DGPL oo Dacwad Kusoo Oogaysa Amiin Caamir...
Amiin Caamir oo Sawir Gacmeed ku muujiyey "Warshada lacagta ee Faroole"
iyo Puntland oo sheegtay in ay arrintaas u xilsaartay garyaqaan dacwad
ku ooga Amiin Caamir....
Madaxweynaha DGPL, C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shir
jaraa'id oo uu Boosaaso ku qabtay Feb 14, 2009 waxa uu si kulul uga
hadlay sawir gacmeed uu dhawaan sameeyey Amiin Caamir.
Sawir Gacmeedkaas
oo, sida hoos ka muuqata, uu Amiin Caamir ku muujiyey wax u eg warshad lacag soo
qufeysa oo uu si muuqata ugu dul qoray "Warshada lacagta ee Faroole".
Waxaana ku sawiran sawir qof gashan ama xiran dhar madduul leh oo dhahaya,
sida qoraalku muujinayo, "Puntland Dhaqaale Xumo ayaa ka
jirta ee Lacag la'aani kama jirto"
Dr.
Faroole oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri "Hawshii naloo xilsaaray (markii
aqlabiyad nalaku doortay) iyo ballaan qaadkii aannu samaynay,
barnaamijkii dawladda waxaa ka mid ahaa inayan dhici karin marna waxaan
dadka maslaxadiisa ahayn in aan laga shaqayn, waxaan xagga
dhaqaalaha wax weyn ka sheegnay, inaannu la diri doono sicir bararka,
lacago aan la daabaci doonin, cid soo daabacdana aanaan ogolaan dooni in
ay dalka ku daabacaan ama dibadda ay ka keenaan." Waxana uu intaas ku
daray "Dacaayado raqiis ah oo dad hadba qof inta dhawr doolar u tuuro
jaraa'id wax ku qorqora ama websiteyo wax ku qorqora, ama sawiro ayaa
dacaayad (borobagaando) raqiis ah meelahaas furaya ay ka mid tahay
ninkan Amiin Caamir la yiraahdo oo halkaan aad hadda sawirkiisa ku
arkeysaan."
Dr. Faroole oo hadalkisii sii watey waxa uu yiri "idinka ama cid kale
ha ahaatee waa ogolahay in wixii jira oo aduunka ka jira la baahiyo oo
dadka la gaarsiiyo, laakiin been abuur u dul qaadan meyno ama dibad
halaga sameeyo ama gudaha halaga sameeyee. Waa dacweyneynaa, Garyaqaanno
ayaanu qabsaneynaa, kana hari mayno waxyaabaha dacaayadda ah ee lagu
burburinayo horumarka dalka iyo nabad galyada iyo siyaasadda, ama
Soomaaliya oo dhan ha ahaato ama dawlad Goboleedka Puntland."
C/raxamaan Faroole waxa uu markaas weriyaasha u sheegay in wasiir ku
xigeenka Warfaafinta DGPL ay weriyaashu arrintaas si wanaagsanuga
waraystaan.
Waxa kale oo madaxweynaah DGPL uu ka hadlay mowqifkiisa ku aadan
doorashadii Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke loo magacaabay ra'iisul
wasaaraha DFKMG. Taas hoos ayaan ka dhegeysan doontaa.
Balse marka hore aan ku hakano hadalkii Wasiir ku xigeenka
warfaafinta, C/shakuur Mire Aaden uu siiyey warbaahinta oo uu kaga
hadlay dacwadda ay Puntland la tiigsaneyso Amiin Caamir. Hadalkii
Wasiirka oo SomaliTalk.com ay qoraal u rogtey hoos ka akhri.
Ama
Halkan
ka dhagayso Hadakii wasiir xigeenka ama
soo rogo
Waxa aan isugu kiin yeeray sida aad ka maqlayseen
warsaxaafadeedka madaxweynaha uu qabtay, in aan ku bayaamino khaladaad
iyo been-abuur ay saxaafadda qaarkeed samayso. Waad u jeedaan
farshaxanka Amiin Caamir waxa uu qoray taas oo uu ku muujinayo in
Puntland ay taal wershed lacageed, weliba uu ku sii caddaynayo wershedda
in uu leeyahay madaxweynuhu.


Sawirka Amiin Caamir. Isha sawirka
iyo xuquuqdiisa:
http://aminarts.com/feb_10_2009.html
Qoddobo kamid ah sharciga "Sharaf dilida/ ama Sharaf dhac ku
samayn qof" iyo ciqaabta ka dhalan karta oo gaareysa ilaa shan
sano oo xarig ah haddii ula kac loo sameeyo. |
Canadian
Defamation Law |
 Defamatory Libel
Definition
298. (1) A defamatory libel is matter published, without lawful
justification or excuse, that is likely to injure the reputation
of any person by exposing him to hatred, contempt or ridicule,
or that is designed to insult the person of or concerning whom
it is published.
R.S., c. C-34, s. 262.
Publishing
299. A person publishes a libel when he
(a) exhibits it in public;
(b) causes it to be read or seen; or
(c) shows or delivers it, or causes it to be shown or delivered,
with intent that it should be read or seen by the person whom it
defames or by any other person.
R.S., c. C-34, s. 263.
Punishment of libel known to be false
300. Every one who publishes a defamatory libel that he knows is
false is guilty of an indictable offence and liable to
imprisonment for a term not exceeding five years.
R.S., c. C-34, s. 264.
