SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
YAA KA DANBEEYA KA UGAARSIGA MASAAJIDA?.
  • Faalladii SomaliTalk ee December 2004
    MASAAJID::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |

Masaajidkii Jaamaca [Isbahaysiga] | Muqdisho |
Sawirka Masaajida Afrika

Haddii aad ku nooshahay dunidaan guud keeda waxaad arkaysaa wax badan oo kaa yaabiya ama aad qaadan waydo marka hore, kadib aadba taas la qabsatide, Soomaalidii hore ayaa ahayd mid aad u ixtiraamta culimada amaba dadka Diinta u nasab sheegta iyagoo aad ugu dadaali jiray xaq dhowrkooda ilaa ay u sad-buriyaan wax walba, Waxaan xasuus taa marti soorkii Soomaalidii hore waxaa loogu hormarin jiray Culimada, Martida, Odoyaasha markaa ka dib ayaa reer guri isu hari jiray. 

Dhinaca kale waxaa jiray dad loogu yeeri jiray biri magaydo ama la magan galin jiray sida: Culimada, Dadka Da’dda ah, Dumarka, Ciyaalka, Martida iyo Xididka, dhanka Masaajida qofka wax kasta oo ay kala qabeen haduu Masaajidka ka galo waxay u arka yeen magan Illaahay oo ma taaban jirin. 

Waxaan uga goleenahay arar tan yar  in maanta faaladeenu ku saabsantahay “YAA KA DANBEEYA KA UGAARSIGA MASAAJIDA?

Hadaba Faalladeena waxaan ku qaadaa dhigi doonnaa haddii Eebe idmo dhowr qodob;

  • Maxaa kalifay inaan arintaan ka hadalo
  • Yaa ka ugaarta masaajida
  • Maxaa kala gudboon Ummadda Soomaaliyeed Qaybaheeda kala duwan dhacdooyinkaan
  • Jawaab Maxay Diintu ka qabtaa dilka qof Muslim ah siiba Masaajid dhexdiisa.

Maxaa kalifay inaan arintaan ka hadalo

Sida aad la socotaanba waxaa kusoo batay meelo ka mida Soomaaliya ugaarsiga dadka Masaajidka u socda, kujira amaba kasoo baxay, arintaan oo ka fajicisay amaba layaab ku noqotay dad fara badan oo Muslim iyo gaalaba leh, khaasatan Soomaalida, maxaa yeelay, haddii dhibaato dhacdo waxaa caadi ahayd in Masaajidka loo cararo, haddii xaggiisa laga soo cararo soo la yaab ma’han?. 


Masjid Arbaca Rukun | Muqdisho

Arintaan Ugaarsiga Masaajida ayaa soo bilaabatay xilligii ay  ka talinaysay wadanka Dowladii Soomaaliya ee Askarta ahayd oo laysay culimo owdiin diiday in lagu xadgubo diinta Illahay, xukuumadaasoo masaajidana dadka ka ugaar san jirtay qofkii xaqa cadeeya oo sheega wax iyaga ka dhana, iyadoo ay dhacday in xataa mararka qaar kood ay kabaha masaajidka la soo gali jireen iyagoo aan tukanayn una dan leh inay qof kala baxaan Masaajida, waxaa kaloo  dhacay ku xad gudubyo Masaajid, Markay sii tabar daraysay dowladii hore ee Soomaaliya, wayna isa soo taraysay Maalinba maalinta ka danbaysa, waxaan xasuustaa mudo hadda  laga joogo dhowr iyo tobon sano inaan arkay wiil yar oo gariiraya kadib markaan waydiinay maxaa kugu dhacay ma ‘aadan gaarin xilligii laleemada'e, wuxuu noogu jawaabay arin nagu riday argagax “waxay ahayd galab casarkii waxaan soo galay meel magaalo ah dad badan ayaa nooga yaacay masaajid, waxaan watay mid kamida qoryaha u dhaca daran dooriga waxaan kala is taagay ilinka kadibna waan ku bilbilay ilaa ortii iyo qayladii isla baxday dhiigiina qoodeeyey, galab taas ayey igu bilaabatay gariirkan.”

