WARAR
GOOS GOOS AH
BOOSAASO:::
OGAADEENYA:::
MUQDISHO:::
-
SH.
MAXAMED AXMED SADIIQ: “Cidna
daah kama saarna in Prof. Faarax
Qare iyo Kurtun ay u dhasheen
Beesha Silcis..
-
RISAAQ MAXAMED SH.AADAN “Waxaan
Muqdisho u imid inaan gacan ka
gaysto abuuritaaanka mujtamac
Soomaaliyeed oo ku dhisan
dhaqanka nabadda”
-
Shirweynha dhallinyrada Beesha
Wadallan Gorgate ee Kobenhagen
(Denmark)
-
MAXAMED XAAJI CALI “Qaybsigii
Carta ma xal bay ahayd mise xaq
bay ahayd”
-
Mas’uuliyiin ka socotay
Jaamacadda Al-Culuum
wat-Tiknoolojiya ee dalka Yemen
oo ka qayb galay Xaflad ka
dhacdey muqdisho ….
XUQUUQDA AADAMIGA
WIIL
LAGU DILEY BOOSAASO:::
Qiyaastii markii ay saacadu
ahayd 10:00 Subaxnimo ee maanta
(July 22, 2004) waxaa bartamaha
magaalada Boosaaso lagu diley
wiil uu dhalay wasiir ka tirsan
DGPL (minister of Local
Governments and Rural
Development).
Waxaa warku intaas ku daray in
wiilkaan lagu diley meel u dhow
meeshii lagu diley duqii
magaalada Boosaaso.
Wiilkan dhintay waxaa magaciisa
la oran jirey Mohamed Ali Abdi
Aware; da'diisuna waxay ahayd
16-jir. Sawirka dhanka midig ka
muuqda wuxuu kamid yahay sawiro
laga qaaday marxuumka.
Qoraalkaan iyo faahfaahin
dheeraad ah waxaa lagala xiriiri
karaa:
Mohamed Hagi <mosamtech@yahoo.com>
SH.
MAXAMED AXMED SADIIQ: “Cidna daah
kama saarna in Prof. Faarax Qare iyo
Kurtun ay u dhasheen Beesha Silcis
…..
Waxaa
qaybtaan isku soo dubaridey:
Amiin Yuusuf Khasaaro.
e-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Ama
amiinkhasaaro@yahoo.com
Waxaa
warqad qoraal ah na soo gaarsiiyey
Ugaaska Beelaha Silcis Gor-gaarte Sh.
Maxamed Axmed Sadiiq, wuxuuna si
kulul u beeniyey warar ay qoreen
saxaafadda oo sheegayay in Prof.
Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) iyo
Xaaji Maxamed Axmed Kurtun aysan u
dhalan Beesha Silcis Gorgaarte,
wuxuuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo
aan sal iyo raad toona lahayn.
“Cidna
daah kama saarna in Prof. Faarax
Axmed Cumar (Faarax Qare) iyo Xaaji
Kurtun ay u dhasheen Beesha Silcis
Gor-gaarte, waayo Prof. Faarax
shirkii Carta waxa uu wakiil ka ahaa
Beesha Silcis, sidoo kale labadoodu
waxa ay wakiil uga yihiin Beesha
Silcis shirka dib u heshiisiina
Soomaaliyeed ee waddanka Kenya” ayuu
yiri Ugaaska oo ugu baaqay Beelaha
Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan
wararka ka fog xaqiiqda.
Ugaasku waxaa kale oo uu sheegay in
dadkii qoray qoraalkaas qaarkood ay
sheegeen in magacooda lagu been
abuurtay, waxaana uu sheegay in ay
ku raad joogaan ciddii ka dambeysay
qoraalkaasi loo qaybiyey saxaafadda”.
Waxaa
kale oo uu Ugaasku sheegay in looga
baahan yahay saxaafadda in ay qoraan
wararka xaqiiqda ku dhow, isagoo
sheegay in ay ogyihiin in Faarax
Qare uu u dhashay Beesha
Silcis-gorgaarte, sidoo kale waxa uu
sheegay in shaqsiyaadkii warkaasi
geeyey saxaafadda ay dacwad dhan ka
ah u gudbin doonaan dhowaan
maxkamadaha Islaamiga ah.
