo
-
Iimaanka lahashada.
Beydadkan waxaan ku
tiriyaa kuwa ugu daran ee meelka dhaca
maanseed ah ee Hadraawi curiyey, iyaga
iyo kuwo ku jira maansada Daalalley
qaybteeda dambe. Ibraahim waxa uu
sheegay inay jiraan labo iimaan oo mid
yahay ka Ilaahay lagu rumeeyo, midka
kalena yahay mid soomaalidu isla wada
taqaan oo aan diin shaqo ku lahayn,
waxaanse leeyahay Ibraahim iimaanku sida
diintu inoo sheegtay waxa uu ka kooban
yahay dhawr iyo toddobaatan qaybood,
halka ugu sarreysaa waa tawxiidka”Laa
Ilaaha Ila Laahu, Maxamaddun
Rasuululaah” halka ugu hooseysaana waa,
waddada la marayo oo aad qodox ka
qaadid. Kan hurguri weynaanta ah ee ay
soomaalidu taqaanaana wuxuu ka mid yahay
iimaanka diinta.
6) Heesta ”Hooyo”:
-
weligay hoggaagaan
-
ka dul heesayaayoo
Labadaa beyd waxaynu
odhan karnaa waxay ka mid yihiin kuwa
ugu nuxurka iyo macnaha yar ee ay heesta
Hooyo u dhitiso ama ay naaquska ka
yeelato. Sida Ibraahim sheegay labadan
beyd kama madhna ”Xabaal Caabudid”,
balse haddii uu sidaas u fasirayba muxuu
ku diiday inuu nuxurkaa weyn ee lagu
dhaliilay heesta inuu u aaneeyo ee uu
waxa aan jirin ula qooranayaa. Waa arrin
weyn in laga digtoonaado, lagana
feejignaado ammaanta xad dhaafka ah oo
dhibaato keeni karta. Sida Ibraahim ku
doodayo ee ah inay ereyadaasi yihiin
”qurxin faneed” la doonayana in dareenka
hoose ee qofka loo dhaadhaco, ayaa iila
muuqda mid marin habaabin ah uu doonayo
Ibraahim dhaliisha ay ereyadaasi
leeyihiin inuu ka dhigayo qaar aan
wax-ka-soo-qaad lahayn. Haddii aan sii
duro heestaa lafteeda waxaan dhaliili
lahaa beydadka ugu horreeya ee ah:
Hooyoy la'aantaa
Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
7) Heesta “Hambaaber”:
-
sidii hebed
geela
-
hashii
Nebi Saalax
-
horaaddada dhiiban
-
hankeedu ma siiyey!
Sida buugga ku qoran waxa
qoraagu tixdan ku saluugay hal tuduc oo
ah ”sidii hebed geela” kaas oo
qoruhu ka maandiiday in hasha Nebi
Saalax (CS) lagu tilmaamo inay ahayd
hebed. Masaladan oo ay Ibraahim iyo
Maxamed Baashe ku kala aragtida duwan
yihiin ayaan anigu odhan lahaa, hashuna
hebed ma ahayn. Abwaankuna ma odhan karo
waa hashii awowgey, sida Ibraahim ku
doodayo, maadaama hasha laga hadlayaa ay
tahay mid mucayin ah (la yaqaan) hashii
Nebi Saalax (CS). Wax dhaliil ah oo
weyn uma arko xitaa haddii hasha Nebi
Saalax (CS) hebed lagu sheego.
Wahaabiyadda
Marka hore waxa habboon
in la isla garto waxa ay Wahaabiyadu
(argagixiso) tahay, iyo cidda lagu
tilmaami karo inay argagixiso tahay. Cid
walba cidda dhibta ama shar ku ah ayaa
argagixisadeeda ah. Ummaddaha adduunka
oo dhami argagixiso (wahaabiyad) ma wada
laha, qolo waliba qolada kale ee dhibta
ayey wahaabiyiin u arkaan. Maraykanka
iyo Yuhuudda waxay argagixisada u arkaan
Islaamka iyo Falastiiniyiinta.