Bal aan aragno Markay dhacday dowladii, Soomaaliya oo dhana ay ku habsatay Masiibo caam ah, Waxaa dhacday falal dhan ka ah diinta Islaamka oo lagula kacayey dadka ahlu Masaajidka ah, iyadoo maalinba maalinta ka danbaysa ay kasoo daraysay ilaa uu noqday Masaajidku goob si sahlan loogu loogo dad qiima wayn ugu fadhiya Mushtama Soomaaliyeed, waana mida kaliftay inaan ku soo qaadano faaladeena bishaan, taasoo aan rajaynayno in dad badan ay baraarujin doonto Illaaay Idimkii.

Inta aynaan qoraalka qaybtiisa hoose u gudbin aan isha marino dhacdooyinkii dadka masaajidada lagu wax yeeleeyey. Akhir qormadan dhextaalka ah ee uu isku soo dubaridey Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile):

Dhacdooyin Naxdin leh oo la ururshay:

Dilalka dadka loogu gaysanayo masaajidda ayaa waxay noqodeen kuwo xadkoodii ka baxay, waxaanan soo qaadan doonaan deegaanno ka mid ah Soomaaliya, sida Buurtinle, Kismaayo, Diinsoor, Jawhar, Muqdisho oo ay ka dhaceen dhibaatooyin dadka loogu gaystay masaajidda, innagoo raacin doonnna fikradaha kala duwan ee ay ka qabaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee nabaddoonka ah. Akhir Qormadii Jantiile... 

Yaa ka Ugaarta Masaajida

Waa Su’aal Muhiima inaan wax ka ogaano cida caadada ka dhigatay falalkaan foosha xun in la ogaado si meel aan uga soo wada jeesano. Haddaan usoo dag dagno Jawaabta waxaa Masaajida ka ugaarta Sadex Qolo oo labo kamida Soomaali yihiin Mida kalana Laweheliyo, haddaba aan u kala qaadno sidan: 

  • Aano Qabiil
  • Qaadicul Dariiq
  • Itoobiya iyo Biidhi qaatayaal 

Aano Qabiil  

Aan ugu hormarino Aanada, waxay Caan ku tahay Soomaalidu haba kala bad satee in markii nin dilo nin kale loogu aar gudo mid kale oo ay hayb wadaagaan, hala dhasho ama ha ka dheeraado, arintaan oo ah Jaahil nimo meeshii ugu danbaysay, mudo dheerna soo jirtay oo ah arin guun ah ayna dhacdo in laba qabiil isugu baa ba’aan mararka qaarkood, waxay socotaba waxay soo gashay Masaajidii oo ninkii Aana doonka ahaa uu is yiri nin doorkii waa kaa Ilaahay caabudaya ee haduu dagan yahay yuusan kaa fakan, taas oo ku tusaysa fulaynimadooda iyo axmaqnimadooda inay xataa garan waayeen qof kujira Maganta Illhaay inay nabad galiyaan, mararka qaarkood waxaad is leedahay Malaha carabtii Jaahilaga (Islaamka kahor) ayaa naga dhaqan fiicnayd meelaha Qaarkood, maxaa yeelay waxay lahaayeen wax la yiraahdo magan oo qofkay magan galiyaan cid ku xadgubi jirtay majirin haday dhacdo, waxay ka bixin jireen jawaab mahadho ah, hadaba qofkaan iyo kan ugu kaal meeya waxay mudanayaan  waxaan u daynaynaa shiikha nala wadagaagaya Faaladan.

Dhacado ka dhacday Boosaaso ayaa ahayd Ruux ku socda Masjidka oo ahaa Sheikh ka Akhrin jiray Kutub masjidka Raxmo oo kuyaal Boosaaso kaasoo isagana lagu sheegay markii ay Boliska Degmada Boosaaso ay baareen Dhacdada in ay ahayd aano qabiil... Waakan C/fatax Jaamac oo ka warbixinayey dhacdooyinka kale ee ka dhacay aagga Boosaaso... Guji...

