Telefishanka Maraykanka ee CNN ayaa maanta (Nov 22, 2007)
barnaamij uu ka diyaariyey Soomaaliya ku sheegay in Soomaaliya arrimaha hadda ka
socda ay yihiin masuubo ay beesha caalamku iska ilaaween...
CNN mar uu ka hadlaayey ciidamada Itoobiya ee sida ba'an loogu
wax yeeleeyey caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxa uu ku tilmaamay "Ciidamo
Kirishtaan ah oo ku jira Dhul Muslim"..
CNN waxa uu sheegay in hal habeen Muqdisho lagu diley 110 qof,
sannadkana in tiro ka badan shan kun (5,000) oo qof ay ilaa hadda
sannadkan ku dhaawacmeen Muqdisho...
Kumanaan qof oo tabaalaysan oo
aan la ogeyn ama gaari karin meelaha mucaawinada in ay jiraan ayuu xusay
CNN..
Sawirada hoose ayaa ka mid ah filimka uu CNN ka soo duubay Muqdisho
iyo Afgooye oo ay ku sugan yihiin kumaan soo barakacay oo halkaas ay
macaluul ku haysato.