Baroor-Diiq
W.Q. Liban B. Mohamud
libanmohamud@hotmail.com
Sadex iyo tobon sano ayaa
laga joogaa markaan kasoo baqoolay dhulkaygii hooyyo ee Soomaaliya. Bilowgii
safarkeygii dheeraa wuxuu ahaa mid dhibyar oon wax digniin ah ka bixin
shiddooyinka dalkayga kusoo fool lahaa. Intaan hayyey wadada dheer ee Xamar
uga baxda dhanka Kismaayo, Waxaan aad ula dhacsanaa bilicda iyo barwaaqada
ka muuqatay nawaaxiga iyo hareeraha waddada. Geedaha canbaha ahee
boqoljirsaday eed moodid inay kusoo dhaweynayaan, dalaga beeraha ee
goosashadoodu soo dhawaatay ee sida isle’eg dabayshu hadba gees ugu ruxayso,
iyo cirka buluuga ahiba waxay I xasuusinayeen maaddadii Juquraafiga
Soomaaliya. Socdaalkaas Kismaayo I geeyey marna kama muuqan inuu bilow u
yahay kii aan aakhirkii ku imid bartamaha galbeedka America. Wax aan ku
garto inuu hordhac u yahay bur-bur iyo barakac Soomaaliyeed marna kama
dareemin.
Ma garaadyari bay iga
ahayd mise xawaarihii dhacdooyinku ku socdeen baan marna la odorosi Karayn?
Si kastaba ha ahaatee,
maanta Soomaaliya waa meel ay kasoo dhamaadeen dadkii aan aqaannay
intoodii badnayd—qaraabo, deris iyo ardayba. Waa meel magac mooye macnihii
dal lahaa ka idlaaday. Marka Soomaaliya la sheego waxaa ku lifaaqan; gaajo,
cudurro, barakac, dil, kufsi, abaar, mooryaan, jirri, qab-qable dagaal iyo
tacaddiyo kale oon lasoo koobi Karin. Marka lasoo gaabiyo, Soomaaliya waxay
noqotay sheeko naxdin badan oo soo noq-noqotay.
Anigoo qoraalkayga Xamar
udub-dhexaad uga dhigaya, akhristow iga hoo sadaradan baroordiiqda ah een
ku xasuusanayyo waayihii bari-samaadkii.
Ka bilow Dugsi-quraankii
Macallin Cumar-Jiifto ee ku dhegenaa albaabka laga galo Masaajidkii Shiikh
Maxamed-Biimaalow, waqooyi-galbeedna kaga beegnaa saldhiggii booliiska ee
xaafada Hawl-wadaag ee Siciid-Buuryaqab madaxda ka ahaa. Ma xasuusataa
suuqii Miijiska iyo Mawlacii Macallin-Nuur? Haddaad intaa garato waxaad
xasuusatay xaafaddii aan ku koray. Ka waran Dhakalow, Baar- Bakiin, Tookiyo,
iyo weliba dugsigii sare ee Cismaan Geedi Raage?
Waxaan birimo ka bilaabay
dugsigii hoose dhexe ee Hawl-Wadaag, dugsi quraankana waxaa la I geeyey
dugsigii Macallin Cumar ee masaajidka Shiikh Maxamed-Biimaalow ee hoos imaan
jirey maamulka xerta Macallin-Nuur. Waxaan darisnay dhallinyaro aan wada
bar-baarnay oo subcinta, banooniga, iskoolka, kaalafootada, urugleyda,
guluuska, iyo shineemada intaba wadaagnay. Waxaan si wacan u xasuustaa
siyaarada Shiikh Maxamed-Biimaalow iyo tahliisheedii, Carwadii qaranka
Soomaaliyeed iyo bakh-tiyo-nasiibkeedii, iyo ciyaartii Yool-yoolka ee
cawaysinka la ciyaari-jirey. Waxaan goconayaa habkii loogu dabaaldegi jirey
Labadii Ciidood ee waaweynaa iyo sidii loo soo dhaweyn-jirey bisha
barakaysan ee Ramadaan. Xafladii kowda Luuliyo iyo tii Kacaankuba waa
muuqaallo iyo sawirro xusuustayda ku aasan. Weli ma halmaamin jilaygii qadda
lagu riiqi-jirey, qallinkii sida xardhan looqori-jirey, looxii la
cagaarin-jirey, iyo sidii farshaxanka lahayd ee quraanka loo tashiili-jirey.
Xusuusahaas maaankayga kusoo maaxanaya
waxaa ugu cad-dad kuwa ku saabsann dhacdooyinkii xiligii dugsigeygii dhexe.
Waxaan ka mid ahaa ardadii aad ku ugu wacnayd waxbarashada. Waxaan ku
guuleystay inaan xubin fir-fircoon ka noqdo xulkii aqoonta lagu soocay ee ka
qeyb-galay barnaamijkii Kadis iyagoo matalaya dugsigooda. Barnaamijkaas
waxaa laga baahin-jirey Telefishankii iyo Idaacaddii Qaranka. Waxaan weli ka
fekeraa halka ay ku danbayeen qaar ka mida ardadii Kedis igula jirtey.