Ciraaqiyiinta iyo Falastiiniyiintuna
waxay argagixisada u arkaan Maraykanka
iyo Israa’iil. Soomaalida waxay
argagixisada u aragtaa Ethiopia, halka
ay Ethiopia-na argagixisada u aragto
Soomaaliya. Qolo waliba waxay ku
dedaalaysaa inay qolada kale argagixiso
ugu sheegto si caalamka kalena ugu
hiiliyo oo markaas ay ka takhalusto.
Haddii aynu sidaas
garanay in argagixisadu aanay ahayn wax
la isla wada garanayo ama aanay ahayn
wax adduunka oo dhan isku raacsan yahay
oo qolo waliba ay cidda dhibteeda ah ay
argagixiso u taqaan. Ma waxaynu
raacaynaa aragtida Ibraahim ee ku aadan
sida ay waddamada reer Yurub ku eegaan
ama ay argagixisa u yaqaanaan, ee ah
qofka asal raaca ah ama dhaqankiisa iyo
diintiisa ku adag, sida ba’anna ugu
dheggan. Miyeynu ku raacsanahay Ibraahim
in ay Soomaalidu argagixiso adduunka ku
tahay, marka uu ku leeyahay Hadraawi
waxa afka loogu riday hadalkii
wahaabiyada kolkii uu Nabaddaynta
Soomaaliya ku marayey. Halkee ayuu
Ibraahim ku arkay argagixisada Hadraawi
la hadlaysay ee afka wax ugu ridaysey?
cidda uu argagixisada ku sheegayaa waa
tee? Haddii heesaha ”Fisqi” lagu
tilmaamo ma argagixiso ayaa lagu
noqonayaa? Haddii jawaabtu noqoto ”HAA”,
Yaa argagixisada loo noqonayaa? Ma
waxaynu ogolaanaa in Hadraawi, Maxamed
Baashe iyo Soomaalida oo dhami ay
wahaabiyiin yihiin oo waxaynu yeelnaa
fikradda Ibraahim?. Haddii aynu taas
yeelno yey u noqonayaan wahaabiyiinta,
ma Ibraahim? Ma fanka iyo halabuurka?
mise Maraykanka? Weli ma wuxuu Ibraahim
qabaa fikirkii Maraykanka ee ahayd
Soomaaliya waxa jooga argagixiso? Haddii
ay joogtose yey argagixisadooda tahay ma
Maraykanka mise Soomaalida?
[2]
Dhaliilo jira:
Waxaan hore u soo sheegay
in marka wax la dhaliilayo lagu tiiriyo
labo arrimood midkood, waata koowaade
waa dhaliila lagu tiiriyaa dhanka
diinta, oo ay dhaliilaashi noqotaa mid
qadaf ku ah diinta. Mida kalena waa inay
tahay mid ka soo horjeeda dhaqanka*,
hiddaha, afka iyo suugaanta
Soomaaliyeed. Ummad walba waxay leedahay
dhaliil gaar ah oo ay kala soo dhex
baxdo dhaqankeeda iyo wax caadi ah oo
dhaqankooda iyo diintooduba u ogol
yihiin.
1)
dibusocodnimo.
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed
oo nayl yar dhabta kuwata xilli
nabadana dhexjooga Bilicda
dhulka Soomaaliya.
Akhri |
Ereyga “dib u socod”
sharxi mayno oo macne cusub u yeeli
mayno, waayo dadkoo dhan ayaa fahmaya
nuxurkiisa hoose iyo kiise sareba. Hase
ahaatee waxa mar marka qaarkood ku yaab
gelinaya fikradaha asalkoodu liito ee
wax-ma-garata iyo dhegweyntuna aanay
fahmayn halka ay ka soo burqanayaan, iyo
cidda ka danbaysa toona.
Nolosha hayaanka ah ee
aan negaanshaha lahayn ee Ibraahim
sheegay waa mid halkee u hayaan ah?
