SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 


Haweeney  56 jir ah dhashayna 13 cunug aabe la'aan mudo 4 sano gudahood ah!.

Canab mumtaz
Somalitalk, Nairobi. 

Warbaahinta kenya ayaa xalay iyo saakay waabarigii si wayn u soo qaadayay muuqaalada haweenaydaas iyo caruuta ay dhashayba kuna tilmaamayay mucjisada ee ay ku dhashay da'da ay haweenku badi ku ilma daayaan iyo waliba iyadoo odaygeedi ay kala tageen. 

Haweenaydan oo jirta 56 sano waxaa lagu magacaabaa  Mrs.Eddah Onyango Odera, waxa ay odaygeedi kala tageen sanadkii 1999-kii iyagoo mudadaas ka hor isku dhalay laba caruur ah oo da'doodu ay tahay 31 iyo 32 jir, waxa ay la noolaayeen hooyadood iyadoo odayguna markii ay kala tageen xaaskiisa uu ka fogaaday waxii ka dambeeyay 1999. 

Haweenaydan waxa ay ku nooshahay magaalo u jirta Nairobi 30km. oo lagu magacaabo komorock, dadka dariska la ah ayaa ogaaday caruurta badan ee ay haweenaydan dhashay ka sokow da'nimadeeda hadana waxaa la yaab ku ahaa in aysan jirin wax ay u dhaxdo oo nin ah. 

Mrs.Eddeh ayaa lafteeda u sheegtay warbaahinta in ay aad uga naxsan tahay kuna tilmantay mucjiso iyadoo dhashay bishii juun ee sanadkan hadana ah xaamilo, waxa ay sheegtay in aysan qabin wax nin ah isla markaana ay kala tageen ninkeedi xiligaas waxii ka dambeeyayna ay aragtay mucjisadan ah in laba bilood kadiba uur qaado hadana dhasho. 

Mr.Odera oo ah ninka ay kala tageen haweenaydan ayaa sheegay in arrintan ay tahay wax lala yaabo oo mudjiso ah in haweenaydiisi hore ay dhasho caruurtan iyadoo aan waxba u dhalin ka dib labadaas caruurta ah ee waaweyn ayna kala tageen mudo ay ka soo wareegtay 4sanno. 

Booliiska amniga ayaa laba ka mid ah caruurtas haya iyagoo sheegay in ay tahay mucjiso haweenaydana su'aalo waydiinayaan. hooyada lafteeda ayaa damacsanayd in ay qariso caruurtan sida la yaabka leh ay ku dhashay. 

        MAXAY KA YIRAAHDEEN SOOMAALIDA ARRINTAN. 

Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa arrintan siyaabo kala duwan u fasirtay, qaar waxay hadal hayaan in ay tahay fal shaydaan, qaarkood waxa ay qabaan in arrintani tahay mucjiso xag ALLE ka timid una baahan cibra qaadasho, halka kuwo kale ay is waydiinayaan in ay haweenaydaan soo xaddo caruuta iyadoo baryahan dambe la sheegayay in caruur badan la iibsado balse guud ahaan waxa ay si wayn ula yaaban yihiin arrintan haba ku kala figarado duwanadeene. 

waxaa la maqli jiray haween dhala caruur badan hal mar laakiin haweenay laba bilba mar ilma dhalayso waa cajiib, waa  hadalada ugu badan ee ay hadal hayaan maanta soomaali iyo kenyanba iyagoo sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee la arko arrintan oo kale, Aqristayaal badana ay la yaab ku noqon doonto.

 canabmumtaz@yahoo.com

 Faafin: SomaliTalk.com | August 18, 2004


Dib u dhac kale oo Kuyimid Dhaarintii Baarlamaanka Soomaaliya
Wararka ka imanaya shirka Soomaalida mudada dheer uga socdey dalka kenya ayaa sheegaya in... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
April 2, 125
 
Quraan
BOGGA QURAANKA

. Siiradii Rasuulka scw
. Saxaabadii Rasuulka scw
. Ahmiyadda Salaadda
. Sakada Maalka
. Gudashada Ramadaanka
. Gudashada Xajka
. Cunto: Xalaal & Xaaraam
. Adigu Is Xisaabi

BOGGA DAYAX GACMEEDKA


SUNTA KU DUUGAN SOM.


XAMAR DAAWO DACALADA


MARAAKIIBTA XAALUFINTA


SHALAY IYO MAANTA ::SOM.

NEBI IBRAAHIM:::
1aad | 2aad :::
FURIINKA::: 1aad | 2aad
QOYSKA::: Qaybtii 16aad
::::::::
WARBIXINTII: Maxamuud Cumar Asad::: Xaaladda Soomaaliya Ku Sugantahay
Habeenkii ardayga soomaaliyeed ee reer Malaysia

BAYAAN: DALADA CULIMADA

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD