SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

20,Agosto,04,Nairobi,Kenya.
Warbixinadii Abdikarim Aden Hussein & Canab maxa'ud Cabdulle.
Somalitalk.com | Nairobi, Kenya


  • Xubnaha baarlamaanka lagu wado in la dhaariyo bari oo dhan 235 xubnood

  • Banaan  bax ay sameeyeen maanta qaar ka mid ah ergada shirka

  • Madax dhaqameed maanta halkii ay daganaayeen laga saaray.

  • Wasiirka A/Dibadda jabuuti oo maanta soo gaaray madasha shirka.

  • Dhaarinta Xildhibanaha Barlamaanka Soomaalida  oo markale la filayo in dib loo dhigo...
  • Shaxda Kuraasta Xildhibaanada ee Beesha Harti Daarood...
  • Beesha Saruur :-Daawada Hadey Bukooto Maxaa lagu daweeyaa.....

Warbixinadii Canab maxa'ud Cabdulle.
Somalitalk.com | Nairobi, Kenya

Banaan  bax ay sameeyeen maanta qaar ka mid ah ergada shirka

Qaar ka mid ah ergada ku suga madasha shirka ee Mbagthati ayaa maanta isku soo bax ka sameeyay xarunta uu ka socdo shirka dib u dib u heshiinta soomaaliya ee Mbagathi.

Ergadan oo u badan kuwii hore ayaa ka cabanaya qaabka loo xulayo baarlamaanka kuna tilmaamay in ay tahay mid aan xaq ahayn una baahan in cadaalada la  mariyo sida ay hadalka  u dhigeen iyagoo ku tilmaamay in ergadii mudnayd xubnaha baarlamaanka aan la siinin iyadoo aysan jirin illaa hadda wax soo hadal qaaday cabashadoodaas.

Waxaa kale oo ay banaan baxayaashu ka doodayeen in guddiga xalinta khilaafaadka loo gudbiyo waxii khilaaf ah ee ka jira beelaha dhexdooda iyagoo cabirayay in ay jiraan khilaafyo ka dhashay magacyada la gudbiyo mar walba oo badankood la isku haysto waana midka ugu badan ee ay beelaha isla wada qabaan marka loo fiiriyo si guud waxaana ugu wacan iyadoo marka la gudbiyo magacyada xubnaha ay kada imaanayaan kuwo hor leh oo ay soo gudbinayaan isla jufada kuwaas oo inta badan dhaliya khilaafyada beelaha waqtigii la rabayna dib uga dhaca.

Madax dhaqameed maanta halkii ay daganaayeen laga saaray.

In ka badan 16 oday dhaqameed oo ka mid ahaa kuwii horey ugu sugnaa hotel wax yar u jira xarunta shirka ayaa maanta banaaanka loo soo saaray kadib markii ay in muddo ah halkaasi raashin la'aan ku ahaayen.

Qaar ka mid ah odayaashaas ayaa horay iskood uga guuray kadib markii ay sheegeen in aysan jirin wax daryeel ah sida ay u dhigeen hadalka oo ay ku haystaan halka ay dagan yihiin waxaana ku haray tiradan oo ah intii ku hartay iyadoo maanta boorsooyinkoodi banaanka loo soo saaray.

Sababta keentay in xiligan oo uu shirku gabagabo yahay odayaashan ay dhacdadan la kulmaan ayaa ka dhalatay  xagga qarashka oo ay maamulka shirka ka bixin waayeen dadkan sidaasna ay ku saareen iyagoo sheegay in lacag badan ay ku leeyihiin sidaas awgeedna aysan u dulqaadan karin wax kale.illaa hadda ma jirto meel loo qoondeeyay in ay dagaan madax dhaqameedkan.

Maamulka IGAD ayaa dhowr jeer soo saaray qoraalo ay ku sheegayaan in qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka la reebi doono ka dib markii lagu wareeray kan saxda ah iyo kan aan saxda ahayn ee aan matalin beesha ama aan ahayn ugaas rasmi ah sida ay sheegeen.