Qaadicul Dariiq 

Qolada labaad oo iyaguna caadaysatay waa kuwa aan ugu yeeray Qaadicul dariiq, Waxaa soo if baxaysa dhibaatooyinka ay leedahay Marka laga tago ku dhaqanka Diinta Sharafta iyo Saryna leh oo Qaadica ku xukuntay in la daldalo Tuugana Gacanta laga jaro, iyo haddii lawaayo maamul iyo kala danbayn kale oo lagu kala baqo, taas oo inagu aan ka goblanay, ayaa  waxaa dhiiraday tuugii oo markuu wax walba soo liqay oo uu xataa kasoo gudbay Qisada Caanka ah ee aad wada maqasheen ee  Kunasiibso laakiin aan u bixinay Kunaartag oo lasheego in lagu Naartagay dad Qashin fogaynaya iyo kuwa bakhti tuuraya iwm,  ayaa usoo gudbay dadkii Salaadaha u socday, siiba xiliga subaxii oo wali lagu jiro habeen oo ishu aysan si fiican wax u arkayn, si ay uga furtaan waxay wataan sida aad ku aragtaan dhacdooyinka qaybtood. 

Waxay aheyd afar iyo labaatankii bishii November 2004 markii wiil iyo aabihii oo wada socda kuna sii jeeda masjidul qadiim oo ku yaala xaafada calanleey ee magaalada kismaayo ay gacanta ku dhigeen niman dableey ah oo hubaysan isla markaana ay ula dhaqmeen si bini aadanimada ka baxsan.. Waakan Faysal xaaji siyaad muumin oo ka warbixinaya dhacdooyinka kale ee aagga Kismaayo... Guji...

Itoobiya iyo Biidhi (Biiri) qaatayaal 

Waxaa dhici karta in dad badan is waydiiyaan maxaa dhacay oo loogu soo darayaa  Itoobiyaanka, Soomali iyadaa is dhibaatay-naysay hor iyo abaatoba, waa dood fiican hadana waxaan la inkiri Karin marnaba xaqiiqada iyo dhacdooyinka loo hayo cadaymo. 


Masjidka Fakr ad-Diin sannadkii 1882 | Muqdisho

Sida aan la soco Soomaaliya burburkeedii waxaa ka faa’daystay wadamo kala duwan kalana ujeedo duwadan, kalana dano duwan, waxaa kamida wadamadaas Itoobiya oo iyana burburtay laakiin jabhadihii qabsaday ay ka dooroonayd kuwii Soomaaliya saday, ayaa markiiba Waxay fara galin dhinac walba ah ku sameeyeen dalka Soomaaliya, haday noqon lahayd Hubaynta kooxaha iska soo horjeeda, Qabsashada meelo ka mida Soomaaliya, Dhicida Hantida dadka Shacabka ah iyo Ugaarsashada dadka Diinta u nasabsheegta oo qoraalkeenu khuseeyo. 

Hadaan usoo daag dagno Cinwaankeena kusaab san labadan qolo oo is-huwan  maadaama uu nahagayo oo aanan kusii dheeraan Karin, Maxay tahay Cadaymaha loo hayo in Itoobiyaanku lug ku leeyahay Ka ugaarsashada Masaajida ama laynta Culimada iyagoo adeeg sanaya Caada qaatayaal Soomaali ah?, waxaan soo qaadanaynaa  Tusaalooyin kooban. 

Hargaysa waxaa dhacday in Shiikh Daahir uu ku xukumay dumarka jirkooda ka ganacsada Rajmin iyadoo Maamulkii Cigaal ee markaas jiray iyo dadwaynuhuba aad ugu riyaaqeen soona dhaweeyeen, hadaba aaway Shiikh Daahir, Shiikh Daahir waxaa laga qabtay Harta Shiikh waxaana qabtay Maamulka Zenaawi ilaa hadana meel uu jaan iyo cirib dhigay lama oga iyo raq iyo ruux toona, Hargaysa iyo cigaalna waxba kama oran.   

Tusaalaha labaad ee isna ku saab san isla aagaas waxaa jiray nin la yiraahdo Fu’aad Shiikh oo joogay Jigjiga ahaana Jaajuus kala reebay dadkii halkaa  safarka ku marayey isagoo ahaa nin loo shaqaalaysiiyey Jaajuusnimo, Muxuu samayn jiray Fu’aad?, Fu’aad wuxuu soo fuuli jiray Basaska isagoo isha marinaya dadka oo dhan bal cid leh astaan diimeed ama sune ka muuqdo, kadibna u farfiiqi jiray ciidamada loogu talagalay, halkaasna Baabuurta loogala haray dad badan oo masaafur ahaa kadibna  lagu dhibaateeyey.  