RISAAQ
MAXAMED SH.AADAN “Waxaan Muqdisho u
imid inaan gacan ka gaysto
abuuritaaanka mujtamac Soomaaliyeed
oo ku dhisan dhaqanka nabadda”
C/risaaq Maxamed Sh.Aadan oo ka mid
ah dadka Soomaaliyeed ee u ololeeya
nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee ku
nool dalka Sweden ayaa shalay soo
gaaray magaalada Muqdisho.
C/risaaq
Sh,Aadan oo u waramayey wargeyska
AYAAMAHA ayaa tilmaamay in ujeedada
uu yimid dalka ay tahay bal inuu
gacan ka gaysto sidii dib loogu soo
unki lahaa mujtamac Soomaaliyeed oo
ku dhisan dhaqanka nabadda.
“waxaan doonayaa inaan reer
muqdisho kala qayb qaato u ololaynta
nabadda iyo xuquuqda aadanaha taas
oo ujeedadeeda ugu wayn ay tahay in
la helo mujtamac aan ku dhisnayn
qabiil iyo qabyaalad ee ku dhisan
cafis iyo walaaltinimo yeesha wada
tashi iyo isu kalsoonaan si loo helo
bulsho ka caafimaad qabta waxyaabaha
xunxun oo idil” ayuu yiri C/risaaq
oo intaa ku daray “in marka hore uu
jecel yahay in culayska la saaro
dhallinyaradaoo ah madaxda berito,
wuxuuna xusay in dhallinyarada ay u
qaybsameen kuwo dabka shidan xaabo u
noqday iyo kuwo waxbarasho la,aan
waqtigoodii ku dhammaaday.”.
C/risaaq
oo madax u ah urur lagu magacaabo
Swedish Somali Institute wuxuuna ka
mid ahaa raggii lagu xirxiray dalka
Sweden markii albaabada laysugu
dhuftay shirkadii wayneyd ee Al-Barakaat
“waxaan doonayaa inaan ka mid noqdo
dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha
ka dooda oo diida in qofka
bani’aadamka ah la iska xiro isagoo
aan wax dambi ah gelin waayo aniga
ayaa soo dhadhamiyay xanuunka ay
taas leedahay” ayuu yiri C/risaaq oo
intaa ku daray “in dadka reer Sweden
dhammaantood ay u duubteen sii
daynteena iyagoo difaacaya
sharaftooda iyo magacooda maadaama
aan haystay dhalasho dalka Sweden
ah, waxaana rajaynayaa in
mustaqbalka dadkayga Soomaaliyeed
yeeshaan dareen ay dadkooda ku
difaacaan oo aysan dhicin sidii ay
uga aamuseen gardaradii loo gaystay
shirkaddii Barakaat oo ilaa iyo
hadda aan wax dambi ah lagu hayn
hantideediina la haysto”.
C/risaaq
Aadan oo xubin firfircoon ka ah
xisbiga talada dalka Sweden kal
horena sanadkii 2000 isu sharaxay
Baarlamaa dalkaasi Sweden ayaa
sheegay in maalmaha kooban oo uu
dalka joogo inuu jecelyahay in uu la
kulmo dhammaan ururada bulshada
rayidka oo uu ku tilmaamay inay
yihiin dad waqtigooda intiisa badan
u huray difaacida xuquuqda aadanaha
iyo u dagalanka nabadda.
Shirweynha
dhallinyrada Beesha Wadallan Gorgate
ee Kobenhagen (Denmark)
Waxaa
Magalaadda Kobenhägen ee Dalka
Danimarka isugu yimaaden waxgaradka
iyo Aqoon yahannada Beesha Wadallan
Gorgate Hawiye Taarikhdu marki ahayd
15/07/04,Shirkaas oo socday hal
maalin,dhalinayarda oo ka kala
yimaadeen Australia ,U.S.A,Kanada
iyo magaalyin ka mid ahYurub.
Dhalinyardu waxey Hambalyo u direen
Musharxooda 1aad Nur Ahmed Dirshe ,oo
hadda ku sugan Madasha shirka Kuna
Guulestay halki Kursi oo Beesha loo
ogolaadey ayna xaqa u laheed.
Midda
kale waxey dhallinyardu ku
gubaabiyeen in xilku oo uu
culusyahay (Nin xil qaadey eed qaad
), iyo in uu u doodo xuquqda Beesha
dulmaneed mar ka wax la qaybasnayo,
uu na sii raadinaya xuquuqda ka
maqan Beesha Wadallan Gorgate oo aan
ku qanci karin 1kursi ,si loogu
dhammeystiro inta ka dhiman.