Xubanaha baarlamaanka lagu wado in la dhaariyo bari oo dhan 235.

Tirada xildhibaanada oo ah 275 ayaa waxaa ka jiray dhibaato sidii loo dhamaystiri lahaa ama loo heli lahaa tiro buuxin karta kulanka ugu horeeya ee gollaha baarlamaanka uu yeelan doono dhaarinta ka dib.

Waxaa maanta soo gaaray xafiiska IGAD 30 xubnood oo cusub kuwaas oo ka dhigaya tiradii horay u liisgareysnayd 235 xubnood iyadoo la filayo in la dhaariyo bari subax iyadoo ay dhan yihiin marka la isku wada daro 235 xubnood, guddiga fududeynta shirka ayaa sheegaya in ay buuxin karaan dhaarta isla markaana uu qabsoomayo shirka ugu horeeya ee ay yeeshaan baarlamaanka KMG ee soomaaliya. [Wararka kale ee arinta shirka ku saabsan warbixinada hoose]

Wasiirka Arrimaha dibada jabuuti oo maanta soo gaaray madasha shirka.

Dhinaca kale waxaa madasha shirka soo gaaray maanta wasiirka arrimaha dibada ee Dowlada Jabuuti Cali Cabdi Faarax kana mid ah wasiirada arrimaha dibada ee urur goboleedka IGAD. waxaa la filayaa wasiirada kale in ay dhawaan soo gaaraan shirka si ay dhaarta baarlamaanka iyo saxiixaba goob joog uga noqdaan.

Kulankan wasiirada ay la yeelanayaan baarlamaanka kadib dhaarta ayaa la filayaa in uu dhaco 23 bishan warar dheeraad ah ayaa sheegaya in baarlamaanka cusub la dagin doono meel ka baxsan goobaha shirarka si ay ugu helaan waqti qaabka loo maarayn karo in soomaaliya ay uga howl gasho dowladda ay dhisayaan ka did doorashada madaxweynaha somaliya ay yeelan doonto shanta sano ee socota.

Iyadoo dhinaca kalena ay soo gaareen magaalada Nairobi wafdigii xaqiiqa raadinta ahaa oo meelo ka mid ah somaliya socodka ku marayayay si ay ugu kuurgalaan qaabka ciidamo loo gayn karo somaliya iyo sidii ay u heli lahayeen dad ku gacan qabta ciidamadaas howlgaladoodaas si ay ugu fududaato hub ka dhigitooda ayaa la fialayaa in kulamo la yeeshan wasiirada IGAD iyo deeq bixiyayaasha waxyaabihii ay kala soo kulmeen safaradoodi.

Canab maxa'ud Cabdulle.
Somalitalk.com | Nairobi, Kenya
canabmumtaz@yahoo.com

<><><>

Warbixinadii Abdikarim Aden Hussein
Somalitalk.com | Nairobi, Kenya

Dhaarinta Xildhibanaha Barlamaanka Soomaalida ee Shirka Nabada oo markale la filayo in dib loo dhigo 24-Agosto ........

 

Shirka Nabada Soomaalida ee ka socda dalka Kenya muddo 23-bilood ah ayaa maraya wajigii ugu danbeeyey ee dhisida Baarlamaan KMG iyo Dawlada KMG ah Muddo 5-sanno ah lagu waddo in lagu dhaqo Soomaaliya oo 14-kii sanno ee ugu danbeeyey aan yeelan dawlada ama maamul la isu wada raacsan yahay marka laga reebo maamullo Goboleed oo xitaa iyaga dood daba taagan tahay.

19kii-bishan ayaa lagu waday in la dhaariyo 275-xildhibaan oo ka socda Beelaha Soomaalida oo wax ku qaysadey qaabka 4.5 ee qabiilada soomaalida sida lagu qorey qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka ee shirka nabada Soomaalida kuna heshiiyeey  beelaha soomaalida ee ka qaybgalaya shirka Nabada soomaalida ee ka socda Mbagathi.