Hayaanku ma mid ku jaan go’an baa
teknoolajiga iyo wershedaynta? mise mid
intaas ka sii qotodheer oo og
cidhib-danbeedka nolosha adduunka iyo
halka ay ku ogog leedahay. Ibraahim
fikradiisu waa mid ka duulaya ereyga
“horusocod” aanu isagu inoo sharxi karin
meesha lagu socdo, wuxuu duudsi ka
yeelay horusocodkii aynu ku tibanayney
oo ahaa inaynu raacno nolosha xaqa ah,
waxaanu inoo ammaanay horusocod kale oo
salkiisu ruxmanayo, wedkiisuna yahay
argagixiso samada lagaga soo tuuray.
Noloshan macna beeshay ee uu Ibraahim
ammaanayo ee uu horusocodka ku sheegayo
miyeynu odhan karaa waxay ka sidataa
kana qaayo weyn tahay nolosha aadamiga
loo abuuray ee xaqa ah, salkeeduna yahay
u eerashada dhanka Eebbe, ku mintidida
xaqa iyo deedafaynta dulmiga.
Malaha Ibraahim wuxuu
inagu doca-docaynayaa inaynu ka
diimoonahay (moog nahay) wax ka dhigida
nolosha adduunyo, oo wuxuu innagu
dirqiyayaa inaynu u dhego nuglaano
xeeldheerayaal (filasofiyiin) uu ku
tilmaamay inay feker toosan yihiin, oo
ay ka raalli noqon waayeen xaaladdaha
laga raallida yahay. Nimankan fekerka
toosan ee Ibraahim wax ka soo dheegtay,
saw ma aha kuwa horumarkooda ku
duudsiyey xaqii Alle iyo noloshii loo
abuuray, bal eeg qoraalkii hore ee
Ibraahim ka soo qoray
Mr John “Horumarka aan Eebbe ku
beeniyey aadamina kaga adkaaday baan ku
dhaartay”. Saw taas ma aha fikradda
Ibraahim uu Hadraawi ka doonayo inuu
taageero, saw taas ma aha fikradda uu
Ibraahim horumarka ku tilmaamayo, saw
taas ma aha fikradda ciddii ka soo
horjeesataa ay ku sifoobayso
dibusocodnimada. Saw taas ma aha ta
ciddii diidaa ay ku noqonayso
wahaabinimada?
Ereyga “dibusocod”
ma aha mid uu Ibraahim kala soo dhex
baxay suugaanta Hadraawi ama buugga
Hal Ka Haleel, balse waa mid uu
hoosta kaga xariiqay qoraallo badan oo
uu Internet-ka ku faafiyey. In badan
ayaan akhristay qoraallo badan oo
Ibraahim leeyahay oo uu Internet-ka
geliyey, waxyaabaha uu inta badan ka
duulayo waxa ka mid ah “ilbaxnimada“
oo uu ku tilmaamo in aanay Soomaalidu
arag maqalna, ilbaxnimada uu sharxayaa
waa mid ku liddi ah dhaqanka, hiddaha
iyo diintaba. Waa mid aan waxba ka soo
qaadin xeerarka nolosha ee ay soomaalidu
degsatey, waana mid bodawnimo iyo
dibudhac ku tilmaamaysa ku adkaanshaha
nolosha asalka ah. Sidoo kale,
qoraalladiisa waxa hormuud ka ah ereyga
“horumar” oo uu innoogu
tilmaamayo “horumarku” inuu la dhashay
“ilbaxnimada” oo ay markasta ku ladhan
tahay. Nolol kale oo adduunka ka
jirtaana aanay jirin oo aan horumarkaa
iyo ilbaxnimaddaa ka dab qaadanaynin,
balse haddii ay jirtana ay noqonayso mid
“damiinimo”, dibudhac,
badownimo iyo dibusocodnimo
ah .
2)
Dabohuwan
Maansada ”Dabahuwan”
maaha mid uu nuxurkeeda iyo dhaliisheeda
kala soo dhex baxay buugga HAL KA HALEEL
balse waa mid uu Ibraahim hore
fikradeeda internetka ugu faafiyey. Sida
uu maqaalkan ugu sharxay inay maansadu
tahay mid dibusocod ah ayuu kii ka
horreeyey ee”
Dabahuwan, tixdii isbeddelka” ugu
sheegay tixdaas mid dibusocod ah.