Punishment for defamatory libel
301. Every one who publishes a defamatory libel is guilty of an
indictable offence and liable to imprisonment for a term not
exceeding two years.
R.S., c. C-34, s. 265.
More: http://laws.justice.gc.ca |
Taasi waxay ka mid tahay been abuurka lid ku ah sharaafta jiritaanka
Puntland.
Halkan waxaad ku arkeysaan wargeysa jamhuuriya la yiraahdo in uu
isagu kaba sii af-dheeraaday oo uu ku sheegay in golaha wasiirada
Puntland ay go'aamiyeen wershed lacag ah oo lagu sameeyo Puntland
gudaheeda.
Waxaa yaab ah, bini'aadamku been wuu sheegaa, beena waa la sheegaa oo
bini'aamigu been wuu sheegaa, laakiin waxaa la yaab leh been aan sal iyo
raad lahayn in la sheego.
Waxaa jira website-yo caadaystay in ay sameeyaan been abuur lid
ku ah is-bedelka dhawaan ka dhacay Puntland.
Dawlad Goboleedka Puntland is-bedel ayaa ka dhacay. Dawladda Puntland
waxay ballan qaaday in lala diriro lacagta been abuurka ah taas oo
ragaadisay dhaqaalahii Puntland afartii sano ee la soo dhaafay. Waxaa
kale oo Puntland qorshaha barnaamijka dawladdeeda ka mid ah in aan la
keeni karin, mid dibadda laga keeno, gudaha Puntland aan lagu daabaci
karin.
Amiin Caamir waxa uu joogaa waddan sharcigu shaqeeyo dalka Canada.
Waxaannu ballaan qaadeynaa, "already" aannu la xiriirnay Garyaqaan. Waa
la yaqaanna website kasta meesha laga marti geliyo (host-gareeyo) oo
laga daabaco (post-gareeyo), waa la yaqaannaa cidda damiinatay ee iska
leh.
Amiin Caamir waxaannu ku dacwaan doonaa sharciga caalamiga ah waayo
waddanka uu joogo waa waddan sharciga la ilaaliyo, guud ahaana waanu
qabsanay qareenkii u doodayey Puntland. Waxaa laga rabaa xaqiijinta iyo
caddaynta qoraalka uu gacantiisa ku sawiray. Ma aha (waxa aan sheegeyno) wax been abuur ah oo
isaga ayaa ku saxiixan Amiin Caamir, website kiisana waa laga heli karaa.
Teeda kale waxaannu uga digeynaa dadka suxufiinta Puntland oo
magacyadooda ku nashra website yada qaarkood ee sameeya been abuur.
Suxufigu ma ahan qof caadi ah, waa qof masuuliyad saaran tahay.
Waxaa la yaab leh qofka qoraya Golaha wasiirada Puntland ayaa shir ku
gaarey, xaggee ayuu uga soo dhacay, daaqadee uga yimid. Warka waa la
raadiyaa waa la daba galaa, suxufiyuuntu xogo ayey helaan laakiin
suxufiyiintu ma gudbiyaan wax been abuur ah.
Been abuurka iyo sharaf dhaca dembiga ay leedahay ayaanu kula
sixaabtameynaa, ciddii gudaha joogta ee daabacda war aan sal lahayn -
xor ayaad u tihiin inaad qortaan wixii dhaliil ah, xor ayaad u tihiin in
aad wax sheegtaan, xor ayaad u tihiin in aad daba gashaan oo la xisaab
tantaan masuuliyiinta Puntland, laakiin qof in uu been inta uu meel
fariisto fekero siyaasad aan waxba ka jirin isaga oo dano siyaasadeed leh.
Waxaannu garan karnaa dacaayadda raqiiska ah ee Puntland lagu hayo,
isbedelkan cusub wuxuu la jaan qaadayaa ballan qaadkii lagu galay
doorashada, oo ah in wax badan laga qabto. Waad garan kartaan asbuucii
iyo dheeraadkii uu (Boosaaso) joogey madaxweynuhu waxaa la ballan
qaaday dhismaha wadada magaalada dhex bartankeeda marta, dhisid
cusbitaal. Waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay ceel la qodayey,
taakulaynta wax barashada iyo caafimaadka iyo dekedda intaba.
Waxaannu ku dadaali doonaa in ay dadku nala xisaab tamaan, xisaabtaas
oo ah in wixii aannu dhaliil leenahayna naloo sheego, wixii aannu
qabanayna nalagu ammaano, taasi macneheeda ayey tahay.
Waxaan uga digayaa suxufiyiinta Puntland in aanay ku simbiriirixan
khaladaadka, maxkamad ayaa la keeni doonaa cid alla ciddii war been abuur
ah samaaysa waana kula xisaabtami doonaa. Annaga waxaa noo fiican in aan
suxufiyiinta la sixaabtanno si sharci ah. Wasalaamu calaykum waraxmatullaahi Wabarakaatuhu,
ayuu ku gabagabeeyey C/Chaskuur Mire Aaden, wasiir xigeenka warfaafinta
DGPL.
Mowqifka Dr. Faroole ee ku aadan Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee DFKMG

Madaxweynaha DGPL waxa uu shirkiisii jaraa'id ee uu ku qabtay
Boosaaso kaga hadlay doorashadii Cumar Cabdirashiid loo doortay ra'iisu
wasaaraha DFKMG.
Halkan
ka dhegeyso hadalkii Dr. Faroole ama
Soo Rogo
Barnaamijka
Xukumadda Dawlad Goboleedka Puntland 2009-2012