Maalmaham ayaa madasaha shirka iyo magaalada Nairobi hotelada ay degan yihiin ergada Soomaalida looga doodayaa shaqsiyaadka beeshu u dooraneyso in ay uga mid noqoto baarlamaanka. si kastaba ha ahaatee Igad iyo Beesha caalamaka ayaa waxaa loo wada gudbiyey min laba liis ee magacyada xildhibaanada, IGAD ayaa ciddina wali liis ku celin oo siyaasigii keena ama odey dhaqameedkii keenaa liis ka qabata, waxay Igad walaac iyo wareer ka muujineysaa liiska saxda ee beesha leedahay kuna qanacsan tahay.

Hogaamiyayaasha Siyaasada ee shirka nabada ayaa Awooda 1-aad iska leh halka Odoyaasha dhaqanku ansixinayaan ama kala talinayaan hogaamiyayaasha liiska ay soo qoraan. Haddaba waxaa jira khilaaf ka taagan labada hogaamiye  ee siyaasada iyo dhaqanka beeshaasi oo ayan isu aragti ka aheyn  shaqsiyaadka beesha u dooraneyso kuraasta baarlaamka beesha qayb u heshay. khilaafkan ayaa ah sababta dib u dhigista  dhaarinta xubnaha baarlamaanka ee shirka nabada Soomaalida.

Waxaa kaloo jira siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo iyagu aan ku jirin laba-labada liis oo iyagana ku doodaya waxaan nahay ergada rasmiga aheyd ee shirka Nabada Joogay tan iyo 15-kii bisha October 2002 ,oo ka mid ahaa 6-dii guddi oo qortey buugaagtii wajiga 2-aad ee shirka.

Berrito ayaa la filayaa in ay magaalada Nairobi ku kulmaan golaha Wasiirada ee urur goboleed IGAD,ka dibna lagu hordhaariyo xubnaha baarlamaanka ee hadda diyaarka ah ,waloow ilaa iyo maanta IGAD loo gudbiyey tirada gaareysa ilaa 235-xildhibaan. Beesha aan wali soo gudbin magacyada xidhibaandooda ayaa ah beesha Mareexaan oo kaliya .

Dhinaca kale xubnaha la soo gudbiyey magacyadooda ayaan ku jiran wax haween ah, marka laga reebo kuwo fara ku tiris ah oo beeshaasi markii horeba hogaamiye siyaasadeed u ahaa.

Warar ku dhaw dhaw IGAD oo laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wasiirada IGAD marka ay Nairobi ku kulmaan berrito (Agoosto 21, 2004), ay sheegi doonaan maalinta dhaarta xildhibaanda oo la filayo in laga dhigi doonaan 24-Agosto,04.

Shaxda Kuraasta Xildhibaanada ee Beesha Harti Daarood.


Eeg warqad xildhibaanada beesha harti ee loo gudbiyey IGAD oo saxiixan
Guuda ahaan :-  27- Xidhibaan.
 
Majeerteen   --------- 12 - Xildhibaan. 
Dhulbahante ---------- 8  - Xidhibaan. 
Warsangali ----------- 5  - Xildhibaan. 
Nuux Maxamuud ------ 1  -Xidhibaan. 
Nuux Saleymaan ------ 1-  Xidhibaan.

Majeerteen Guud ahaan 12-Xidhibaan waxay u qaybsadeen sidan:-
 
Cumar maxamuuud  - 2- Xildhibaan. 
Cismaan Maxamuud  - 2- Xidhibaan. 
Ciise  Maxamuud   - 2- Xildhibaan. 
Dashiishe                 -2- Xidhibaan. 
Sawaaqroon            -1- Xidhibaan. 
Cabdiraxiin Saleymaan -1-Xildhibaan. 
Cali Saleymaan          -1-Xidhibaan. 
Beciidyahan              -1- Xildhibaan.
                          ---------------------- 
                            12-Xidhibaan 

Eeg: warqad loo gudbiyey IGAD oo saxiixan

Beesha Saruur :-Daawada Hadey Bukooto Maxaa lagu daweeyaa.....
Caasha Xaaji Cilmi Xildhibaan saruur leeyahay faraha hakala Baxdo , Walaasheen beesheeda ha u doonato Kursi.
 