Waxaan soo qaadanayaa
qayb ka mid ah hadalka qoraaga buuggu
(Maxamed Baashe) ku sharxay tixda
Dabahuwan ”Waxa
uu iftiiminayaa sida uu dareenkiisu uga
sal kacay ee uu Hadraawi uga wajiigay,
una soo tufay wax badan oo loo
aqoonsanaa wax wanaagsan iyo meelo badan
oo laga bidhaansan jirey xal raadinta,
isagoo ku duraya arragtida cilmaaniga ah
nooc kastuu ahaadaba Dimuqraadiyad,
Shuuciyad, Qawmiyad, Waddaniyad,
Qabyaalad iwm
” Sharaxaadaas waxa uu qoraagu ku
sheegay maansadu ka soo horjeedo gebi
ahaanba nidaamyada iyo qawaaniinta
gaarka ah ee adduunkan loo dejistay,
sida Qabiil, Qaran, Dimuqraadiyad,
Soo-shaliisam iyo Shuuuciyadba. Waxa
kale oo qoraagu ku sharxay inay hiil cad
ay u tahay dastuurka xaqa ah (kitaabka)
iyo dadka mabda’iyan u taabacsan. Waxa
kale oo uu qoraagu inoo cadeeyey in
Hadraawi ka biyo diiday, necbaystayna
waxyaabo badan oo wanaag iyo horumar loo
yaqaaney, iyo meelo badan oo ilbaxnimada
iyo cilmiga laga raadsan jirey.
Iyadoo ay sidaas tahay,
ayuu haddana Ibraahim ku tilmaamay
tixdan Dabahuwan tixda ugu cunsuriyadda
badan suugaanta Hadraawi. Isagoo
abwaanka ku tilmaamay inuu nacdal
ololaysa guudka kaga tuuray reer
galbeedka, isla markaana uu dadnimada ka
saaray oo uu daayeer ku sheegay. Bal eeg
beydadkan:
Inta aynaan u gudo gelin
sharaxa beydadkan bal aynu sharax kooban
ka bixino Daarwin, waxaan idiin soo
qaadayaa qoraalkii Mr John ee
Ibraahim laftiisu qoray”
Charles Robert Darwin
(1809-1882) wuxuu ahaa caalim ingiriis
ah oo ku xeel dheer sayniska.
Qoraalladiisa waxaa ka mid ah On The
Origin of Species, ilaa maantana waxaa
loo yaqaan asaasihii aragtida hiddeysiga
iyo mudhbaxa noolaha. Aragtidaasi
waxay saamayn asaasi ah ku leedahay
hab-fekerka
dadka reer galbeedka”
. Innagaan waxba ka bedelin sharaxaadda
uu Ibraahim saaray Charles Darwin oo
ahaa ninkii lahaa fikradda odhanaysa;
dadku wuxuu ka soo tafiirmay daayeerka,
bal aynu si guud u dul mar-no macnaha
beydadka Dabahuwan ee uu Ibraahim
dhaliilay.
Ibraahim isagoon nuxurka
iyo macnaha beydadka isku-tiirsan u
eegin ayuu la boodey hal beyd oo keliya
oo uu ka dareemay in dad lagu tilmaamay
inay ”daayeer” ka yimaadeen. Hadraawi
wuxuu tilmaamay in ciddi aaminsan tahay
in daayeerka laga soo farcamay, waxa
kale oo uu sheegay cidda fikraddaas
aamisan (Darwin). Hadraawi isagoo
aragtidaa Daarwin ka soo horjeeda ayuu
yidhi ”nin tiisu u diiran tahay”
nin arrintiisu la fiican tahay, ”ma
suu u duullaynayaa” ma siduu nolosha
dhabta ah iyo isirka dadnimada u
dulleynayaa? ”ma shay laga daawadaa,
garaadka nin daymo dhow” Noloshu ma
waxay tahay mid lagaga daydo garaadka
qof meel dhow wax ka arka, mise intaas
way ka sii duluc iyo macno fog tahay? ”Ma
Daarwin siduu yidhaa” dadnimadu ma
waxay tahay sida uu Darwin tilmaamay. ”daayeer
nin ka soo farcamay, ma suu u dareemayaa”
Bani aadamnimadu ma sida cidda aamisan
inay daayeer ka soo farcantay u
dareensan tahay baa mise intaas way ka
sii xeel dheer tahay? Abwaanku
su’aashaas ayuu inna weydiinaya, Isagoo
sii wata weydiintaas waxa uu yidhi:
miyaanay dastuur lahayn? kitaab iyo diin
lahayn? miyaan laga sii danbayn?