Xiligaasi wuxuu ahaa xilli aqoon-isweydaarsi oo ardadu isku xujaysato bedad-ka,
tirada-dadka, iyo caasimadaha dalalka Afrika. Waxaan dusha ka qaybsaneyn
hogaamiyayaashii dunida carabta oo dhan. Waxaa nala baray taariikhdii
xornimo-u-dirirka Afrika iyo aabayaashii istiqlaalka keenay. Axmed
Sakatuuri-gii reer Geni, Nakruumihii reer Gaana, iyo kooxdii ‘Mow-Mow’ ee
Kenyatta hogaaminayey waxay ka dhex-muuqdeen casharadii maaddada Taariikhda
ee naloo dhigay. Wuxuu ahaa xilli ardadu ku mash-quusho ‘Aqoon-Guud’ oo
maalin-walba halxiraale cusub iyo mas’alo xisaabeed aadan horey u arag
lagugu dayo.
Dhammaadkii dug-sigeygii dhexe waxaa aad
usoo ifbaxay baraaruggii Islaamka eey horseedka ka ahaayeen dhallinyaradii
‘wadaaddada’ loo bixiyey. In badan oo bulshada ka mid ah ayyaa waxaa is
baddalay aragtidoodii diineed iyo toodii siyaasadeed. Waxaa xiiso dheeraad
ah yeeshay duruustii ka bixi jirtey masaajidda iyo khudbooyinkii salaadaha
jimcaha. Waxaa bilowday dhaq-dhaqaaq iyo muuqaal diineed, waxaana abuurmay
jawwi Niqaash iyo dood watta. Erayo cusub oo diin xambaarsan baa kusoo
biiray sheekada iyo is-waraysiga dadka; xijjaab, indha-shareer, Akhwaan,
khuraafaad, qubuuri, iyo kuwo kaleba. Baal cusub ayyaa ku qormay taaariikhda
dhaqan-siyaasadeed ee Soomaaliya.
Akhristow, waxaa weli ii muuqda fasaladdii
aan ka fariisan-jirey dhismihii dugsigii sare ee Jamaal Cabdu-Nasir, walina
waa xasuusta magacyaddii macalimmiintii reer Masar ee wax noo dhigi jirtey.
Way ii sawirantahay siday astaantii ‘Allaah’ ee surnayd dhalada dhismaha
iskoolka Jamaal Cabdu-Naasir habeenkii u ifi jirtey. Waxaa dhismahaas dhan
walba ka xigay goobo muhimad gaara ku lahaa magaaladii Xamar. Masaajidkii
Isbahaysiga, aqalkii Umadda, taalladii Sayid Maxamed, iyo Dhagax-tuurba
waxay ahaayeen bar-til-maameedyo qaran oo sii-socod iyo soo-socod ba aan
arki jirey. Waxaa dhanka koonfur-bari iskoolka ka kulaalayey dhismihii Radio
Muqdisho, kii Matxafkii Qaranka, Masraxii, iyo weliba taaladii Xaawo-Taako.
Intoo dhan waxaa uga dhawaa gurigii SYL-sha oo astaan iyo xusuus u ahaa
curintii, halgankii, iyo dhalintii xornimadii Soomaaliya.
Bal malee daris-wanaaggii? Bal xasuuso
maalin-jooggii iy qaraabo-salaankii? Waxaa loo baroor-diiqaa wax abidkood la
tabi doono. Nabaad-guurka Xamar ku dhacay waa mid indheer-garad, waa mid
aqooneed, waana mid dhaqan iyo bulsheed. Waxaan tabayo oo xiisuhu ii hayyaa
waa quruxdii iyo qaayihii magaaladu lahayd iyo weliba dadkeedii firdhay,
Culumadeedii qaxday, aqoonyahankeedii guurey, iyo dhallinteedii han-jabtay.
Mee Shariif Cabdi-Nuur? Meese Sheekh
Cali-suufi? Oo mee sheikh Daahir?
Caadifadda aan Soomaaliya u hayyo waa mid
gun dheer. Si aysan qormadu iiga dheeraanse aan ku xiro gunaanadkan: Xamar
magaalo uun maahayn ee waxay xarun iyo astaan u ahayd dalkii mar Soomaaliya
la oran-jirey. Sida ugu dhow oon dareenkeyga ku cabbiri-karo waa su’aashii
xeesha deerayd ee Hadraawi.
Xayaabkii cir
da'ayeey
Daruur shalka xayddaay
Xulad geenyo ugubeey
Darmaan xoosh u dhalataay
Xil-dhibaanka nabaddaay
Xajkii Geeska Bariyeey
Cadceeddoo xab-bururtaay
Marna xabag barsheeddii
Nafta xiisa gelisaay
Xudduntii
dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Maxaad aniga oo xidhan
Lahashada xanuunka leh
Ii xusuusinaysaa?
W.Q. Liban B. Mohamud
libanmohamud@hotmail.com
- Liban
Beddel Mohamud wuxuu degganyahay nawaaxiga magaalooyinka Mataanaha ee
gobolka Minnesota.
Faafin: SomaliTalk.com | August 19, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
HOOYAA QOYS KU DHISNAA
Waa maanso cusub oo uu curiyey hal abuur Cusmaan Ducaalle Daahir,
waxayna si weyn uga hadleysaa...
Guji..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|