Shirka
waxaa kale oo ay uga doodeen arrimo
cusub oo Besha ku soo korodhay iyo
sida ay gacan uga geysankarto beeshu
nabad kuwada nolashaha ,isqdarin iyo
wax uquurid dhexmarta dhamman beela
Somaaliyed isku deegganka ay yihiin
ama deriska ay yihiin.
Waxa
kalo ay dhallinyardu ka hadlee in ay
gacmo furan ku soo dhaweyaan iyo
niyad saafi ah Beel walba oo
Soomaliyeed oo diyaar u ah wanaag
iyo walaltinimo oo dhexmar beesha
wadllaan Gorgate, waxaa kale oo
dhalinyarada shirka uga hadleen
dadka markasta qaska iyo marin
habaabinta Beesha wada waa in ay ka
waantooban,s ababta oo ah qas iyo
dagaal joogto waa kan manta Somaliya
ay dowladda ugu Dhismi la’adahay.
Afhayeenka
M.Mohamed Ahmed(ferrara)
MAXAMED
XAAJI CALI “Qaybsigii Carta ma xal
bay ahayd mise xaq bay ahayd”
Maxamed Xaaji Cali oo ka
mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa
tilmaan ka bixiyay qaabkii ay
qabaa’ilada Soomaaliyeed wax ugu soo
qaybsadeen degmadii Carta isagoo
xusay in halkaasi ay isugu tageen
qabaa’ilo Soomaaliyeed oo ay haysay
baahi dowladeed, waxbadan oo
qabaa’iladaas ka mid ahna ay
tanaasul u sameeyeen sidii loo heli
lahaa dowlad Soomaaliyeed.
“Qaybsigii Carta ma
ahayn xaq ee wuxuu ahaa xal” ayuu
yiri Maxamed Xaaji oo tusaale u soo
qaatay beelaha direed oo hadda ka
mid ah beelaha muranka xooga leh ka
taagan yahay qaybsiga xubnaha
baarlamaanka.
“Waxaan aad ula yaabay
markii dirtii loo kala saaray Dir-koofureed,
Isaaq, Gadabiirsi, iyo Ciise,
sidaasna wax loogu qaybshay” ayuu
yiri Maxamed Xaaji oo sheegay
inaysan jirin wax la yiraahdo Dir-koofureed
sida aysan u jirin Dir-waqooyi balse
ay jiraan qabaa’illo wadaaga magaca
Direed, sida loo xusayba Isaaq,
Gadabiirsi iyo Ciise ayaa Dirta
kalena ay kala yihiin Biyamaal,
Surre, Wardaay, Madaluug, Awsaciid
iyo Baajamaal, cadaalad darradii
Carta ayay ka mid ahayd in 6-qabiil
inta la isku qabto hal magac oo la
abuuray la siiyo iyadoo Dirtii
waqooyina ay sadex qabiil wax ku
qaateen.
Maxamed Xaaji wuxuu
xusay in isaga aragtidiisa in guud
ahaan beesha Isaaq ayba tahay
qabiilka ugu weyn beelaha Direed,
qabiilka soo xigana uu yahay
Biyamaal oo isaga kaligiis u kala
baxa afar qabiil iyo adeerkood
degana dhul aad u balaaran oo min
Afgooye ilaa Kismaayo dhinaca kalena
Bay iyo Bakool daadsan.
Maxamed Xaaji wuxuu ugu
dambayntii tilmaamay aragtidiisa ku
aadan xal u helida murunka dhex
yaala beelaha direed isagoo yiri
“Haddii laygala tashan lahaa
qaybsiga 61-ka xubnood ee beelaha
direed waxaan u qaybin lahaa
sidatan: Isaaq 23-xubnood, Biyamaal
15-xubnood, Surre 9-xubnood,
Gadabiirsi 6-xubnood, Ciise 3
xubnood, Wardaay 2-xubnood, Madaluug
xubin, Baajamaal xubin, iyo aw
saciid xubin.
Maxamed Xaaji wuxuu ugu
dambayntii u soo jeediyay beelaha
direed in iyaga dhexdooda looga
baahan yahay in ay is qadariyaan oo
midba midda kale waxa ay mudan tahay
<><><>
Mas’uuliyiin ka socotay Jaamacadda Al-Culuum
wat-Tiknoolojiya ee dalka Yemen oo ka
qayb galay Xaflad ka dhacdey muqdisho ….