Waxaa kaloo jiray isaguna Shariif Dheere dadka qaarna u yaqaanaan Shariif Raamaale, kuna noolaa magaalada Dhagax buur oo isaguna ahaa Jaajuuz kale oo kaba dhib badnaa Fu’aadka ahaana nin u dhashay magaalada, kalana yaqaan dadka  magaalada dad farabadana ay u naf waayeen sababtiisa. 

Hadaan usoo kacno dhinaca Mudug, waxaa ka dhacday Magaalda Buurtinle in iyadoo lagu jiro Salaada Cishe lala beeg saday Bombo halkaas oo dad badan ku naf waayeen kuwa kalana dhaawac halis ah kasoo gaaray arintaana ay ka danbeeyeen Timawayn, waxaa kaloo dhacday in goor fiidkii ah lagu toogtay Faras magaalaha Gaalkacayo nin dhalin yaro ahaa oo kasoo baxay Masaajidka oo aan saas uga dheerayn meesha lagu dilay, sida loo dilayna ahayd, xabad afgalis ah oo wadnaha lagala beegsaday, walibana la sheegay in laga riday Bastooladaha nooca aan Qaylin, ayaa waxaa loo aaneeyey dilkiisa Itoobiya kadib markii ragii wax dilay lagula cararay Baabuurta dheeraysa mid ka mida si xuduudka loo dhaafiyo, Baabuurkaas oo uu lahaa nin kamida Ganacsatada Magaalada.

Waxaa xusid mudan in Maamulkii C/laahi oo markaas halkaas ka talinayey iyo Shacabka Gaalkacayo midna wax kasoo qaadin arintaan, waxaa kaloo intaa weheliya in aad loogu sheekaysto in magaalada Gaalkacayo ay joogaan Jaajuuzyo badan oo Mushaari ah lana yaqaano. 


Masjid C/casiis

Haddaan usoo talowno Muqdisho, dhacdooyinka ka dhacay waxaa ka dhacay falal isugu jira dil iyo qafaalasho lagu eedaynayo dad ay soo dirsatay Itoobiyaanka, sida Wadaadkii Oromada ahaa ee lagu dilay Muqdisho iyo dad lagu afduubaybay iyo kuwa kale oo lagu sigayba waxaana dhamaan loo riixayaa xagaas iyo Itoobiyaanka, dadka ay ku shaqaysanayso Itoobiya waxaan u daynaynaa xukunkiisa Jawaabta sheekha, Itoobiyana waxii nagala gudboon waxaan u daynaynaa akhris taha sharafta mudan, waxaan kaliya oo is xasuusinaynaa inuu maanta Caalamku noqday caalam wax qorid, mararka qaar koodna aad is leedahay waaba magaalo qura, taasoo aan ula jeedno in la qorayo cid walba waxay gaysato.

Waa tuma gacanta dahsoon ee wax ka ugaarsata Masaajiddada

Amiin Yuusuf Khasaaro ayaa wax ka weydiiyay qaabkee ayaa loo xallin karaa arintaan dilka masaajida, waxa uuna yiri Gen. Cali Xaashi Baraale: “Nin baa laba fallaar lagu soo riday, midbaa uga dhacday barida, midna waxay uga dhacday garabka, markaasaa la yiri war laba fallaarood tee lagaa gooyaa oo lagaa saaraa, markaasuu yiri war midda barida iiga taal iga bixiya si aan u fariisto, tan kale ha inoo dambeysee, haddaba ummaddu waxay u baahan tahay fadhi si loo helo qaran soomaaliyeed oo ah kan ugu muhiimsan ee ka hortagi kara kooxaha masaajidda ka ugaarsanaya”. Wuxuuna  sheegay in gooray ahaataba mar uun kooxahaasi lala xisaabtami doono.  Qormadii Amiin Yuusuf oo dhamaystiran ka akhri halkan.. Guji...

Maxaa kala gudboon Ummadda Soomaaliyeed Qaybaheeda kala duwan dhacdooyinkaan?. 

Marka ugu horaysa waxaa xusid iyo mahadinba mudan in ay dadaaleen Qayb ka mid culimda Soomaaliyeed oo iyagu bixiyey dadaal dheeraad ah, kuwaas oo sameeyey Maxkamado Islaami ah Meelo ka mida Soomaaliya, oo burcada iyo dadka wax dilayaba wax ka qabtay, iyagoo wax qabadkooda ugu danbeeyey ahaa soo qabashadii ninkii dilay Cabaas oo loo qisaasay, hadii ay helaana taageerada shacabkana wax badan qaban lahaa, walow aysan hagar daamo la’ayn. 

