Jarmalka oo la sheegay in uu taaggeeri
doono Dawlad ka dhalata shirka Soomaalida.
18 August 2004
Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
Gudoomiyaha Ururka saaxiibtinimada
jarmalka iyo soomaalida ee fadhigiisu yahay magaalada farnkford ee dalka
Jarmalka Mr Ibraahim Cali Xasan ayaa waxaa uu sheegay in dawlada
jarmalka ay diyaar u tahay in ay caawiso dawlad ka dhalata dalka
soomaaliya iyo wax u qabashada bulshada soomaaliyeed. iyadoo dhinaca
kalana aysan ka quusanayn rajo marwalba ay muujinayaan.
waxaa kaloo uu sheegay Gudaamiyaha ururkan
oo dhowaan aan ku waraystay isaga oo ku sugnaa Magaalada London in ay
shir la yeesheen masuuliyiin Jarmal ah iyo ururada soomaaliyeed ee
dalkan oo ay kala hadlayeen dadaalka ay ugu jiraan nabadda isla markaana
ay ka qaybgalayaan shirka soomaalida ee la filayo in 19ka bishan la
dhaariyo xubnaha barlamaanka soomaaliyeed.
Horay ayaa ururkan intii u dhexaysay 7
February ee sanadkan ilaa 2dii March ay booqdeen shirka soomaaliyeed
xiligaas oo rajo wanaagsan laga qabay in la soo afjaro shirka hase
yeeshee uu dib u dhac ku yimid kadib markii cakirnaan ay soo wajahday.
Ururka Saaxiibtinimada Jarmalka iyo
Soomaalida oo loo aas aasay in uu caawiyo soomaalida dalkaasi waxaa
la'aas aasay sanadkii 1993 , waxaana xiligaas ay sameeyeen banaan baxyo
ay uga soo horjeedeen sharci kasoo baxay dawladda oo ku saabsanaa in
qofkii ka yimaada dal kale oo qaxootinimo soo doonta lagu celinkaro
halkii uu ka yimid.
Waxaa jira mudooyinkan danbe dadaalo ay
muujinayaan soomaalida qurbaha iyo ururada soomaaliyeed ee ka jira guud
ahaan dalalka yurub taasi oo ah dadaalka ay ku muujinayaan in la helo
dawlad soomaaliyeed oo ka dhalata shirka dib u heshiisiinta ee ka furmay
Nairobi 15kii October 2002.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | August 18, 2004
Dib u dhac kale oo Kuyimid Dhaarintii
Baarlamaanka Soomaaliya
Wararka ka imanaya shirka Soomaalida mudada dheer uga socdey dalka kenya
ayaa sheegaya in...
Guji
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|