Waxa uu inna weydiinayaa, miyaanay
noloshu dastuur (kitaab) iyo caqiido
(diin) lahayn, miyaanayse nolosha iyo
dadnimadu ahayn mid laga danbeeyo, oo
aan Ilaahay marajaha u hayn, lana
xisaab-tami doonin?
-
Daayeerka waxaa ka
yimi
-
waxaan dad habboon
ahayn
-
innagu dir kalaynu
nahay
-
duudkii Nebigaynu
nahay
Seefla-boodnimadu ma
fiicna, waxa habboon inaad suugaanta
dhuuxdid macnaha ay leedahay ka hor inta
aadan dhaliilin ama ammaanin. Ibraahim
waxa uu ku dooday in xataa haddii
fikradda ” daayeerku” sax tahay, inaan
Hadraawi iyo cid kale toonna xaq u
lahayn inay qof bani aadam ah daayeer
iyo doofaar ku sheegto. Waxa kale
Ibraahim tibaaxay in ay islaamnimada iyo
xeerka wada-noolaanta ka baxsan
tahay in qofka dadnimada laga saaro
marka la dhaliilayo ama lagu
mucaaraddadayo. Miyeynaan xaq u lahayn
inaynu innagu fikradda khaldan ee Darwin
diidno haddii aynu bani aadam nahay oo
aynaan odhan karin, annagu (bani aadam
ahaan) daayeer kamaanu iman ee idinka
(Darwin iyo kooxdiisa) ayaa daayeerka ka
yimi. Marka uu abwaanku leeyahay ”Daayeerka
waxaa ka yimi, waxaan dad habboon ahayn”
waxa kuu uga jeedaa Darwin iyo kuwa ay
isku fikradda yihiin ayaa daayeerka ka
yimi, dadka kale oo dhammi waxay ka soo
farcameen kana soo tafiirmeen Nebi Aadam
(CS). Waa halkaa meesha ismaan-dhaafku
ka jiro ee uu Ibraahim sida
seefla-boodnimada ah u sharxay.
Labadan beyd ee Ibraahim
ka diday, ee uu nacdasha ololaysa ku
tilmaamay waxa uu leeyahay yaan la
maagin nimankan reer galbeedka oo
doofaaro lagu sheegin, hase ahaatee
Ibraahim wuxuu moog yahay in doofaarku
yahay xayawaan Ilaahay abuurtay oo aanay
wax dhaliil ah mudnayn. Islaam ahaan
waxa la innaga xaaraam-timeeyey
doofaarka cunnidiisa iyo ka ganacsigiisa
balse xawayaan ahaan wax dhibaato ah oo
uu leeyahay ma jirto, xitaa dila laynama
farin, cadiba laynama odhan, cayna ma
geyo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa
”doofaarka ficil la’aan ayaa lagu
cadaabaa” arrintaas saw wax kama jiraan
oo lama ogaanin in doofaarku qashinka
iyo saxarada cuno. Caadiyanna soomaalidu
qofka waxa ay ku masaashaa noolaha kale
marka ay tilmaamayaan martabadda uu
nolosha ka taagan yahay, tusaale ahaan
gabadha quruxda badan waxa lagu masaalaa
hal geel ah ama faras geenyo ah (faraska
dheddig), ninka geesiga ah waxa lagu
tilmaamaa libaax, halka ninka waayeelka
ahna waxa lagu tilmaamo awr hayin ah oo
biyo ma daadshaan ah. nimankaa Hadraawi
maagayna inay diinlaawe yihiin waxaan
filayaa inaan mad madow ku jirin.
Ibraahim hadalkiisu saw ma aha yaan
nimankan reer galbeed doofaar lagu
sheegin? oo caqiidiyan doofaarka iyo
ninka diinlaawaha ah kee baa qadarin
mudan? Doofaarku miyuu ilaahii abuurtay
caasiyey, miyuu adduunyada dhib geliyey?
miyuu diinta xaqa ah dhibay? Horta maxay
ku kala duwan yihiin qofka libaax lagu
tilmaamo iyo kan daayeer, ama doofaar
lagu tilmaamo? saw intuba xayawaan ma
aha? Farqiga u dhexeeyaanna saw ma aha
halka ay nolosha ka kala taagan yihiin,
in midkood karti iyo garasho fiican
leeyahay halka ka kale sabar-xumo iyo
nacasnimo uu ku nool yahay.
3) Dibusocodnimada
maansada Hadraawi
Haddaba, Ibraahim waxa uu
ku andacooday in Hadraawi suugaantiisu
weligeedba dibusocod ahayd,
maantana ay ugu sii darran tahay.
Waxa maansada Hadraawi dibusocodnimadaa
ku galabsatay inuu ku ammaano, kuna
dhiiri geliyo dhaqanka iyo diinta. Waxa
Ibraahim ka maandiiday tixihii hore
Hadraawi ee uu caqiiqadada kaga hadlayey,
sida “Ergadii
furqaan” iyo “Daryeel”
waxa kale oo Ibraahim ku qanci
waayey kuwii dhaqanka ka hadlayey sida;
“heego
muuqdheer” Baaq, iyo Gabadh Madow.
Isagoo markii horeba Ibraahim la
yaabanaa tixahaa yaabka badan, ayuu
haddana Hadraawi tiriyey tixo kale oo
kuwaas ka sii yaab badan. Maansooyinkan
danbe ee Hadraawi waa kuwo dadka
dareenkooda aad u soo jiita, kana
hadlaya nolosha dhabta ah. Waa tixo
farshaxnimadooda iyo waayo-aragnimada
lagu tiriyey ay aad u sarreyso, oo qofka
aan caqiidada wanaagsan lahayn cabsi iyo
argagax ku ridaysa, dareen firgo-nax
ahna ku reebaysa. Maansooyinkan danbe
waxa ugu horreysa tixda Dabahuwan,
Afku-siran, Hal Iyo Halkiis iyo Badbaado.
Haddaba, miyeynu maansooyinkaas sirta
nolosha ka hadlaya ku tilmaami karnaa
qaar dibusocod ah? Haddiise ay dibucod
yihiin aragtidee ayey dibusocodnimada ku
noqdeen ma ta soomaalida, ma ta Ibraahim
mise ta Darwin ee ku ogog leh, dadku
daayeer buu ka yimi?
Dadku daayeer buu ka
yimi? (Charles
Darwin)
Waa arrin iska caadi ah
ama aan wax anfariir ah ku gelinayn
haddii aad maqashid dad leh ama aaminsan
in asalka aadamigu daayeer ka yimi,
waana aragtida saynis-yahan
Charles Darwin
uu adduunka ku faafiyey.
Aragtidaas oo la soo xamaashay iyadoon
wax su’aal ahba loo celin
saynis-yahanka, miyey weydiiyeen halka
daayeerka asalkiisu ka yimi? miyuuse u
sheegay isagu? Maya, haddaba soomaalidu
waxay aaminsan tahay in daayeerka
laftiisu ahaa qowm ilaahay caasiyey oo
dembi ka galay culimadii xaqa baresey
(diinta u dhigayey). waxay yidhaahdaan
daayeerku wuxuu ahaa dad meel degenaa oo
ilaahay sidan ku ciqaabay, maskaxiyan
tan ayaa uga dhaw ta Darwin in daayeerku
ahaa qowm la rogey oo Ilaahay sawaabay,
ka dib markii dulmigoodii iyo
denbigoodii uu batay? Saw kama
war haysaan qowmu Luud, qowmkii
xalaashaday makhnuudnimada, saw kama war
haysaan, Samuud iyo Caad? ummadihii
xooga sheegay ee Ilaahay halligay?
aragtidaas iyo falsafaddaas xeesha dheer
ayey soomaalidu ka taagan tahay
daayeerka. Haddii la barbar dhigo tan
Darwin sida gudcurka iyo cadceeda ayey
isku yihiin.
