WARAR GOOS
GOOS AH:::
-
Dibad bax maanta ka
dhacay Kismaanyo
-
Maamulka Somali Land
oo Joojiyey Shir Ka Dhici Lahaa Burco.
-
Madaxweeyne Kuxeegnka
Puntland oo Ka hadlay Abaaraha PL
-
Ururka Sowja oooo
Taageeri doona Dowlada ka soo bixi doonta Shirka
Kenya.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim
Aden“Garyare”
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.con
Garyare20@yahoo.com
Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed ee Sowja oo
shaaca ka qaday inay qalinkooda ku taageeri doonaan
Nabada iyo Dowlada ka soo bixi doonta Shirka Kenya.

Aqoon iswaydaarsi ay soo
qaban qaabisay Dallada Suxufiyiinta Haweenka
Soomaaliyeed ee Sowja oo ka dhacay xarunta ay dalladaasi
ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay
xiriirka ka dhexeeya Nabada iyo Saxaafada.
Haweenka Ururkan
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa Maanta markii ugu
horeeyay shegay inay la shaqeyn doonaan Dowlada lagu soo
dhisi doono Shirka Soomaalida uga socda Dalka
Kenya,iyadoo ay halkaasi ku soo bandhigeen sida ugu
sahlan ee wax looga qaban karo Xaalada Murugsan ee
Soomaaliya.
Guddoomiyaha
Ururkaasi Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Sahro
Sheekh C/laahi “Ceel-buur”oo halkaasi ka hadashay ayaa
sharaxaadka bixisay hadafka loo qabtay aqoon
iswaydaarsikan,waxayna sheegtay inay uga danleeyihiin
laba arimood oo kale ah inay qalinkooda ku taageeri
doonaan Dowlad lagu soo dhisi doona shirka Kenya iyo
inay ka hadlaan Doorka ay ku leeyihiin Saxaafada
Soomaaliya ka jirta.
Sahro waxay sheegtay inay
Haweenka Suxufiyiinta Soomaliyeed ay ku dulman yihiin
sida loo maamulo Saxaafada qeybta uga aadan Haweenka
Soomaaliyeed,waxayna sheegtay inaysan helin Haweenka
Tobabarada ay helaan Raga Suxufiyiinta ah ee ka howlgala
Warbaahinta Soomaaliya ka jirta iminka,taasoo ay ku
tilmaantay inaysan ahayn mid xaq ah.
Qamar Salaad Cumar oo ka mid ah Mas’uuliyiinta sar sare
ee Sowja ayaa ka hadashay xiriirka ka dhexeeya Saxaafada
iyo Nabada oo ay shegtay inay tahay mid aan la qarin
Karin,waxayna sheegtay Qamar in Saxaafada ay tahay seef
laba afleh oo loo adegsan karo dhinac kasta.
Qamar
dhanka kale waxay ku dheeraatay ka hadalka Ururkooda
Sowja sidii uu ku soo bilowday oo ay sheegtay inay
kusooo bilaabeen markii hore dhowr Suxufiyiin Haween
Soomaaliyeed ah,laakiin waxay Carabka ku dhyfatay inay
haatan taagan yihiin meeshii ugu koreeysay oo ay
hiigsanayeen.
Aqoon iswaydaarsigan ayaa
ah mid ku dhamaaday sidii loogu talagalay,waxana ka
faa’iidaystay 30 Haween Suxufiyiin Soomaaliyeed oo ka
kala yimid Qaarka Mid ah Shabakaddaha Warbaayinta ee
Soomaaliya ka jira.
Dibad bax maanta ka
dhacay Kismaanyo
Dibad bax balaaran oo
looga soo horjeedo fowdada baryihii la soo dhaafay ka
jirtay Magaalada Kismaanyo ayaa maanta ka dhacay
Bartamaha Magaalada Kismaanyo.
Sida ay sheegayaan wararka
naga soo gaaraya Magaalada Kismaanyo waxaa maanta
kismaanyo ka dhacay Dibad bax balaaran oo lagu diidan
yahay amaan daradii soo wajahday Magaalada Kismaanyo iyo
sida ay dadwaynaha ugu ooman yihiin in magaalada laga
aslaaxiyo amaan iyo kala danbeeyn.
Dibad baxan oo ay soo
qaban qaabiyeen Ururada Bulshada Ra’yidka ee ka jira
Magaalada Kismaanyo ayaa waxaa halkaasi isugu soo baxay
Dadwayne aad u fara badan oo ka dhiidhinaya amaan darada
ay san jeclaysan ee soo foodsaartay Magaaladooda
Kismaanyo,waxayna Dadkaasi dibad baxa sameeynayay wateen
Boorarr ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku
taagerayaan Nabada iyo Maamulka Isbahaysiga Dooxada
Jubba.
Madaxdii halkaasi ka
hadashay waxaa ka mid ahaa Gen,Axmed Warsame Maxamed oo
ah Mas’uulka ugu sareeya Isbahaysiga Dooxada Jubba ee
jooga Magaalada Kismaanya ayaa waxa uu sheegay inay
diyaar garow xogan ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo
dhigi lahaayeen burcada wax u dhimeeysa Amaanka
Magaalada Kismaanyo iyo guud ahaanba Deegaanada
hoosyimaada Maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba.