Waxaa
maalintii shalay ahayd ka dhacday xaflad
aad u ballaaran oo ku saabsanayd
geba-gebada imtixaanaadkii Jaamacadda
Al-Culuum Wat-Tiknoolojiya oo iyadu
xarunteeda ugu weyn ay ka furan tahay
magaallada Sanca ee dalka Yemen, balse
laamo ku leh magaallooyinka Muqdisho iyo
Hargeysa, waxaana xafladdaasi ka qayb
galay mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha
waxbarashada, kuwa Jaamacadaha iyo
martisharaf kale, waxaana ugu horreyntii
halkaasi warbixin ka soo jeediyey
maamulaha jaamacadda C/qaadir Kaatib oo
u mahad celiyey intii gacanta ka
geysatay furidda jaamacaddaas oo ka mid
ah jaamacadaha ugu waaweyn Caalamka.
Waxaa
kaloo ka hadlay Maxamed Xirsi Ridwaan oo
ah Guddoomiyaha Laamaha Jaamacaddaasi ee
Hargeysa iyo Muqdisho oo isna sheegay in
ardayda Soomaaliyeed ay u hayaan
waxbarasho raqiis ah, waxa uu sheegay in
Ardayda Yamaniga ah uu jaamacaddan
sanadkii ku dhigto $ US 1,700, halka
SUcuudiga iyo Waddamo kalena ay ku
bartaan $ US 2,000 Dollar iyo in ka
badan, waxaana uu sheegay in ardayda
Soomaaliyeed ay haystaan fursad, waayo
waxa ay jaamacaddaasi sanadkii ku dhigan
karaan $ US 4,00.
Imtixaanaadkii Jaamacaddan oo socday
muddo 20-maalmood ah ayaa waxaa kor
meerayay mas’uul ka socday jaamacaddaa
oo ka socday dalka Yemen, waxaana uu
sheegay mar uu ka hadlayay xafladdaasi
in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka
dhinaca waxbarashada ee maalinba
maalinta ka dambeysa ay ku
tallaabsanayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay qaar ka
tirsan Arday Soomaaliyeed oo iyagu ka
soo baxay jaamaaddaasi xarunta ay ku
leedahay dalka Yemen, waxayna sheegeen
in jaamacaddaasi ay tahay mid mar kasta
il gaar ah ku fiirisa ummadda
Soomaaliyeed.
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail –
amiinkhasaaro@hotmail.com
<><><>
JABHADDA WADANIGA XOREYNTA
OGAADEENIYA ( O.N.L.F) OO SOO
BANDHIGTAY WARBINTII UGU
DAMBEYSEY DAGAALO DHEXMAREY
IYAGA IYO CIIDAMADA ITOOBIYA
War
saxaafadeed
Warsaxafadeed ku saabsan
dagaaladii ugu dambeeyey ee ka
dhacay wadanka ogaadeeniya bishii
6-aad ilaa bishii 7-aad ee sanadka
2004-ta iyagoo ay joogto yihiin
dagaalada dhexmaraya Ciidanka
Jabhadda Wadaniga Xoreynta
Ogaadeeniya iyo kuwo jahawareersan
ee uu hogaaminayo Malas Zanawi ayaa
dagaaladii ugu dambeeyey waxay ka
kala dhaceen goobaha hoos ku qoran:
1. Yucub oo ka tirsan gobolka
wardheer 09-jun-2004 dagaal aad u
ba’an oo ay ku qaadeen ciidanka
jabhadda wadaniga xoreynta
ogaadeeniya kuwa waqtigoodii
dhamaaday ee Ethiopia ayaa waxay
kaga dileen 15-askari halka
dhaawucuna yahay 12-askari.
2. Lehelow oo ka tirsan gobolka
wardheer 9-6-2004 weerar ay ku
qaadeen geesiyada O.N.L.F ciidanka
gumeysiga oo halkaa joogay ayaa
waxay kaga dileen 8-askari, waxayna
kaga dhaawaceen 10-askari.
3. Galaalshe oo ka tirsan
gobolka Nogob 15-6-2004 dagaal dhex
maray cutub ka tirsan ciidanka ONLF
iyo kuwa ku dhisan dulmiga iyo dal
balaarsiga ee Tegreega waxaana
halkaa cadawga lagaga dilay
12-askari, halka dhaawuxuna gaarayo
9-askari.
4. Maraacaato oo ka tirsan
gobolka Qorexeey 25-6-2004 weerar
balaaran oo ay qaadeen naftood
hurayaasha ONLF ayaa waxay kaga
dileen ciidanka niyad jabsan ee
T.P.L.F 8-askari, 7-na wey ku
dhaawacantay.
5. Jeedalle oo ka tirsan
gobolka Nogob 25-6-2004 ayaa waxaa
dhex maray xaq u dirirka ONLF iyo
kuwa daallan ee wayaanaha waxaana
halkaa kaga bakhtiyey wayaanaha
10-askari, dhaawucuna waa 7-askari.
6. Dannood oo ka tirsan gobolka
Wardheer 1-7-2004 ayaa waxay ku
gubeen ciidanka ONLF hal baabuur oo
ah nooca milatarigu isticmaalo
waxaana ku dhintay 17-askari oo ay
9-saraakiil sarsare yihiin mana
jiraan wax ka badbaaday.
7. Dhiya oo ka tirsan gobolka
Dhagax Buur 10-07-2004 halkaa waxay
jabhaddu ku gubtay 1-baabuur weyn oo
ural ah, waxaana halkaa ku bas belay
60-askari iyo dhammaan wixii saaraa
Baabuurka.
8. Warmagaalo oo ka tirsan
degmada Baabili 14-6-2004 dagaal
lagu riiqay cadawga ayaa waxaa
lagaga dilay tigreega 9-askari, 15
waa dhaawac.
9. Aweere oo ka tirsan gobolka
Dhagax Buur 15-07-2004 waxay halkaa
jabhaddu ku gubtay 1-baabuur oo Ural
ah halkaasna waxaa ku bakhtiyey
50-askari oo ay 3-saraakiil yihiin.
10.
Qabri Dahare oo ka tirsan gobolka
Qorexeey 17-07-2004 dagaal halkaas
ka dhacay ayaa waxay Jabhaddu ku
dishay 8-askari, waxayna kaga
dhaawacday Tgreega 9-askari.
Hadaba dhammaan dagaladaas
waxaa kaga dhintay ciidanka
waqtigiisu dhamaaday ee ay tigreegu
horseedayaan 197-askari, halka
dhaawuxuna yahay 62-askari, waxaana
lagaga furtay hub iyo saanad
milatari oo aad u badan waxaana laga
gubay 3-baabuur oo nooca milatarigu
isticmaalaan ah.dhinaca jabhada
waxaa kaga shahiidey dagaaladaas lix
Mujaahid
Dhanka kale waxaa joogto ah oo
ay sameeyaan ciidanka niyad jabsan
ee T.P.L.F baxsi, isdil, Amar diido,
arimahaas oo horsed u noqon kara
burburka xukunka Malas Zanawi.
Hadaba waxa caado u noqotay
ciidanka jaha warersan ee Tigreega
mar kasta oo ay jabhaddu jab u
geysato in ay cadaadiyaan shacabka
Soomaalida Ogaadeeniya oo ay
ugeystaan Dil, xadhig, boobka
hantida shacabka iyo kufsi aan lagu
arag caalamka intiisa kale.
Isku soo wada duuboo waxaan
dhaar ku mareynaa sii waditaanka
halganka hubeysan ee lagu xoreynayo
dhammaan wadanka ogaadeeniya waana
ku guuleysaneynaa inshaa ALLAAH.
MIDNIMO, MINTID, ISKU TASHI, GUUL
Xafiiska wakiilka O.N.L.F ee
Soomaaliya
Cilmi Maxamed
Xus
ballaaran oo loo sameeyey Marxuum
Ismaaciil Jimcaale Cosoble
“Ismaaciil Jimcaale isagoo shaqsi ah
ayuu ka hor tegay dowladdii keli taliska
ahayd, maanta oo aan nahay dhowr Milyan,
ma waxaan ka hortagi weynay 20-qabqable”
C/qaadir Ibrahim Gacal Abkow.
Waxaa
saakay xaflad aad u ballaaran lagu
qabtay Hotel Saxafi2 ee magaallada
Muqdisho, waxaana xafladdani ay isugu
jirtay saddex munaasabadood oo kala ah:
geeridii Marxuum Ismaaciil Jimcaale
Cosoble, sanadguuradii 8-aad ee ka soo
wareegatay aas-aaskii Xarunta Dr.