Qoraal ay u qeybiyeen saxaafadada Gudaha iyo Dibada ayaa Beesha Saruur ku cadeeyey 3-xil dhibaan ee qayb ahaan uga soo aadey qaybta guud ee Habar gidir ee 12-xildhibaan in hal xildhibaad beesha Saruur basar iyo xeelada ay ku qaadatey Caasha Xaaji Cilmi oo ka mid ah Guddoomiyaaha guddiga Khilaafaad ee Beel weynta hawiye,iyadoo ku andacooneysa in xubinta gabarta ee beesha habar gidir laga qaadayo beesha saruur iyadana qaadaneyso.

Qoraalka beesha saruur oo la soo koobey ayaa u qornaa sidan:-

Anagoo ah Beesha Saruur ee ka mida ah Beelaha habar gidir ee ka qayb galaya shirka Nabada ayaa halkan waxaan idinku soo gudbineyna Qaybta guud ahaan habar gidir heshay iyo sida ay u qaybsadeen:-

 
1-Sacad---------- 3- Xildhibaan.
2-Saleebaan ----- 3- Xildhibaan. 
3-cayr         -----3- Xildhibaan. 
4- Saruur    ------3- Xildhibaan.
 
Qaybta kor ku xusan waxaa ansixiyey dhamaan odoyaasha dhaqan ,waxaana saxiixay hogaamiyayaasha siyaasada ee Habr Gidir.

Waxaa warqada qaybtaasi ku qoran tahay loo gudbiyey Igad iyo safiirada dawlaha safka hore,intaasi waa faahfaahinta guud ee habar gidir wax u qaybsatey.

Ka dib maxaa dhacey !!!!!!!!!!!!!
Caasha xaaji cilmi waa gabar Saleebaan ah kamid ah Guddiga khilaafaadka beesha habar gidir ,waxayna tahay gudoomiyaha khilaafaadka hawiye si ay u qayb qaadato dhameynta khilaafaadka guud ahaan beesha hawiye gaar ahaan habar gidir.

Hadaba hadii ay daawada bukootay maxaa lagu daweeyaa  !!!!!!!!!!!!!!!!!!

Walaasheen Caasha iyadoo adeegsaneyseysa  saameynta ay ku leedahay Guddiga IGAD iyo ka khilaafaadka beesha hawiye,isla markaana sabab ka dhigeysa in gabar laga rabo habar gidir ay go'aansatey in kursigii ay ka weyday jufadeeda ay xeelad iyo basar uga dhacdo Beesha Saruur.

Hadaba waxaan ogeysiineynaa dhamaan hogaamiyayaasha dhaqan ,Siyaasadda, Ergada beeslaha Hawiye , Guud ahaan beelaha Soomaliya  ee ka qaybqaadanayo shirka Nabada ,Dhamaan Xubnaha IGAD iyo Wakiilada Beesha Caalamka  in la digtoonaado,lagana Fogaado faragalinta 3-Muddane Baarlamaan ee Beesha Saruur oo ay qaybteeda iyo maamulkeeda xaq u leedahay Beesha Saruur.
dhamaad.

Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixnaa
Guddiga Beesha Saruur ee shirka Nabada.
Waxaana  lagala xiriiri karaa ergada Beesha Saruur ee shirka Nabda.
 
Dhamaad .
Abdikarim Aden Hussein.
Somalitalk.Nairobi. 
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 20, 2004

Waraysi Saleebaan-Gaal: Aniga Iyo Siilaanyo waxba iskuma Hayno

Dib u dhac kale oo Kuyimid Dhaarintii Baarlamaanka Soomaaliya
Wararka ka imanaya shirka Soomaalida mudada dheer uga socdey dalka kenya ayaa sheegaya in...
Guji Aug 17

Xubnaha la rabo in qabaa'ilada Soomaaliyed qaybsadaan waa 275 xubnood kuwaas oo afar beelood middiiba loo qoondeeyey 61, halka beesha loo bixiyey 'NUS' loo qorsheeyey 31 xubnood. Waxaana jira warar sheegaya in ila hadda la soo gudbiyey magacyada 110 xubnood ayna dhiman yihiin in la soo gudbiyo 165-ka haray.

Waxay ahayd horraantii bishan Agoosto markii dhaarinta xubnaha barlaamaanka dib loogudhigay Agoosto 19keeda, waxaa taas ka horeysey in bishii hore ee July 19keedii ay IGAD sheegeen in xubnaha baarlamaanka la dhamaystiri doono doono 30kii July , oo markaas la dhaarin doono, waxaase taas dib loogu dhigay Agoosto 4, dabcan taasina ma qabsoomin.

Marka la dhaariyo xubnaha baarlamaanka, waxa ay xubnahaasi soo dooran doonaan madaxweynaha kumeel-gaarka ah oo la qorsheeyey in uu dalka maamulo muddo shan sano ah oo dalka lagu gaarsiinayo doorsho lagu soo doorto madaxweyne rasmi ah. Eeg sidii ay xubnihii baarlamaankii Carta u doorteen C/Qaasim iyo sidii la isu reebreebay.

Shirkan hadda socda waxaa isku soo agaasimey IGAD oo ka kooban dalalka Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Sudan & Uganda, waxaana uu markii hore (October 2002) ka bilowday magaalada Eldoret, kaddibna bishii Febraayo ee 2003 ayaa loo soo raray Mbagathi, Nairobi oo uu hadda kasii socdo - ilaa muddo aan la aqoon waayo labo sano ayaa waxaa uga dhiman labo bilood. (Soomaaliya waxay xubin ka tahay IGAD laakiin xubin-nimadeedu ma shaqaneyso waqtigan ilaa ay markale dawlad noqoto).

 MAGACYADA XILDHIBAANADA BEELAHA ISAAQ OO DHAMAYSTIRAN
liiska magacyada xildhibaanada beelaha Isaaq ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa... Guji... Aug 17

Magacyada xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle...

WAX QAYBSIGII HARTI OO LA ISKU MARI LA YAHAY
Nairobi:: Waxay arrintu cirka isku sii shareertay markii ay Isimadii iyo hogaamiyaashii siyaasaduna tiraba. Guji... Aug 16

Saameynta Shirka Kenya iyo Waxyaabaha la Gudboon Soomaalida: Faallada Toddobaadka: Afyare & Dr. Barise

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi  

HORUMARKA SHIRKA IYO HAABASHADA DAWLADNIMO
Faalladii Ibraahim Maxameddeeq ee maanta
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
April 2, 125
 
Quraan
BOGGA QURAANKA

. Siiradii Rasuulka scw
. Saxaabadii Rasuulka scw
. Ahmiyadda Salaadda
. Sakada Maalka
. Gudashada Ramadaanka
. Gudashada Xajka
. Cunto: Xalaal & Xaaraam
. Adigu Is Xisaabi

BOGGA DAYAX GACMEEDKA


SUNTA KU DUUGAN SOM.


XAMAR DAAWO DACALADA


MARAAKIIBTA XAALUFINTA


SHALAY IYO MAANTA ::SOM.

NEBI IBRAAHIM:::
1aad | 2aad :::
FURIINKA::: 1aad | 2aad
QOYSKA::: Qaybtii 16aad
::::::::
WARBIXINTII: Maxamuud Cumar Asad::: Xaaladda Soomaaliya Ku Sugantahay
Habeenkii ardayga soomaaliyeed ee reer Malaysia

BAYAAN: DALADA CULIMADA

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD