DILKII SULDAAN HURRE EE KALABAYR ¡V SANNAD GUURO 2AAD
Somali Peace Rally
sprally@hotmail.com
Arbaca, Agoosto 18 2004
SPR/INFltlk/M8/1092/2004
Gaakacyo, Somalia, Agoosto 17, 2004 - Somali Peace Rally ¡V maanta waa
sannad guuradii 2aad ee dilkii Suldaankii qaaliga ahaa ee ilaalada
Cabdullahi Yusuf ku dishay Kalabayr ¡VPuntland. Waxaa Suldaan Hurre u
dhintay, asagoo ka hor yimid kaligitaliye-nimada Abdullahi Yusuf iyo fakir
kiisa oo ka duwanaa kan Kornaylka oo keliya.
Waxaa la wada ogyahay in Cabdullahi joogay meel u muuqata goobta Suldaanka
lagu dilay asna lahaa amarka ilaalada sida waxashnimada ah ku dishay
Suldaanka.
Dhimashada dad door ah sida Suldaan Hurre iyo Col. Faarax dheere waxay
noqotay mid aanba la isweydiin ee aan ciduba baarin xaqiiqdeeda, maxaa
yeelay waxay xaqiiqdu farta ku fiiqin ninka sheeganaya inuu ka taliyo
Puntland. Caddaaladda Cabdullahi iyo xukunkiisa waxaa calaamad u ah inaan la
xirin ninka asag taageersan ee fal-dambiyeed gala, xitaa dilka Isim heer
qaran ah. Waxaa jirtay in Cabdullahi xabsiga Gaalkacyo iyo Burtinle ka sii
daayey dad dil loo haystay waayo waxay ahaayeen taageerayaashisa.
Maansha'allah, Maxamed Siyaad wuxuu noqon fardo kula carar marka Kornaylka
la bar-bardhigo.
Dilkii foosha xumaa ee Suldaan Hurre ma noqon doono mid la iska illaawo, waa
sida ay ku riyoonayaa Cabdullahi Yuusuf iyo xertiisuye. Waa qaddiyad ay u
taagan yihiin intii taqiin, intii baratay intuu dhintay inuu ahaa hal-yey
Somaliyeed, iyo inta u dhiidhida xaquuqul iinsaanka, ilaa caddaaladdu aragto
iftiinka waabberiga, lana keena gacan ku dhiiglayaasha maxkamad.
SPR waxay soo dhawaynaysaa maxkamadda kaga furan Kornaylka dalka UK oo
dhawaan gaartay guul la taaban karo. Taasi waxay keentay dareen ah inaan dad
la iska layn karin adduunkana la mushaaxi karin, aydoo weliba gacmahaaga
dhiig ka da'ayo. London,oo ahayd meeshii Suldaanku degganaa, waxay muujisay
dadaal loogu hambalyeyn karo. Waxaa SPR ugu yeeraysaa bulshada caalamka in
kiiska Suldaan Hurre loo dhiibo maxkamad xaquuqul iinsaan sida tan Caruusha,
si ay tusaale ugu noqoto tacaddiga ka dhacay Geeska Afrika.
Waxaan Somaalida uga digaynaa xasuus gaabni. Waa in laga digtoonaadaa qof
doonaya inuu wax ku xukumo xoog iyo qoriga caaraddiisa. Taasi waa tan meesha
ina dhigtay. Dilka culamaa'ul diin, aqoon-yahan iyo nin-door waa waxa
Somaliya maanta dhigay meeshay taal ¡V yaan dib loogu noqon wakhtigii
Sama-diidow iyo wax la mid ah.
Sultaan Hurre oo ahaa Isim heer qaran ah, iyo intii la mid ahayd ee loo
dilay gar-darrada siyaasadeed, waxaa ina la gudboon inaan u hiillinno, waa
Somalida damiirka leh. Waxa ina halligay waa ka aammus diktatoor ummadda
midba maalin qasha inta kalena ku fiirsato. Waa in dembiilayaasheennu inoo
calaamdaysan yihiin, ugu yaraan.
--------------
SOMALI PEACE RALLY
Galkaio City, Somalia, August 17th 2004
PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M8/1092/2004
Two Years After The Assassination of Sultan Hurre at Kalabayr
Galkaio City, Somalia, August 17th 2004 ?Somali Peace Rally ?Today two
years ago, on February 17, 2004, the great Sultan of Puntland,Somalia, Ahmed
Mohamed Hurre was gunned down by the special body guards of Col. Abdullahi
Yusuf, the brutal dictator of Puntland. It is widely believed that the
Sultan was assassinated because of his political views.
It is common knowledge to all the people of Puntland, most of the Somalis
and the international community involved in Somali affairs that Col.
Abdullahi sent the assassins who gunned down the Sultan point blank. Co.
Yousuf was few kilometres away from the site ofthe heinous crime ?the
Kalabayr village.
The death of many people, of which Sultan Hurre and Col. Farah-Dheere were
the most known, has simply passed as non event in Puntland. No finger was
lifted to investigate simply because the killer was the boss. This is Col.
Abdullahi's justice trade mark. Similar travesties in justice took place in
Gaalkacyo when murderers in a jail were let go by force and in Buurtinle
when Abdulllahi ordered the release of criminal who had committed murder in
a mosque, of all places.
This is Abdullahi justice trade mark - people are not equal and some can get
away with a broad-day light assassination. Alas, Siyad Barre would be a
saint in this regard.
Sultan Hurre's death is not simply going away as Col Abdullahi and his
cohorts dream. It is an issue that all Sultan Hurre's acquaintances, those
who did not know him but shocked by the killing, and the human rights
activists will keep pressing until justice sees the light of the day and his
assassins are brought before court.
SPR is welcoming the court procedure against the defendant (Abdullahi Yusuf
Ahmed) in UK. It is a tangible success that finally the Colonel came to
realize that he can not hob-nob the world with blood on his hands. London,
the Sultan's hometown, has fulfilled an obligation. SPR is asking the
international community that Suldan Hurre's assassination should go to the
crimes against humanity court as a test case for the Horn of Africa.
We have warned the Somalis that we should not have a short memory. We should
not support or accept someone who is fixed on ruling with the barrel of
the gun and brutal force. That is what brought us here. Elimination of
intellectuals, respected officers, religious personalities is where the down
fall of Somalia had started ? no more "SAMADIIDOW? Sultan Hurre, a high
profile Issim in Puntland and Somalia at large, and the rest of those who
were killed for political reasons, deserve a support from us ?we Somalis.