Ismaaciil Jimcaale Cosoble iyo weliba
maalinta xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed
ee 22-ka Luulyo, waxaana ka qayb galay
qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana
ugu horreyntii halkaasi warbixin ka
akhriyey Dr. Salaad Jimcaale Cosoble oo
isagu akhriyey warqad qoraal ah oo ay
soo dirtay hay’adda Amnesty
International oo ku saabsan maalinta
xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed, waxayna
hay’addu sheegtay in shacabka
Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay
gacan ka geystaan dhowridda xuquuqda
Aadanaha.
“Shirka dib u heshiisiinta ee ka socda
Nairobi waa in uusan noqon mid la mid ah
shirarkii hore ee iyagu ahaa in marka la
saxiixo axdiyada ay sii socdaan
dagaallada iyo xasilooni-darrada” ayaa
lagu yiri qoraalkaasi, waxayna hay’addu
sheegtay in ay aad uga xun tahay
waxyaabihii ka dhacay Soomaaliya.
Waxaa kale oo xafladdaasi ka hadlay
Guddoonka sare ee hay’addaasi Maryan
Xuseen Awreeye oo iyadana halkaasi ka
akhrisay qoraal dheer oo ku saabsanaa
xad-gudubyadii ka dhacay dalka
Soomaaliya, waxayna xustay in mar ay
ahaataba lala xisaabtami doono dadkii
geystay dembiyadaasi, waxaa kale oo ay
sheegtay in shacabka Soomaaliyeed looga
baahan yahay in ay gacan ka geystaan
sidii uu mirodhal u noqon lahaa shirka
dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, si loo
helo dowlad ka hortagta xad-gudubyada
lagu hayo dadka aan hubeysneyn, waxaa
kale oo ay sheegtay Maryan Xuseen
Awreeye in iyana lala socdo kuwa iyagana
badaha Soomaaliyeed ku shubaya haraadiga
Nuclear-ka.
Xubnihii kale ee halkaa ka hadlay waxaa
ka mid ahaa C/qaadir Ibraahim Gacal
Abkoow oo sheegay in uu si aad ah u
yiqiinnay Marxuum Ismaaciil Jimcaale,
waxaana uu ku tilmaamay in uu ahaa nin
waddani ah oo u danqan jirey dadka
masaakiinta ah.
“Ismaaciil Jimcaale isagoo shaqsi ah
ayuu ka hor tegay dowladdii keli taliska
ahayd, maanta oo aan nahay dhowr Milyan,
ma waxaan ka hortagi weynay 20-qabqable”
ayuu yiri C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow,
waxaa kale oo ka hadlay Maxamed Faarax
Siyaad oo isna si aad ah ugu dheeraaday
taariikhdii Marxuum Ismaaciil Jimcaale
Cosoble, wuxuuna sheegay in looga baahan
yahay dadka Soomaaliyeed ay ku daydaan
Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, waxaa
kale oo ka hadlay Sahro Sh. Axmed oo
iyana ku hadleysay magaca Haweenka
Horseedka Nabadda iyo Nolosha, waxayna
sheegtay in haweenka Horseedku nabadda
ay yihiin kuwo ku guuleystay in ay dib u
furaan Isbitaal Banaadir, waxay kaloo
sheegtay in Muqdisho ay ku nool yihiin
1-Milyan oo qof, haddii isbitaalkaasi
qofkiiba uu ugu deeqo 1-Dollar waxaa soo
xarooneysa 500,000 Dollar oo ay sheegta
in ay wax weyn qaban doonto. Cabdi
Muxummad Amiin oo isna halkaa ka hadlay
ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed
aysan sugin shirar dibadda lagu qabto oo
iyagu iskood isu abaabulaan sameeyaanna
dib u heshiisiin. Maryan Xuseen
Qaawane oo iyana halkaa hadalkeeda ka
dhiibatay ayaa sheegtay in shacabka
Soomaaliyeed ay yihiin kuwo iyaga wax
qabsan kara, loona baahan yahay in ay is
kaalmeeyaan oo iyagu wax qabsadaan.
Qoraalkan waxaa dib u qoray Amiin Yuusuf
Khasaaro.
e-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com or
amiinkhasaaro@yahoo.com