4) Dhaqanka
Ibraahim
waxa uu aaminsan yahay in dhaqanka iyo
hiddaha soomaaliyeed uu yahay mid
abaadday oo beri hore dhintay, waxa uu
Hadraawi ku xukumay inuu ummadda ku hayo
dhaqan geel-dhaqasho, fardo fuulnimo, oo
kala sarraynta qoyska iyo iskaga dayasho
wax aan nafci lahayn ku dhisan. Haddaba
marka aad dhaqan dhaliilaysid ama aad
ammaanaysid waa inaad tusaale haysataa
aad u soo qaadanaysid kan kale ee aad ku
yasaysid. Tusaale ahaan, marka aad
dhaqanka soomaalida haseysid waa inaad
haysaa dhaqan kale oo aad ugu bedelaysid
ama ku sargoynaysid hasidaada.
Dhaqanka
iyo xishoodka ayaa bulshada hoggaamiya,
iyagaana ka dhiga ama bulsho hadba
dhaqan-degmata ama bulsho jiritaankeedu
sugan yahay oo leh xadhko aanay ka dul
boodi karin. Xadhkahaasi ha noqdaan
dhaqan-xishood ku dhisan ama mid diin ku
dhisan, haddii ay bulshadu weydo
xadhkahaas saw xoolaha hoos u dhaafi
mayso. Saw markaa bulshada jaahwareer
caqiido iyo mid dhaqanba ku dhici maayo.
Soddohdu inaanay guriga gabadheeda gelin
inta ninkeedu joogo waxay ahayd anshax
iyo asluub wanaagsan oo ay ummadda
soomaaliyeed lahayd, wax dhib ah oo ay
lahaydna ma jirin. Inay wax la cunto oo
dheriga faraha isku goostaan waxay ahayd
arrin ceeb ah oo sabab u noqon karaysey
in gabadheedaba loogu soo furo. In
arrintaasi noqoto maanta mid lagu faanno
ama horumar lagu tilmaamo waxay ina
tusaysaa madhnaan xagga dhaqanka ah oo
soo food-saartay ummadda iyo aragti
aynaan asalkeeda lahayn. Haddii ay
ummaddu dhaqankeeda iyo jiritaankeeda ku
dhaadan weydo, kuna dheganaan weydo saw
qowmu Luud ka dhex bixi maayo?
Ibraahim
waxa uu maagay dhaqanka soomaalida oo uu
sheegay inuu yahay mid dhintay, balse
miyuu inoo sheegay mid nool oo aynu ku
bedelan karno. Ibraahim ma waxa iskaga
khaldan dhaqanka iyo dhaqaalaha? Ma waxa
iskaga gedmaday horumarka iyo hiddaha?
Cidda uu horumarka ka bidayaa miyaanay
ahayn kuwa ku faana dhaqan iyo diin
la’aanta. Akhriso dhaarta Mr John ee
Ibraahim soo turjumay ” Horumarka aan
Eebbe ku beeniyey aadamina kaga adkaaday
baan ku dhaartay” Dhaqanka iyo
horumarkoodu saw gurigaaga soo dumi oo
kayga ila dhis maaha? saw anigu aan
noolaado adiguna dhimo maaha? saw
dhulkaaga aan sun ku shubo kaygana aan
hub uga dhigo maaha? saw dhirtaada aan
xagaafo aniguna aad sariiro iyo miisaan
ka dhigto maaha? saw aan macdantaada
gurto oo aan kugu dilo ka samaysto
maaha?
