Dadka Soomaaliyeed adduunka way yar
tahay meel nolol wanaagsan ay ka jirto ama aysan ka jirine ee aysan
ku nooleyn, dalku markii uu bur-buray dowlad dhexena la waayay waxa
ay dadka Soomaaliyeed noqdeen wax dagaalladii sokeeye ka cararay,
iyo kuwo kaddib nolol xumida joogtada ah iyo ammaan darrida iyagana
ka cararay, lama xusi kari lamana tira koobi karo inta iyaga oo
baxsad ah oo nolol tan ka wanaagsan raadinaya ku baaba’ay Badaha, ku
maqan saxaraha, la waayay qaarkood jaan iyo cirib meel ay dhigeen!.
Markii
ay tageen goobihii ay u cararayeen waxa ay Soomaalidu ka bilaabeen
nolol, inkastoo ay yar tahay dadka Soomaalida ah ee dhinaca aqoonta
ama waxbarashada xoogga saaray haddana way iska halgamaan oo nolosha
ayay la tacaalaan, goobaha ay ku badan yihiin Soomaalida inta badan
waa meelo isku dhow, aad bayna u yar tahay qoysas Soomaali ah oo ku
libra ummadaha kale ee ay ku dhex nool yihiin, waxa ay aad u jecel
yihiin in ay noqdaan dad isku dhow oo meel wada dega, taasina ma
keento in cududdooda, maskaxdood, dadnimadooda iyo waxtarkooda ay
isku biirsadaan, balse dhaqammadooda xun-xun oo u badan xaasidnimada
iwm ayaa la arkaa in ay mar walba ku dhaqmaan hadday joogaan dalka
gudihiisa iyo hadday dibadda joogaanba.
Maadaama
ay ku nool yihiin wadammo dibadda ah waxaa soo if baxay dad
Soomaaliyeed oo iyagu naf iyo nolol biday in ay dalalka ay ku nool
yihiin u noqdaan basaasiin, wararka ka soo ururisa isla dadka
Soomaalida, una gudbisa dowladaha ay ku dhex nool yihiin, badiba
dadkaasi waxa ay kashifaan qaababka kala duwan ee ay dadka
Soomaalida u soo galaan waddammada Yurub, u nool yihiin, lacagaha u
xawishaan iwm, waayo dadka Soomaaliyeed inta badan kuma lug laha
arrimaha Siyaasadda dalalka ay deggan yihiin.
Qiso la
yaab leh oo dhacdooyinkan la xirirta ayaa ka dhacday dalka Finland
oo wargeys weyn oo dalkaa ka soo baxa laguna magacaabo Helsinki
Sanomat oo ah Wargeys maalin walba soo baxa, si aad ahna looga
akhristo dalkaasi uu boggiisa hore ku soo qoray cinwaan aad u weyn
oo ah “Eygoodii ayaa qaniinay” oo dhab ahaantii uu ereygaasi
muuqanayo in shaqsi Soomaaliyeed uu shaqsiyaadka Soomaalida ee
dalkaasi ku nool muddo fara badan sirtooda iyo xantooda gaarsiinayay
dowladda dalkaasi.
Ninkan
Soomaaliga ah wuxuu dalkaasi ku noolaa muddo 8-sano ah, intii uu
waddanka ka bixinna waxa uu ka mid ahaan jirey ciidammadii
Militeriga ee Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, waxa uu ahaa Laba
xiddigle, muddo sanado ah ayuuna u shaqeynayay dowladda Finland,
isagoo markaa ugu shaqeynayay qaab basaasnimo ah, waxa uuna daaha ka
rogay qaabka is xambaarka oo uu tilmaamay in ay Soomaalidu sameeyaan
waxyaabo been abuur ah oo ay ka mid tahay in uu walaashiis ku soo
kexeeyo in ay tahay xaaskiisa iwm, waxa uu farta ku fiiqi jirey
waddooyinka iyo goobaha ay lacagaha Soomaalida isugu xawilaan.
Markii
guud ahaan dantii laga lahaa laga gaaray, looma naxariisane si
bareer ah ayaa magiciisa oo saddexan loogu soo qoray wargeyska,
iyadoo la siiyey weliba cinwaanka aadka u xanuunka badan ee ah
“Eygoodii ayaa qaniinay”, iyagoo tilmaamay inta sano ee uu la
shaqeynayay iyo waxyaabaha guud ahaan uu bannaanka soo bandhigay,
iyadoo ay yareyd ceebaha dadka Soomaalida ee la dhihi karo waa uu
qariyey.
Maqaalkaasi markii uu soo baxay ayuu ninkaa Soomaaliga ah ayay
noloshiisii oo dhan is beddeshay, wuxuu noqday qof xir-xiran, dadkii
ayuu ka dhuuntay, gurigiisii ayuu ku haray, nasiib darrase, reerkii
isaga iyo carruurtiisii ayaa isku dhacay, way wada noolaan waayeen
illaa dowladdii ay kala rartay oo goob gaar ah la dejiyey.
Gole ka dhisan dalkaasi oo lagu magacaabo (Golaha Soomaalida
Finland) oo arrinta ninkaasi muddaba indhaha ku hayay ayaa markii
dambe u istaagay in ay xaalkiisa wax ka qabtaan, waxay ku soo
biiriyeen Golaha, taas oo ay ugu dan lahaayeen in ay noloshiisii
caadiga ahayd dib u soo celiyaan, ninkaasi wax yar kaddib wuxuu u
soo muuqday nin caadi ah, balse guud ahaan wuxuu noqday nin calaamad
weyn ay wejiga ugu qoran tahay oo wuxuu yahay la ogaaday.
Guud ahaan dadka ku dhaqma arrimaha basaasnimada ayaa inta badan
adduunka u dambeysa nolol xun oo ay ugu yar tahay in inta la kashifo
dadka lagu hor ceebeeyo amaba mararka qaar inta laga dhameysto danta
laga leeyahay meydkiisa la waayo.
Arrintan
waxa ay ka dhex noqotay dalka Finland iyo weliba dalalka
Scandinavian-ka mid dadka Soomaalida ah ay mar walba hadal hayaan,
waxaana billowday is tuhun la xiriira dadka sida gaarka ah dowladaha
dalalkaasi ugu dhow, iyadoo mar walba laga shakiyo in sidii ninkan
oo kale ay u dhaqmaan.
Magaca ninkaasi
iyo weliba mas’uulka qoraalkan I siiyey waxaan u soo bandhigi waayay
codsi ka yimid mas’uulka Golaha Soomaalida Finland oo hadda ku sugan
Magaallada Muqdisho
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com ama
amiinkhasaaro@yahoo.com