Su’aashan kore jawaab teeda hadaan soo koobno waxaa nala gud boon ixtiraamka goobaha illaahay khaaska u sheegtay sida Masaajida, iyo dadka u nasab sheegta haddii kale waxaa dhacaysa in ilaahay nagu salado dhibaatada hada aan qabno mid ka badan, aana ku koobnaanayn kii sameeyey oo kaliya. 

Ugu danbaytii waxaa inala gudboon inaan indhaha kala furno aana qiimayno wax yaabaha dhacaya inaysan ahayn wax loo dul qaadan karo,aana ogaano inaan wada saaranahay hal doon hadaan ku fiirsano kuwa hoose inay dalooliyaal Doonta, aan ogaano inaan wada halaag samayno dhamaan teen, sidaas waxaa ahaa macnihii xadiis laga wariyey Nabiga scw.

Waxaa inala gudboon hadaan nahay ummadda Soomaaliyeed ee 100% Islaamka ah; 

  1. Inaan hirgalino ku dhaqanka shareecada Islaamka si aan uga bad baadno khataraha waawayn.
  2. Inaan joojino islaynta guud ahaan gaar ahaana Masaajida.
  3. Inaan joojino u kaalmaynta kuwa falal kaas gaysta.
  4. Inaan sheegno ama soo qabano cid kasta oo ku kacda falalkaas, hadii kalena gacan ku siino cidii qabanaysa.
  5. Maxkamadaha iyo culimo owdiinka waxaan leenahay “Howl kama daali wali waa hogadii”.
  6. Hogaamada dhaqanka iyo cid kasta oo loo soo joogsanayo, waxaan leenahay waa banaan tahay kaalintii difaaca Masaajida Illaahay waana la idin soo fiirinayaa. 
Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa kuwo la socda xaalad walba oo ka dhacda dalkooda, markii ay maqleen in ay jiraan dad lagu ag dilay masaajidyada agtooda waxay ku abuurtaa la yaab aan la qiyaasi karin,waxayna is waydiinayaan waxa ku xigi kara hadii ay dhibaatadan iska sii socoto oo aan laga hadlin lana qiimayn raadka ay ku reebi karto mujtamaca soomaaliyeed mustaqabalka dhaw iyo kan fogba. Akhri qormadii canab Mumtaz... Guji...

Maxaa Lagudboon Itoobiya? 

  1. Itoobiya waxaa la gud boon inay ka waan towda ka faa’idaysiga burburka iyo dowlad la’aanta haysata Soomaaliya.
  2. Inay ka waan towdo ladagaalanka Masaajida iyo Culimada
  3. Inay garaysato inay horay noo dhex martay colaad guun ah, aana rumaysanahay inay aano yihiin falal keedu.
  4. Inay garay sato inay dad iyo dalba naga Gumaysato wali utuntooduna nagu taagan tahay.
  5. Inay ilaaliso xuquuqda daris nimada ee labada dal, Mustaqbalka fogna u fakerto.

Jawaab Maxay Diintu ka qabtaa dilka qof Muslim ah siiba Masaajid dhexdiisa. 


Ruuxii u Dila Mu'min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oos ku waari dhexdeeda, wuuna u Caroon Eebe wuuna lacnadi wuxuu u darbi cadaab wayn. Quran: 4:93 [Dhegeyso]

Ilaahay baa mahad leh waxaa noo suura gashay inaan helo Shiikh kamida Culimada ugu waa wayn Soomaaliya Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo jooga Garoowe Soomaaliya, kadibna aan wax ka waydiinay waxay diintu ka qabto ka ugaarashada Masaajida, jawaabtiina waxay noqotay sidan, Halkan ka dhegeyso  ama Halkan ka Dhagayso... Guji   

Faalladii SomaliTalk ee December

 

Wixii Talo iyo tusaalayn ah ee la xiriira faalladan waxaa lagala soo xiriiri karaa
Email: tifatire@somalitalk.com

###

Faafin: SomaliTalk.com | December 8, 2004 | Updated

AKHRI:::
Tixraac:::::::::::

ISHA SAWIRADA: Google & Yahoo Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD