WARARKII
UGU DAMBEEYAY SHIRKA DIB U HESHIISIINTA …
Waxaa wali madasha shirka dib u
heshiisiinta ee Mbagathi ka socda shirkii dib u heshiisiinta waxaana haatan
uu galay marxalad adag oo la dhihi karo waa marxaladihii ugu adkaa ee uu soo
maro shirka tan iyo markii uu bilowday gaar ahaan sanadkii 2002-dii bishii
October, waxaana taasi keenay markii ergooyinka ka qaybgalaya shirka ay
go’aansadeen in wax lagu qaybsado qaab qabiil.
Xafiiiska gudiga fududaynta ee shirka dib u
heshiisiinta waxaa malin walba la keenaa liis cusub oo la sheegay inay soo
gudbinayaan beelaha Soomaaliyeed taasoo ay ku wareereen gudiga fududaynta,
shalay ayaa la filayay in xubnaha baarlamaanka lagu hor dhaariyo wasiirada
arimaha dibada ee IGAD hase yeeshee taasi ma qabsoomin kaddib markii la
waayay xubnaha baarlamaanka ee rasmiga ah ee ka qayb galaya shirka, inkastoo
wali uu socdo shirka wasiirada arimaha dibada ee IGAD ayaa hadana mas’uul ka
tirsan IGAD waxa uu sheegay in rajo wanaagsan laga (qabo) in maalmaha soo
socdo uu buuxsamo fooramkii uu ku ansixmi laha kalfadhiga koowaad ee golaha
Baarlamaanka, hase yeeshee siyaasiyiinta soomaaliyeed waxay sheegeen in
dhowr maalmood ay suurto gal tahay in uu dib u dhac ku yimaado kalfadhigaasi,
waxayna sheegeen in jufooyinka beelaha Soomaaliyeed ay isku haystaan labo
labo, iyadoo ergooyinkii ka socday Puntland oo uu horkacayo C/laahi Yuusuf
ay warqad qoraal ah u gudbiyeen gudiga fududaynta ayay waxay ku dalbadeen
inay la tashi u aadaan magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka
Puntland kaddib markii shir ay shalay yeesheen golaha wasiirada ee
maamulkaasi ay sheegeen in loo baahan yahay in ergada Puntland ay ku soo
laabato magaalda Garoowe, shirka wasiirada arimaha dibada ee IGAD ayaa waxaa
lagu sheegay in maanta la dhaarin doono wixii xubno baarlamaan ah oo ay soo
xusheen beelaha Soomaaliyeed.
Saaka ayaa wasiirada IGAD waxay kulumo
gooni gooni ah la yeesheen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha
soomaaliyeed waxay kulumadooda kaga arrin sadeen sidii beelaha u soo
magacaaban lahaayeen xubnaha baarlamaanka
C/LAAHI
YUUSUF OO XALAY LOO GUDBIYAY WARQAD QORAAL AH…
Warar xalay aan helnay waxay sheegayaan in
wasiirada arimaha dibada ay warqad qoraal ah u gudbiyeen C/laahi Yuusuf
Axmed oo ay ugu sheegayaan inuusan ka bixi karin shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed, waxaa lagu yiri “shirka wuxuu marayaa meel xasaasi ah loomana
baahna waqtigaan in laga baxo shirka”.
C/laahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu hal
maalin ka maqnaan doono shirka dib u heshiisiinta si wada tashi ula soo
sameeyo golihiisa wasiirada.
Dhawaan ayaa C/laahi Yusuf waxa uu damcay
in uu ka baxo shirka hase yeeshee waxaa is hortaagay gudiga fududaynta,
balse murun dheer kaddib waxaa la go’aamiyay in C/laahi Yuusuf uu u ambabaxo
maamul goboleedka Puntland.
Maalmahaan digniinaha ay soo saarayaan
wadamada IGAD ayay u daran yihiin waxay dhawaan isku raaceen in cunaqabateen
la saaro hogaa-miye kooxeedka Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) iyadoo shalay
shirka ay shalay lahaayeen wasiirada arimaha dibada ee IGAD ay soo
dhaweeyeen cuna qabatayntii lagu soo rogay Gen. Ma’ed Saciid Xirsi Moorgan,
dhawaan ayaa hay’ada Amnesty ayaa waxa ay sheegtay in loo baahanyahay in
maxkamad la soo taago shaqsiyaadkii xadgudubyada ka gaystay dalka Somalia.
BEESHA SARUUR OO SHEEGTAY IN
AYSAN MAGACYO LOO GUDBIYEY GUDIGA FUDUDEYNTA …
Qoraal ay na soo gaarsiiyeen waxgaradka
culumaa’udiinka, nabaddoonada, siyaasiyiinta, aqoonyahannada ee beesha
Saruur ayaa lagu sheegay in aysan jirin warar ay shalay faafiyeen Saxaafada
oo ahaa in beesha Saruur ay gudbisay xubnaheeda Baarlam-aanka. “wali waxaa
beesha Saruur u socda wada tashi iyo kulamo oo ay uga tashanayaan cida loo
magacaabi doono saddexda xubnood ee beesha Saruur uga soo aaday xubnaha
Baarlamaanka” ayay ku yiraahd-een qoraalkooda, waxay intaa raaciyeen “Beesha
Habargidir hal haween ah ayaa laga doonayaa oo ka mid noqota xubnaha
baarlamaanka waxaa talo ku soo jeedinaynaa in beesha ay u qori tuurato
xubintaas ama beesha ay ka dhalatay gabadhaas waa in ay u qoondeeyaan
xubintooda baarlamaanka”.