[3] Maagid:
Haddii qof arrin aaminsan
yahay uu qof kale aragtidiisa ka dhiibto
ama wax ka soo qoro miyaa lagu
shaanbadayn karaa inuu arrinta la
aaminsan yahay, tusaale ahaan haddii
weriye soo waraysto Bin Ladin miyaa lagu
xukumayaa inuu weriyahaasi Al-Qaacida
yahay? Haddii uu qareen u doodo Saddaam
Xusayn miyaa la odhan karaa wuxuu
taabacsan yahay Saddaam? Haddaba, haddii
ay jawaabtu tahay ”HAA”, miyeynaan
Ibraahim laftiisa ku xukumi karin inuu
fikradda John la aaminsan yahay! (John
waa ninkii lahaa, Awooddayda aan awood
ka weyni jirin baan ku dhaartay!
Diintayda diin la'aanta ah baan ku
dhaartay! Dadnimadayda taada ka sarraysa
ayaan ku dhaartay! Midabkayga kaaga ka
cad baan ku dhaartay! Horumarka aan
Eebbe ku beeniyey aadamina kaga adkaaday
baan ku dhaartay).
Ibraahim waxa uu guudka iska saaray
Hadraawi iyo Maxamed Baashe oo uu
sheegay inay wada aaminsan yihiin
aragtida wahaabinimada. Waxa kale oo uu
sheegay in Idaajaa la waalan yahay
jacaylka iyo elehnimada Sayid Maxamed
Cabdile Xasan.
Gebogebo
Haddaba Ibraahim
saddexdaa qayboodba Maxamed Baashe wuu
ku gacan saydhay, sidoo kalena wuxuu
Maxamed Baashe & Hadraawiba ka soo
qaaday inay aragti Wahaabinimo u garbo
duuban yihiin, mar haddii aysan
raacsanayn aragtida cilmaaniga ah sida
Dimuqraadiyadda iyo Shuuciyadda iwm.
Ibraahim waxa uu innoogu baanay inay
wahaabinimadaasi tahay aragti qofka ka
dhigaysa argagax-ku-noole oo bandow ka
saaraysa fekerka maskaxeed iyo filickii
uu samayn lahaaba. Haddaba, haddii aan
akhriyey fikradaha Ibraahim iyo Maxamed
Baashe, iyo weliba ta Hadraawi ee tixda
Dabahuwan, waxa iiga soo dhex baxay
farqi weyn oo dhinaca caqiidada iyo
dhaqanka ah oo u dhexeeya labada dhinac
(Maxamed Baashe & iyo Hadraawi oo dhinac
ah iyo Ibraahim oo dhanka kale ah).
Ibraahim waxa uu ku
dooddayaa oo badownimo iyo horumar
la’aan ka soo qaaday qofka Alle
maciinsada, una hogaansamo, waxaanu ku
tilmaamay qof aan waxba qabsan karin oo
itaal gab ahi uu dhanka Ilaahay u
cararo marka uu ku guuldaraysto inuu
noloshiisa horumar gaadhsiin kari
waayey. Waxa kale oo uu raaciyey haddii
aad Ilaahay tuugtid oo aad reer
galbeedka ka soo horjeesatid inaad ku
sifoobayso argagixiso cabsi gelinaya
habsami u socodka nolosha horumarka ah
ee adduunkan. Nuxurka iyo dulucda
qoraalka Ibraahim Yuusuf Axmed sidaas
ayuu ku bisho shubmayaa.
Fiiro-gaar ah:
Haddii aan duro ama aan wax ka sheego
aragti qof aaminsan yahay, looma qaadan
karo loomana aanayn karo inaan maagayo
ama meel ka dhac aan u geysanayo
qofkaas. Tusaale ahaan haddii aan wax ka
taab taabtay aragtida Ibraahim oo aan
qoraalkan kaga hadlay, yaan loo fahmin
inaan Ibraahim sidiisa u maagayo, waayo
waxa laga yaabaa inuu fikradiisa bedelo
ama sida uu u dhigay aanu u aaminsanayn.
Alle ayaa mahad leh
Guddoomiyaha Ururka
Aftahan
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
aftahanc@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
WWW.AFTAHAN.COM
Hoyga dhaqanka, afka iyo suugaanta