Gen,Axmed Warsame Maxamed
waxaa kaleuudibad baxaasi ka soo saray go’aanuu maamulka
isbahaysiga dooxada jubba ku mamnuuceyso in Magaalada
Kismaanyo lagu dhexmaro Qori,taasoo uu sheegay inay qeyb
ka tahay qorshayaasha lagu doonayo in wax looga qabto
amaanka guud ee magaalada kismaanyo,iyadoo cidii u
hogaansami wayda Go’aankaasi la sheegay in laga qaadi
doono tilaabo ku haboon oo waafaqsan Sharciga Maamulka
Isbahaysiga Dooxada Jubba.Waa Sida uu hadalka u dhigay
Gen,Axmed Warsame Maxamed
Dibad baxaan ayaa yimid kadib markii todobaadyadii aynu
soo dhaafnay ay Kismaanyo marti u noqotay amaan daoro
baahday,taasoo sababtay in xitaa Dekedda Magaalada
Kismaanyo ay gacanta ku dhigaan Ciidamo hubeeysay,iyadoo
sidoo kale ay xitaa Magaalada kismaanyo ay ka dheceen
falal isugu jira afduub,dhac iyo wixii la midka ah.
Shirkii Burco oo baaqday kadib
go’aan lagu joojinayo oo ay soo saartay Maamulka Somali
Land.
Kulankii looga hadli lahaa
saameeyta uu shirka Somalida uga socda Dalka Kenya ku
leeyahay Somali land ayaa baaqda kadib markii ay Dowlada
Daahir Riyaale amar ku bixisay inuusan qabsoomin
Shikaasi oo ay sheegtay inuu yahay mid aan waafaqsanayn
Dastuurka u dagsan Somali Land.
Afhayeen u hadlay
Aqoonyahanada soo qaban qaabiyay Shirkaasi looga hadli
lahaa Saameeyta uu shirka Kenya ku leeyahay Somali Land
ayaa shaaca ka qaaday inuu baaqday shirkaasi kadib
markii ay cadaadis xoogan kala kulmeen Dowlada Somali
Land ee uu hormuudka ka yahay Daahir Riyaale
Kaahin,waxaana uu intaasi ku daray inaysan jeclaysan
go’aanka ay Dowlada Riyaale ku mamnuucday qabashada
Shirkaasi ay soo agaasimayn Aqoonyaha Reer Somali Land
ah.
Sido kale Afhayeenka waxaa
uu intaasi ku daray inay bayaan ka soo saari doonaan
go’aanka Dowlada Riyaale oo uu sheegay inuu yahay mid
meel uga dhacaya xuriyatul qowlka,waxaana uu sheegay in
aan la caburin Karin Codka dadwaynaha Somali land oo uu
sheegay in codkooda uuDaahir Riyaale ku noqday
Madaxwaynaha Somali Land.
Guddoomiyaha Ururka
Mucaradka ee Ucid Eng,Feysal Cali Waraabe oo lagu
casumay kulankaasi ayaa sheegay inay wax ka qaban
doonaan baaqashada kulankaasi oo ay sababta u tahay
Dowlada Daahir Riyaale,waxaana uu sheegay in aan
dadwayanah la duudsiin Karin xuriyada hadalkooda ee ku
aadan xaalada Dalka uu marayo iyo sida ay ku soo
bandhigi karaan kifradooda ku aadan hadba Dalka meesha
uumarayo.
Labada Urur Mucaarad ee
Somali Land ee kala ah Kulmiye iyo Ucid ayaa si wada jir
ah u sheegay inay ka hadli doonaan mowqifkooda ku
wajahan Shirkan ay soo qaban qaabiyeen Aqoonyahanada
Somali Land oo ay go’aanka lagu mamnuucayo ay dul
dhigtay Dowlada Daahir Riyaale Kaahin.
Dowlada Daahir Riyaale
Kaahin ayaa sheegtay inaysan aqoonyahanadaasi ruqso u
haysan inay qabtaan Shirkaasi oo looga hadlayo Xaalada
Somali Land iyo Shirka Kenya Somalida uga Socda
saameeyta uu ku yeelan karo Somali Land oo ah Dalk ka
go’ay Soomaalida inteeda kale.
Maxamed
Cabdi Xaashi oo ka hadlay Abaaraha Xoogan ee ka jira
Puntland.
Madaxwayne kuxigeenka
Maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo markii ugu
horeeysay qiray inay abaar ba’an ka jirto qaarka mid ah
Gobolada Puntland ay ka arimiso.
Maxamed Cabdi Xaashi oo ah
Madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka
Madaxwaynaha ayaa sheegay inay jiraan wararka sheegaya
abaaro xoogan oo ka jira qaarka mid ah Gobolada Maamulka
Puntland,waxaana uu sheegay inay iminka u tabaabusheysan
doonaan sidii ay u gacan siin lahaayeen Dadka iyo
Duunyada ay soo foodsartay Abaaraha rabaaniga ah.
Madaxwayne ku xigeenka
Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in Dowladiisa
xooga saari doonto wax ka qabashada abaarahaasi,waxaana
uusi gaar ah ugu Magacaabay inay Wasaarada Dowladaha
hoose iyo Reer Miyiga uuna ka dalbaday inay guntiga
dhiisha isaga dhigaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen
Dadka iyo Duunyada ay la soo daristay Abaaraha.
Maxamed Cabdi Xaashi oo
dhanka kale ka hadlayay hadalada kasoo yeerayada qaarka
mid ah Wasiiradii hore ee Xukuumadiisii ay Kolsoonida
kala laabteen Baarlamaanka ee ah inaysan ku qanacsanayn
sidii uu isku shaandhaynta u sameeyay Col.C/laahi Yuusuf
Axmed ayaa sheegay inay si sharci ah ku wareejiyaan
Xilalkii ay ka hayeen Dowladii kalsoonida lagala
laabtay,hadii ay taasi u hogaansami waayaan ay Dowlada
Puntland ka qaadan doonto Tallaabo sharciga waafaqsan.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim
Aden“Garyare”
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.con
Garyare20@yahoo.com