Beesha Saruur oo kaliya ma aha beelaha uu
wada tashiga u socdo ee waxaa ka mid ah beesha Cayr iyo Sulaymaan oo la
sheegay in aysan weli gudbin xubnahooda baarlamaanka
Maleeshiyooyinka Max’ed
Qanyare iyo Indho-cadde oo ku dagaalamey agagaarka jidka warshadaha..
Maleeshiyooyin kala taageersan Maxamed
Qanyare Afrax iyo Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde) ayaa xalay dagaal
culus ku dhex maray duleedka Jidka Warshadaha, waxaana dagaalkan la isku
adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, iyadoo illaa iyo haatanna aan la
faah-faahin sababihii uu ku billowday dagaalkan oo la sheegay in dhowr qof
ay waxyeello ku soo gaartay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ibraahim
Shaaweeye ayaa la sheegay in uu xalay oo dhan kula dhex jirey dhex-dhexaadin
maleeshiyooyinka dagaallamaya, waxaana uu ku guuleystey in xabadda la
joojiyo, xalay ayaana la arkayay dadweyne fara badan oo ka qaxaya
deegaannadaasi, iyadoo ciidammada Maxkamaduhuna ay dhinacooda dadaal ka
wadeen.
MAXKAMDA IFKA XALANE OO
BAABI’ISAY …
Warqad qoraal ah oo ay na soo gaarsiisay
maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka Xalane lagu cadeeyay in la baabi’iyay dacwad
lidi ku ahayd saddex haween ah oo walaalo ah oo lagu kala magacaabo Madiino
Abuukar Axmed, Caasha Abuukar Axmed iyo Saynab Abuukar Axmed, waxayna
maxkamadu sheegtay in dacwadaan ay ka timid wakiilka Sh.Axmed Sadiiq oo ku
beegnayd taariikhdu markay ahayd 27-07-2004-ta, waxayna maxkamdu sheegtay in
dacwadaas ay tahay mid been abuur ah oo waqtigaas lagu faafiyay warbaahinta.
“hadii aan nahay maxkamda islaamiga Ifka
Xalane waxaan cadeyneynaa in aysan jirin dacwadaasi isla markaana ay tahay
qalad naga dhacay waxaana si walaaltinimo leh uga raali galinaynaa dadkii
dacwadaasi loo haystay waana mid aan loo noqon doonin” ayaa lagu yiri
qoraalkaasi oo ku saxiixnaa garsoore Sh.Ma’ed Macali Xuseen (Qayliye)
CARWADII LABAAD EE SIMAD OO
FURANTAY…
Saaka ayaa Machadka SIMAD ka furantay
carwadii labaad ee SIMAD waxaana ka qaybgalay sodon iyo shan shirkadood
kuwaasoo saaka ku soo bandhigeen waxyaabaha ay ka ganacsadaan. Guud ahaan
shirkadaha ayaa loo dhamaystiray waxyaabihii ay u baahnaayeen iyadoo
carwadaani ay ku timid dalab ka yimid bulshada Soomaaliyeed, waxaana la
filayaa saaka ka soo qaybgalay dadwayne ku nool gobolka Banaadir iyo
hareerihiisa, waxyaabaha lagu soo bandhigiay ayaa noqon doona kuwo
qiimahooda aad u jaban yahay sidoo kale waxaa jiri doono qaybo dhinaca
madadaalada ah iyo weliba qaybo loogu tala galay soo dhawaynta dadweynaha u
soo daawasho tagaya oo u badnaan doona baarar waawayn oo dadka wax ka cuni
karaan.
Carwadaan ayaa ujeedada loo qabanayo ay
tahay iyadoo la doonayo in bulshada caalamka la tuso in Somalia ay weli
nooshahay oo ay iskeed wax u qabsan karto gaar ahaan dhinaca ganacsiga
Waxaa furay gudoomiyaha Machadka Simad
Xasan Shiikh oo isagu u mahad celiyey intii soo qabanqaabisay, waxaayaabihii
ugu yaabka badnaa ee la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa Maro kaneecooyin ay
farsameeyeen cuuryaamiintii ku waxyeelowdey dagaalkii 77 ee Itoobiya iyo
Soomaaliya waxaa markiiba shan boqol oo xabo ka iibsadey Hayadda Mulimiinta
Ifriiqiya
SPORTS:
Wafdi iyo ciyaartooy Soomaaliyeed oo u ambabaxay Athens, Gariiga
amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Bosaso: Maxay tahay
Xaqiiqda Dhabta ah ee ka danbaysay Xariga 2da nin ee kongaliiska ah ?